SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GAROOWE


Wararka Caasimada PL: Nov 7, 2006

  • Garowe: Duqa Caasumada Puntland Ee Garowe oo Suuq Cusub Xariga ka jaray.
  •  Garowe: Xero Lagu Bacrimin doono Digaaga oo la Dhagax Dhigay...
  • Caasimada Puntland waa Bosaso waxay ka dhigan tahay kutumashada dastuurka ee uu caadaystay Madaxwaynuhu...

Garowe: Duqa Caasumada Puntland Ee Garowe oo Suuq Cusub Xariga ka jaray.

Duqa degmada Garowe ayaa maanta (7/11/2006) xariga ka jaray suuq cusub oo dhawaan dhismihiisa ay dhistay Hayada Qaramada Midowbay u qaabilsan hormarinta Ee UNDP.

Suuq Cusub ayaa laga hirgaliyay xaafad cusub oo ka baxsan magaalada oo ay dadbani ku noolyihiin.

Suuqan oo sidoo kale ay qayb cusub ay dawlada hoose ku dartay ayaa waxaa uu magaalada Garoowe ku kordhinayaa horumar maadaama ay magaaladu horay u lahayd 2 suuq oo aad xaafadaha uga fog, ayna dhistay mid ka mid ah suuqyadasi Xukuumada DGPL halka kan kalena ay dhistay dawladii hore ee Somalia in kastoo uu bur buray mid kale oo uu noqday mid gabi ahaanba burburay, waxaana maanta durbadiiba suuqan cusub dagay oo ganacsigooda ku bilaabay hablaha ka ganacsada qudaarta iyo hilibka.

Duqa Caasumadda DGPL, C/qaadir Cismaan (food-cade), ayaa sheegay in dadkan ku ganacsanaya la siiyay kaarar ay ugu qoran yihiin goobo loo qoondeeyay oo ay bakhtiyaabnasiib ay ku heleen.

Waa Suuqii 3-aad oo ay yeelato magaalada Garoowe waxaana ka jira magaalada hada suuq yaraan wali waxaa jira xaafado badan oo u baahan in ay helaan suuq kuwaasoo uu aad uga fogyihiin 3da suuq ee hada ka jira mgaalada una baahan suuqyo iyaga u dhaw dhaw.

Maamulka cusub ee dagmada Garowe ayaa ballan qaaday in ay waxbadan ka qabanayaan isbadelka dhanka hormarka ee magaalada kaasi oo durbaba laga dareemay waxyaabaha uu maamulkani cusubi soo kordhiyay.

In kastoo aysan wali caasimada Puntland ee Garowe yeelan ama aan loo qoondayn miisaaniyadii ay xaqa u lahayd hadana hormarka taaba galinta dhanka bilicda caasimada waa mid iska soconaya loona baahan yahay in xukuumadu dhankeeda ka hirgaliso mashaariicda hormarka ee ay caasimadu uga fadhido xukuumada uu Cadde Muuse madaxda ka yahay.

Garowe: Xero Lagu Bacrimin doono Digaaga oo la Dhagax Dhigay...

Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Duqa Degmada Garoowe ayaa saaka (Nov 7, 2006) si wada jir ah u dhagax dhigay xero cusub oo la sheegay in lagu bacrimin doono Ukunta Digaaga.

Xafladii lagu dhagax dhigayay xerada oo ka dhacday duleedka magaalada ayaa waxaa ka soo qayb galay madax badan oo ka mid ah wasiirada DGPL oo ay ka mid ahaayeen wasiirka haweenka iyo Qoyska Mrs: Caasha Geele Diiriye, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Dhirta Daaqa iyo Deegaanka C/laahi Maxamed Barre , Duqa Degmada Garowe C/qaadir Cismaan (Foodcade) , qaar ka mid ah Xubnaha Deegaanka Degmada Garoowe, Maamulaha Jaamacadda Garoowe Puntland State University Siciid Aadan Cilmi , Aqoonyahano iyo Marti-sharaf kale ayaa ka qayb galay dhagaxdhigii xerada cusub ee lagu Bacriminayo Ukunta Digaaga.

Wasiirka Qoyska Mrs: caasha Geele oo hadal ka jeedisay ayaa sheegtay sida loogu baaha yahay in loo helo xero lagu xanaaneeye digaaga maadaama Ukunta digaagu ay tahay walax si wayn loogu baahan yahay islamarkaana ay haboontahay in laga faa iidaysto.

Duqa degmada Garowe C/qaadir Foodcade ayaa isna sheegay in Halki Ukun ah ay la mica tahay nin cunay kiilo hilib ah oo ay isku nafaqo yihiin kiilada hilibka ah iyo hal Ukun ah islamarkaana uu digaagu mudan yahay in indha dheer looyeesho xanaanadiisa oo aan laga fursan karin in la ilaaliyo islamarkaana la badiyo laguna dadaalo sidii loo beeri lahaa digaan fiyow oo dhan walba ka fiyow.



Mr.C/aadir Cali Salaad oo ah hawlwadeenka Mashruucaan lagu bacriminayo Digaaga ayaa warbixin kooban oo halkaasi ka jeediyay sheegay in Mashruucaan ay qiimayn (Assessment) ku samaynayeen muddo 3 sano ah , si loo helo xog dhamaystiran oo looga gudbo carqalad kasta oo ka hor-imaankarta Mashruucan.

C/qaadir wuxuu sheegay in Ukunta digaagu ay tahay mid taxadar u baahan maadaama Ukunta wakhtigeeda ama jiritaankeeda oo dhan ay tahay muddo 12 maalmood ah haddii ay dhaafto maalmahaasi aan la cuni-karin.

Siciid Aadan Cilmi (S.Waayeel) ayaa sheegay in Mashruucan haddii sida la doonayo uu u hirgalo uu noqon doono mid wax-wayn dalka ku soo kordhiya , maadaama iminka makhaayadaheena waawayn laga cuno oo aad iminka ugu tagayso Ukun laga keenay dalal shisheeye sida Yaman taa soo aan la aqoon wakhtiga ay dhacayso iyo waxa laga soo sameeyay.

Caasimada Puntland waa Bosaso waxay ka dhigan tahay kutumashada dastuurka ee uu caadaystay Madaxwaynuhu...
 
mudanayaa iyo murwooyin waxaan idin ku salaamaynaa salaanta islaamka A/S/L/C.
 
Salaan kadib dhamaan ka soo qaybgalayasha shir saxaafadedkaan looga hadlayo madaxwaynaha puntland oo caadaystay burburinta tastuurka DGPL.
Mudanayaal iyo marwooyin waxaan idin la socodsiinaynaa markii puntland la dhisayay in loo dhisay sadex gole oo siman oo kala ah golaha xukuumada, golaha garsoorka, golaha wakiilada, sidaad ogtihiin wuxuu baabi'iyay golihii garsoorka wuxuuna hoos geeyay golihiisa xukuumada oo uu isagu madaxwaynu u yahay. WARKA OO DHAN... GUJI...


A/rizak koronto
Garowe Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2006

Xisbiga Ramaas oo si kulul uga horyimid Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha DGPL
SomaliTalk oo waraysi la yeelatay Guddoomiyaha xisbga Daahir Ciiro Guji

Gen. Cadde: "Boosaaso waa Magaalo Madaxdii...."
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo magaalada Galkacyo kaga qayb galay shir ayaa sheegay in...  Guji...

Websiteka PuntlandGov ma waxaa leh DGPL mise shirkadaha Heshiiska kula ah macdan Qodista
Website cusub oo aan la garanayn cida uu u diiwaan gashan yahay ayaa... Akhri...

Madaxweynaha DGPL oo Wasiirkiisa Maaliyadda ku eedeeyey Hanti Lunsasho...
Gen. Cadde Muuse oo la hadlayey golaha baarlamaanka Puntland oo Talaadadii ka furmay Garoowe ayaa... Guji...

Daahir Ciiro: Khudbadii Gen. Cadde oo xoogga saartay soo celinta dhacdadii Majayahan
iyo talo lagu soo jeediyey in madaxda Puntland dhaqaalahooda la xisaabiyo si loo ogaado xubin kasta dhaqaalaha ay leedahay... Guji....

Warbixin: Jawrfalka lagula kacay Ardayda Dugsiga Sare ee Gambool - Garoowe
Ramaas Ciiroiyo Warsaxaafadeed: Xisbiga Ramaas oo Dhaliilo iyo Talooyin usoo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada DGPL Guji... Oct 27

 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD