AW JAAMAC CUMAR CIISE:
DHINBIIL DIB U NOOLAYSAY HALGANKII DARAAWIISHTA- Q.4aad
Waxaa qorey: Cabdullahi
Xasan Maxamuud (Cabdullahi Spanish) Madrid, Spain.
Email: indhagube@yahoo.es
Waxaa tafatirey:
Cabdirisaaq Maxamed Aaden (Lafoole) Minneapolis, Minnesota Email: lafoole100@yahoo.com
Qaybta:
1aad |
2aad | 3aad |
4aad
| 5aad |
QAYBTII 4AAD.
Jalaafooyinkii cadowgii
daraawiisheed ku fekerayey waxaa ka mid ahaa in aan
Taariikh iyo Suugaan midna laga dhaxlin Daraawiish iyo
halgankeedii sodon ku dhowaadka sano socdey. Si
talaabadan loo hirgaliyo waxay bilaabeen in wixii kutub
suugaan iyo taariikhi ku qorayd waxna la bililiqaysto
waxna la gubo.
Waxa iyana lagu tala galay maatadii ka hadhay Daraawiish
in cagaha Ingriiska la hoos keeno ka dibna maskaxda loo
maydho. Waxaa la bilaabay in dacaayad aan raad lahayn
laga fidiyo daraawiish iyo Sayid Mohamed Cabdulle Xasan,
iyadoo laga gelayo dhinaca islaamka iyo dhinaca dhaqanka
Soomaaliyeed, loona adeegsanayo wadaado iyo odayaal
Soomaaliyeed oo quud u taabac ah Ingriiskana mushahaaro
ka qaata. Kuwaas oo diintoodii, sharaftoodii iyo
Soomaalinimadiiba siistay quud iyo qado maalin ah. Waxa
nimankan loo adeegsanayey in Soomaalidii daacadda ahayd
la tuso oo laga dhaadhiciyo, halgankiina loo rogo in ay
ahaayeen niman budhcad ah oo jidgooyo iyo dhac iyo dil
aan geed loogu soo gabban hawshoodu ku koobnayd, xaaraan
iyo xoolo agoomeedna ku naaxay.
Gumaysi iyo cawaankiis waxay gaadheen sida la sheegay,
in ay maxaabiistii ay qabteen qaar ka mid ah iyaga oo
nool soleen sidii neef adhiya. Ka dibna dadka u sheegi
jireen xerooyinkii daraawiishta laga qabsaday baanu ugu
nimi dadkan la gubay oo daraawiishi sidaas bay dadkooda
ula dhaqmijireen. Ujeedaduna waxay ahayd in dadka loo
tuso in daraawiishi ay ahaayeen dad cadow ah isla
markaana garab marsan karaamada islaamku siiyey
bani'aadamka, dadkii raacayna gubaya..
Waxa iyana la go'aansaday in fiigooda la raadiyo oo la
cidhib tiro, iyadoo askar dabadhilif ah la
adeegasanyo af buuxana lagu yiri dil iyo dhac iyo xadhig
wixii aad dadkaa u geysataan waa idiin xalaal dalacaad
baadna ku helaysaa.
Ujeedada ka dambeysey waxan oo dagaal ah waxay ahayd in
suugaantii halganka daraawiish la xidhiidhey oo markaa
wixii qornaa oo af carabi ku qornaa gaalo iyo cawaankeed
qayb qaateen qaybna gubeen, ay cidhibtiraan wixii xasuus
ahaa oo ay ugu talo galeen in muddo yar dabayshu ku
qaado. Isla markaa taariikhdii guud ee Soomaaliyeed
halkaa dhabarka lagaga jebiyo. Intaa ka dibna waxa
laylana maaganaa in sida wadama badan oo aduunka ah ka
dhacday in layna yiraahdo wax walba anagaa idin barray
waxaad ahaanjirteen iyo wax aad ogaydeen midnaba ma
jirin markii aannu idiin nimi, oo xitaa adhiga digada
sida looga guro anagaa idin barray.
Iydoo halkaa laynagu wado oo gumaysi iyo intii u
adeegaysey qorshahoodu ahaa inaan daraawiish taariikh
iyo dhaxal midna looga aayin. Ayaa waxa rumowdey
odhaahdii Soomaaliyeed ee ahayd:
"Ilaahay markuu il daboolo mid kale buu
furaa".
Ishaa ilaah furay waxa wax ku arkay Aw Jaamac Cumar
Ciise oo markaas aad u da'yar. Aw Jaamac tirtirka oo
sodomeeyo sano socdey buu sidii cosob ka dilaacay gubato
roob helay, ka soo dhexbaxay dambaskii Daraawiishi ka
tagtay.
Waxa u muuqatay in talo
tan rabbi tahay balse gumaysi iyo gumaysi kalkaal ay ku
tashadeen sidii ay u cadhibtiri lahayeen taariikhdii iyo
halgankii dheeraa ee daraawiish, gaalo iyo intii
taageeraysey dhex maray. Waxa isla markaa u muuqatay in
haddii aan wax laga qaban, sidanna gumaysi muddo yar oo
kale wax ku sii wado, waqti aan fogayn la gaadhi doono
in Soomaaliyi iswaydiiso halgankii daraawiisheed ma run
buu ahaa mise waa riyo? Jawaabtuna u badato waa riyo. Maxaa
yeeley halgankaa wax raad ah oo cadeeya jiritaankiisa
lama hayo. Waa marka gabay iyo taariikh dadka
maskaxdiisa laga tirtiro.
Si shakiga loo weyneeyo waxa si rasmi ah loo qoray oo
dadyowga aduunka laga dhaadhiciyey in qalcadihii qaar
badan oo maanta jooga oo aan ku jiro aabayaashood ama
awoowayaashood wax ka dhiseen markii la dumin kariwaayey,
in gumaysi wax ka taba badane la yiraahdo: waxa dhisay
FARAACINADII MASAR oo Soomaalida maantu meeshay
ugu yimaadeen.
Hadaba Aw Jaamac
Cumar Ciise: Waa mare dhegihiisa waxa ka sanqadhayey
gabayadii ugu dambeeyey oo tiiraanyada badnaa oo ay
tiriyeen raggii darwiish hogaanka u ahaa oo uu ka mid
ahaa Ismaaciil Mire oo markii uu arkay raggii uu
hogaamin jirey oo guusha u horseedi jirey oo la
cidhibtiray, oo geenyadii uu jaraha hayey mooyaane aan cid kale
garabkiisa taagnayn yiri:
Dalawyada nugaleed markaan
delidhacaynaayey
Darmaan xoodan maantaan badweyn duhurka soo taagey
Kumanyaal direyslihii markay damacday dhiigayga
Aadna moodo in uu inoo sheegayey sida gaalo iyo
dabadhilifyadeedii dhiigiisa markii la qabtay u kala
hororsadeen, iyagoo isleh magac iyo maamuus ama alfaan
ku raadsada.
Iyadoo ay ina soo gaadhey in markii maxkamad ku sheegii
gaalada la soo taagey la isku deyey in uu amar ka qaato
gaalkii xukumayey oo sidii dabadhilifta iyo hindida
yiraahdo "Sir". Markaa isaga oo ka dhega adaygaya kuna
xumaynaya in uu amar ka qaatana diidan una sheegaya in
gaalada iyo garoomeheeda oo dhan Sayid Maxamed iyo
halgankii uu wax ka hogaamiyey kala sharaf badan yihiin,
yiri ereyo ay ka mid ahaayeen:
Sayidii afkii aan ku idhi "seer" ku odhanmaayo
Waxa kuwaas la aragti ah gabeygii
Sayid Maxamed oo uu tilmaanta fiican kaga bixinayey
sidii ay ahaayeen iyo sidii nacab u galay oo dad iyo
maalba loo cidhibtiray oo aynu baydadkiisa ugu murugada
badnaa qaarkood hoos ku xusayno:
Min darfoole aqal
daahya weyn, dadab la heedaamay
Dermo iyo furaash lagu gam'iyo, daalam iyo googo
Anigoo waxaan doonayaba, derejadeed haysta
Iyo duni wixii nagaga lumay, dararki ceeldheero
Dab wax gubi dayuurado kufrigu, nagu dul gawdiidshey
Dumbuq subuca degalkaan ka kacay, dahab wixii yaaley
Dakhal jabay wixii daar burburay, ama bukaar duugmey
Dedibtii banaanayd wixii, dad iyo maal jiifey
Diric iyo waxay shiikh dileen, ama duq waayeela
Maxajabad daboolayd wixii, gaal u dukhuulaayey
Doofaar nijaas ahi wuxuu, daah u roganaayey
Lo' durdura wixii deeble geel, nalaga siidaayey
Dullihii shareeraa wixii, daal na caga gooyey
Dirrowgii qabsaday reerkayaga, dalankacii gaadhey
Waa marka labaade, wuxu arkayey dhaxalkii yaraa oo ka
hadhay daraawiish oo loogu talo galay in la duugo.
Wuxuuna go'aansaday in aan taa lagu guulaysan. Nasiib
wanaag Aw Jaamac wuxu ku soo beegmay waqti uu
dhaxalkaasi weli dabaqabasho lahaa. Waxaana hubaal ah
haddii 34kii sano oo daraawiish jabkii iyo guntashada Aw
Jaamac u dhexeeyey, ay sodomeeyo kale ku sii darsami
lahayd, tirtirkana sidaa lagu wadi lahaa in gumaysi iyo
cawaankiis ujeedadoodu fulilahayd, arrintuna ay maanta
la meel noqon lahayd sheeko xariirooyinka
Arraweelo iyo Dhegdheer
iyo kuwa la midka ah.
Aw Jaamac isaga oo garashadii ilaahay siiyey oo
dadkii la waqtiga ahaa uu wax badan kaga horeeyey
kaashanaya, wuxuu is tusay in saddexdii qaybood oo
cidhibtirku u qaybsanaa oo aynu kor ku soo xusnay laba
ka mid ah uusan waxba ka qaban karin. Waa tan hore e
waqtiguu barbaray waxay ahayd waqti qaybtii gacan ka
hadalku ay dhamaatay oo muddo badan laga joogo. Tan
labaad, waxay ahayd waqtii dhaxalkii muuqdey wixii mood
iyo maal ahaa loo tashaday oo aanu ka dabatag lahayn.
Wixii hanti maguurana ahaana intii ay dhib u geysan
karayeen ay u geysteen in dhagax ka dhacay lagu
celiyaana qawaaninta gumaysigu ay ka dhigtay xaraan
maqdaca.
Waxa markaa u muuqatay in uu taariikhda iyo suugaanta
keliya dabaqabashadeeda wax ka qaban karo. Wuxuu markaa
goostay in uu awoodiisa isugu geeyo, sidii uu taa uga
baajin lahaa cidhibtirka. Aw Jaamac markuu halganka
bilaabay wuxuu inoo sheegay, isagoo khatarta ku dheehan
hawsha uu u qalab qaatay og, in wuxuu arrintaa ka
walaacaba uu maalin maalmaha ka mid ah ay isaga iyo
naftiisu ku heshiiyeen in uu Taariikhdii Daraawiishta
guud ahaan u baadi goobo, wixii maanso ahaana si gaar ah
u raadiyo.
Wuxuu kaloo Aw Jaamac inoo qirtay, in markuu
arrintii u guntadey muddo sannad ahna ku dhexjirey ay la
kulmeen dhibaatooyinkan soo socdaa:
(i) Nimankii daraawiish ka noolaa oo gabayada in ay
hayaan lagu malaynayey oo dhamaantood noqday reer miyi
ka dheer magaalooyinka.
(ii) Waxaa intaas dheeraa iyagoo noqday niman fiig ah oo
si ay kuugu soo gole fadhiistaan adagtahay wax ay kuu
sheegaan iska daaye.
(iii) Waxa lagama maarmaan noqotay in uu xeerka
saalixiyada barto si ay ugu soo joogsadaan oo jaallenimo
uga dareemaan.
(iv) Wuxuu u baahday dhaqaale uu ku meel maro.
Hadaba, afrtan dhibaato oo Aw Jaamac la soo
gudboonaadey markuu hawshii u qalab qaatay, labada dambe
sida muuqata waxay jid ama wado loo raaco u ahaayeen
labada hore. Labadaas arrimood oo isaga ku xidhnaa,
jidkana xaadhmo iyo qodax kagur u ahaa Aw Jaamac
xalkoodii waa asiibay. Waa mare, tii dhaqaalaha si uu u
xaliyo wuxuu go'aansaday in uu shan geel ah oo uu isagu lahaa
iibiyo. Lacagtaas wuxu ugu talo galay qayb ka mid ah in
uu ku jid maro, qaybta kalena iayn waa baadidoone,
baadifed u bixiyo.
Wuxuu go'aansaday inuu
xeerkii Saalixiyada u barto, si ay ugu fududayso in ay
aaminaan ama ugu soo joogsdaan firdhadkii Daraawiish ka
hadhay. Wuxuu ku biiray koox wadaado ah oo Saalixiya ah.
Aw Jaamac dadaalkiisii weyna waa ka midhadhaliyey,
xeerkaas saalixeyeed barashadiisina ilaahay waa ku
kaalmeeyey wuuna ku guuleystey.
Aw Jaamac waxaad
arkaysaa inuu u badheedhay dawladii aduunka markaasi ugu
xooga weynayd in uu siyaasadeeda ku aadan Soomaaliya ka
hor yimaado. Isla markaa wixii ay xoog ku adeeganaysey
gaashanka u daruuro, wixii dhib ka yimaadana u dhabar
adaygo.
Aw Jaamac si uu hawshii uu keligiis u guntadey u
fuliyo wuxu iska indho iyo dhego tirey dhibaato kasta oo wadadaas
uu u qalab qaatay uu kala kulmi karo, Haaday tahay
deldelaad, jidgooyo cidla si qarsoodi ah loogu dilo,
xabsi daa'im, masaafuris, dhac qoyskiisana saameeya iyo
dacaayad looga awood roonyahay oo sumcadda iyo sharafta
lagaga dilo. Aw Jamaac wuxuu si geesinimo leh ugu
badheedhay xoogagii faraha badnaa oo isticmaarka sida
hagar la'aanta ah ugu adeegijirey, waqtigaana il gaar
ahna ku eegayey cid kasta oo ka hadasha wanaagii ay
dhexalkii ay ka tageen daraawiishi.
Hadaba, Soomaalidu waxay tiraahdaa daacadi ma hungowdee,
Aw Jaamac hawshii uu intaas oo dhib ah oo dhanka
ingriiska kaga iman kartey ugu badheedhay ilaahay waa ku
guuleeyey. Aw Jaamac wuxuu kacaa kufaba, shan
sano ka dib (1959)kii buu gacanta ku dhigay taariikhdii
daraawiishta inteedii badnayd. Wuxuuna si fiican u
hantiyey gabaygii iyo goobihii dagaalka ba'ani ka dhacay,
kuwaas oo uu gacanta ku dhigay iyaga oo af Carabi ku
qoran.
Aw Jaamac
sida uu inoo sheegay wuxuu saadalinayey in goor ay
noqotaba Af- Soomaali qoridiisu soo bixidoonto, samir
buuna u yeeshay in uu sugo. Muddo 10 sano ka badan buu
midhihii uu ku soo tabcay kayd ahaan u hayey. 1971dii
marka la aasaasay guddiga af Soomaaliga, ayay Aw Jaamac
u muuqatay in midhihii uu tabcayey Soomaali u bislaadeen.
Intaas ka dib, wuxuu u hawl galay sidii loo habayn lahaa
Soomaali weyna loo gaadhsiin lahaa ilaahayna waa ku
guuleeyey.
Waxa markaa laynoo soo
bandhigay diiwaanka gabayada Sayid Maxamed Cabdulle
Xasan oo ka kooban 120 gabay oo Sayid Maxamed leeyahay
iyo 16 gabay oo abwaano kale leeyihiin, gabaydiisana la
xidhiidha. Diiwaanka waxa ku dabajirey, qoraalo iyo
kutub kale oo aynu ka magacaabi karno Taariikhdii
Daraawiishta.
Waxaa qorey: Abdullahi Hassan Mohamud (Abdullahi Spanish)
Email: indhagube@yahoo.es
Madrid, Spain.
Waxaa tafatirey: Abdirizak Mohamed Aden (Lafoole)
Email: lafoole100@yahoo.com
Minneapolis, Minnesota
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 31, 2006
|