SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO


Boosaaso: Digniin ka soobaxday Agaasimaha Mashaariicda Tamarta Bosaso.

Digniin  si waadix ah ugu socota madaxda Puntland, isla markaana lagu wargalinayo shacabka Puntland ayaa ka soo baxday Agaasimaha Mashaariicda iyo Tamarta Puntland  ee ha'yada PSAWEN ayna u qornayd sidatan: 

WAKAALADDA XOOGGA KORONTADA UMADDA
XAFIISKA AGAASIMAHA MASHAARIICDA TAMARTA

REF:-_____________ DATE:- 7/11/006

  • KU, GOLAHA WAKIILADA SHACABKA D,G,P,L GAROOWE
  • KU, WASAARADA SHAQADA IYO SHAQAALAHA GAROOWE
  • OG, MAXKAMADA SARE EE D,G,P,L GAROOWE
  • OG, XEER ILAALIYAHA GUUD D,G,P,L GAROOWE
  • OG, MADAXWEYNAHA DOW, GOB,P/L GAROOWE
  • OG.-WASAARADDA HOWLAHGA GUUD &GAADIIDAKA GAROOWE
  • OG.-PSAWEN GAROOWE
  • OG.-GUDDIGA ASTAYNTA DOWLADDA GAROOWE
  • OG- SAXAAFADDA MADAXA BANNAAN RUGTOODA

UJEEDO: CABASHO, IIBINTA WAKALADA XOOGGA KORONTADA UMMADA BOOSAASO  & QARDHO.

Sidaad la wada socotaan waxaa la asaasay W,X,K,U Boosaaso iyo Qardho sanadkii 1987--1988, waxayna ahaayeen mashaariic deeq macaawino ah oo dowladda DENMARK ay ugu deeqday SOOMALIYA, waxaana fuliyey HAY'ADA DANIDA, waxaana qandaraas ku qaatay shirkada BWSC DENMARK.

W,XK,U,Boosaaso waxay shaqo bilowday 1kodii apriil 1989 iyadoo xilwareejintii Soomaliya iyo Denmark ay la kala wareegeen 300 oo guri saacado koronto gelin .magaalada oo yareyd aweegeed.

Waxaa la ii soo magacaabay mamulaha WXKU Boosaaso Juulay 1989, anigoo ah Muxamed Axmed Xaashi (Al- Qaadiri) , waxaan la galay heshiisyo koronto siin warsheddii mataanta la ahayd WXKU Boosaaso NEK-FISH, SACES, IYO GIMBAR, oo kala dhisi jirey dekedda iyo waddada .

Waxaa xusid mudan mashruuca oo loogu tala galay in la kabo miisaniyadiisa 3 sano wuxuu isku bixiyey 4 bilood gudahood, wuxuuna noqday mashruuc isku filan oo is wada dhaqaalaha iyo farsamadaba ( SUSTAINABLE SUFFICIENT) xaaladdaas oo ilaa iyo hadda uu ku socdo oo aan cidina kabin, hay'adaha dowladduna aysan bixin isticmaalka korontada oo lagu yeesho bishiiba 500,000,000 Sh,So taas oo niyad jab ku ridey gudoomiyahii PSWEN Eng Abshir Muuse Siciid oo caafimaad ugu maqan dibada.

Isla markiiba waxaa dhacay burburki dalka 1991 iyada oo aan la keenin dayac tirkii loogu tala galay in ay wershadahaasi ku shaqeeyaan shanta sano ee qorshaysnaa , welina waxaa lagu leeyahay qandaraslayaashii BWSC..

Shaqaalaha iyo maamulka labada warshadood waxay naftooda u hureen difaaca iyo socodsiinta wershedahaas oo u shaqeynaya ilaa iyo maanta si habsami ah sidii loogu tala galay mudo 17 sano ah oo aysan habeen demin.

Horumarka xad-dhaafka ah ,dhaqaalaha ,nabadgelyada waxaa hooyo u ah oo hogaamiya korontada joogtada ah oo haqab la,aanta ah oo raqiiska ah Bosaso Qardho.

Dayac tirka wershedahaas iyo dhismaha deyrka ku wareegsan WXKU boosaaso waxaa naga kaal meeyey ilaahay mahadiis anaguna u mahad naqaynaa hay,adaha kala ah DUTCH GRANT HOLLAND, WFP, GTZ, UNSOM, GENERAL HOWE., CARE INTERNATIONAL NAIROBI oo ay dhammaantood ku baxday lacag dhan $164,749.(Dollar).

Burburkii ka dib waxaa kordhay shacabkii deeganka ,dhismaha, wershedaha yar yar ,Hoteelada , deegamada waaweyn , iyo barakac dadweyne oo gobollada ka yimid oo buux dhaafiyey magaalada Boosaaso nabadgelyada darteed, waxaana markaas loo fidiyey adeeg koronto xataa buushashka. waxa ammaan iyo abaal marinba leh shaqaalaha farsamada iyo maamulka oo waajibkooda u gutey si daacadnimo iyo xilkasnimoba leh.

Haddana waxa maamulka iyo shaqaalaha WXKU Boosaaso iyo Qardho ku guuleysteen mashruuc ballaarin iyo dib u habayn korontada Boosaaso iyo daraasaad koronto fidin Garoowe iyo Gaalkacayo ( rehabilitation, and expansion of Boosaaso electricity and visibility study Garowe, Galkacayo) oo ay ku deeqday barlamaanka Denmark mashruucaas oo socon lahaa 3 sano 1999-2001 maalgelintiisuna ay dhammayd $7.800.000.

Nasiibdarro mashruucaasi waxa uu ku baaqday is afgaran waa dhex maray DGPL iyo hay,adii fulin lahayd oo ahayd UNDP , oo dalkaba laga saaray mas’uulkii ugu sareeyey hay,adaas Gobolada Puntland ( gardheere).

Kaddib waxaa soo baxay dillaaliin iyo ganacsato doonaysa in ay la wareegto wershedahaas hantida ummadda ah oo keligood ka badbaaday hantidii qaranka oo weli shaqeynaya , dowladduna waxay ka baaqsatay sidii ay u soo celin lahayd mashruucaas qiima galka ahaa ee baaqday.


"Waxayna dowladdu hadda u soo gudbisay Golaha Wakiillada DGPL in wershedahaas WXKU Boosaaso iyo Qardho lagaga iibiyo qiimo aan macquul ahayn oo iskaraab oo kale ah , shirkad aan horay uga jirin DGPL oo lagu magacaabo SOM TEC. Qiimahaas oo lagu sheegay W.X.K.U ee Boosaaso $300,000.(Dollar)"
Muxamed Axmed Xaashi (Al- Qaadiri)


Waxaana lagu mashquulay sidii looga dhigi lahaa hanti gaar ahaneed, dhowr jeer oo aan is hortaageyna sidii sanadkii 2000 oo la i xiray ilaa 6 jeer bilaa sabab ( ILLEGAL ARREST WITH OUT WARRANT) kadibna waxaa DGPL ay xoog iiga qaaday mas’uuliyadii iyadoo aanan bixin wax xil wareejin ah.

Waxayna dowladdu hadda u soo gudbisay Golaha Wakiillada DGPL in wershedahaas WXKU Boosaaso iyo Qardho lagaga iibiyo qiimo aan macquul ahayn oo iskaraab oo kale ah , shirkad aan horay uga jirin DGPL oo lagu magacaabo SOM TEC. Qiimahaas oo lagu sheegay W.X.K.U ee Boosaaso $300,000.(Dollar)

Xaquuqda shaqaalaha loo soo gudbiyey ma aha mid macquul ah oo ay ku qanci karaan mana laha tixgelin iyo sheer toonna ,kumana saleysna shuruucda shaqada iyo shaqaalaha lagu xaq siiyo hay, adaha madaxa bannaan,

Aniga oo ah qareen iyo mas’uulkii shaqaalaha inta dhimatay inta ku dhaawacantay, inta nool, iyo inta caafimaad koodii ku weydey, gacan ku haynta iyo difaaca hantidaas ummadda. Waxaan u soo jeedinayaa Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha in ay xaquuqdooda sharciga ah ugu soo gudbiso Maxkamada sare iyo xeer ilaalinta guud ee DGPL.

Ma garowsan karo annagoo soo badbaadiney hantidaas ummadda in lagu wareejiyo hanti gaar ahaaneed iyo shirkad magac u yaal ah oo aan hanan karin adeegga iyo horumarinta warshedahaas , waxayna wareejintaasi bah dil iyo qiimo dhac ku tahay halgankayagii 17 sano ahaa iyada oo si bareer ah loo curyaamiyey harumarinta wershedahaas si loo fuliyo dan dad yar, danta guud iyo dadweynihii iska lahaana aan la tix gelin

Sidaas darteed waxaan codsanaynaa in laga fiirsado sababaha loo daliishanayo iibinta hantidaas ummadda oo uu san sharcigu oggolayn , oo loo raadiyo mashaariic horumarineed, iyadoo hay,adaha kaalamada bixiyaa ay ku kal soonyihiin wax qabadka iyo maamulka saldhigyadaas korontada oo aan la inkiri Karin. Mamulka iyo shaqaalahuna waxay sugayaan abaal marin caalami ah ( Nobel Prize).

Agaasimaha Mashaariicda Tamarta PSAWEN
Muxamed Axmed Xaashi(Al-Qaadiri).


XUQUUQDA QORAALKA [COPYRIGHT]... AKhri

Ogeysiin:

Madaxwaynaha DFKM ee Soomaaliya = Baydhabo=
Wasiirka Tamarta DFKM ee Soomaaliya = Baydhabo=
DANIDA Denmark = Copenhagen=
Danish Refugee Council = Bossasso=
UNDP Garoowe = Garoowe=
Somali Aid Coordination Body (SACB) = Nairobi=
Danish Embassy in Nairobi = Nairobi=
Guddoomiyaha Gobolka Bari = Bossasso=
Golaha Deegaanka Bossasso = Bossasso=

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 11, 2006
Soo tebintii C/Risaaq Koronto, Garoowe, Soomaaliya

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD