somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
Kuxigeenka Madaxa Immigration-ka [INS] Minnesota oo Ka Kadlidoona Kulanka Sabtida Jan 25, 2003.
Waa kulanka "Baro Xuquuqdaada" oo lagu qaban doono Brian Coyle Community, Minneapolis.

SomaliTalk.com | Jan 24, 2003

Minneapolis, MN: Kulanka ama shirka logu magac daray Baro Xuquuqdaada ee Sabtida (Jan 25) lagu qabanayo magaalada Minneapolis madaxda ka hadli doonta waxaa kamid ah John B. Klow oo ah Ku xigeenka Madaxa [Deputy director] Immigration (INS) ee  Minnesota. Qodobada uu ka hadli doono waxaa kamid ah:

  1. Xiriirka Soomaalida iyo INS-ta iyo sidii loo sii hagaajin lahaa.
  2. Kordhinta waqtigii diiwaan gelinta iyo dadka ay saamanta ku yeelandoonto diiwaan gelintaasi. Waxaa waqtiga diiwaan gelinta dib loogu dhigay ilaa Febraayo 27, 2003.
  3. Dadka aan bedelin cinwaanadooda (Address change) iyo sida ay INS-ta ula tacaamulayaan.

Waxa kale oo uu Mr. John B.  Klow ka qayb qaadandoonaa dooda ku saabsan maxkamada Febraayo 12keeda taas oo ku saabsan dadka Soomaaliyeed in aan la dhoofin (la tarxiilin) iyo in kuwa ku xiran Maraykanka lasoo daayo [waa kuwa u xiran tarxiilka'e].

Marti sharafta kale ee ka hadlidoona kulankaas waxaa kamid ah: Michelle Mackenzie oo ah Gudoomiyaha Mashruuca Immigration Law Project   ee Minnesota Advocates of Human Rights. Karen Ellingson oo ahKormeeraha xafiiska garyaqaanada ee ILC, Profesoorad Qaanuunka immigration ka dhigta University of Minnesota. iyo Hassan Jaamici oo ah Sharci yaqaan la shaqeeya mashruuca Immigration Law ee Legal Aid Society of Minneapolis.

Waxaa jiri doona qado fudud 12:30pm ilaa 1:00pm. Waxaana kulaabanayaa 1:00pm.

Wargelinta shirkaan  oo aan horay u daabacnay laguna qabanadoono Brian Coyle Community oo kutaal xaafada Cedar ka akhri hoos.

<><><><><><><><><><><><>

WARGELIN: SHIR MUHIM AH

BARO XUQUUQDAADA 

Minneapolis/St.Paul, MN USA

Dhammaan dadweynaha degan magaalooyinka mataanaha (Minneapolis/St.Paul) waxaa la ogeysiinayaa inuu jiro kulan lagaga doodayo qawaaniinta la xiriirta sharciga cusub ee Home Land Security Act iyo sida uu saameynayo guud ahaan dadka Maraykanka gaar ahaan dadka dhalashada Maraykanka aan heysan.  Waxaa kaloo lagaga hadlayaa dadkii Soomaalida ee u xirnaa INS iyo xaaladahooda.  Sharciyada la xiriira INS Detention iyo xaqa uu leeyahay kolka ay qofka INS heysato.  Go'aamadii ugu dambeeyey ee [deportation] tarxiilka la xiriira.   

Kulankan waxaad wax badan ka ogaan doonta: Sharciga cusub ee la qaato TPS, Arimaha kuu diidi kara ama dib kaaga dhigi kara qaadashada Green Card iyo Dhalashada waddanka (citizenship).  Qaanuunka ka hadla cinwaan [address] bedelashada iyo raadka uu kugu lahaan karo, iyo arima la xiriira tarxiilka (Deportaion).  Waxaad la kulmi doontaa khubaro iyo garyaqaano arimahaasi cilmi u leh.

GOORTA:             JANAURY 25,2003  [Sabti]
SAACADDA:         1:00PM
MEESHA:             Brian Coyle Community, Minneapolis, MN 55454      

Martida ka hadleysaa:

Michelle Mackenzie:  Gudoomiyaha Mashruuca Immigration Law Project   ee Minnesota Advocates of Human Rights

Karen Ellingson:  Kormeeraha xafiiska garyaqaanada ee ILC, Profesoorad Qaanuunka immigration ka dhigta University of Minnesota

Hassan Jaamici: Sharci yaqaan la shaqeeya mashruuca Immigration Law ee Legal Aid Society of Minneapolis

John B.  Klow:  Ku xigeenka Madaxa Immigration ee  Minnesota

Waxaa kulankan diyaariyey Hay'adda Gar-yaqaanada ee Legal Aid Society of Minneapolis oo ay kaashatay Muslim American Society-MN Chapter (MAS) iyo Confederation of Somali Community of Minnesta.  Waxaana kharashka bixiyey Dowladda Minnesota, waaxda qaxootiga iyo adeegyada aadamiga. 

Wixii faah faahin ah la xiriir Xasan Jaamici Tel.  (612)332-1441. Email: hmohamud@midmnlegal.org.

Sharciyaqaan Sh.Xasan Jaamici

Minneapolis/St.Paul, MN USA

hmohamud@midmnlegal.org  

Tel.(612)242-3273.

 

FAAFIN: SOMALITALK.COM | Janaayo 21, 2003 | Cusboonaysiin: Jan 24, 2003

-dhammaad-

XIKMADAHA CIBAADADA HAJKA
Maqaalkan si kooban waxaan kaga hadlayaa cibaadada xajka iyo xikmadaha qarsoon, waxaan ku soo koobayaa sedex xikmadood ee waa wayn... GUJI.... 21/1/2003 

USA: Somalida La Rabo In Ay isdiiwaan Geliyaan
waa soomaalida haysta baasaboorada Soomaaliga, Canadianka, Sweden, Holland, Australia, British iyo... GUJI..  

somalitalkHabeenkii Showrka Soomaalida Minnesota
Habeenamadii sabtidu soo geleysey ayaa waxaa magaalada Minneapolis kulan aad u heersareeye waxaa kuyeeshay dhammaan qaybaha kala duwan ee Jaaliyaadda.. GUJI... 23/12/2002

40 Soomaali ah oo lasoo xirxiray oo la isugu Keenay Louisiana, USA
waa warbixin kusaabsan: Nidaamka immigration iyo Muslimiinta Maraykana, gaar ahaan Somalida, oo uu idiin soo gudbinaayo sharci yaqaan Soomaaliyeed GUJI 17/12/2002

Ururka Islamka ee MAS oo booqday Somalida ku jirta xabsiga Lino Lake-Minnesota -- GUJI   


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great




HTML CD