SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHIR 2012

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Madoobe Nuunow oo Go'aan Qayaxan ka soo saaray Shirka London iyo Baarlamaanka Soomaaliya oo Qaadacay Shirkaas

"Nidaamka Xukuumadeed ee hadda ka jira Soomaaliya waa mid Baarlamaani ah oo tilmaamaya dhammaan heshiisyada guud iyo kuwa laba geesoodka ahba aay xukuumadu saxiixdo aay waajib tahay inay hor keento Baarlamaanka si uu uga doodo, una ansixiyo. Iyadoo aay jirto mabaadi'daasi caalamiga ah ee laysku raacsan yahay ayaa si ula kac aha waxaa ugu xad gudbay Guddoomiyahii xilka laga qaaday iyo Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG), UNPOS," sidaas waxaa qoray Guddoomiyaha Baarlamaanka Madoobe Nuunow Maxamed.

"Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya waxa uu go'aansaday inuu si cad ugu sheego urrurada iyo Dalwadaha (ku xusan warqadda) mowqifkiisa ku aadan kala qaybgalka shirarka iyo kulamada xukuumadda oo ugu soo horeeyo kan ka dhacaayo magaalada London ee dalka Ingriiska."

"Baarlamaanku waxa uu go'aan ku gaaray laba bilaabo taariikhda 29/1/2012 inuusan Baarlamaanku ka qaybgali doonin shirar amam kulamo aay xukuumaddu qayb ka tahay"

"Intaas waxaa dheer inaan si sharciya oo caan ah ugu sheegayno Dawlad iyo urru kasta oo guddomiyenimo ku marti qaada shirar ama kulamo Guddoomiyahii la riday Shariif Xasan SheekhAadan, waxaa loo qaadan doonaa inay si bareer ah ugu tumatay shuruucda u degsan Dalka Soomaaliya," Ayuu yiri Nuunow.

  • Warbixin: SomaliTalk.com Jabuuti | Feb 10, 2012

Shariif Xasan, Gaas iyo Faroole oo Qayb Ka Ahaa Shir-gudoonkii Furitaanka "Somali Contact Group" ee lagu qabtay Djibuoti 05/02/2012

Shirkii maal-mahaan uga socdey 05/-06/02/2012-ka Hoteel Kempinski ee Caasimadda dalka Jabuuti Somali Contact Group, islamarkaana ay isugu yimaadeen In ka badan Wakiiladda 40 dowladood iyo ururo caalami ah ee looga hadlayey arrimaha soomaaliya, ayaa gunaanadkii shirkaasi laga soo saarey war-murtiyeed ka kooban afar bogg.

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynihii hore ee dalka GHANA, islamarkaana ah Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika arrimaha soomaaliya Jerry Rawlings iyo Uqaybsanaha Q.M ee arrimaha soomaaliya Amb. Mahiga ayaa markii uu soogebageboobey shirkooda waxay si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabteen hoolka shirarka Hoteel Kempinski ee Caasimadda Dalka Jabuuti.

Seddaxda mas’uul ayaa shirkooda jaraa’idey waxay kaga hadleen waxyaabihii looga dooday shirka iyo wixii ka soobaxay. Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Gaas ayaa shirkaasi Jaraa’id waxaa uu sharxaad kaga bixiyey muhiimada uu lahaa shirka, waxa uu kaga duwanaa shirarkii hore loo qaban jirey, waxa laga yeelayo gobolada Dowlada iyo xulufadeeda ay dagaalka kula wareegaan iyo diyaar shirka London sida uu noqonayo.

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Gaas waxaa uu yiri “aad baan ugu mahad-naqeynaa madaxda dowladda Jabuuti iyo dadka reer jabuutiba, oo mar walba nala garab taagan taageeradooda iyo taladooda intaba, waxaana dareemeynaa inaan joogno wadankayagii soomaaliyeed. Shirkan ka dhacay Jabuuti hadda, wuu ka duwan yahay shirarkii hore, sababtu waxaa weeye, iyadoo aan ku jirno gunaanadkii iyo soodhameystirka KMG-nimada Soomaaliya oo dhamaaneyso Augsto 2012-ka. Waxaa kele oo uu shirkani ka hormarayaa shir kaloo ka dhicidoona LONDON oo arrimaha soomaaliya lagaga hadlidoono oo madax badan oo adduunka ay isugu imaandoonto, kaas oo diirada la saarayo sidii wax looga qaban lahaa arrimaha soomaaliya. Wuxuu keloo muhiimad gaar ah u leeyahay, waxaa lagaga hadlayey laba Ajende oo lagu sheegay sidii dhulka laga xoreeyey Al-shabaab sidii loo xasilin lahaa, loona gaarsiin lahaa dadka wixii ay u baahan yihiin dowladnimo ah, mucaawino iyo maamul intuba”. Ayuu yiri isagoo hadalka sii wata.

Ayaa intaa ku darey “Waxaa kale oo aad looga Hadley oo loo falan qeeyey sidii si nabad-gelyo ah oo wanaagsan loo soodhameystiri lahaa KMG-nimada, Amb. Mahiga waxaa uu yiri “sideed sanno ayey ahayd KMG-nimada ilaa Embegati, anniga waan ka duwanahay oo waxaa ka horeeyey ilaa Carta waxaan soo ahayn KMG, marka 11-sanno oo KMG-nimo ah ayaan ku jirnaa, KMG-nimadu shido badan bay nagu haysaa haddaanu nahay dowladda soomaaliyeed, markaa in la dhiso dowladd intikhaab ah, iyadoo la dhameystirayo dastuurkii iyo baarlamaankii badeli lahaa kan hada jira oo la sooxulayo, loona gudbi lahaa dhameystirka marxaladda kala guurka oo aan uga gudbeyno dowlad taam ah, haddii ilaahay yiraahdo qodobadaas ayey ahaayeen kuwa la taabtey”.

Cabdiwali oo sii sharxaya shiraka ayaa yiri “Shirku wuxuu kaga duwanaa shirarkii hore, shirarkii hore waxay ahaayeen shirar khudbado la jeedo, laakiin ka hadda ka dhacay Jabuuti, wuxuu uga duwnaa waxaa la sameeyey wax la yiraahdo working groups, si arrimaha si nuxur leh oo micno leh looga hadlo, looga doodo, kadibna loo gaaro go’aan, waxaan rajeynayaa in shirkaan shirkiisa kale ku gaarno guul, horumar iyo nabad-gelyo”.

Mar wax laga weydiiyey xukuumada waxa ay ka qabatey dhinaca arriamaha bani’aadaniminada “xukuumadu waxay ku faaneysaa, markii abbaartu ay dhacdey ee gaajadu iyo macluushuna ay badatey, dowladda ayey ahayd tii talaabadii ugu horeysay ee dadka in la badbaadiyo, xeradii ugu horeysay dowladda ayaa sameysey, waxaana la oran jirey (Badbaado), dhaqaalihii ugu horeeyey ilaa iyo xaaf milyan ah ilaa iyo haaf milyan ah dowladda soomaaliya ayaa bixisey, iyadoo waliba dhaqaaluhu aad u liito aana ku jirney badxiran iyo dhibaato dhaqaale, in naf la badbaadiyo wax ka muhiimsan ma jirin, maanta oo lix bilood ka soowareegtey, qofkii xiligaas arka iyo maanta, qofkaas ayaa kala garankara farqiqa u dhexeeya, wax yar mooyee inta kale waa la badbaadiyey, maadaama ay ahayd abbaartii ugu darmeyd ee ay soomaaliya soomartto lixdankii sanno ee la soodhaafey iyo geeska afrikaba.

waxayna ahayd wax aad nooga tan weyn, waxaana dalbaney in aduunku nala soogaaro mucaawino, taas ayaa keentey in soomaaliya loo soo jeesto oo la yimaado, waxaa na feer socdey abbaar kasta oo dhacdaa inay isu bedesho macluul khasabna ma ahan, laakiin sababta keentey abbaarta in ay isu bedesho macluul waxay ahayd, Al-shabaab oo dadka u diiday cuntada in ay gaarto, dhana waa la wadaa xoreyntii dalka, dhana waxaan wadney badbaadintii iyo quudintii, hadda dhib ma jiraan, soomaaliya abbaartii wey ka baxdey, waxaana lagu talo jiraa sidii loogu celin lahaa meeshii ay ka yimaadeen” ayuu yiri Mr. Gaas.

Ra’iisul wasaaraha DFKMG Dr. Cabadiwali Mar waxaa kale oo la weydiiyey xaaladda is-bar baryaaca ah, ee maamul goboleedyada iyo dowladda ay shirarka iskala sooqayb galaan ayaa wuxuu ku jawaabey “hadde xaaladda soomaaliya ee aan ku jirno baa saa ah, marka annaguna ka xukuumad ahaan wax la qarsanayaa ma jirtee, in dowlad dhex, goboladii iyo baarlamaankii oo meel u wadda socda, in la helo waa wax wanaagsan, mush-kiladu ma ahan shir laga wada qayb-galee ee waa siyaasad mideysan ma leenahay, meelna ma u wada soconaa, dan isku mid ah ma raadineynaa weeye, taasna waxaan aamin sanahay inaanu raadineyno, dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyadu aad bey isugu dhow yihiin siyaasad ahaan, isku ujeedo ayaanu nahay oo isku meel baanu u jeednaa, insha allaahu waanu rajeyneynaa in siyaasadaas wadda socodka ah guulna aanu ka gaarno”.

War-murtiyeedka Ka Soo Baxay shirka ICG-da oo Dhameystiran Halkaan Ka Akh-riso.(pdf)

Dhinaca Kale shan xubnood oo uu ka mid yahay gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka soomaaliya Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) oo ku sugnaa caasimadda dalka Jabuuti ayaan ka qayb-gelin shirkan. Hadalo hoose oo aan helnay waxay sheegayaan in ay diideen ka qayb-galka shirka, waxayna laba kulan oo gaar ah la qaateen Amb. Mahiiga. Inkastoo labada kulan midkood ay si gaar u kulmeen Amb. Mahiiga iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Casoowe. Afarta xubnood Baarlamaanka oo ay kala ahaayeen Xildhibaan Cumar Isloow, Xildhibaan Maxamed Nuur Sheegoow, Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Mowliid Macaane ayaa dib isaga noqday.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka FKMG Soomaaliya Md. Casoowe ayaa SomaliTalk soo gaarsiiyey qoraal k kooban labo bog oo uu ku sixiixan yahay Gumiyaha cudub ee ay doorteen xubnihii 283-da ahaa ee xilka ka qaadey Shariif Xasan Sheekh, islamarkaana lagu sheegay “Go’aanka Baarlamaanka KMG Soomaaliya ee ku aadan ka qayb-galka shirarka iyo Kulamadda Xukuumada”.

Qoraalka ayaa waxaa uu ahaa mid ku socda UNPOS, AU, IGAD, OIC, ARAB LEAGUE, USA, UK iyo dowladaha la saaxiibka ah, waxaana OG ama CC, lagu siiyey qoraalka Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiwali. Qoraalka ayaa eedeyn culus loogu soojeediyey Shariif Xasan Sh.Aadan iyo Amb. Mahiiga.

(Qoraalka Baarlamaanka Halkaan ka Eeg )

Shirkan 21-aad ee ay isugu yimaadeen xubnaha ICG-da oo uu furey wasiirka arrimaha dibadda dalka jabuuti Md. Maxamed Cali Yuusuf, ayaa waxaa khudbado ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Dr. Cabdiwali Maxamed Cali, Safiirka Dalka Mareykanka u fadhiya dalka Jabuuti, Wakiilka Q. M ee Soomaaliya Amb. Mahiiga, gabar ka socotey Qunsuliyada Norway, Shariif Xasan Sh. Aadan oo ku ma talayey gudoomiyaha baarlamaanka, inkastoo ay jiraan xildhibaano 283 ah ay xilka ka qaadeen, islamarkaana ay doorteen gudoomiye cusub.

Waxaa kale oo shirka khudbado ka jeediyey madaxweyneyaasha maamul goboleedyada soomaaliyeed ee Puntland, Galmudug State iyo wakiilka Ahlusuna wal-jameeca, islamarkaana ahaa xubin ka tirsan hay’adda NSS-ta Soomaaliya. Shirka ayaa ku bilowdey khudbado xambaarsan xasaasiyado kicinaya dareeno kala duwan, islamarkaana muujinayey heerka fara gelin ee lagu hayo dalka soomaaliya ilaa iyo markii ay meesha ka baxdey dowladii dhexe. Waxaana si cadaan ah looga dheehanayey sawirka caqabadaha ay ka gudbi kariwaayeen KMG-dii lagu sii meel gaarey ee uu soomarey mudadii 11-ka sanno ahayd dalka soomaaliya iyo sida ay ugu nugul yihiin mas’uuliyiinta xiligan.

Inkastoo shirku lahaa kasoo qayb gal balaaran haddana Faroole, Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Gaas Iyo Shariif Xasan Ayaa Qayb Ka Ahaa Shir-gudoonka Furitaankii Somali Contact Group Meeting Djibuoti!, taasoo muujineysa miizaanka siyaasadeed ee shirka halka uu u badnaa, waxa ka soo baxay iyo siyaasadaha is-diidan ee DFKMG ka dhex jirta iyo kuwo kale ee ku hareereysan, Islamarkaana ay ku daabneyd rabitaanka dowladdo gaar ah iyo kuwo Urur, waxay keloo astaan iyo natiijo u ahayd shirka loo balann-san yahay ee ka dhicidoona 23/02/2012-ka Magaaladda London ee dalka Ingiriiska.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti. fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2012

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;