SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


Waa wax lagu farxo, taageerana u baahan Go’aanada Maamul goboleedka Puntland.

Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com

Waxaa marka hore mahad idilkeed iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.


Kadib marki ay maalmahan danbe ay beelaha dega Puntland ay u duubteen inay taageeraan fikirka ah ku dhaqanka shareecada islaamka, oo gees ka gees waddanka loo wada guuxayay, ayaa wax aad loogu farxo waxa ah, go’aanada geesinimada leh ee uu maamulku qaatay oo ah inuu taageeray fikirka ah in Puntland dastuurkeeda udub dhexaad looga dhigo ku dhaqanka shareecada islaamka.


Arintaas waxey aad iyo aad uga farxisay dhammaan Qurbo ku noolka u dhashay puntland, waxaana leenahay Hambalyo, allahana idinla garab galo mowqifkiina wanaagsan, oo ah mid lagu guuleysanayo adduun iyo aakhiraba.


Sidoo kale waxaan cambaareynayaa dadka warxumo tashiilka ah, ee hor degaya go’aanada oranayana Cadde daacad kama aha. Waxaan leeyahay war yaa idiin dirsaday inaad xukuntaan quluubta dadka. Waxa wanaagsan in la dhowro oo aan la deg degin, lana taageero waqtigan xaadirka ah, waayo qarka waxaa loo saarnaa isku dhac iyo bur bur ay bur burto Puntland. Waxaan leeyahay Allaah ayaa mahad iska leh talada wanaagsan waafajiyay reer Puntland, nagana baajiyay burburki soo socday.


Sidoo kale waxaan ka codsanayaa maamulka Puntland in uu saxo khaladaadka jira, oo uu isku dayo inuu maamulka u dhiibo dad ku sifoobay { Allah ka cabsi, Cadaalad, Aqoon iyo Karti }. Waxaana qabaa in dad tayadaas leh ay aad ugu baddan yihiin deegaamadeyna, ee Cadoow baadi goob dadkaas.


Intaas ayaan hadalkeyga kusoo gabagabeynayaa, wixi aan saxo waxey u sugnaatay Allaah, wixi aan khaldana waa nafteyda iyo sheydaan.


Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com

Social Development Adviser

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2006


Khilaaf soo kala Dhexgalay DGPL iyo DFKMG
Khilaafkan cusub ayaa yimid kaddib markii madaxweynaha uu aqbalay soo jeedintii culumada Puntland ay... Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD