SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL
Daabaco Boggan | Print
Baaq ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan ka soo saareen Bosaso, Puntland Somalia
Beeluhu waxay go,aansadeen in ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka si buuxda, kana dhigtaan Manhaj iyo Dastuur... GUJI...

Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey Maxkamad Islaami ah
waxayna ugu baaqeen ummadda ku dhaqan gobolada Puntland in ay sidaas oo kale qaataan shareecadda Islaamka... Guji...

Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka reer Puntland ee Minnesota
Baaqan waxa uu DGPL ugu yeeray in ay hirgeliso kudhaqanka shareecada Islaamka iyo in ay... Guji...

Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo & Minneapolis
culuma’awdiin, aqoonyahano, waxgarad, Nabadoono, Ganacsato iyo Dhalinyaro reer Leelkase ah oo ku sugan.. Guji...

Digniin ku socota madaxda PL oo ka soobaxday Agaasimaha Mashaariicda Tamarta Bosaso..
Muxamed Axmed Xaashi (Al-Qaadiri) ayaa ka digey in.. Guji...

Sheikh Jaamac Cabdisalaam  oo Xaqiijiyey Baaqii Culumada, Waxgaradka iyo Ganacsatada G/Mudug
Baaqaas oo shacabka & maamul Goboleedka Puntland ugu yeeray in ay ku xukuntamaan kitaabka Alle... Guji

Baaq ay soo saareen Culumaa'udiinka, Waxgaradka iyo Ganacsatada  G/Mudug...
ayaa tibaaxay taageero siinaya in...
Guji...

Beesha Bah-Ararsame oo Maamul Islaami kaga dhawaaqday magaalada Laascaanood

Beesha Reer Khalaf oo Taageertay Maxkamaddii Laga Furay W/ Gaalkacyo

Khudbadii Cadde Muuse ka jeediyey Gaalkacyo  Nov 5, 2006



BAAQ KU WAJAHAN KU DHAQANKA SHAREECADA ISLAAMKA GEYIGA PUNTLAN  OO AY SOO SAAREEN BEESHA ISMAACIIL SALEEBAAN.  

Shirar iyo wadatashiyo isdabajoog ah oo ay yeesheen, Culimaa'udiinka, waxkaradka, Aqoonyahanka iyo dhalinyarada Beesha Ismaciil Saleebaan, waxay gorfeyeen markii ay darseen isbedelada Dabeysha Caafimaad xanbaarsan ee Shareecada Islaamka dalka ku faafaysa oo ay gaartay Beeshu Go'aamadan in loo soo jeediyo Maamul Goboleedka Puntland.

  1. In Maamulka Puntland qaato ku dhaqanka Shareecada Islaamka, isagoo mudnaanta siinaya rabitaanka shacabka Deegaanka iyo Beelaha Puntland.
  2. Beesha Ismaciil Saleebaan waxay ku dhawaaqday qaadatayna ku dhaqanka Shareecada Islaamka, iyagoo gacana siinaya kuna taageeraya cidkasta oo Soomaaliyeed oo wada fikirka Alle Kitaabkiisa iyo Xukunka Islaamka
  3. Wax in laga  qabto burburka dhaqaalaha Ummadda Puntland lagu hayo ee Madaxda Maamulka ay ku tasarufayso, fasahaad badana uu ka jiro, oo ay si qaldan u maamulaan Madaxda Dhaqaalaha Dawlada u xilsaartay.
  4. In la tixgeliyo Culimaa'udiinka Puntland, lana qaato talo soo jeedintooda, iyagoo aan la caburin, lagana qaato soo jeedinta ku dhaqanka Kitaabka Alle.
  5. In Garsoorka iyo Maxkamadaha Puntland Dawladda Cadde Muuse Isbedel shareecada waafaqsan ku sameeyo.
  6. In dib loo saxo dhismaha Golayaasha Deegaanka Gobolka Karkaar iyo Bari oo hadda si qaldan la waafajiyey dhismihiisa degmooyinka intooda badan.
  7. Wadatashi iyo Shir guud oo looga arinsanayo qaadashada Shareecada Islaamka in Beelaha Puntland isugu yimadaan si walaalahooda Koonfurta Soomaaliya u midoobaan.
  8. In laga saaro Geyiga Puntland Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan hadda gudaha Puntland
Hadda gebagabadii waxaan ku boorinaynaa inuu Maamulka Puntland ka hor imaan rabitaanka Beelaha iyo shacabka Reer Puntland ee ku dhaqanka shareecada Islaamka, taasoo loo arko daawo Dadka Soomaaliyeed lagu badbaadinkaro.

Wabilaahi Towfiiq

Dadka ku saxiixan Bayaanka
  1. Nabadoon Cabdi Ugaas Aw Axmed
  2. Nabadoon Ismaciil Cumar Guuleed
  3. Nabadoon Saciid Cali Galan
  4. Nabadoon Abshir Saalax Maxamed
  5. Nabadoon Saciid Maxamuud Axmed
  6. Nabadoon Muuse Mxamuud Yuusuf
  7. Caaqil Yuusuf Xaliye Samatar
  8. Caaqil shire  Cali Muuse
  9. Ayaanle Muuse C/dalle
  10. Axmed Daahir Maxamed
  11. Baxwal Cali dheere
  12. Maxamuud Saciid Aadan
  13. Faarax Saciid Jaamac
  14. Maxamed Cumar Guuleed
  15. Cismaan Cajab Guuleed
  16. Raage Cali Jaamac
  17. Khaalid Abshir Saalax
  18. Ciise Faarax Cabdi
  19. Garre Saalax Waloow
  20. Maxamuud Cusmaan Dheere
  21. Dayib Cali Axmed
  22. Bshiir Cusmaan Maxamed
  23. Maxamed Cusmaan Maxamed
  24. Saciid Ciise Faarax
  25. Muuse Faarax Axmed
  26. Guure Maxamuud Ibraahin
  27. Maxamed Cumar Guuleed

 WabilaahiTowfiiq 

kala soo xiriira wixii faahfaahin ah

Xiriiriyaha Beesha Arrimaha Shareecada Sheekh Axmed Yuusuf Aadan

Email: Salmaan0000@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2006


ONLF oo Digniin u jeedisey Shirkadda Lundin ee reer Sweden
Kaddib markii Ethiopia ay heshiis 25 sano ah Lundin kula gashay in ay shidaal ka baarto "Gobolka Soomaalida"...
Guji..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD