SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAANSADII XASAN NUUR

Xasan Maxamed Nuur
SRG14@jubiimail.dk


Danab

Danab waa maanso ka curatay Silsilada Doodwanaag ee uu bilaabay Maxamed Cali Cibaar. waxay soo baxday 18. May. 2004. Waxaa curiyey Xasan Maxamed Nuur oo ah qoraa degan Denmark.

Qaybihii hore ee Silsilada Doodwanaag intoodii badnayd waxaa lagaga hadlay hogaan la'aanta iyo dhibaatooyinka baahay ee soo maray welina ay sii muquurayso ummada Soomaaliyeed, hadaba Danab waxay is waydiinaysaa, waxgaradkana waydiinaysaa bal in wejiga la bedeli karo oo la abaabulo kacdoon iyo afgembe lala beegsado xaqdarada, laguna soo furto xaqa afduuban.

Sidii riyaadaasi ku rumoobi lahayd, Danab waxay dhabarkeeda ka tuurtay wixii qoon iyo xasuus xun ahaa, waxay doodwanaag, maslaxaad iyo is magansi ka dhex furaysaa dadka wixii waran iyo weji gabax uu dhex jiray, waayo, waxay la gebi dhaclayn doontaa siyaasadaha isku lidiga ah, gudbanayaasha iyo goolaaftanka, sidaa awgeed lama duuli karo hadii aan la helin hogaan garasho iyo hanaan leh, lamana hiigsan karo hadaf aan isku duubni lahayn.

Danab waxay dab iyo baaruud ku tahay hogaan ku sheega maanta qaybahooda kala duwan oo aan laga sugahayn inay sii kala qaybsamaan mooyaane inay laba dib u midowdo. Waxaa curyaamiyey afkaaro iska soo horjeeda, dano shakhsiyaad, wareer iyo iska daba wareeg ay ka guulaysan karaan oo keliya hogaan midadysan iyo kacdoon dadwayne oo isku duuban.

Maansadu waxay wadaa Dhaliil iyo Dhiiri gelin, Guhaan iyo Guubaabo...
Danab waa weji cusub oo afkaarteeda xambaarsan, waxay si xeel dheer u aragtaa caqabadaha baaxada leh ee ka horeeay hadafkeeda.

Sikastaba ha ahaatee Danab ma gabato waxaa ujeedadeeda dhextaal u ah "hogaan Gobanimodoon iyo Guul" waa saddex gadood ah waa: Hogaan, Kacdoon iyo Guul.

Danab waxay tidhi:

Dood-daydu waxay tahay, diiwaan ha lagu dhigo
Duunyada is daba maray, daafaha isaga timi
Duudkooda maqaniyo, danahooda kala tegay
Darandoori kaba daa, deelqaafka lagu dhigay
Dawliskaa dadkii maqan, daalaco wax dhacay
Duluflaha an deeqsiin, danaheeda sugi’ karin
Daacad waaga odaygee, deebtiisa daashada
Doqon iyo ninkii dagan, dhabash leeya xadhigaa

Diihaalka kama tiro, daadihis iskaba daa
Di’i waayey roobkaa, lagu riiqay dayr-kaa
Deegaanka Yaaheel, duulkaa abaarsaday
Dayac baa naf duudsiyey, sadaqada ma dayrshaan
Waa madal la tiigsado, lagu dumo wixii dihin
Dalab iyo isduunduun, duunkooda laga digay
Dayacaa is daba quban, dabinada ha laga jaro
Dar-xumada dad baan wadi, darajada ma lagu helo

Daafaha is door biday, doonyaha is daba maray
Dunidaa la kala tegay, meehanowga magansade
Duul lagu maxaafsado, daawadiisa weeyaan
Dalan-dooli iyo ducuf, daasadaha moqorofka ah
Diindiinka uu raray, diihaalka lagu rogay
Daadihi siduu degi, miciyahaa is dhaafee
Diinnaarka ii duub, digigixasho iyo damaq
Doofaar nin laga dhigay, daddafaynta lagu diray

Dagaal laga macaashiyo, dakharada halala dhaco
Dila, aniga igu daa, weeraradan wax kala diray
Derbigii la taagaba, daandaansi daba roga
Maatada la daba guray, dugaalkood la kala dilay
Dunidaba wax lagu arag, dallacaada laga dayey
Dulqaadka laga tegey, dulaalin darkood go’ay
Dulufkiyo wadaadadan, dana-hooda door biday
Debec baa darkaw taal, way doco doceeyaan

Daalkiyo ilmada duug, yey daaha saaraan
Dalaw bay wax moodaan, dugaagay la doontaan
Duulkaa is daba guri, daacuun ha lagu rogo (aaamiiin)
Daa’inkow dib ugu celi, dulmigay sameeyeen (aaamiiin)
Dadku haw midoobeen, danahoodan diimoon
Dulligaa ka door bida, isku duubni daadihis
Dumiyiyo ha laga tago, buntukhaa danaystaha
Dabkan ay shidaayaan, dacalada ha loo sudho

Deelayda lagu digay, daawadeeda laga dayey
Daafaha aduunkiyo, dacallada isaga timi
Dooddaan la dhigay iyo duni hore wixii jiray
Dareenkaa ma diid-baa, dawakhaadu culusaa
Dalag iyo wixii dumay, dakharada Hadraawaa
Ku daleeyey maansee, doodaa ma daminaa
Qudhac maw dalaynaa, dadka mawgu yeedhnaa
Nin door iyo ma doonaa, daadihiye isu duma

Daandaansi muu dhicin, duni kale imay dagin
Deegaan ma iga dhumin, dadna waa da’ iyo duug
Daarahaa inaga dumay, waxa door inaga lumay
Dayiciyo darxumadaa, diif iyo dakanadeed
Daacadnimo haday tahay, dufan iyo dux baa mari
Dayr iyo diraac qudha, da’yar baa is daadihin
Dejiyiyo cilmiga dega, daafahaa wixii jira
Sida dunida oo kale dayaxaa mar way tegi

Dood aan wax tarahayn, hadalaan dawo lahayn
Iyadoon la daba marin, maankeena kala maqan
Dad iyo waxgaradow, cilmi dood ha lagu dhigo
Doorkeedu uu yahay, hadaf jira la tiigsado
Oon daabka ii dhiib yaan doorka laga dhigan
Soo duma dadkeenii, dalacnaasi kala diray
Horumarin turxaan madhan, oo daaha laga rogo
Degelkeena lagu dego, daawadeedu weeyaan
 

Macnayaal:
Dulufle wax ma garad
Deeb qawlal, bishin, gafuur
Dhabashlayn wax aan nadaamsanayn
Darandoori laba dhig, xoog u guris ama qaadis
Diihaal Gaajo
Yaaheel goob, meel (ujeedo Soomaaliya)
Meehanow warwareeg quus la'aaneed
Magan Dugsi, dugsasho
Dalab Dalbo, xaglo
Daddafayn Garbis ama is rixriixid
Debec Hal magaceed (hanaankii dawladeed)
Digay Digis, col buu ka soo digay
Diid Wareer, dawakhaad

Xasan Maxamed Nuur
SRG14@jubiimail.dk

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 22, 2004

 

DOODWANAAG

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
QAYBAHA DOODWANAAG
 



HTML CD