SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GALKACYO


Wararkii: Axad Nov 12, 2006 
Waxaa isku dubaridey:

Cabdirisaaq Aadan koronto Garowe Puntland Somalia

  • Galkacyo: wararkii ugu danbeeyay ee dagaalkii saaka (Nov 12) ka dhacay aaga Bandiiradley.
  • Galkacyo: Madaxwaynaha DGPL Gen: Cadde Muuse oo wata 50 Gaadiidka dagaalka oo galabta afka saaray aaga hore ee dagaalka Bandiiradley.
  • Garowe : Puntland oo eeda dagaalkii Axada dusha u saartay maxaakiimta. 

Galkacyo: wararkii ugu danbeeyay ee dagaalkii saaka (Nov 12) ka dhacay aaga Bandiiradley.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa xaqijinaya in caawa ay gabi ahaanba gacanta ku hayaan degmada Bandiiradley ciidamada taabacsan maxaakiimta Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkii saaka (Axad Nov 12, 2006) ayaa waxa uu dhexmaray sida la xaqiijiyay ciidanka maxaakiimta iyo kuwa Col: Cabdi Xasan Calwaale ( qaybdiid) in kastoo cabdi qaybdiid uu taageero ka helayay kuwa Puntland iyo Ethiopia oo ku sugan jiida hore ee dagaalka, warku waxa uu intaa ku darayaa in cabdi qaybdiid lagaga itaal roonaaday dagaalkii Axadii islamarkaana laga qabsaday 3dex ka mid ah gaadiidkiisii iyo tiro kale oo ciidamadiisa ka tirsan waxaa lagu arkayay gudaha Bandiiradley, 3 ruux oo ku geeriyooday dagaalka in kastoo aan wali sifiican loo xaqiijin dhinaca ay ka soo jeedaan.

Maxaakiimata ayaa durba sheegay in ay ku guulaysteen dagaalkii Axadii islamarkaan ay gacanta ugu jirto iyaga Bandiiradley, Maxaakiimtu waxay dagaalkaas sidoo kale ku eedeeyeen Maamul Gobaleedka Puntland in uu weerarka gardarada lahaa ee uu soo weeraray barahooda isla markaan ay iska caabiyeen sidifaaceena..

Sidoo kale maxaakiimta ayaa sheegay in dagaalkii saaka uu kaga yimid 3dex waji oo kala duwan, waa sida ay hadalka u dhigeen'e, maxaakiimta ayaa sheegay in Cabdi qaybdiid oo kaashanaya Ciidanka Puntland iyo kuwa Ethiopia oo dhinac ay weerarka dagaalka lahaayeen iyagu islamarkaana ay kaga itaal roonaadeen dagaalkii saaka sidaasna ay gacanta iyaga ugu jirto Bandiiradley waa sida ay hadalka u dhigeene.

Dagaalkii Axadii ayaan ilaa iyo hada wax war ah oo rasmi ah lagahayn tirada dhaawac iyo dhimasho iyo sidoo kale gaadiidka lakala qabsaday sidoo kalena lama xaqiiin khasaaraha soo gaaray halkii lagu dagaalamay ee Bandiiradley.

Waxaa ka taagan aaga jiida hore ee dagaalka cabsi dagaal maadaama ay ku baxeen ciidamo badan oo uu wato madaxwaynaha DGPL Gen: Cade Muuse oo wata gaadiid dagaal iyo ciidan badan. 

Galkacyo: Madaxwaynaha DGPL Gen: Cadde Muuse oo wata 50 Gaadiidka dagaalka oo galabta afka saaray aaga hore ee dagaalka Bandiiradley.

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in uu halkaasi galabta oo Axad ah Nov 12, 2006 casar diiqii ka ambabaxay madaxwaynaha DGPL Gen Cade Muuse oo wata 50 Gaadiidka iyo ciidamo badan oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta DGPL.

U ambabixida Madaxwayne Cade Muuse iyo Ciidankiisa ayaa keeni karta in ay ka sii darto xiisada dagaalka ee Bandiiradley oo ay gacanta caawa ku hayaan Ciidamada taabacsan kuwa maxaakiimta Muqdisho oo saaka ku qabsaday dagaal aan sidaasi u sii waynayn oo aan gaysan khasaare badan islamarkaana aan dhiigbadan ku daadan.

Madaxwaynaha DGPL ayaa subaxnimadii Axada ku sugnaa xarunta Puntland ee Garowe markii ay gacanta ku dhigayeen maxaakiimtu Bandiiraday waxana uu markiiba u anbabaxay magaalada Galkacyo isaga oo wata raxan ka tirsan ciidankiisa dagaalka.

Lama saadaalin karo sida ay wax u dhici doonaan balse dadka ku sugan tuulooyinka u dhaw dhaw aagga ay hadda ka taagan tahay colaadu ayaa sheegaya in aysan xaaladu fiicnayn islamarkaana uu dagaal dhici karo maadaama ay labada ciidan ee maxaakiimta iyo kuwa Puntland ay kaabiga dagaalka isku saaran yihiin.

Wali majiraan dad kacararaya dagaal lakiin hadii dhibi timaado dhabaqa dhimatay nin walba waxa uu afka saarayaa aag uu is dhihi karo waa aad ku badbaadaysaa.

Dagaalada ka soo cusboonaaday Gobalka Mudug ayaa keeni kara in ay ka sii darto xaaladii nabad raadinta dalka somalia iyo sidii la isugu keeni kari lahaa dhinacyada isku haya siyaasada dalka somalia horayay ayay dawlada somalia ugu eedaysay maxaakiimtu in ay burinayaan heshiisii khartuum oo ay jabiyeeen qodobkii xabad joojinta oo ay hurinayaan durbaan colaadeed. 

Maxaakiimta ayaa eedamaymahaas ku tilmaamay kuwo wax kama jiraan ah , ayag aoo sheegay in arrinta biyo kama dhibcaanka ah ay tahay in maxaakiimtu aysan cidna ku duulin balse halkii looga yeerto ay ka soo jawaabaan. 

Garowe : Puntland oo eeda dagaalkii Axada dusha u saartay maxaakiimta. 

Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Mashaariicda Tamarta Bosaso..
Muxamed Axmed Xaashi (Al-Qaadiri) ayaa ka digey in.. Guji...

Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada, Waxgaradka iyo Ganacsatada G/Mudug
Baaqaas oo shacabka & maamul Goboleedka Puntland ugu yeeray in ay ku xukuntamaan kitaabka Alle... Guji

Baaq ay soo saareen Culumaa'udiinka, Waxgaradka iyo Ganacsatada  G/Mudug...
ayaa tibaaxay taageero siinaya in...
Guji...

Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday magaalada Laascaanood

Beesha Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo

Wasiirka warfaafinta DGPL Cabdirixmaan Banka ayaa ku eedeeyay maxaakiimta Muqdisho in ay dagaal gaadmo ah ku soo qaadeen ciidamadooda jooga aaga hore ee dalkaallka balse buu yiri ay iska caabiyeen iskana difaaceen wasiirak ayaa eeda dagaalka duhsa uga tuuray kuwa maxaakiimta waxana uu yiri wixii dhib ah ee ka dhaca Bandiiradley iyo aageeda waxaa eeda dhibkaas qaadanaya kuwa duulaanka ku ah dhulka nabada ah oo uu ula jeeday maxaakiimta Muqdisho waa sida uu hadlaka u dhigaye.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdirixmaan Bankax ayaa ka mid ahaa waftigii u raacay madaxwaynah DGPL Gen: cade muuse magaalada Galkacyo  kagadaal markii laga soo sheega aaga galkacyo in ay ka dhacayaan dagaalo u dhexeya maxaakiimta iyo kuwa Col: Cabdi qaybdiid oo taageero ka helaya kuwa DGPL.

Wasiirka oo warfidiyeenada kula hadlayay gudha galkacyo ayaa sheegay in ay hada ciidamada puntland ku sugan yihiin meelahoodii islamakraana ay lawaregeen goobo kale oo aysan awal horay u joogin sidoo kale wasiirka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in gaadiid dagaal iyo maxaabiis laga qabsaday puntland waxana uu yiri beentu meel gaari mayso ninkii been sheegana waa nahaab kaadib ah oo ilaah iyo islaamba ka furta diintana ka beensheegay wadaadadu waxay sheeganayaan wadaado hadana waxay ku hadlayaan hadalo been ah waana arin la yaab leh in nin wadaad ah uu been fariimo warkiisa.

Xaalka ka taagan ayaan ilaa iyo hada si waadixa u caday waraka ugu danbeeyay ee aaga dagaalkuna waxay sheegayaan in ay hada is horfadhiyaan ciidamada maxaakiimta iyo kuwa puntland oo isu jira masaafo yar oo il qabatin ah walow aysan wali dagaal labada dhinac ee maxaakiimta iyo Puntland uusan dhexmarin tan iyo intii ay maxaakimtu ku soo biireen fagaaraha maslaxa siyaasada Somalia islamarkaana ay ka itaal roonaadeen qab qablayaashii dagaalka ee somalia.

Wararka ayaa isa sootaraya lamana saadaalin karo sida ay wax isku badalaan iyo sida ay wax u dhici doonaa waxaase laga cabsi qabaa waa dagaal dhexmara ciidanka maxaakiimta iyo kuwa puntland.  

Wixii warar ah ee ku soo kordha dhacdadan insha allaah u tooghay shabakadan SomaliTalk.com

C/rizak Aadan koronto Garowe Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 12, 2006

Beesha Leekase oo Labo Bayaan ka soo saaray (Galkacyo & Minneapolis)

  • Galkacyo: culuma’awdiin, aqoonyahano, waxgarad, Nabadoono, Ganacsato iyo Dhalinyaro reer Leelkase ah oo ku sugan Magaaladda Galkacyo

  • Woqooyiga Ameerika: Waxgaradka iyo culimada iyo dhaliyarada beelaha Muumin Aadan  {leelkase} ee North America ayaa bayaan kasoosaaray Minneapolis..

  • Halkan ka akhri labada Bayaan....


Wararkii: Nov 11, 2006

  • Galkacyo: Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya oo ku soo fool leh Gaalkacyo ee DGPL.
  • Xaafuun: Care International oo qalab doonyo ah ugu deeqday Kaluumeysatada Xaafuun.
  • Badhan: Biyo la'aan ba'an oo laga soo shegayo Degmada Badhan.
  • Yemen: C/Laahi Yuusuf oo Gaarey Sanca
  • Boosaaso: Digniin ka soobaxday Agaasimaha Mashaariicda Tamarta Bosaso.
  • Garowe: Xisbiga Mucaaradka ah ee Ramaas oo soo saaray bayaan uu ciwaan uga dhigay Dalka iyo dadku uma baahna majaajilo.
  • Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI...

Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Mashaariicda Tamarta Bosaso..
Muxamed Axmed Xaashi (Al-Qaadiri) ayaa ka digey in.. Guji...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD