Bismillaahi wassalaatu wassalaammu calaa rasuulilaah
Mahubo
murtidan meeshay kubaxday, sida ay ubaxday iyo ciddii bixisay
intaba, waxaanse qofna shaki ooga jirin macnaha ay
xanbaarsantahay kaas oo kadhigan qof awood buuxdo uleh inuu
siduu rabo kayeelo cad hilib ah oo gacanta oogu jiro. Cadkii
ayuu u goodinayaa leeyahayna amma waan iska kaa cantuugi oon ku
calalin amma ciiddan hoostayda ah baan kugu camcamin, maxaa
yeelay waxaa cadka lagasoo jaray asalkiisii oo meella kuma
dhaggana oo hadduu tusaale ahaan cadka hilibka ah uu ku oolli
lahaa xitaa orgi yar oo nool oo daaqsanhayo qofku sidaa uguma
goodiyeen oo waxaa kahorrayso intuusan cadoowba dhihin;
lahaanshaha orgiga, soo qabashadiisa, mindi uhelid, qaliddiisa,
harag kabixintiisa, jarjaridda hilibkiisa oo markaa cadkii
lagasoo jaro iyo waliba karintiisa, soliddiisa ama huurintiisa
wa hadduusan qofka sida Xabashida hilibka caydhiinka kucuninee (arrintaa
danbe waan un maqlay ee mahubo inay jirto iyo inkale).
Ninka Tigreega horjoogaha u ah ee Itoobiyana xoogga kuhaysto
kadib markuu soo muquuniyey qowmiyado badan oon daris nahay sida
Oromada iyo Caffarta iyo kuwo aannan daris ahanyba sida
Axmaarada oo kale ayuu isyidhi dhulalkii Soomaalida een hore
gacan kuugu jirin sidoo kale yeel oo muquuni. Muddo dheer oy
Mukhaabaraadkiisa ka abuurayeen saldhigyo ay warbixinnada kusoo
uruursadaan, sidoo kelana hawlo kharibaad ah iyo burburin
Soomaaliya uga fuliyaan, waxay markii danbe isugusoo
biyoshubatay in Jammahuuriyaddii Soomaaliya ay noqotay cad
hiliba, odaygana markaa qiimayn kadib wuxuu jeclaystay inuu
cadka cantuugo oo sidaa calaliyo, maadaama aynan munaasb ahayn
in cadkaa hilibka ah oo dadaal dheer loosoo maray diyaarintiisa
lana hubo barootiinnada kujirto farabadnindooda iyo baahida loo
qababa inayna munaasab ahayn in latuuro oo ladayaco fursaddaa
qaaliga ah.
Waxaa layidhaahdaa mukhaabaraadka macluumaadka ay keenaan waa
guusha badhkeed (waa markii dagaal laga hadlayo), maxaa yeelay
intaadan dagaal qaadin ayey kuusoo diyaarin ciidanka cadowga
warbixintiisa oo dhan, tusaale ahaan; Tirada ciidanka cadowga,
tayada, tirada iyo noocyada hubkiisa, niyadda dagaal ee
ciidankaas, meelaha ay kajilicsan yihiin, meelaha ay kadhisan
yihiin, qaabka ay u urursan yihiin, difaacooda, hoggaankooda iwm.
Haddaad warbixintaas oo sax hesho dagaal hortii waxaa kuu hadhay
oo qudha 50% fulinta dagaalka ood kuguulaysato. Haddayse dhacdo
in warbixinnadaa muhiimka u ah dagaalka aad galayso ay khalad
ahaayeen waxay ubadantahay in lagaa guulasyto, afkana ciidda
luguu daro.
Waxaa tusaale kuugu filan wixii Mr Bush kaqabsaday Ciraaq,
laga billaabo sababtii ay sheegteen inay Ciraaq uweerarayaan, (illeen
dagaaloow iska dagaal ma aha oo waa inay jirto sabab xaq kuu
siinayso inaad daggaalanto), lugu geeyo qabsashada Ciraaq
laqabanayo waxay kusalaysnayd been marka laga reebo warbixinta
ay kahaysteen dhismaha, tirada iyo tayada ciidankii Saddaam.
Waxaa lagasoo wariyey mukhaabaraad dalal kale oo Reer Galbeed ah
in warbixinta kudhalisay Mr Bush inuu weeraro Ciraaq ay katimid
Mukhaabaraadka Iiraan oo dhaxgal qotodheer kusammeeyey ururkii
uu Madaxda u ahaa Axmed Jalabi ee INC (Iraqi National Congress).
Ururka INC wuxuu ahaa urur ay Ameerika aad utaageri jirtay
kuna tiirsanayd rabtayna inay u adeegsato saammaynta Ciraaq iyo
milkinta mustaqbalkeedaba. Sidaa awgeed wixii macluumaad ah oo
Ciraaq looga baahdo ururka ayaa lagasoo warin jiray maadaama uu
lahaa xafiisyo horumarsan oo lasocday xogta Ciraaq (waa siduu
ururku sheegan jirey). Markuu Mr Bush waagu kubaryey beenaale
kutubkaatubloow ahna noqday ayaa la’iskudayey in bal hoos loogu
dhaadhaco halka ay sartu kaqudhuntay. Waxaa iyana lasoo wariyey
in saraakiil badan oo ururka INC siiba kuwii mukhaabaraadka
uqaabilsanaa lawaayey meel ay aadeen qabsashadii Ciraaq kadib.
Muddo kooban kadibna lagaba warhelay ayagoo iska tamashlaynayo
magaalooyin kuyaallo Iiraan oy muuqatana inay iskuhallayn halkaa
ujoogaan. Waxaan umalayn inay dadka qaar xusuustaan muddo kooban
kadib qabsashadii Ciraaq in lugu dhagganaa Axmed Jalabi oo mar
laxidhay ama la qishqishaaday asaga iyo sarakiil lashaqyn jirtay,
in lala wareegay xafiisyadiisii iyo wixii uu gacanta kuhayey,
muddo kadibna la’iska dhaafay, maxaa yeelaybaa layidhi waxaa
caddaatay inuusan wax dhiba oo ulakac ah uusan Maraykan ugaysan
oo laftiisaba lakhayaanay oo laga fuud cabbay.
Baladoo dhanbaa layidhi Iiraanbaa kadanbaysay, waxayna Iiraan
sidaa kunoqotay dalkii ugu horreeyey adduunka ee asagoon xabbad
qush kasiin katakhalusay cadowgiisii ugu waynaa ee ugu halista
badnaa jiritaankiisa. Iiraan waxaa dhuunta ugashay Ciraaq oo uu
Saddaam oo madaxa looga jiro xukumo, sidoo kalena ay Reer
Galbeedka iyo Ruushkaba kuhubeeyeen. Arrintaa ay Iiraan
katakhalustay maamulkii Saddaam waxay sababtay inay awoodda
millatari iyo ta siyaasadeed ee iiraan ee Bariga Dhexe ay
saddex jibbaaranto wakhti yar gudihii, meesha tii Ameerika ee
bariga dhexe ay wiiqantay. Qisada qaybteed hore wa la qaraiyey
oo wax badan lagama sheegin laakiin tan danbe ee korodhka
awoodda Iiraan iyo wiiqanka ay wiiqantay awoodda Ameerika ee
Bariga Dhexe waa arrin jirto ayna baadhis kadib bannaanka soo
dhigeen Urur Maraykan ah oo loo yaqaanno Council on Foreign
Affairs (CFR). Qiyaas adiga dagaal aad gashay ood silic iyo
saxriir umartay oo guul aad kagaadho iskadhaafee cadowgaadi
koowaad kuliibaanay kuna dhargay. Waxaa horey loo yidhi guul
waxaa ugu macaan midda cadowgu kusiiyo asagoon u kaysayn, maxaa
yeelay cadow guul looma quudha wuxuu gacmihiisa kukeensado
mooyee.
Haddaan dib ugusoo noqdo odaygaii Tigreega horjooga u ahaa,
macluumaadkii uu dhowr iyo tobanka sano ka ururinayey Soomaaliya,
wax alla waxuu daraasad sammayn hayey illeen diiradda wuxuu un
uga jeeday waxay ahayd dagaal oogayaal iwm, meeshaba muusan soo
dhigan inay soomaali kujiraan dad mabaad’ii leh, dad diin leh,
dad dammiir leh oon aqoon wax gobonimo iyo geeri u dhaxeeyo. Dad
aan musuqmaasuq soo marin oon la iibsan karin, dad aan loo
cagajugalyn karin, dad aan lasiri karin innaba hayaraatee.
Markuu cadkii hilibka soo diyaarsaday oo ruug oo liq yidhi ayuu
kumargaday oo uu dhuunta u istaagay oy lafdheer oo hilibka
kuqarsoonayd iskudadabtay dhuuntii.
Hadday odayga neeftu kudhagtay oo ay lataliyaashiisii kusoo
yaaceen, Baadhis kooban kadib waxaa lugu yidhi iskasoo tuf
cadkan baas haddii kale naftaa kaa haadi. Waxaa loo usheegay
inay hilibka kudhaxjirtay laf labada dhinac kaqorqoran oo leh
laba caaradood oo mindi oo kale ah, waxaana loogu daray waxaa
lafta kuxardhan erayo u eg Ashabaab. Ashabaab aa! Oo ma idinkaa
iisheegay inay kujiri karto laf caynkaa ah hilibka. Yaa ogaa
waa su’aalee? Xitaa Soomaalidii uhaysatay inay Soomaaliya
xaaladdeeda xog ogaal uyihiin ayaa layaabay ururkan awoodda
badan, sida fiicanna udhisan qaab millatari iyo mid siyaasadeed
ee aadka u dishibiliinka badan. Waxaan shaki badan iiga jirin
inay saraakiil badan oo mukhaabaraadkiisa kamid ah kuwaayeen
shaqadooda iyo darajoba fashilka odayga lasiiyey macluumaadka
faalsada ah loogana digi waayey mashaqada naftiisa galaafan
gaadhay walina korsaaran.
Cabaadkii uu maalintaa billaabay ayuu kujoogaa, Soomaaliya
waan kabaxaynaa ayaa laga wariyey usbuucyo kadib markuu soo
galay, waxayse kuqaadatay laba sano inuu kadhabeeyo, maxaa yelay
wuu margaday oo biyo uu isaga dajiyo lafta u dhaxgashay cadka
hilibka ah ayuu baadi goobayey. Markay suurtogali wayday ayuu
iska tufay oo uu yidhi cadyahow haddaan kucuni waayey ciidda
ayaa kutaqaanno. Caqligayga yar wuxuu iisheegay inuu Odayga
Tigreega ah haystay macluumaad saxa oo kusaabsan awoodda iyo
tayada ururkii burburray Maxkamadaha Midoobay, sida raggii
madaxda u ahaa waxay ahaayeen iwm, waaba haddyna qaar xidhiidh
hoose lalahayne, bal uusan haysan macluumaad kufilan qaybta
Shabaabka oon ayagu markaa warbadanba laga hayn, ahaana urur
kudhax jiray Maxkamadaha Midoobay balse dhisnaa oo ay wax walba
uhabaysnaayeen. Marka markuu isyidhi cadka cun oo uu kumargaday
ayey usoo baxday in cadku uusan ahayn suu mooday, oo ay
dhaxjiifto laf dheer oo adag oo Shabaab layidhaahdo aflabadii
ayuuna dhawaqay.
Xadbeenaad
Waxaan filayaa inay dad badan oo Soomaali ah xusuustaan
waagii ay Kooxda Imbageetti dagganayd Baydhabo, MMI na ay
katalinayeen koonfurta inteeda kale waxaa jirey ciidamo
Itoobiyaan ah oo joogay Baydhabo had iyo goorna ciidamo hor leh
yey soo galin jireen Baydhabo, saasooy tahay horjoogaha Tigreega
iyadoo caalamka oo dhan ujeedo ciidankooda wuu inkiri jirey inay
ciidan kajoogaan soomaaliya. Wakhtigaa lagasoo billaabo illaa
hadda oy ciidamadiisa say rabaan ugana baxaan uganasoo galaan
Xadbeenaadka aan laxarriiqin wuu inkiraa, waxaana ugu danbaysay
maalmo kahor inay ciidamadiisa kasoo gudbeen iyadoo saraakiisha
ugu sarrayso maamulka Tigreegana ay inkireen arrintaa. Waxaa
muhiim ah in la’isla garto maanta inuusan jirin xadkaas beenta
ah oo labada dhinac waa soomaali iyo Qolada Tigrega ee Itoobiya
xoogga kuhaysatee la’isku waafaqsan yahay inuu xadku been yahay.
Annaga kasoomaali ahaan horta xuduud lama wadaagno Itoobiya ama
Tigree, waxaan xad lawadaagnaa dad aan isku jinsi iyo iskudiin
nahay oo Oromo iyo Caffar loo yaqaanno oo xoog lagu haysto
Itoobiyaanna aan ahayn.
Horjoogayaasha Tigreega laftoodu marhore ayey meel
iskadhigeen xadkan lugu muransanyahay muddada dheer, maxaa
yeelay waxay istuseen in dhulka xadbeenaadka xagga shishe ka ah
uu yahay dhul dihan oo dayacan xeebo dhaadheer leh yahayna waxay
ubaahan yihiin, marka haddii Eriteriya neefta kuxidhay mintidna
kunoqotay oon rajo laga qabin in loo xoog sheegto. Xadbeenaadkii
marka way kasaareen meesha waxayn u arkaan dadka xadbeenaadka
labada dhinac kadaggan ee Soomaalida ah inay yihiin dad riqiisa,
juhalo ah, anarkist ah oon nidaam iyo hawl ay kuhormaraan aan
awoodin inay sammaystaan marka waxay iska dhaadhiciyeen intaan
lakaashanno dalalka aan saaxiibbada nahay aan suuqyada madoow ee
Maafiyada kasoo gadanno kolba kii sheegta inuu siyaasi uyahay
illeen wuxu waa un beece oo kama duwano hilib caydhiin ah oo
suuqa yaallee.
Qofkii aan kuqancin aragtidaa aan soo gudbiyey hafiiriyo
siday udhaqmayeen Tigreegu illaa maalintay dhaleen Imbageetti
2004 tii illaa maantadan aan joogno. Hal maalin umayna dhaqmin
sidii dal caawinayo dawlad madaxbannaan, cidna dabada kamay
dadan jirin oo say doonaan ayey dhaqmi jireen. Qofkay rabaan bay
dilaan, kay rabaanna way daayaan, xitaa ciidamadii dawlad
kusheegga ayey iska gummaadi jireen markay xanaaqaan ama khamri
kadhargaan cid kahadli kartayna majirin. Nimankii ugu sarreeyey
dawlad kusheega waxay ukala ordi jireen Maamulka Tigreega oo
dacwada u kala qaadi jirey oo midna la’abaal marin jirey midna
lakarbaashi jirey. Iskadhaaf waxkalee xitaa Maxamed Dheere oo
la ogyahay inuu 100 % daacad u ahaa una shaqayn jirey Tigrega si
hagar la’aan ah wuu ka badbaadi waayey oo karbaash, xadhig iyo
handadaad joogto ah ayey kuhayeen.
Haddadan aan maqaalka qorayo waxay ku urursanaysa Goday iyo
Dooloow oo xadbeenaadka dhinaca kale kaxiga si ay ugu
adeegsadaan qorshahooda danbe ee ah ciidaynta cadka hilibka ah,
bal ufiirso Ninkii Shariif ahaa ee sheegtay inuu madaxwayne
yahay waxay usoo dajin hayaan siduu ushaqayn lahaaa, xaggna
Dagaal Oogoo dhan wixii malukumawd kabadbaaday ayay ururin
hayaan oy diyaargarayn hayaan say ufilayaan qorshaha ciidaynta
cadka hilibka ah ee Shabaabka laga cuni waayey, waxaanaba intaa
sii dheer inay ururro diin sheegta ay dhisayaan. Hadda midbaa
Dariiqo inuu yahay lagu sheegay oo gobollada Dhexe laga abuuray,
waxaa kuxiga mid yidhaa Akhwaan Al-muslimiin baan nahay oo asna
koonfurta meel kamida kasoo baxo kadibna mid yidhaa Salafu Al-Saalix
baan nahay oo meel kale budh kasoo yidhaa. Ujeedadana waa mar
haddaad cuni wayday cadka ciil dartii ciidda ku camcami.