SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
HALGANKII - DARAAWIISHTA

AW JAAMAC CUMAR CIISE: DHINBIIL DIB U NOOLAYSAY HALGANKII DARAAWIISHTA- Q.5aad

Waxaa qorey: Cabdullahi Xasan Maxamuud (Cabdullahi Spanish)
Madrid, Spain.
Email: indhagube@yahoo.es


LafooleWaxaa tafatirey: Cabdirisaaq Maxamed Aaden (Lafoole)
Minneapolis, Minnesota
Email: lafoole100@yahoo.com


Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad  | 5aad |

QAYBTII 5AAD.
 
GEBAGEBADII IYO MIDHIHII

waxa ilaahay mahadiis ah in Aw Jaamac Cumar Ciise uu ku guulaystey halgankii xooganaa ee uu u la galay Ingriis iyo Soomaalidii kaalmaynaysey. Aw Jaamac, wuxuu gacantiisa ku soo ururiyey wixii gabay iyo taariikh af Carabi ku qornaa oo dabkii Isticmaarka iyo dabadhiliftiisii ilaahay ka daahay dhibkoodiina ka badbaadiyey. Wuxuu kale oo u guntadey qaybtii aan qorrayn oo iyadan uu baaqigii daraawiishta iyo dadkii kale oo fahmada badnaa oo ilaahay maskaxdooda ku kaydiyey uu ku gaadhey. Hanashada taariikhdaas iyo gabayadaas Aw Jaamac geeddheer iyo geed gaabanba waa u fuulay sida dahabkana waa u raadiyey, dantiisa gaarka ah iyo reerkiisana waa u dayacay.

Aw Jaamac kartida, garashada iyo aqoonta ilaahay siiyey oo uu faciisa wax badan kaga horeeyey ka sokow, aragtidayda waxan odhan karaa, wuxuu beeniyey oo keli ku yahay gabay murtiyeedkii Soomaaliyeed oo ahaa:

Ma magoolo geed keliya oo milic ku yaalaaye
Inkastoo mayey qooyo waa mudhux sanaadaaye

Aw-Jaamac, wuxuu noqday geed keliya oo milic ku yaal oo magoolay, hadana midho laga dhergo bixiyey. Waxa intaa u raacda in uu yahay halyey iyo halgame uu ilaahay u simay isuna barbardhigay afarta sifo ee ugu waaweyn oo ninka Soomaaliyeed lagu amaano oo kala ah: Geesinimada, Deeqsinimada, Aftahamada, dad wad iyo dulqaad. Waxaynuna u cuskan karnaa oo daliil inooka ah raadka uu reebay halgankiisii dheeraa ee u badnaa ururintii dhaxalkii daraawiish.

:: Sidaynu kor ku soo sheegnay, Daraawiish markii la jebiyey, gumaysigii Ingriisku wuxuu bilaabay in uu raadkooda tirtiro. Wuxuu ka bilaabay horta daarihii iyo qalcadihii ay daraawiishi meel kasta oo ciidan ka joogey ama ay mar degsiimo ka dhigatay ka dhistay. Sidoo kale, ingriisku markuu meel walba ciidankii joogey jebiyey ama ka saaray, wuxuu u dalbaday ciidan khaas ah oo madaafiic la dhaca iyo mid miineeya si loo dumiyo oo dhulka loola simo, cid dambena aysan u isticmaalin, kuwa dhalandoonaana raad taariikheed oo ay higsadaan u waayaan. Nasiib wanaag, daaraha badankoodii hadafkii ahaa dhulka lin lala simo way ku guul daraysteen, 70% in ka badana weli waxbaa ka taagan.

Waxaa intaas barbar socday dacaayad iyo cay iyo been sheeg ay “warbaahinihii”  markaa jirey oo dhan ay u isticmaaleen sidii ay sumcadii daraawiishta iyo hogaamiyahoodii u xumayn lahaayeen, si ku dayashadooda iyo soo hadal qaadistoodu ay u noqoto wax laga yaqyaqsoodo. Waxaad odhan kartaa maxaa maanta uga ekaan badan shalay wixii dhacay.

Ingriis daraawiish iyo halgankeedii wuxuu gaadhsiiyey oo isaga iyo daraawiishii waaga kala joogeen halkay ay maanta kala joogaan maamulka maamulada ka jira reer galbeedka iyo waxay ugu yeedhaan argagixisada.  Aw Jaamac mar sidaas u qalafsan ayuu bilaabay halgan ku aadan ururinta gabayadii Sayid Maxamed iyo taariikhdii halgankii daraawiisheed waqti ku aadan 1955. Wuxuu run ahaantii u badheedhay dil, xadhig iyo dhibaatooyin kale oo badan uguna badheedhay dawladii markaa aduunka ugu xoogga roonayd iyo Soomaalidii daba dhilifta u ahayd.

:: Aw Jaamac wuxuu sheegay in markii uu go’aansaday in uu hawshan galo, in dhibaatooyinkii la soo dersey ay ka mid ahaayeen, xaggee dhaqaale aad ku jid maro ka heshaa? waxay talo kaga soo ururtay in uu shan geel ah iibiyo. Hadaba marka aynu dhaqankeena dib u eegno. Geelu dhulkeena wuxu weligii ahaanjirey halbawlaha nolosha nin walibana wuxuu isku deyi jirey in uu inta uu hayoaa ku fara adaygo, isla markaana uu sanad walba wax ku soo kordhiyo xaq iyo xaqdaraba ha ku tabcee. Geelu dhaqankeenna reerka oo dhan (qoys, jilib) buu ka dhexeeyaa oo marka xerada laga saarayo, yaradka kulay ku tahay rag farabadan baa taladiisa ka qayb qaata. Marka waxa hubaal ah ninka 1955 arrintaa u badheedhay oo rag hordhigay kuna guuleystey in ilaahay geesinimo xad dhaaf ah ugu deeqay.

:: Aw Jaamac wuxuu hawshan buraashadda u biyeystey waqti amaanka dhulkeenu aad u xumaa oo waliba ku safarka baadiyaha intaan cadow kale ku helin aad halis u tahay bahal dad qaad ahi inuu ku dafo. Tan labaad, waxaa lagu jirey colaad xun iyo dagaal aad u dheeraaday laga soo baxay oo markaad cidla u dhaqaaqdo adigoo wax la hungurayn karo wata ay isdeldelid ka dhignayd. Iyadoo sidaasi jirto  Aw Jaamac marna uma jixin jixin, qaanuun gumaysi, col iyo bahal toonina iskama hortaagin hawshii uu fulinteeda u qalabqaatay.

:: Waxaynu soo tilmaanay in Aw Jaamac go’aan ku gaadhey in uu shan geela iibiyo oo jidmar iyo baadifed ugu tala galo. Hadaba, meesha geelu kaga yaal ninka Soomaaliyeed oo xoola dhaqatada ah, waxaynu tusaale uga dhigan karnaa hadalkii ninka Soomaaliyeed ee inta hashii ka yaraysay oo carrurtii deeqiweydey yiri: Candhada laga jarta walaahi inta gado in aan carruurta Dooni u siin. Wuxuu u haystey in hashiisu doonida ka qaali santahay. Markaa hadaynu saa u eegno Aw Jaamac iyo raggii nabad geliyey markuu geela gadayey, waxay Soomaali ugu deeqeen shan Doonyood.

:: Waxa inoo wada muuqata in Aw Jaamac waqtigiisa qaaliga ahaa, muruqiisa uu danihiisa gaarka ah ku qabsan lahaa iyo maskaxdiisii u huray dan guud oo dhib iyo dhaqaale kaga baxa mooyaane aan markaasi isaga wax dheef ah oo u gaar ahi jirin habayaraatee.

:: Waxa dhaqankeena aad ugu xididaystey, diintuna sii adkaysay oo tiir asaasiya ah dhaxalka. Dadkeenu waxa manaafacaadka leh, mood iyo maal iyo aqoontaba waa kala dhaxlaan. Waxaana dhab ah in aan qof aan dhaxalkeeda lahayn sinaba loogu gudbinjirin, aqoonaha gaarka ahna aan bilaash laysu barijirin ama laysugu gaadhsiinjirin. Waxaana tusaale u ah aqoonta faalka, xiddiginta iyo geeda gooyada iyo aqoonaha la mid ka ah, sida aduunka kale boqortooyada loo kala dhaxlo baa loo kala dhaxlaa oo qofka yaqaani cid kale daaye curruurtiisana ma wada barijirin e wiilka u weyn baa dhaxalkeeda lahaa. Aw Jaamac wuxu ka mid yahay uguna horeeyaa daka dumiyey gidaarkii adkaa oo dhaqanka aqoon qarsiga ku meersanaa, wuxuuna inaga sooryeeyey ila wadaagana si hagar la’aana inoo yiri aqoontiisii uu hantiyideeda aadka ugu soo dhibtooday.

:: Aw Jaamac wuxuu u badheedhay sidii uu rag falaaga ah oo duur gal noqday oo nin waliba gaarkiisa ugu baahanyahay (psychological treatment), in uu aftahamo ku maalo, oo nin walba si gooniya u qanciyo oo xusuustiisa waxa ku hadhay si gooniya ugala boxo.

:: Wuxu isla markaa afkiisa ku qanciyey oo sharkoodii dhinac isaga weeciyey gaalo iyo intii u kiraysnayd. Waxaana hubaal hadduu afgarooc ahaan lahaa isla markaana ay ka fashilmi lahayd u jeedada uu ka lahaa ama waxa ku kalifey in uu dhulka wareego, god madow ayuu abaadi lahaa, hadduu dil iyo daldalaad ka fakado.

:: Wax badan baynu sheeko ama goob dagaal warkeed iyo taariikh kaleba maqalay, laakiin waxa keliya oo isku dubaridi kara oo kutub dhaxal gal ah ka samayn kara qof ilaahay maskax fiican, garasho dheeraad ah iyo aftahamo siiyey. Run ahaantiina Aw Jaamac ilaahay intaba waa isugu daray.

:: Iyada oo daraawiish la jebiyey wixii wadaad astaan wadaad lehna il gaara lagu eegayo, kan Saalixiyada ku abtirsadana sida dabka biyo loola raadiyo. Ayaa Aw Jaamac wuxuu ku guulaystey oo af iyo ekaansho kalsoonidooda ku hantiyey koox wadaado ah oo Saalixiya ah. Si uu u barta xeerka iyo xeeladda Saalixiyada, kadibna daraawiish raggii ka hadhay guntin walba ugu furaan, sir kasta oo u qarsoonaydna uu ugu dhaadhoco.

:: Hore waxaynu u soo sheegnay in ingriis iyo Soomaalidii dabadhilifta u ahayd ay aad u isticmaaleen isgaadhsiintii isticmaarka iyo hab tebiskii Soomaalida, si ay sumcadda uga dilaan guud ahaan daraawiish, gaar ahaanna madaxdeedii oo Sayid Maxamed ugu horeeyo. Gabayo badan oo Sayid Mohamed Cabdulle Xasan in uu islaamka ka baxsanaa dadka Soomaaliyeed loogu tebinayo baa ina soo gaadhey oo aynu ka soo qaadan karno kelmado ku jirey kuwii Cali Jaamac Haabiil mid ka mid ah:
 
Todobuu qabaa naaga xora tuu falaa darane
Taag niman lahayn iyo agoon buu ka taajiray e
Ma talyaanigaasaa mahdiya tanina waa yaabe?

 
Waxaa siyaasadaas loo hirgeliyey si loogaga hortago hab tebiskii Soomaalidu dhaqanka u lahayd, ab iyo isirna wax isku gaadhsiinjireen (oral tradition) oo ay ogaayeen sida uu xididada Soomaalida ugu dheehanyahay. Ujeedada ka dambaysaa waxay ahayd in xasuus ku hadhka halgankii daraawiishta wixii iyaga ka fakada, isaga oo aan sharaf lahayn oo dhadhan kale leh dadka Soomaaliyeed la gaadhsiiyo dabadeedna aan dheg loo jalaqsiin.

Aw Jaamac isaga oo og in dacaayadda lagaga adag yahay makas oo dhanna la qanciyey oo meeshay ka arkaan ay dagaal ka horkeeni karaan, buu buraashadda wuxu u biyeystey in uu samro dulna u yeesho si uu taa u beeniyona, taariikhdii runta ahayd oo ay xaqa u la haayeena uu ubadka Soomaaliyeed soo gaadhsiiyo.

:: Midhihii uu u guntadey oo dhibka badan u soo maray markuu gacanta ku dhigay, waxay noqotay sidee dadka Soomaaliyeed u gaadhsiisaa. Wuxuuna halkaa ka muujiyey samir iyo dulqaad oo wuxu sugey, midhihiina inoo kaydiyey ilaa far Soomalidii uu soo bixideeda awaaley ka soo baxaysey.

:: Aw Jaamac ilaahay ha ka abaal mariyee wuxuu u badheedhay harraad, gaajo, daal iyo martinimo joogta ah oo aan dhaqankeenna dantoo kugu khasabta mooye Soomaalidu ku degdegin. Waxa jira xadiis macnihiisu yahay “safarku waa qayb cadaabka ka mid ah”. Aw Jaamac socdaalkaa layna yiri cadaabkay wax wadaagaan ayuu u badheedhay iyadoo u jeedadiisu ahayd difaaca dadka, diintooda iyo dalka oo laga difaaco gumaysi sii haysta ama bedala taariihkda soo halgamayaashii daraawiisheed. Isla markaa wuxu go’aansaday wixii kaga yimaada in uu u dhabr adaygo samir iyo dulna u yeesho, ilaaha waaxidka ahina waa ku guuleeyey, midhihii tacabkiisana waa hantisiiyey. "Haddaba akhristoow, waxaad ogaataa in maanta dadkeenii iyo dalkeenii ay marayaan marxalad la mid ah midii wadanku horey u soo maray waqtigii gumaysiga iyo gumaysi kalkaalka. Taariikhdana waxaa loo xusaa ama loo qoraa in qorshe loo samaysto loona diyaar garoobo mustaqbalka. Bal haddaba, akhriste aniga iyo adiguba aan miisaan isa saaro, kana fekero sidii loo badbaadin lahaa dalkeena, dadkeena iyo diinteena".

Aw Jaamac wuxuu takhasus ahaan u qaatay Xadaaradii da’da weyneyd oo waqti fog oo dhawr kun oo sano laga joogo ka hanaqaaday dalka Yaman loona yiqwqiin Xadaaradii “SABA”. Wuxuu kale oo isla markaasi boodhka ka tumayey, dibna u soo nooleeyey, maantana hogaanka u hayaa ilaahayna ku taakuleeyey oo hantisiiyey guud ahaan Taariikhdii Soomaaliyeed oo ku siman ilaa 2000 oo sano iyo Maansadii Soomaalidii hore oo ay hormuud ka yihiin tan
Geela, Fardaha iyo Haweenka.

Waxana ka mid ah kutubta faraha badan oo Aw Jaamac qoray oo maanta qof kasta oo Soomaliyeed oo Dhaqankiisa, Taariikhdiisa iyo Suugaantiisa jeceli ku dhaadan karo, dhaxalna inoo wada ah:

(1 Diiwaankii gabaydii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

(2) Taariikhdii Daraawiishta

(3) Maansadii Soomaalidii hore ee: Geela, Fardaha iyo Haweenka.

(4) Hilimada Maansadii Soomaalidii hore oo ka kooban 16 baab

(5) Taariikhdii Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Halgankii Xornimodoonka.

(6) Qaran jabkii  Soomaaliya

Waxaa qorey: Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish)
Email: indhagube@yahoo.es
Madrid, Spain.

Waxaa tafatirey: Abdirizak Mohamed Aden (Lafoole)
Email: lafoole100@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2007

###

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD