SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - K/Afrika

Somalida Ogadeniya oo Ethiopia kaga furay Maxkamad wadanka South Afrika iyo Maxkamada ICC

15/02/2012 Waxa shir jaraaid lagu qabtay Smail Atony magaalada Johannesburg ee wadanka South Afrika. kulankaas oo lagu soo bandhigay Dacwad lagusoo oogay dowlada Ethiopia oo ka kooban 700 oo xaashiyood oo lagu caddeynayo danbiyada daggaal iyo xasuuqa ay dowlada Ethiopia ka geysato dhulka Somalida Ogadeniya. Tacadiyadaas oo isugu jira dil, Kufsi, xidhay iyo xasuuq guud oo lagu eedaynayo in 17 qof oo kamid ah dowlada Ethiopia ay masuul ka yihiin danbiyadaas. sidaas awgeedna lahorkeeno maxkamada caalamiga ah ee ICC. Sidoo kale waxa kiiskan loo gudbiyay maxkamada Sare ee South Afrika iyo danbi baadhayasha policeka South Afrika 7 Febraayo 2012.


shirkii Jaraa'id

Kulankan ayaa waxa kasoo qeybgalay 8 Loyar oo matalaya Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Koonfur Afrika iyo xubno dhibanayaal ah oo dhaawac kufsi iyo jidh dilba loogusoo geystay Ogadeniya. Waxaa shirkan saxaafadeed goob joog ahaa haayadaha Xuquuqul Insaanka, Masuliyin kamid ah Wadanka South Afrika iyo warbaahinta caalamiga ah sida Aljazeera, warbaahinta south Afrika oo nooc kastaba leh, Islamic Channel, iyo saxaafada Afka Somaliga ku hadasha. Waxaana si waafi ah loo tabiyay oo warbaahinta South Afrika iyo qeybaha kale ee caalamkaba looguso faafiyay warbixintan la xidhiidha kulankan. Iyaga oo gorfeynaya Dacwada lagu eedeynayo Ethiopia!

Aljazera: Warbaahinta Aljazera ayaa faafisay 14/02/2012 warbixin ay ugu magac dartay Somalida Ogadeniya oo dacwad ka furtey ICC ay ku oogayso Ethiopia. waxaana Aljazeera ay ka xog warantay in South afrika tahay goobta ugu fiican ee laga furi karo kiis noocan oo kale ah oo dowlad lagu eedaynayo xasuuq iyo cadaadin gaysatay- maadama ay Koonfur Afrika ahayd wadan isir-takoor ka jiri-jiray oo dhibaato badan soo maray. ( http://www.unpo.org/article/13886 )

Daily Maverick wargeys kasoo baxa wadanka South Afrika ayaa isna aad uga xog waramay kaalinta ay South afrika ka qaadan karto dacwadan lagu soo oogayo dowlada Ethiopia. Waxa wargeysku cinwaan ka dhigay “South Afrika oo furinta hore soo istaagtay” dacwada lagu eedaynayo Ethiopia. Wargeyskan ayaa waxa uu ka xogwaramay qodobada dawacdan ka koobantahay oo ah 5 qodob

1. In la oggeysiiyo oo lawargaliyo danbi baadhayasha Poliska South Afrika, Maxkamada South Afrika iyo waliba Maxkamada ICC in dhulka Somalida Ogadeniya ka dhacay xasuuq isugu jira, fal danbiyeed ka dhan ah xuquuqda bani aadamka iyo danbiyo daggaal falkaas oo illaa hada socda.

2. In Wadanka South Afrika laga codsado inay qabtaan maxkamad taas oo lasoo horkeenayo islamarkaasna lagu baadhayo fal danbiyeedkaas kore haddii dadka geystay danbigaas ay kusuganyihiin wadanka South Afrika iyada oo lamarayo xeerka (Rome Statute of the international criminal court act 27 of 2002)

3. In Wadanka South Afrika laga codsado inay keenaan qofka maqanaha ah ee fal danbiyeedkaas lagu oogayo maxkamada haddii uu ka maqanyahay wadanka South Afrika iyaga oo kasoo qabanaya meelkasta oo uu adduunka ka joogo.

4. In laga codsado wadanka South Afrika haddii ay xukumi kari waayaan xubinka lagu soo oogayo danbiyadaas kore maqnaasho uu ka maqanyahay wadanka South Afrika awgeed. Inay sharci ahaan waajib ku tahay inay wargaliyaan oo ay u gudbiyaan Maxkamada Caalamiga ah ee ICC maadama South Afrika ay xubin ka tahay buuxa Rome Statue.

5. In Wadanka South Afrika ka codsato Maxkamada Caalamiga ah ee ICC inay baadhaan fal danbiyeedkaas kuna oogaan danbiga ay geesteen ee ka dhan ah xuquuqda Bani aadamka iyo fal danbiyeed daggaal iyaga oo maraya xeerka ciqaabta ee qodobka 15 Rome Statue.

( http://dailymaverick.co.za/article/2012-02-16-ogaden-refugees-legal-claims-may-put-sa-on-the-spot  )

Kiiskan lagu soo ogayo wadanka Ethiopia ayaa illaa hada la ogeyn innuu kamid yahay raisal wasaraha wadanka Ethiopia. Balse waxa ay guul u tahay shacabka Somalida Ogadeniya oo 15ki sano ee u danbeysay xasuuq xoogani ka taagna dhulkaas. Waxana marar badan xasuuqaas bayaamo iyo bugaag kasoo saaray haayadaha xuquuqul Insaanka sida Human Rights Watch iyo amnesty International. Waxa kale oo si qarsoodi ah ugaso waramay xasuuqaas New York times iyo Aljazeera. Looma ogola dhulka somalida Ogadeniya warbaahinta madaxa banaan iyo Hayadaha xuquuql insaanka toona inay galaan Ogadeniya. Waxana laga soosaaray oo laga mamnuucay Haayada Red Cross, MSF iyo Amnesty International inay Ogadeniya Ka howlgalaan.

Dacwadan ay Gudbsiay Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee lagu oogayo wadanka Ethiopia waxa ay kusoo beegantay maalin ay Somalida Ogadeniya xusayaan murugadii Febraayo ee sanadkii 1994 waqtigaas oo xasuuq aad u weyn ciidamada Ethiopianku ka geysteen dhulka Somalida Ogadeniya.

Isla Maalinkaas ay Dacwada gudbiyeen Jaaliyada Somalida Ogadeniya waxaa lagu xasuuqay Magaalada gunagado shacabki dagana oo lagu dilay 16 qof oo isugu jira waayeel caruur iyo haween magalada Gunagado. Halka 20 qof oo kalena dhaawac halis ah uu soo gaadhay. Waxaa kale oo magaladaas laga qaffaashay 100 qof oo loo taxaabay xabsiyo aan la garanayn illaa hadana aan la ogeyn geeri iyo nolol toona waxay ku suganyihiin.

Daawo Video, warbixinta shirkii jaraa'id


South Africa’s Ogaden refugees have requested the police, the prosecuting authority and the International Criminal Court to investigate damning allegations of human rights abuses against the Ethiopian government. The allegations are not new, but the legal action may force South African officials to take a more proactive stance against human rights abuses in Africa. By KHADIJA PATEL. More...

Waxaan kasoo xiganay ONA (wakalada wararka Ogadeniya). www.ogadennet.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 20, 2012

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.