SomaliTalk.com
.
SEND YOUR FEEDBACK

Have something to say about Djibouti peace plan about Somalia.

Simply click here and have your say.

Your constructive criticism is highly appreciated.

Thank you all.


.Home | SomLink | Forum | Search | Feedback | News
.
Jaaliyadda Soomaalidda Kenya oo Taageertay Shirka Jabuuti
KENYA SOMALI COMMUNITY OF CANADA
Toronto, Ontario, Canada

Telephone: 1-416-778-8396 ama 1-519-254-7397
ama 1-613-736-1789 ama 1-613-521-9228
Fax: 1-413-473-8043
Email: abdi_omar@hotmail.com

Ku: Mudane Ismaciil Cumar Gelle Madaxweeynaha Jamhuriyada Jabuuti
KA: Jaaliyadda Somalida Kenya ee Kanada (Canada)
cc: Jarraaidka iyo idaacadaha af Soomaaliga
Ujeedo: Taageerid Shirka Jabuuti.

Taariikh 21 Maarso, 2000

Jaaliyadda Soomaalidda Kenya ee dalka Kanada (Canada) iyo dhamaan shacbiga reer NFD waxay si buuxda u taageeri shirka nabadeeynta ummadda Soomaaliyeed ee lagu qaban doona dalka Jabuuti 20 bisha April ,2000. Waxay Jaliyadda iyo shacbiga reer NFD muujiyeen in dadaalka Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Jabuuti taageero hiil iyo hooba leh.

Dhismaha doowlad dhexe waa laf dhabarka badbaadinta shacbiga soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba.

Jaaliyadda Soomaalidda Kenya waxay rumeeysan tahay in bulshadda soomaalidda ee ku nool kenya gaar ahaan gobolka NFD anay si sharaf leh ugu noolaan karin ilaa laga helaa doowlad dhexe ee ummadda soomaaliyeed. Waxaa kale oo aan rumeeysanahay doowlad la,aanta soomaalida in dhibaatooyin fara badan ay la kulmeen buslshadda reer NFD. Waxaa la yiraahdaa doowlad xuni waxay dhaantaa doowlad laani. Waxaa haboon qofkasta oo Soomaali ah in uu muujiyo daadaal siddii loo dhisi lahaa doowlad xag ah oo daryeesho ummadda soomaaliyeed

Waxaan dhamaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqeeynaa in ay taagreen shirka Jabuuti si ay ugu soo baxaan heshiis qiimo leh loona dhiso doowlad dhexe oo ku dhisan cadaalad iyo midnimo.

Cabdi Dhidey Cumar
Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Kenya ee Kanada (Canada)


Qoraalkaas sare waxaa email noogu sootebiyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida Kenya ee Kanada.

Posted: Somalitalk.com team.
March 22, 2000

Allah Is Great
.
RA"YIGAAGA SOOTEBI

Aragtidaada shirka Djibouti iyo dhammaan arimaha laxiriira Soomaaliya waxaad kusoo tebin kartaa bogga doodcilmiyeedka ee Somalitalk.com.

Guji halkan soona tebi ra'yigaaga waxdhisaya.

Mahadsanidin.



Top | Home | Somali | Forum | Search | Contact Us | Feedback

somalitalk
Chat | Forum | Opinion | Feedback | Community | Resources | Weekly Wisdom
If You Fail To Plan, You Plan To Fail.
Copyright © somalitalk.com. All rights reserved. Privacy Statement.