Xog-hayaha Guud Ee Madaxtooyada Dalka Jabuuti, Md. Ismaaciil Xuseen Taani
“Haddii Soomaali Siyaasadii Ay Guracantey Oo La Diidey In Wax Meel Loowada Wado,
Bal Dhanka Dhaqaalaha Iyo Dhaqanka…”
Gudoomiye ku xigeenka koowaad SBIC Cabdirashiid Haybe Dubadd “…Markaad Addigu
Dooneyso Malyuun Doolar In Aad Ummaddaada Ku Badbaadiso Ee Boqol Milyan Oo Dadka
Lagu Fasahaadinayo La Keeno Ma Joojinkareysid” wareysi. Golaha Ganacsatada iyo Maalgeshiga Soomaaliyeed ee Xaruntoodu tahay caasimadda
dalka Jabuuti oo shir looga hadlayo wax qabadka mudadii uu jirey (SBIC),
qorshaha mustaqbalka iyo doorashada maamul cusub oo ay ku lahaayeen xaruntooda
caasimadda dalka Jabuuti 18-19/02/2012, ayaa mar seddaxaad Gudoomiye u doortey
Sh. Axmednuur Cali Jimcaale. Munaasabad lagu sooxirayo kulankooda oo lagu qabtey isla xarunta ayaa waxaa
khudbado ka jeediyey Xog-hayaha guud ee Madaxtooyadda dalka Jabuuti Md.
Ismaaciil Xuseen Taani, Madaxa Maalgashiga iyo Kobcinta ee dalka Jabuuti Mahdi
Dharraar, Gudoomiyaha Golaha Ganacsatada iyo Maalgeshiga Soomaaliyeed Sh. Axmed
Nuur Cali Jimcaale, Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Ganacsatada iyo
Maalgeshiga Soomaaliyeed Cabdirashiid Haybe Dubadd, Xog-hayaha guud ee ururka
SBIC Ridwaan iyo Gudoomiyaha midowga ganacsatada Gobolka Banaadir Maxamuud
Cabdikariim Gabayre. Gudoomiyaha Golaha Ganacsatada iyo Maalgeshiga Soomaaliyeed Sh. Axmednuur Cali
Jimcaale “Madaxweyneheena Aan Jecelnahay Ismaaciil Cumar Geelle, Dowladiisa Iyo
Shacabkiisa, Sida Wanaagsan Ee Ay Inoo Soodhaweeyeen Aad Iyo Aad Baan Mahad Weyn
Ugu Celineynaa…” Gudoomiyaha Golaha Ganacsatada iyo Maalgeshiga Soomaaliyeed Sh. Axmednur Cali
Jimcaale oo ugu horeyn halkaas ka Hadley ayaa wuxuu yiri “Waxaan halkaan ku soo
dhaweynayaa Xog-hayaha guud ee Xafiiska Madaxweynaha dalka Jabuuti, Md.
Ismaaciil Taani, Madaxa Maalgeshiga iyo Kobcinta Dalka Jabuuti Mahdi Dharaar iyo
dhamaan ganacsatada soomaaliyeed ee halkaan isugu timid inta degan gudaha
jabuuti iyo inta meelo dheer oo daafaha caalamka inooga timid, hadalkeygu waan
soogaabinayaa waxaan u mahad-celineynaa Madaxweyneheena aan jecelnahay Ismaaciil
Cumar Geelle, dowladiisa iyo shacabkiisa, sida wanaagsan ee ay inoo
soodhaweeyeen aad iyo aad baan mahad weyn ugu celineynaa. Sida aan u garaneyno in aan u arragno wadankeena koowaad, baan ugu qanacney
soodhaweynta nala soodhaweeyey. ganacsatadu labadii sanno mar ayey isugu
yimaadaan jabuuti, waxayna doonayaan in ay ka dhigtaan halkaan meel ganacsiga
soomaalida uu ka inn-dhilaaqo oo ay u noqoto xarun caalami ah oo dhinac kata
ah…”. Gdoomiye ku xigeenka Koowaad Cabdirashiid Heybe Dubad “Waxaan Aad u Jeclayn Oo
Ujeedada Xafiiskayaga Ugu Weyn Ay Tahay Sidii Gacansigu Uu Ugu Soo Aruuri Lahaa
Oo Xarun Uga Dhigan lahaa Jabuuti…” Gdoomiye ku xigeenka Koowaad Cabdirashiid Heybe Dabad oo isna halkaasi ka Hadley
wuxuu yiri “Madaxweynaha dallka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaan
boqolkiiba boqol u mahad-celineynaa, shacbiga reer Jabuuti dhamaantood baan u
mahad-naqeynaa, ganacsatada shirkan sida sharafta leh u soo ajiibtey ee isaga
yimid meelo kala duwan, baanu boqolkiiba boqol u mahad-naqeynaa, koleey Afar
sanno oo hore ayaa inoo dhamaadey oo dhisme iyo aas aas ahaa, iminka seddax
sanno oo cusub baa bilaabbmey, ilaahay waxaanu ka rajeyneynaa in is-bedel badan
oo xagaga horumarka oo ka dhaco Jabuuti, annaguna xageena dadaal badan ka
sameyno ayaan aad iyo aad ugu dadaaleynaa haaddii ilaahay yiraahdo. Waxaa kale oo aad iyo aad u muhiim ah, ururadda noocaan oo kale maadaama ay
shicib yihiin waxyaabaha muhiimka ah ee ay ku tiirsankaraan waxaa ka mid ah,
dhinaca xukuumadda naftigeedu, waayo dadd, dal iyo gacansiba waxay noqoneysaa in
kor loowada qaado, ma ogtahay soomaali badan baa ku daadsan sida Dubai, Kiiniya,
Afrika inteeda badan, waxaan aad u jeclayn oo ujeedada xafiiskayaga ugu weyn ay
tahay sidii gacansigu uu ugu soo aruuri lahaa oo xarun uga dhigan lahaa Jabuuti
tan aanu dooneyno oo aan ku dadaaleyno waa taa. Waxaan dooneynaa dowladu laba qaybood ahaan, xaga xukuumadda iyo gaar ahaan
rugta ganacsiga iyo Golaha Ganacsatada soomaaliyeed, inay iskaashadaan oo lagu
soowareego ganacsatada meelaha jirta oo dhan loola tago sidii loogu soodhaweyn
lahaa iyo wixii loo qaban lahaa oo tusaale ahaan loo siiyo intaas oo isku duuban
ay tagaan meelo badan si ay wax-qabadka iyo arrimaha yaala Jabuuti, taas waanu
jeclaan lahayn, annaguna diyaar baanu nahay dhinacayagu.
Mudii afarta sanno, waxaa soo marey wax-yaabo badan oo la qabankaro, Bunuugta
Iminka la furey faa’iidooyin badan oo la taabankaro ayey keenneen, markaanu
qiyaasno lacag afartan milyan oo doolar ayaa soomarta oo ku hakata baannanka,
dadd dhigta iyo dadd halkaan ka maamusha woxooda wey leeyihiin, waxayna ka mid
tahay faa’iidooyinka ganacsatada soomaaliyeed ay wadanka soogeliyeen. Markeynu
is wareysaney shirkadaha qaarkood dakh-liga ay soogeliyeen, xisaab xirkoodii
wuxuu noqdey sagaal milyan oo doolar, waxa ka soogaley waxay noqotey $900,000,
waa hal milyan wax dhiman, sided milyan iyo dheeraad waxay ka keeneen dibadda,
waxaa kale oo jira shirkado kale oo doonaya in xaruntooda rasmiga ah halkaan ka
dhigtaan. Cabashooyinka nasoogaaraya waxaan soo sameyn doonaa, iyadoo qoraal ah in aan
gaarsiino meelaha ay khuseeyaan, ganacsatadu way soo socdaan aadna waa loo
sootilmaamayaa, waxaana dooneynaa annagoo ganacsatadii soomaaliyeed ah, kuwii
jabuuti iyo xukuumaddaba, in aynu sameyno baaq soodhaweyn ah wixii suuragal ah
ee la qabankaro aad iyo aad baanu u jecelnahahy waad mahadsan tihiin”. Maxamuud Cabdikariim Gabayre “…Meel Lagu Tashadey In La Wada Joogo Oo La
Isuguyimaado Waxaa Ka Jirta Jabuuti…” Maxamuud Cabdikariim Gabayre oo ah gudoomiyaha ganacsatada gobolka bannaadir
ayaa isna wuxuu yiri “munaasabadan sida hore looga sheekeeyey waxay ahayd
kulanka ay ganacsatadu isugu yimaadaan labadii sannoba mar, markasta ka doodaan
wixii u qabsoomey iyo waxa aan u qabsoomin, annigoo u mahadcelinaya dowladda
Jabuuti madaxweynaheeda, marwaddiisa, wasiiradeena iyo baarlamaankuba iyo sida
ay noogu soodhaweeyeen, aana joogno dalkeena labaad, annagoo u isticmaaleyna
annagoo gurigeena joogno oo kale. Gacansatada soomaaliya mar bay si naga
noqotey, waxaan rajeynayaa inay hadda noo hagaagtey, waa la kala yaacay, meel
lagu tashadey in la wada joogo oo la isuguyimaado waxaa ka jirta Jabuuti, inta
kale waxaa lagu degay si iska socod ah. Laakiin jabuuti waxay kaga duwaneyd meelaha kale, waxay ahayd meel aan ku
tashaney oo aan isugu nimaano oo aan xarun ka dhigano si aan u kala warqaadano,
inta hadda ku horfadhida ee Jabuuti degan ee ganacsatadii ugu cusleyd ah iyo in
badan oo haleeliweysay gedigood nin aan ganacsi ku lahayn ma jiro, dadd iska
yimid oo iska noqonaayo ma ahan oo waa dadd degan ganacsina ku leh. Waxaa la
wada degan yahay Free Zon, shirkad ka mid ah shirkadaha diyaaradaha, waxa
soogala iyo waxay ku bixiso, waxay ka badnaayeen 9 milyan oo doolar, dakh-liga
ka soogaley wuxuu noqdey $900,000”. Mahadi Dharaar Gudoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Iyo Kobcinta Dalka Jabuuti
“…Ganacsatada Soomaaliyeed Hawlo Badan Oo Yar yar Bay Wadankeena Ka Qabtaan…” Mahadi Dharaar Gudoomiyaha hay’adda maalgashiga iyo kobcinta dalka Jabuuti
“waxaan idiinkaga mahad-naqayaa doorashada aad doorateen xarunta Golaha
ganacsatada iyo Maalgashiga soomaaliyeed in ay ahaato Jabuuti, taasina waxay na
dareensiineysaa walaall-nimada iyo isku dhawaanshaha xag walba inoodhaxeeya,
ganacsatada soomaaliyeed hawlo badan oo yar yar bay wadankeena ka qabtaan,
waxaan naawileynaa annigoo ku hadlaya magaca wakaalada Qaranka Kobcinta
Maalgeshiga, waxaan rajeynayaa in la sii siyaadsho, wixii caqabaad ah oo xageena
ku aadana, si qalbi furan iyo niyadsami ay ku dheehan tahay ayaan aad idiin kula
shaqeyn doonaa insha allaahu tacaalaa, aad baana u soodhaweynayaa in aan isla
shaqeyno, waxaana soo dhaweynayaa hadalka gudoomiye kuxigeenka koowaad…”. Xog-hayaha guud ee Madaxtooyada dalka Jabuuti, Md. Ismaaciil Xuseen Taani
“haddii soomaali siyaasadii ay guracantey oo la diidey in wax meel loowada wado,
bal dhanka dhaqaalaha…” Xog-hayaha guud ee Madaxtooyada dalka Jabuuti, Md. Ismaaciil Xuseen Taani oo
gunaanadkii soo xirey kulankii golaha ganacsatada iyo maalgashiga soomaaliyeed
ayaa khudbad xambaarsan muhiimado waaweyn ka jeediyey wuxuu yiri “dhismaha
golaha ganacsatada iyo maalgashiga soomaaliyeed, ma ahayn in ay dhisme ku
sameeyaan ama maalgelin ee waxay ahayd meel la isugu yimaado oo si miyir qab ah
loogu tashado ama waayo araggnimada ay la kulmeen dhulka ay joogaan oo nin kasta
oo soomaali ah uu dhabarka ku hayo Hay’add weyn oo wararka u soo aruurisa ama
dhibaatooyinka mid kasta haysta ka war haysa, si ganacsatada iyo maageliyayaasha
soomaaliyeed ay ugu noqotana hay’add weyn oo isku xirta. Dhinaca kale wuxuu ahaa, haddii soomaali siyaasadii ay guracantey oo la diidey
in wax meel loowada wado, bal dhanka dhaqaalaha laga galo ayey ahayd, maadaama
ganacsigu wax la wada leeyahay uu yahay oo qabiil keligii uusan lahayn oo wax
keliya oo dan mid ah laga noqonkaro ay tahay, bal xaga dhaqaalaha iyo dhaqanka
hala addkeeyo ayey ahayd, nasiib wanaag wax wey dhaqaaqeen waakaas maanta halkaa
la isugu yimid, in la aamuso oo warkii hoos u yaalo ma haboona, waxaan idiin
leeyahay hambalyo, mar hadaad iimaansateen, waadna ku mahadsan tihiin sida aad
Jabuuti u karaameyseen”.
Isagoo khudbadiisa sii wata ayaa intaa ku darey “Mida kale ganacsatada Jabuuti
ay yimaadeen ma ahan imaanshaha uune, Jabuuti ahaan waan dhaqaaqaynaaye ayey
ahayd. jabuuti waa dal yar, dadkiisu aad u yar yahay, ganacsato waaweyn oo
dhaqaalo haysata ma jirto, kuwa ugu soodhaw waa dadkii soomaaliyeed ee
walaalladooda ahaa ee wax haysta, iyagaa maalgeliyayaasha kale ee aduunka
kalsooni gelinkara, marka jabuuti ay dhaqaaqdo aysan xaga dambe joogsan oo ay
noqdaan kuwii soojiidayey Ajnabiga noqdaan naga ahayd, nasiibdaro wali tii aad
bey u yara jiiseysaa, waayo xajmiga aan ku socono ayaa xawli ah, annagu waxaan
rabnaa sal balaaran, Jabuuti waxaa weeye Al-baabb laga duulikaro weeye, waxaan
dooneynaa laami aan halkaan ka dhaqaajineyno ilaa West Afrika aan gaarsiineyno
iyo Tareenkii”.
“waqtigan casriga ah gaadiidka ugu raqiisisan marka laga reebo markabka, waxaa
weeye Tareenka, waxaan dooneynaa wax alla wixii Eeshiya xiriir la leedahay
Afrika, in halkaan xarun u noqoto, sababtoo ah, markabka ka yimaada Eeshiya si
uu u yimaado Westa Afrika waxay ku qaadaneysaa seddax bilood, haddii halkaan
laga sameeyo oo tareenka la raaciyo, haddii ay ugu badato waa seddax todobaad,
waa run in qaarkiin ay yiraahdaan waxaasi wax suuragalaya ma ahan, laakiin
haddii la helo in badan oo daneyneysa si ay u sameeyaan laamiyadaasi oo shirkado
shacab ah oo aan ahayn dowlada, sababbtoo ah dowladdu waxaa laga rabaa in ay
diyaar u noqdaan, waayo iyaga ayey dan u tahay oo waa ganacsi isa soocelinaya
waxani.
Cabdirashiid Haybe
Waxaana ku jirnaa tilaabooyinkeeda iyo raadkeeda oo way bilaabatey, waad
maqasheen dhowaan in Jabuuti, Itoobiya iyo Koofurta Suudan ay kala sixiixdeen
sidii ganacsiga u socon lahaa, marka laga reebo dekadaha hadda jira, waxaan
dooneynaa inaan badino gaadidka Cirka Dhulka iyo Dekadaha oo aan dooneyno in aan
sameyno shan kale oo qaarkood haddaba ay socdaan, dadkeena soomaaliyeed waxaad
moodaa in sidii dadd shaar shaari (qararaf) oo kale u dhaqmaayo ayaad moodaa,
halkii si wadar ay u fikiri lahaayeen, soodhawaada waan idiinku hambalyeyneynaa
go’aanada aad gaarteen, annaguna hawlaha na sugaaya ma yara”. Ayuu yiri Ismaaciil Taani khudbadiisa mar uu kaga hadlayey arrimaha soomaaliya iyo shirka
London waxaa uu yiri “waxa Jabuuti u aasan waa gooni, dalkiina waxaan fileynaa
tilaabooyinka caalamku in la wada daneynayo shirka London oo ay isugu imaanayaan
Madaxweyneyaal iyo Ra’iisul wasaareyaal badan oo heer sare ah ayaa isugu
imaanaya, waxaa kale oo imaanaya Xog-hayihii guud ee UN-ka iyo waxaa laga yaabaa
Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, sidoo kale kuwo kale oo aan daneyneyn
arrimaha soomaaliya markii hore, sida Madaxweynaha Tanzaaniya iyo Nayjeeriya oo
markii hore arrimaha soomaalida dhow dhow ku ahayd madaxweynahoodii baa
imaanaya, marka meesha waxay u egtahay meesha aan iska dejino, inkastoo aan lagu
dhiiraneyn dowlad xoog leh oo is-wadahaysata oo mid ah, wax yar oo jilicsan oo
marka la doono Afka la isugeliyo laga jecel yahay, soomaalina ay garan weydey
maxaa inaga danteena ah, addiga waa lootalinayaa ninkii tashan waaya, waa loo
soowada kacay, waxay u egtahay in loo yara tartiibsado sida ugu haboon, addigu
waa arrimo Ilaahay iska wata” ayuu khudbadiisa ku soogebagebeeyey. Gudoomiye ku xigeenka koowaad SBIC Cabdirashiid Haybe Dubadd “…Markaad Addigu
Dooneyso Malyuun Doolar In Aad Ummaddaada Ku Badbaadiso Ee Boqol Milyan Oo Dadka
Lagu Fasahaadinayo La Keeno Ma Joojinkareysid” wareysi. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Ganacsatada iyo Maalgeshiga Soomaaliyeed
ee xarntoodu tahay caasimadda dalka Jabuuti Cabdirashiid Haybe Dubadd oo aan
wareysi gaar ah kula yeeshey isla markaana aan wax ka weydiiyey kulan ay ku
lahaayeen 18-19/02/2012 oo xaruntooda ay ku qateen, tirada xubnaha ku mideysan
ururkooda, dalallka ay kala joogaan, sababaha ay maalgelin ugu sameyn waayeen
dalka soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiim ah ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabey. “kulankani wuxuu ku saabsanaa seddax qodob, in la kordhiyo mudadii maamulka
cusub xilka hayn lahaa oo laga dhigo seddax sanno, markii horena wuxuu ahaan
jirey labadii sannadooddba mar in doorasho la qabto, laakiin iminka waxaa laga
dhigay seddaxdii sannoba mar in laga dhigo. Waxaa kale oo ka mid ahaa in maamul
cusub la doorto, maamulkii cusbaana waa la doortey, waxaa la doortey gudoomiyaha
Sh. Axmednuur Cali Jimcaale, waxaa kale oo la doortey Gudoomiye ku xigeenka
koowaad oo anniga oo ah Cabdirashiid Haybe iyo gudoomiye ku xigeenka labaad
Maxamed Wasare Jaamac doorashadaas ayaa dhacdey. Waxaa kale oo ajenduhu ku saabsanaa sidii dardar-gelin loogu sameyn lahaa
xafiiska loona jamcin lahaa ganacsatada oo waliba maalgelinta ugu badan looga
keeni lahaa dibadaha, loona gelin lahaa wadanka gudihiisa iyo gaar ahaan
Jabuuti. Sababtoo ah, Jabuuti waa wadan xuquuq nagu leh, waxay na geliyeen tacab
badan, waxaa isna xaq badan nagu leh dalkayagii inaan maalgelin ku sameyno oo la
maalgeliyo, meel kasta oo dadka ganacsatada ahi ay u arkaan, in maalgeshigoodu
munaasib ku yahay ayaanu jecelnahay in maalgelinta lagu sameeyo. Wax-yaalaha aanu rajeyneyno oo aanu ku taameyno oo aanu isleenahay maalgeshi bey
ku wacan tahay, Jabuuti baa kow ka ah, Somaliland baa ka mid ah, Puntland baa ka
mid ah, meel kasta oo nabad-gelyo ka jirto waxaa waajib ah ninka ku aaminey
Kiiniya, Koofur Afrika, Tanzaaniya iyo Dubai hantidiisa, waa inuu awood u
yeeshaa oo aan ku soodhaweynaa dalkiisa iyo halka ugu dhow in hantidiisa lagu
aaminikaro, taa weeyaan tan aan isugu nimid, waanuna ku guuleysaney si fiican
baanu isugu af-garaney, dowlada Jabuuti rag mas’uuliyiin nooga yimid waan isku
Af-garaney, dhexdeenuna waan isku af-garaney arrintaaas”. Mar aan weydiiyey tirada iyo wadamadda ay ka kala yimaadeen ganacsatada Jabuuti
isugu yimid? Ayaa wuxuu ku jawaabey “waxaa isu yimi dadd aan ka yareyn ilaa
sodon qof oo ganacsato ah, dhamaantoodna waxay ka tirsanaayeen Boodhka SBIC,
waxayna ka kala yimaadeen Kiiniya, Dubai, Tanzaaniya, Muqdisho, Boosaaso,
Somaliland iyo Jabuuti, Sharciga ururkuna wuxuu dhigayaa, waxaa doorashada
maamulka iska leh, golaha fulinta oo tiradoodu gaareyso ilaa iyo 44 xubnood,
waxaana ka joogey sodon dhowdhow, awoodna wey u lahaayeen, iyagaana looyeeray oo
yimid, xubnihii faraha badnaa ee aan iyagu doorashaba lahayn, ma imaanin”. Sidoo kale waxaan weydiiyey Golahan ganacsatada iyo maalgeshiga soomaaliyeed ee
xaruntoodu tahay caasimadda dalka Jabuuti, tirada xunaha ku mideysan? Waxaa uu
yiri “ 238 xunood ayaa ka tirsan xafiiskan SBIC, waxayna isugu jiraan xubno
caadi ah iyo Maamulka intuba, waxayna kala joogaan wadamadda aan kuu sootiriyey
oo waxay ganacsi ku leeyihiin wadamadaas, ilaa Chaina iyo Zambia”. Ganacsatada soomaaliyeed mudadii 21-ka sanno ahayd, waxa ay maalgeshi ku
sameysteen dalalka caalamka oo ay qayb ka yihiin dowladaha deriska ah, marka
maxaa u diidan in maalgeshi ay ku sameystaan kaabayaashii dalku uu lahaa, si
degenaashaha dalka ay qayb uga qaataan? Haybe waxaa uu ku jawaabey “runtii marka si xaqiiqo ah la doonayo, soomaaliya
guud ahaan marka la soo qaato, mush-kilada ka jirta waxaa ka mid ah, haddii ay
dhici lahayd in ganacsatadu ka baxaan dalka, soomaaliya halka xaaladeedu
gaarsiisan tahay may gaarteene beri hore ayey baabi’I lahayd. Waxaase ilaahay
loogu mahdiyaa in dadd caqli badan oo waliba muwaadiniin ah oo dalkooda jecel
inay u badan yihiin ganacsatadu. Khaladaad maleh ma lihi, laakiin waxaan dareemayaa in tacab badan iyo juhdi
badan la geliyey, waayo ninka ganacsatada ahi, wuxuu awoodikaraa inuu
dhaqaalihiisa qaato oo wadan nabad ah la tago, ma sameeyaan, iyadoo la dilayo oo
muqdisho lagu dilayo, ayaa haddana ganacsatadu ka shaqeysaa, dhaqaalo dero ma
hayso oo caalamka meeshii ay doonaan bey tegikaraan, sidaas darteed wadankii
kamey bixin, nolosha ugu jaban adduunka bey ka mid tahay soomaalida, Jabuuti
haddaan tusaale u sooqaato Soomaaliya ayaa ka jaban, waana wadan nabad-gelyo leh
oo xor ah dhibaatana aan ka taagneyn, Itoobiya iyo soomaaliya waxaa ka nolol
jaban soomaaliya, marka wey jirtaa wadanku dhibaato kasta haka jirtee,
ganacsatadu waxay suuragelisey inaaney wadanka ka bixin si ay u ilaaliso
noloshii dadka” ayuu yiri isagoo sii wata jaawaabta su’aasha, aya intaa ku darey “Bariiska ugu jaban iyada uun baa laga helaa, shidaalka ugu jaban iyada uun baa
laga helaa,taleefoonka gu jaban iyadaa laga helaa, nolosha ugu jaban iyada uun
baa laga helaa weyna dadaalayaan, laakiin mush-kilada jirtaa waxaa weeyaan,
dhaqaalaha badan ee la geliyo wadan, madaafiic iyo dagaalo ka socdaa, dee dhib
badan buu keenayaa kaasi, laakiin waxay sameeyeen inay nolosha daruuriga iyo aas
aasiyaadkeeda ilaaliyaan, wax-yaalaha Ummado badan ay dhibaato ka haysato, ayey
iyagu boqolkiiba boqol ku wanaagsan yihiin” ayuu yiri. Cabdirashiid Haybe waxaan keloo weydiiyey Dhibaatada soomaaliya ka taagan waxaa
qayb ka ah, shirkado shisheeye oo ganacsato ah oo dalka bur burinaya, maadaama
aad tihiin ganacsatadii soomaaliyeed, maxaa diidaya in dalkiina ilaashataan oo
maalgeshiga difaaca iyo dhismihii qayb ka qaadataan, iyadoo ay jirto sida addigu
aad sheegtey ee dhibaatooyinka iyo dagaalkas? Wuxuu ku jawaabay
“sideedaba ninka ganacsadaha ahi, ma ahan nin qori ku ganacsada, ganacsigu
nabad-gelyo ayuu doonayaa, laguma shaqeynkaro meel madaafiic, xabad iyo colaadi
ka jirto. Haddana iyagu waxay suurageliyeen inaysan ka dhex bixin, taasi waa
qodob. Ganacsatada ama dadka cadowga ah ee shisheeyaha ah, tusaale ahaan uma
noqonkaraan iyaga, sababtoo ah nina wuxuu ku jiraa dadkaaga iyo dalkaaga
badbaadi, nina waa cadow kugu sooduuley oo waliba kaa xoog badan, cadowga
dhaqaalaha ee kaa xoog badani, cadowga quwada ah ee dhulka ayuu la mid yahay,
markaad addigu dooneyso Malyuun doolar in aad Ummaddaada ku badbaadiso ee boqol
milyan oo dadka lagu fasahaadinayo la keeno ma joojinkareysid!. Waxaad ku
khasban tahay inaad inta aad islaaxinkarto islaaxiso, ama wanaag aad addigu
sameyso, wadankuna dhul badan oo ammni ahaan iyo nabad-gelyo ahaan boqolkiiba
boqol hagaagey waa jiraa sida Putland oo kale, inta badan wax kasta waa
shaqeynayaan,haddana waa ka jiraan kuwaan wax fasahaadinaya oo wey iska
difaacaan, Muqdisho oo kale noloshiina way ka jirtaa, haddana waxaa socda
dagaalkii oo dhaqaalo ahaan waa loogu dagaalamayo, siyaasad ahaana waa loogu
dagaalamayaa oo cadowgii wuxuu doonayaa in bur buriyo, ganacsatada soomaaliyeed
waxay dooneysaa in wadankeeda iyo dadkeeda ilaashato dee labadaasi dhibaato ayaa
is horyaala. Runtii waan dadaaleynaa ganacsigu waxaa la yiraahdaa waa xor oo xuduud maleh,
ninka Kiiniya degay, Muqdisho wuu ku khasban yahay, ninka u dhashey Jabuuti ee
hantidiisii Kiiniya geeyey maxaa muqdisho kaga xiran waa ku khasban yahay,
colaad kasta ha jirtee, lacagta kiiniya kaa soogeleysa waxaa ka fiican tan
dadkaaga iyo dalkaaga ku badbaadineyso. Caanihii kiiniya lagu cabayey ee
daasadaha ku jirey, muqdisho waa yaalaan, shey kasta oo yaala Nayroobi
Muqdishona waa yaalaa, haddana colaad baa jirta, waxaana waxa keeney ee sababey
waa ganacsatada, waxay ku dadaaleen Standar-ka wadanka inaan la dhaqaajin ee
xaga nolosha iyo dhaqaalaha, in la ilaaliyo waa heshiis.
Waxaan kuu tirinkarayaa toban nin ka badan oo ganacsato tujaar ah oo lacag badan
haysta oo meeshii ay dunida ka degaan ku noolaan karayey oo xamar lagu diley! Oo
hebel iyo hebel loowada garanayo, waxa kalifey ninkaa muwaadin nimo ayaa ku
jirta, dalkiisuu kalgacal iyo niyad u hayey, muu awoodikariwaayin inta yare e uu
haysto inuu meel nabad ah ku cuno, laakiin wuxuu ka doorbidey inu dalkiisa ku
ilaaliyo oo uu ku badbaadiyo, isna waa ku dhintey”!. Laakiin sow lama dhihikaro waxaa la dhoofiyaa kheyraadkii dalka, waxaana la
soogeliyaa wax tayadoodu hooseyso, marka miyaan la dhihikarin ganacsatadu qayb
ayey ka tahay dagaalka ayaa weydiiyey Cabdirashiid Haybe? Wuxuuna ku jawaabey
“wali may gaarin hanti laga dhofiyo dalka, wax la xado oo dadd inaga xoog badan
xadaan mooyaane, tusaale markaan kuugu sooqaato mooskii, cambihii,liintii,
hargihii iyo kalluunkii, baddii horta waa la haystaa, berigiina waxaa jira
colaado oo meel wax lagu beero ma hayno, boqolkiiba toban ma soo go’aan, markaa
xili ganacsatadu inta wax tayo leh dhoofiyaan oo dibada geeyaan oo qashin bey
keenaan lama joogee, waxaa la joogaa xili la yiraahdo sidee loo noolaadaa, wax
kasta oo ganacsatadu keento oo nolosha badbaadinaya waa dan”. Wax-yaabaha inta badan ganacsatada soomaaliyeed ay ka ganacsadaan wax ma inooga
xusikartaa ayaan weydiiyey? “wadanka gudihiisa waxa laga qaadaa waa wax aad u
yar, Kalluun baa la qaadi lahaa oo waxaanu leenahay badd aad u dheer, waana la
yaqaanaa oo bur cad badeed baa loo bixiyey oo lama ogola cid ka kaluumeysankarta
ma jirto oo inta mashaariic dhigato oo kalluunka inta ay soogurto oo
qaboojiyeyaal inta u keensato, maraakiib u keensato oo ka dhex ganacsan karto
baddii ma jirto, waxayna ka mid tahay ilaha dhaqaale ee wadanku leeyahay, haddii
la yiraahdo wadanka wax baa laga qaadaa, Xoollo Nool baa jira oo dalka ka
dhoofa, ilaha dhaqaale ee dalku leeyahay waa ka mid, haddii aan la dhoofinina
dadkaa bakh-tiyi lahaa.
Waayo ninkii reer miiga ahaa ee dalka joogey, xoolahan ayuu haystaa, intaas uu
dhaqayna in laga iibsado ayuu u baahan yahay, marka waa laga iibsadaa oo suuqna
waa loodoonaa, waxa kale waa wax aad iyo aad u yar, waxaase yimaado Inprot aad u
badan, waxaa la keenaa wax allaale wixii Ummadu ku nooshahay raashiinka oo nooc
walba leh, dharka la xidho oo nooc walba leh, qalabka dhismaha guryaha oo nooc
walba leh, waxaas oo dhan dibada ayaa laga keenaa, lacag kaash ah ayaa dalka
laga qaadaa dibadaa la geeyaa qalab ayaa la soo siiyaa, haddii la yiraahdo qalab
tayo leh oo qaali ah halakeeno Ummadu ma shaqeynkareyso. Inagu uma baahnin xiligan allaab Jarmalka laga keenay oo aad u qaali ee waxaynu
u baahanahay sideynu xafiis ku helnaa qiimo jaban oo macquul ah aynu ugu
gadanaa, sidee Kaamiradan aad hadda wax ku duubeyso, iyadoo jaban loo helaa,
addaa wariye ahe, haddii laguu keeno Kaamiro $20,000 ama $30,000 waligaa iibsan
meysid, laakiin waxaad u baahan tahay mid la mid ah oo sida taas u shaqeyneysa
oo hawlaaga ku qabsato oo qiimaheedu $500, ayey ganacsatadu ka fikirtaa oo
dadkiina noloshu aaney uga dhex bixin, waana lagu guuleystay, wax kasta oo
dunida yaalaa, waa yaalaa wadanka maanta, colaad kasta ha jirto. Mareykan iyo Soomaaliya haddii la isu eego is-gaarsiinta, soomaaliya ayaa jaban,
haddii loo eego raashiinka iyo cuntada waxa jaban soomaaliya, wadamada shidaalka
soo saara, soomaaliya ayaa ka shidaal jaban, tartan baa jira, waxa shidaalka
jebinaya waxaa ka mid ah cidna uma xirna ugu yaraan seddax boqol oo nin baa
keenaya dabadeedna waxaa laga faa’idayaa sintiyo doolar ah. wixii uu ka taagnaa
wadankii soo saarey baa lagu iibinayaa soomaaliya, halkaas ayuu tartanku ka
yimid, sidaas darteed nolosha oo dhan wey jaban tahay, dalaga wadanka ka soo
go’a waa jaban yahay, marka ganacsatadu waa qaybta keliya ee badbaada dalka
weeyaan annigu sida aan qabo”. Haddii aan u soo noqono Jabuuti, ma jiraa wax mashaariic ah oo aad ka fuliseen
oo aad ku xisaabtameysaan ayaan weydiiyey gudoomiye ku xigeenku? Wuxuuna yiri
“haa,tusaale ahaan mudadii xafiiskan furnaa, laba Bank ayaa la furey, sida
Dahabshiil Bank iyo Salaam African Bank, labadaa Bank, xaruntoodu waa Jabuuti,
waxaa weeyaan Baannanka ka furan ee Faransiis ku leeyahay Jabuuti iyo kuwa Yemen
Laga leeyahay, iyo kuwa dunida kale laga leeyahay, xarun uma ahan oo waa Laamo,
laakiin halkan waxaa ka furan laba Bank oo Jabuuti Sumcad u ah oo xaruntoodu
tahay Jabuuti, labadba ganacsato soomaali baa furtey. Qodobka labaad ee meesha ayaalaa wuxuu yahay, waxaan rajeynayaa tobanka sanno ee
soo socda, imaarado dhererkooda walina aan hore looga sameyn Jabuuti oo aan
isleeyahay cidi ka sameyn meyso ayaa hadda ka socda oo aan ka wadnaa, sida mid
ah 11-dabaq, waxaa kale oo laga sameeyey ganacsato yar yar oo fara badan oo
hantidooda dhigtey Free Zoon-ka ayaa lagu leeyahay ganacsi fara badan,
diyaaradaha ayaa qayb lagu leeyahay, gaadiidka badda ayaa qayb lagu leeyahay,
waxaasoo dhan soomaali baa leh, guryo iyo dhul bannaan oo badana bey ka
iibsadeen, hal dhul oo keliya oo 20,000 oo mitir isku weer ah $1900,000 baanu ka
iibsaney halkan oo dhismihiisa lagu dhaqaaqayo dhowaan, markaa wuu jiraa
maalgelin farabadan oo la geliyey Jabuuti, waana lagu soo socdaa in intan waliba
kor loogu siiqaado ayaa la doonayaa”. Marka loo eego maalgelinta aad ku sameyseen Kiiniya iyo kan aad geliseen
Jabuuti, bal is-barbar dhig marka lagu sameeyo, maxay kula tahay addiga? Ayaa
wuxuu yiri “walaahi aad bey u kala fogtahay, marka la is bar bar dhigo Kiiniya
iyo Jabuuti, waxaa ka badan afar labaad ama shan laab Kiiniya, sababtoo ah
Kiiniya waxaa laga bilaabey Real State, isaguna lacag badan buu u baahan yahay,
dhaqaalo aad u badan baa Kiiniya galey, laakiin dadku kalsoonida boqolkiiba
boqol, waxay iminka door bidayaan inay hantidooda ku sooceliyaan ama dalka
gudihiisa iyo Jabuuti, waayo labaduba wixii kaa yaala waa mudamac, waa wax aad
damaanadooda heleyso, laakiin Kiiniya waxa yaala iyo waxa yaala Koofur Afrika
iyo meelo ka fogba, dareen badan ayaa lagu hayaa qofka bani’aadamka ah, markaa
waxaanu aad u jecelnahay inaan iminka ku baraarujino in xoolahaaga meel aad ka
helikarto ama aad ka qaadankarto dhigato, taas ayaa muhiimadeena ah oo aan ku
jirnaa hadda”. Cabdirashiid Haybe waxaan keloo weydiiyey Khudbadihii xafladiina aad
jeedineyseen, waxaa ka mid ahayd in caqabado yar yar ay jiraan, caqabadahaasi ma
kuwo ulakac u dhacayaa, mise waa kuwo sharciyan ku imaanaya? Wuxuuna ku jawaabey
“maya, intooda badan nidaamka wadanka oo ahaa nidaam xir xiran waqtiyadii hore
oo kii faransiiska laga dhaxley u badnaa, laakiin dowladan iminka jirta ay
dooneyso in wax badan ka bedesho oo wax badana ku guuleysatey, iminkana ay wado
ayuuna yahay, annaguna taayadu ma ahan dhaliile, waa sixid. Waxaanu dooneynaa
wax-yaalaha noo muuqda ee caalamka kale aanu ku soo arragney ee halkan ka dhiman
inaanu tusno ayaanu dooneynaa, iyaguna wey nala qaateen waa addigii maqlayey,
waxayna yiraahdeen in badan annaguna diyaar baanu idiin nahay oo waa idiinla
saxaynaa”. Ugu dambeyn Maadaama aad tahay gudoomiye ku xigeenkii Golaha ganacsatada iyo
maaleshiga soomaaliyeed ee xaruntoodu tahay dalka Jabuuti dadd badan ayaa
akh-risan doonaa fikirkaagan ama daawan doona ama dhegeysan doona, maxaad u
soojeedineysaa ganacsatada kale ee soomaaliyeed eejoogta caalamka daafihiisa
kale? “waxaan aad iyo aad ugu baraarujinayaa ganacsatadu meel kasta oo ay joogto in la
isku xirdhmo waa koow, hadaf iyo tilmaan rasmi ah in la yeeshana waa dan, waxaan
aad iyo aad ug guubaabinayaa, in marka hore caalaaqaad ganacsi iyo wadatashi
inuu ka dhexeeyo meel kasta oo la joogo, waxaan ogahay hay’addo badan oo
International ah, inay ka faa’iideystaan iyaga naftigooda u isticmaalaya qaabab
fool xun, inay iska horkeenaan oo ay isku dhuftaan, kolba magaca cid aan
munaasib u ahayn ay u isticmaasho, waxaan ku talin lahaa cid idiin matasha in la
helo, ileyn basher beynu nahaye oo mid khaladan baa imaankara oo naga mid ah oo
si khaldan u isticmaalikara magaceena Iyo in Kiiniya laga sameeyo SBIC ama
Golaha Ganacsatada iyo Maalgeshiga soomaaliyeed. Sidoo kale laga sameeyo Koofur Afrika iyo Dubai, dabadeena aan isku xirano,
sameysanona daladd guud, si aynu u garano halka aynu maalgelinayno, cida cadowga
inoo ahna aynu iska wada caabinkarno oo mustaqbalka dhibaatada ka dhacda Kiiniya
loogu mudaaharaadikaro Jabuuti iyo Dubai, loogana cabankaro meel walba, sidaas
oo kale tan ka dhacda Dubai. qofka bani’aadamka ah, haddii nin walba meel cunaha
lagu qabto oo uu ka hadliwaayo waa masiibo ee si wadajir ah, halka aynu
maalgashaneyno waa in aynu isla ogaanaa oo laga tashadaa, laguna ogaadaa cida
halkaa maalgelisey, halka aynu ka guureynuna, waa in aynu isla garanaa, waa in
aynu hadaf ka dhiganaa hantida dibadda inaga taal, inay noqoto hanta loogu
talogaley in dalka dib ugu soo noqota goor ay ahaataba” ayuu hadalkiisa kusoo
gebagebeeyey Gudomiye ku xigeenka Golaha Ganacsatada iyo maalgeshiga
soomaaliyeed Cabdirashiid Haybe Dubad oo iigu waramayey xaruntooda ku taal
caasimadda dalka Jabuuti 19/02/2012. Dhamaad Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Jabuuti. fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2012
|