SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
07 January 2009.

JWXO oo u digtay sharikada Patronas
Itoobiya oo ansixisay sharci NGO-ga lid ku ah
Dadwayne ku Xiran Jigjiga oo Qaar ka Mid ah la Sumeeyay.
Ciidamada Itoobiya oo Geel badan Xero Oodey
Gudoomiyaha H/arimaha Gudaha iyo Amniga ee jwxo N/Hure Cabdi Cabdullahi oo ka warbixinaya xaaladaha Ogadenya iyo mida halæganka
======================

JWXO oo u digtay sharikada Patronas


JWXO ayaa soo saartay qoraal ay ugu digayso sharikadaha isku dayaya inay hawlo batrool qodis ah ka billaabaan dalka Ogaadeenya, iyadoo sheegtay inayna marnaba oggolaan doonin in dalka Ogaadeenya Gaas ama Batrool laga soo saaro inta dadkii dalka iska lahaa loo diiddan xaquuqda aaya ka talineed.

JWXO waxay qoraalkan ku sheegtay ina ayna marnaba u dul-qaadan doonin haddii ay dhab noqoto in sharikada Patronas ay shidaal qodis ka billaabayso Ogaadeenya.

JWXO waxay uga digtay sharikadaha damaacigu kaga jiro inay shidaal ama Gaas ka qodaan dalka Ogaadeenya, inay haddaba ogaadaan in Ogaadeenya ay tahay goob dagaal ka socdo, taliska gumaysiga Itoobiyana aanuu gacanta si buuxda ugu haynin, isla markaana aanuu xaq u lahayn inuu heshiisyo shidaal qodis ah la galo sharikado kale, sababtuna ay tahay in taliskaasi aanuu matalin dadwaynaha Ogaadeenya.

Qoraalkan waxaa lagu soo gabagabeeyay in sharikada Petronas loo arkayo mid ka qayb qaadanaysa xasuuqa iyo gumaadka uu gujmaysiga Itoobiya ku hayo dadwanaha Ogaadeenya haddii ayna wax ku qaadanin digniintan.

Itoobiya oo ansixisay sharci NGO-ga lid ku ah


Baarlamaanka ku sheegga Itoobiya ayaa ayaa ansixiyay sharci ay dunidu aad uga dhawaaqday, oo mamnuucaya in ururrada NGO-gu ay ka hadlaan arrimo ay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha, sinnaanta iyo xal u-helidda isku dhacyada siyaasadeed.

Sharcigan, oo wadammada reer galbeedku ay mar hore uga digeen xukuumadda Itoobiya, ayaa dhigaya in ururrada gargaarka iyo kuwa NGO-ga loo yaqaano ayna marnaba faraha la gali Karin arrimaha ay ka midka yihiin xuquuqda aadanaha, arrimaha sinnaanta dadka iyo diimaha, xuquuqda carruurta, xal u-raadinta isku dhacyada la xidhiidha arrimaha siyaasada iyo denbiyada dagaalka.

Ururrada arrimahan laga mamnuucay inay ka shaqeeyaan waa ururrada shisheeyaha ah, hase yeeshee waxaa sidoo kale laga mamnuucay inay arrimahan ka shaqeeyaan ururrada maxalliga ah ee dhaqaalaha y ku shaqeeyaan 10% ka badan ka hela waddanka dibadiisa.

Sharcigan, oo in muddo ah laga dooday, ayaa ujeedadii loo sameeyay waxay ahayd in ururrada samafalka ah laga mamnuuco inay ka hadalaan ama ka shaqeeyaan arrimahan aan kor ku soo xusnay.

Xubin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah, oo u warramayay wakaalada wararka ee AFP, ayaa sheegay in sharcigani uu yahay aalad uu xisbiga talada haya ee EPRDF u siticmaalayo cadaadinta cid kasta ama urur kasta oo uu ka baqayo inuu awoodiisa liiliijiyo.

Xukuumadda Itoobiya waxay hadda ka hor dagaal adag la gashay ururrada samafalka iyo xuquuqul insaanka ka shaqeeya ee gaar ahaan ka shaqayn jiray Ogaadeenya, iyadoo guud ahaanba ururradii caalamiga ahaa ee gayigaas ka hawlgali jirtay ay waddanka ka cayshisay, arrintaasoo si wayn loogu canbaareeyay.
Dadwayne ku Xiran Jigjiga oo Qaar ka Mid ah la Sumeeyay.
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in Dad wayne badan oo ku xirnaa magaalada Jigjiga ee Maamulka Deegaanka Xarun u ah la siiyay cunto sun ku jirto.

Arrinkan ayaa la ogaaday kadib markii mudo 10 bari ah loo diiday in la booqdo maxaabiista halkaas oo la baarayay cunto sun ku jirto oo dadka qaar la siiyay ilaa hada ma cada cida dhabta ah ee ka danbaysa arrinkan.

Dadkan ayaa qaar ka mid ah la geeyay Hosptal balse loo diiday in dadku ogaadan arrinkan ayaa la sheegay inuu ka soo yeeray nin ka mid ah Illaalada Xabiska


Ciidamada Itoobiya oo Geel badan Xero Oodey



Wararka naga soo gaaraya Gobolka Doollo ayaa sheegaya in maalmahan ay Ciidamada gumaysiga Itoobiya ay magaalada Wardheer kusoo xareeyeen Geel gaaraya ilaa 1000 halaad iyo xoolo kale.

Geelan la Xero Oodey ayaa waxaa iska leh nimanka lagu kala magacaabo Moxamed Ali Cagarog, Moxamed Barre, Cabdilaahi Xaashi Cagarog iyo Ilma Sh Muuse.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xoolahan dadkii lahaa qaarkood ay Ciidamada Itoobiya ku laayeeny deegaanada Gobalka Doollo hoos yimaada mudo aan dheereyn.

Geela ayaa ah halbowlaha dhaqaalaha ee Ogadeniya, xukumada Itoobiyana ayaa in badan lagu eedeeyey xasuuqa dadka iyo duunyada ku dhaqan Ogadeniya.



07 January 2009

Halgan Guuleed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 25 MB iyo 31 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Khamiista & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS