somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
 Shir Weynaha Islaamka iyo Soomaalida Minnesota

Xasan Jaamici, 

Gud. Ku xigeenka MAS-MN Chapter 

Tel.(612)242-3273.

xasanjaamici@yahoo.com 

Somali badan oo gobolka Minnesota degan ayaa waxay isu diyaarinayaan in ay ka qeyb galaan shirweyne WAXBARASHO iyo DOOD ah ay soo diyaariyeen Ururada Islamka ee isbaheystay oo kala ah Muslim American Society (MAS) iyo Islamic Circle of North America. Shirkan oo laysaga imaanayo America iyo Canada oo lagu beegay fasaxa dheer ee ku beegan todobaadka ugu dambeeya ee bisha December inta u dhaxeysa 25-29ka. Basaska waxay bixi doonaan Maalinta Arbacada, Dec.25,02 saacadda 4:00pm iyo Khamiista 26,02 saacadda 6:00pm. Waxayna ka baxayaan Xarunta Weyn ee MAS center ee ku taal koofurta St. Paul oo cinwaankeedu yahay: 4100 E. 66th Street, InverGorve Heights, MN55076.

Shirkaas waxaa lagu qabandoono Donald E. Stephens (Rosemont) Convention Center, ee magaalada Chicago, gobolka Illinois.

Culumo iyo waxgarad dibadda iyo gudaha ka timid ayaa waxay ka hadli doonaan:

  • 1. Islaamka, Muslimiinta iyo America September 11 ka dib.
  • 2. Shareecada Islaamka iyo Waaqaca nolosha Waqooyiga America.
  • 3. Qoyska Muslimka iyo Tarbiyada Caruurta.
  • 4. Badbaadinta Dhalinyarada.
  • 5. Qaabka dacwada Islamka loo faafiyo America.
  • 6. Qaabka ka qaybgalka Siyaasadda America.
  • 7. Jaamacadda Islaamiga ee MAS ee laga furay America.
  • 8. Golaha Imaamada ee America.
  • 9. Ilaalinta Xuquuqda Aadamiga iyo America
  • 10. Dhulka muqadska ee Falastiin ayaa u Maqan.
  • 11. Ilaalinta xuquuqda Muslimiinta ee America.
  • 12. Immigration iyo isbedelada qawaaniinta Sept. 11 ka dib.
  • 13. Abuuris ha’ayado warfaafin (media) ee Islaami ah.
  • 14. iyo Weliba talooyin lacag la’aan ah oo la xiriira xagga qaanuunka, qoyska, tarbiyada caruurto.

Shirka faahfaahintiisa kala xiriir isku duwaha Shirka ee Minnesota Asad Zamani (612)964-5757 ama iska diiwaan geli www.masmn.org  ama www.masnet.org  ama www.icna.org  . waxaa iska diiwaan gelin kartaa Masaajidaha kala ah Al-taqwa (651)292-9675, Ummutu-Muhammad (612)823-1943, Darul-hijra (612)332-9250iyo Omar Bin Khattab

(612)339-5837ee Moolka cusub ee Soomalida.

Mahadsanidiin,

Xasan Jaamici, Gud. Ku xigeenka MAS-MN Chapter @ Tel.(612)242-3273. Email xasanjaamici@yahoo.com  

2002-12-16
FAAFIN: SOMALITALK.COM

Sheekadii Kiishka: Waa qiso nin fiqiir ah, oo uu ka sheekaynayo imamu Dabari: Waxaana idiin soo tebinaya Sheekh C/risaaq Abshir www.SomaliTalk.com/kiish

Su'aalo Cilmiyeed: Guji www.somalitalk.com/quiz

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.



HTML CD