SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - LIIBIYA

Magacyada Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku dhintay Badda u dhexaysa Liibiya iyo Talyaaniga

Tahriibayaal Soomaaliyeed oo qaar Badda ku dhinteen intii kalena loo soo gacan-geliyay Ciidanka Ammaanka ee Libya

(Tripoli):- Doonni kuwa Tahriibka ah, oo ay la socdeen 60 Muhaajiriin Soomaali ah, oo 1-dii bishan April 2012 ka shiraacatay Xeebaha Libya, ayaa dib loogu soo celiyay Tripoli, iyadoo ay 7 ka mid ahaa Tahriibayaashiina ay Badda ku soo dhinteen.

Doonnidan oo ay Cilladi ku qabsatay gudaha Badda, ayay Soomaalidii la socotay kala ahaayeen: 17 Dumar ah, laba Caruur ah, inta kalena Wiilal.

Dadkan ayaa Markab Talyaani ahaa oo badbaadiyay, dib ugu soo celiyay Libya, una gacan-geliyay Ciidamada, ka-dib markii ay laba habeen ku jireen Badda.

Tahriibayaashan ayaa u sheegay Madaxda Safaaradda Soomaalida ee Libya: in markii ay Cillad ku timid Doonta, ay u qayla-dhaansadeen Markab u dhowaa, kaas oo Doonta iyo Dadkii saarnaaba dib ugu soo celiyay Libya.

Muhaajiriintaas soo badbaaday ayaa sheegay: in markii ay u wareegayeen Markabka ay 7 ka mid ahaa oo ay 6 dumar ahaayeen, ku hafteen Badda..

Magacyada Marxuumiinta ku halligmay dhacdadan ayaa lagu sheegay,sidan:-

  • (1) Firdawsa Xasan Barre.......ka timid Muqdisho.
  • (2) Kidiso Jiinow Axmed......... " "
  • (3) Shamso Maxamed Caddaawe " "
  • (4) Yaasimiin Muxyaddiin Xasan " "
  • (5) Saamiya Yuusuf Cumar " "
  • (6) Ifraax Cabdi Karbuuno " "(Oo Uur lahayd)
  • (7) Ciise Tuuryare Caddaawe yimid "

Markii Muhaajiriintan dib loogu soo celiyay Libya, ayay Madaxda Safaaradda Soomaalidu ka codsatay Ciidamaddii hayay, inay ku soo wareejiyaan Safaaradda, taas oo ay ugu horrayntii ka oggolaadeen.

Ha-yeeshee, markii loo soo daabbulay Safaaradda, ayaa waxaa ka daba yimid Ciidan ka socday Arrimaha gudaha, siiba Laanta socdaalka iyo Ciidamada Amniga, oo lagu soo amray: in ay Muhaajiriintaas u wareejiyaan Xabsiga weyn ee 'Garyaan'. Kaas oo ay horana ugu jireen tiro ka badan 300 oo Muhaajiriin ah.

War cad oo Safaaradda ka soo baxay:

Maalintii shalay oo ahayd Talaado 03/04/2012, waxaa ku shiray Tripoli-Libya: Wasiiradda A.Gudaha ee Talyaaniga iyo W.A.Gudaha ee Dawladda Libya. War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkooda, wuxuu si cad u sheegayaa: in ay si walba u joojiyaan Tahriibka Badda; dawladda Talyaaniguna, ay ku ballan-qaadday in ay ka kaalmayso Dawladda Libya wax kasta oo ay ku hor-istaagi karto, kuna joojin karto Arrinta tahriibka.

Taas oo uu macnaheedu yahay: dawladda Libya iyo Dawladaha reer Yurub oo is kaashanaya: inay u soo jeesteen, sidii arrintaas loogu guulaysan lahaa.

Sidaas awgeed: Safaaradda Somaalida ee Tripoli, waxay u sheegaysaa dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwa jooga Libya, kuwa soo socda iyo kuwa ku haminayaba: in dhoofkii Badda laga tahriibayay ee Libya ay noqotay arrin aan soconaynin. Waxaana kula talinaynaa dhallintaas: inay ka shaqaystaan Libya ama dib uga noqdaan. Wixii aan labadaas ahayn waa Xabsi-doon.

Waalidiinta iyo Asxaabta ku kala nool Waddanka Soomaaliya gudihiisa iyo dibaddiisaba, in ay sidaas ula socdaan, lana soo taliyaan dhallintaas.

Xafiiska Warfaafinta ee Safaaradda Soomaalida
Tripoli-Libya

###

Magacyada waxaa soo tebiyey
muhiadin mohamed kalmoi, Email: kalmoi@hotmail.com

Qoraalladii hore ee Tahriibayaasha....

Faafin: SomaliTalk.com | Apr 4, 2012

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;