SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TAARIIKHDA KHULAFADII RASUULKA (SCW)


Taariikhdii Khulafaa'u Raashidiin

  • Qore: Mohammed Dahir Abdi 

HORDHAC

Illaahay baa mahad leh, isagaanuna magacyadiisa ku weydiisaneynaa dembi dhaaf. Waxaanuna ka magan galeynaa shararka nafaheenna iyo xumidda howlahannaga. Kan uu Illaahay hanuuniya ma jirto cid baadiyeyn karto. Kan uu lumiyaana, wax hanuunin karaa majirto.

Waxaan qirayaa inuusan jirin mid xaq lagu caabbudo oo aanan Illaahay (kaliga ah) ka ahayn, kaasoo uuna jirin Illaah kale, asaga uun mooyaane, waxaana qirayaa inuu Muxammed SCW yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii naxariista Alle iyo nabadi dushiisa ha ahaato, asaga iyo ehelladiisii dahirsanaa, iyo asxaabtiisii akhyaarta ahayd, iyo intii wanaagga ku raacday taniyo dharaarta aakhiro. 

Intaasi kadib

Illaahay kor ahaaye wuxuu yiri:- Ruuxii wax yaroo kheyr ah falaa wuu arki doonaa. Suuratu Zilzilah aayadda 7aad. 

Haddaba waxaa jiri doonto maalin qofkii fala wax yaroo kheyr ah uu arki doono ajarka iyo thawaabta ay arrintaasi u yeelan doonto. Waxaana illaahay ka rajeynayaa inuu camalladeenna suubban inoo aqbalo oo miisaanka xasanaadka ah inoo saaro. 

Intaa dabadeed, kitaabkan aan ugu magac daray ''Fatxul- Jamiil', waa kitaab ka hadlaya taariikhdii Islaamka, kuna qoron afkeenna hooyo ee Soomaaliga. Wuxuu kitaabkani ka hadlayaa casrigii dahabiga ahaa ee quruxda badnaa, kaasoona ah casirgii afarta khaliif ee loo yaqaannay Khulufaaur Raashidiin.  Sidoo kale wuxuu ka hadlayaa lixdii saxaabi kale ee iyagu kamidka ahayd tobankii Jannada loogu bishaareeyey, (Abuu Cubaydah bin Al Jarraax, Cabdiraxmaan bin Cowf, Dalxah bin Cubaydillaah, Zubayr bin Al Cawwaam, Saciid bin Zayd iyo Sacad bin Abii Waqaas), laakiin iyaga lixdani waan kareebay bandhiga casharkaan, si loo fahma furashooyinkii casrigii dahabiga.

Wuxuu kitaabkani qaadaa dhigayaa waqtigii dowladihii Islaamka ee soddonkii sano ee afarta khaliif, anigoo u sharxay qaab si fudud loo fahmi karo. Waxaan u kala dhigay inaan sanad sanad u xuso fatuuxaadkii iyo dhacdooyinkii waqtigaasi dhacay, anigoo marba qaadaa dhigaya dhacdooyinkii ama fatuuxaadkii goballada. 

Afarta Khaliif sida ay isugu xigaan oo ay u kala horreeyaan ayaan isugu xijiyey xagga qoraalkana, dabeetana lixda kalee kamidka ahayd tobankii jannada loogu bishaareeyey ayaan daba dhigay, anigoo qisooyinkooda aanan kusii dheeraan. Waxaad arkeysaa inaan qisooyinka qaar soo koobay, balse waxaan kusoo koobay qaab la fahmi karo oo uu qofku sawiran karo qisada oo dhan. Waxaanan Illoobin inaan waxyaabaha qaar sharaxaad ka bixiyo intii karaankeyga noqotay, sida magaalo ama meel magacadeed, ama bulsho, waxaana isku dayay inaan waadixiyo dhan waliba intii karaankeyga ahayd. Waxaan isticmaalay xarfa qaar ah oo aanan laga heleynin alfaabeetka Af Soomaaliga, waxaana kamid ah:

1.  Xarafka (Z) oo aan u isticmaalay xarafka 11aad ee alfaabeetka Carabiga.  

2.  Xarafka (th) oo aan u isticmaalay xarafka  4aad ee alfaabeetka Carabiga. Waxaad arki kartaa eraya aan soo gaabiyey sida, ''CS'' oo aan soo qaatay marka aan Nebi xuso, waxaana usoo gaabiyey Caleyhis Salaam. Sidoo kale waxaad arki kartaa iyana xuruufta ah ''SCW'', oo aan soo qaatay mar waliba oo aan xuso Nebigeenna suubban SCW, waxaana usoo gaabiyey, ''Sallaa Allaahu Caleyhi Wassalam''.

 In kastoo aan dadaalay haddana waxaan aaminsanahay inaan iin iyo khalad laga waayeyn kitaabkan, waayo ma ahan mid kaamil ah, waana wax bini Aadan xaggiisa kayimid oo uu bini Aadami qoray, sidaa darteed wuxuu yeelan karaa siyaado iyo nusqaan, ma khaldamane waa Allaah oo qura, kitaabkiisa ayunbaana kaamil ah, wixii kasoo harayna waa wax nusqaan iyo saa'idba leh. Waxaan rajeyn inuu khaldaadkiisu xadyeesho idinka Alle.  Lahjadda aan kuqoray, waxaan Alle ka baryi inay noqoto miday qowmyadda Somalida oo idil ay fahmi karayaan. Wixii dhanka lahjadda ka yimaado oo khaldaad ah ama fahamdarri ah, waa aan ka cududaaran, waxaana rajeyn inaan talooyinkiina heli doono hadduu Alle idmo, si aan kutubbada dambe ee aan soo saari doono uga faa'iideysto, anigoo tixgelinaya talooyinkii iyo fikradihiina saliimka ahi. 

Kitaabkani waxaan kasoo xigtay kutubbada waaweyn ee taariikhda Islaamka, sida Al Bidaayah wan Nihaayah, iyo Dabaqaat Al Kubraa iwm, haba ugu badnaata halka aan kasoo qaatay kitaabka Ibnu Kathiir ee Al Bidaayah wan Nihaayah'e. Waxaa dhici karta in qisooyin daciifa ay dhici karaan inaan xusay ulakac la'aan, laakiin inta badan waxaan isku dayay aqwaasha rajaxsan inaan soo minguuriya.

Ula-Jeeddo

Hadafka ama ula jeeddada ugu weyn ee aan kitaabkani u qoray, waxaa weeye iyadoo umaddeenna Soomaaliyeed ay 100 % tahay ummad Muslim ah, jecelna diintooda Islaamka iyo inay bartaan taariikhdooda qiimaha badan. Kadib markii aan arkay in la heli karo casriyadii dahabiga ahaa ee Islaamka taariikhdiisii oo af weliba kuqoran, marka laga reebo afka Soomaaligaa, baa waxaan jecleystay inaan qoro casrigii dahabiga ahaa oo ku qoran afka Soomaaliga, si ay umadda Soomaaliyeed u bartaan taariikhdooda suubban. 

Waxaa kaloo iyana jirtay codsi iiga imanayay asxaabteyda iyo dad badan oo ahlu kheyr ah, taasoo ay ku dalbanayeen inaan uqoro kitaab af Soomaali ah, si ay u bartaan taariikhdooda. Taariikhdu waa daraasad u muhiim ah bulsho kasto, Quraankeennuna wuxuu ka hadlay taariikhda saddex meelood meel kamid ah. Wuxuu xusay Quraanka kariimka ahi dhacdooyin tegey iyo kuwa soo socdo oo intuba ah taariikh, halka uu dhacdo weliba u xuso sida ugu quruxda iyo qiimaha badan, uguna fududaan og in la fahmo. Haddaba cibro iyo waano qaadasho ayaa kujirta, mana ahan oo qura akhri ee ka teg, balse waxay u baahantahay faham iyo ku camal fal jidkii wanaagsanaa ee raggani akhyaarta ahi mareen ee aanu taariikhdooda soo minguurinayna, ula jeedkuna waxaa weeye inaanu gaarno darajadii ay gaareen iyo inaanu qaadno jidkii iyo dariiqii ay mareen, anagoo dadaaleyna intii karaankeenna ah.

Mahad Naq

Waxaan ugu horrey u mahadnaqayaa Allaah, mahad aanan lasoo koobi karin, anigoo ku dheehan tasbiixdiisa iyo taxmiddiisa. Waa asaga Allaah ka ii fududeeyey howsha camalkan ee aanan sahlaneyn. Waxaana runtii aaminsanahay kaalmadiisa la'aanteeda inaanay waxba ii haggaagi lahayn, oo howshanna halka ay maanta gaadhay aanay gaari lahayd. Mahad aanan lasoo koobi karin ayaan Rabbigayoow!! kugu mahadin. 

Alloow!! igu kaalmey inaan nimcooyinkaaga ka mahadnaqo, iyo inaan kudhinta xuskaaga. 

Marka xigta waxaan u mahadnaqayaa dhammaan asxaabteyda qiimaha badan ee igala qayb qaadatay soo ifbaxa kitaabkan, kuwaasoona aan runtii magacyadooda soo koobi karin. Kuwii iyagu dhiirigelinta iyo fikradaha saliimka ahi aan ka helayay, ma illoobaya inaan u mahad celiya, waxaana dhammaantood ku oran:- Illaahay ha idin xifdiyo hana idin barakeeyo, adinka iyo dhammaan umadda Soomaaliyeedba, meel iyo waa' ay joogaanba. Aamiin, aamiin, aamiin. 

AKHRI: Qaybta 1aad.... (Taariikdii Abuu Bakar Sidiiq) .... GUJI HALKAN

Qore: Mohammed Dahir Abdi 
Email: mohamed1 @ live.fi


QAYBTA 1aad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great