SomaliTalk.com
.
HALAL MINI MART

Live in Minnesota and need fresh-Halal Meet, check out HALAL MINI MART in CEDAR.

Thank you all.

CUNTO AAD U MACAAN

Makunooshahay Minnesota, ma u baahan tahay cunto-Soomaali bisil oo aad u macaan.

Soo booqo makhaayadda MUQDISHO ee Minneapolis.


.Home | SomLink | Forum | Search | Feedback | News
.
GEERIDA WALAALKAA GUUL MA AHAN.
NABADDANA YAAN LA NICIN.
Yusuf Osman
Jaariyadda Somaaliyeed ee London, Ontario, Canada

Email: kenodid@sprint.ca

Ujeeddo: Taageerada Shirka Nabada DJibouti
Taariikh 25 Maarso, 2000

Samo jeclayaasha Soomaalida ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba, ma dhiman dareenkooda Diineed, Ummadnimo iyo samo jecayl. Shacabka Soomaaliyeed oo soo marey 10 Sano dhibaato noockasta leh, duli iyo darxumo.

Haddab, kuwa Allah Mahaddi gartey kana xumaaday Dulliga dusha ka saaran soomaalida Samahana ifiyey waa in si buuxda loo taageero. Qof kasta oo aan duulaan ku aheyn qof kale dhiigisa, Diintiisa, iyo sharaftiisa waa in uu taageero Nabadda iyo Aayo ka talinta laga wado JABOUTI.

Nabad-diidayaashu ma wanaagsana in ay sabab ka dhigtaan Liiska baan iska waayey Nabaddana ma ogoli. Waxaa nasiib daro ah shirka oo aan Agende iyo Qaab midna loo yeelin in la hor boodo. Waxaa muuqata in maanta dadka Soomaaliyeed Arrinta Nabadda shirka Jabbuuti ukala qaybsamey 3 qaybood.

A- Qeyb Nabada iyo Samaha jecel
B- Qeyb Nabadda diidan.
C- Qeyb aan garaneyn waxa ay rabaan.

Iyadoo la jecelyahay in la arko Soomaali oo ehelnimadeedii iyo dadnimadeedii hore garata isbaabinta iyo isdabargoynta dhexdeedana joojisa dhisatana Dowlad aayaheeda ka talisana dhisata waxaa ila quban in gacan buuxda la siiyo shaqsiyaadka Soomaalida iyo shisheeyaba leh ee ka shaqeynaya Nabada.

Dowladnimadu waa amaan iyo wanaag lagu sheego wixii fiican Soomaalidu waxay dhahdaa hebel waa dowlad marka ay ruux ammaaneyso. Qofka Soomaaliga ahi waa in uu ogaado in uusan cadowgiisu aheyn Soomaali kale ee cadowgiisu yahay Jahliga, Gaajada, Cudurk iyo Diin xumida. Haddaba, waa in aan dadkeena u diidno Cey iyo ceeb waana midda aan hadda ku sifeysanahay.

Wa bilaahi Tawfiiq.

March 25, 2000.

Yusuf Osman
Jaariyadda Somaaliyeed ee London, Ontario, Canada


Qoraalkaas sare waxaa email noogu sootebiyey Yusuf Osman oo katirsan Jaariyadda Somaaliyeed ee London, Ontario, Canada

Posted: Somalitalk.com team.
March 26, 2000

Allah Is Great
.
peace
RA'YIGAAGA SOOTEBI

Aragtidaada shirka Djibouti iyo dhammaan arimaha laxiriira Soomaaliya waxaad kusoo tebin kartaa bogga doodcilmiyeedka ee Somalitalk.com.

Guji halkan soona tebi ra'yigaaga waxdhisaya.

Mahadsanidin.



Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback

somalitalk
Chat | Forum | Opinion | Feedback | Community | Resources | Weekly Wisdom
If You Fail To Plan, You Plan To Fail.
Copyright © 2000 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy Statement.