Waa suugaan taxane ah lasoco isbuuc
kasta...
lasoco suugaanta abwaankii waynaa
alaha unaxariistee abwaan mujaahid ismaaciil mire"
Maanta waxaan xusaynaa gabyaagii
weynaa ee la odhan jirey ISMAACIIL MIRE oo ahaa gabyaa soomaaliyeed,
oo door weyna ka soo qaatay, siiba xilligii daraawiishtu ay la
dagaalamaysey gumeystihii ingiriiska. hada gabyaagu wuxuu kudhashay
deegaanka laasadaar oo udhow buuhoodle 1882,gabyaagani ayaa xustay
gayadiisa taariikhda insaanka waxaa dhowaaan gabayadiisa lagusoo
qaatey jaamacada khartoum qaybta sugaanta in ay kamnoqdaan gabayo
kamid ah manjahka tacliimiiga kuliga suugaanta ama adabka manhaj ka
mid ah, Hadaba inkastoo aynaan taariikhdii ISMAACIIL MIRE halkan
kusoo koobi karin,maanta waxaanu soo qadanaynaa labadii gabay ee
isbuuc kasta aanu ka qaadan lahayn maanta waxaanu qaadanaynaa 2gabay
ee kala ah. taleex iyo ibbsi lacageed. markaa maanta waxaynu soo ban
dhigayaa labadaas gabay waxaana kubilaabay sida. gabayga uguhoreeya
waa sida magaciisuma waa taleen anagoo naal.
Annagoo taleex naal: Ismail Mire
Gabayga aan kor ku tilmaamay, wuxuu
ahaa warbixin, uu Ismaaciil Mire, ka mariyey dagaalkii ay isaga hor
yimaadeen Daraawiishta iyo Ciidankii Ingiriiska ee uu ammaanduulaha
ka ahaa Richard Corfield. Dagaalkaasi wuxuu ka dhacay goobta loo
yaqaan Ruuga ama Buurta Dulmadoobe, 9kii Agoosto, 1913kii. Gabaygu
waa warbixin ka warramaya sidii dagaalka loo qaaday ama loo
abaabulay, sidii loo duulay, weerarkii iyo sidii xoolihii looga soo
dhacay qoladii lagu duulay, dhimashdii Koofil, iyo ugu dambaystii
soo noqoshadoodii iyo saamigii geela. Ismaaciil Mire, wuxuu ugu
warramayey Sayid Maxammad iyo Qusuusidii Daraawiishtii kadib markii
ay xoolihii keeneen Xaruntii Daraawiishta ee Taleex iyo gacan laga
soo jaray Corfield. Gabaygu wuxuu ka mid yahay gabayada nooca ugu
sarreeya. Qofkii bartaana uu aqoon weyn ka heli karo. Wuxuu Yidhi
Abwaankii:
- Annagoo Taleex naal jahaad
taladi soo qaadnay,
- Toddobaatan boqol oo
Darwiish togatay neef doorka,
- Sayidkeennu tii uu na yiri
Torog ku heensaynnay.
- Wareegada waxay uga tawalin
yaan wax kaa tegine,
- Sibraar caana geel loo
tabcaday Talax ku sii maallay,
- Misna tawlka qaalmaha
niniyo tulud u soo saarray.
- Ilaahay ha tabantaabiyee
noogu tacab khayrka,
- Shakadaha intuu noo tamilay
tiisa nagu waani,
- Tiirkii Rasuulkiyo sharciga
toog ku wada fuullay.
- Galabtaa taxaabiyo kadlaba
toobiyaha qaadnay,
- Habeenkii fardaha waw
turnaye taag ku sii mirannay,
- Tun biciida lagu qoofalyoo
xamashka loo taabay.
- Goortii ay Talaaduhu
dhaceen talalayoo reemay,
- Tixda gabay kolkii aan
akhriyey toosi niman jiifay,
- Tiraabkaygu meeshu ka baxay
la isku soo tuumi.
- Salaaddii markii loo
tukaday yaari kaga taagnay,
- Togga Ulasameed dooyadii
horay u tuuryaynnay,
- Intay Timacad noo soo
arkeen marada noo taage.
- Sengeyaal tabaadihiyo gool
weerarka u tooxnay,
- Sidii Teyse rooboo onkoday
tiririgtii yeedhay,
- Teeriyo Berbera qayladii
tahan la waydaaray.
- Tiiraanyo ololkii dhulkii
taani naga qaaday,
- Tafwareemanmaynine intaan
tubay ku aanshaaday,
- Taambuuglayaaliyo kuway
tebaysey soo gaare,
- Annaguna dagaal kama tagnee
tiimbad ugu rooray.
- Tala xumada awrtuu xiray
baqi tarraarsiinnay,
- Girligaanku meeshu turqaday
lagu tu'sii geela,
- Tirsanmaynin uunkii tirmiyo
Tulushle Iiddoore,
- Turjubaannadii daba socdiyo
Koofi lagu toogay.
- Maadhiin turaabtaa ka badan
tuurta kaga qaadnay,
- Gaaladu waxay tacab lahayd
taabnay subaxaaba,
- Tukihii intaan niman u
waray tobanle soo qaatay.
- Galabtaa carraabada ku
timid Turugga Buuhoodle,
- Gebagebo u tooxnoo Kufriga
Maarre kaga teednay,
- Habeenkaa ninkii tabar
badnaa tarantarree gaarka,
- Habeen kalena Taxaasheey
Nugaal Godan u tuuryaynnay,
- Habeen kalena Tuuraha
Cadduur toolin kaga maallay,
- Habeen kalena tagaabeeye
iyo tu'innay Hayllaawe,
- Habeen kale Dariiqada
tubnoo toosan lagu qaybsay.
- Toban gool tabaadiga
noqdiyo toban unuun-gooyo,
- Iyo toban tiftii hore
rimayoo taawi lagu qooqshey,
- Iyo toban abeer tawl ahoo
tikhilka qaalmooda,
- Iyo Toban irmaanoo aniga la
igu taageeray,
- Iyo taan eryoon jirey
kolkay toban tahaan joogto,
- Tookh laguma faaniyo afaan
taabbud noqonayne,
- Intaa Xarunta soo tubay
xaqaa lagu tanaadaaye.
- Warka Tuurre waa laga hayaa
taniyo Iimeeye,
- Waa Xamar tarraaroo haddana
taab ku sii daraye,
- Taltallaabsigiisiyo kadlaha
tabo kalaw dheere.
- Kolay toban riyaad tahay
adduun waydin tirayaaye,
- Tunkaana waan ka soo
xirahayaa Timirki dheeraaye,
- Ma baddaa tuldaha loola
kici Tuurre naaxsadaye?
- Tafantoofka gaalkuu u dilay
waa tix geliyaaye,
- Suuldaan Ruunna loo tebi
inaan tuuladii gubaye,
- Tulud uma godlaan reeruhuu
tawl ka saanyadaye,
- Anigana tis bay galay
intaan col ugu taagnaaye,
- Tima soohanloow Eebbahay
kuma tabaaleeyo.
Gabayadan oo aad iyo aad uga
helidoontaa haduu ra bi idmo hadaba gabaygan xiga ila eeg akhristoow
Iibsi Lacageed: Ismaaciil Mire
----------------------------------------------
Noloshiisa inteeda badan, Ismaaciil
Mire, waxa uu ahaan jirey Darwiish. Intaas uu darwiishka ahaa,
shuqul magaalo iyo sida loogu dhaqmo dhegtuu kala socdo mooyaane,
wuu ka indho la'aa.
Mar baa se jirtey taariikhda gashay
oo uu Ismaaciil u safarsaday adhi magaalada Burco. Gabaygan soo
socdaana taas ayuu ku saabsan yahay.
Maalintii uu Ismaaciil Adhiga Burco
u ka xaynaayey ayaa dad deriskiisa ihi adhi u sii dhiibteen, kulana
ballameen waxa uu gooyo in uu ugu soo gado raashin iyo waxyaale kale
oo oo miyiga looga bahanaa. Ismaaciil markuu Burco galay ee u hoydey,
ayuu salaaddii adhigii uu wadey kula kallahay sayladda xoolaha.
Muddo yar dabadeedna dillaaliin
ayuu kula heshiiyey in ay adhiga u iibiyaan. Dabadeed dilaaliintii
ayaa arkay in uu Ismaaciil ka dhego xidhan yahay shuqulka wax loo
iibsado, dabadeed dilaaliinti waxay ku heshiiyeen in Odayga la dhaco.
Markaa lacag yar oo uu Ismaaciilba qawedey taas oo aan u dhigmin
adhigii ayaa layidhi qaado.
Reerii uu u safray markii uu ku soo
laabtay isaga oo fara madhan, ayaa dadkii xoolaha lahaa Isamaaciil
ka waraysteen xoolii halkay mareen, markaa isagoo ka waramaya waxa
laga filayo iyo waxa uu sidaa siday u kala fogyihiin, ayuu gabaygan
yaabka iyo qoslkabaleh curiyey.
Gabayga hadii aan si kale u idhaa
halay saxo, anuu sidaan u maqlay waa sidan.
- Nimanyahow awow iyo awow
iyo abkaan sheegto
- iyo aniga abidkay ma arag
iibsi lacageede
- Adduun buu lahaan jirey
raaggaan ka isirraa waaye
- Ololahaan wax kaga qaybsan
jirey ululuf duullaane
- mar uun baan amaamuday
waxaan aabahay faline
- afar waxaan u dhaxay
tuuladii awrta loo raraye
- albaabkii Burcaan tegey
anoo aaladii sida eh
- Amminkiiba lay yimid sidii
eegta lay yahaye
- Ooggii horey nagu kaceen
adhi dillaalkiiye
- Dar iimaanka laga qaaday
baa noo aloogsadaye
- Amankaagay goortay wankii
adhaxda tuujeene
- Inta weeye iyo maahadii la
is ilaaqaayey
- Asaraartankii baa qalbiga
aad wax ii dhimaye
- Afka reer magaaluhu yaqaan
waan ka oodnahaye
- Ii-maroojihii bay khatalay
kii aan aaminaye
- afar bawlad laga gooyey bay
igu aluubeene
- Anigoo arkaayaa gacmaha
laygu iibsadaye
- kuwo boqonta ood laga
sudhay ila ahaayeene
- usha, jeedal iyo suufaf bay
igu illaaweene
- Ashcaartaba rag baa iga
badshee idinku weydiiya.
Qaybtii
2aad ee Silsilada Ismaaciil Mire... Guji
diyaarintii c/rizaaq A.adan ali
kaneec
{
abdirizaqkaneec}qoraa
xaga taariikhda iyo cilmi ga bulshada