Bismillaahi wassalaatu wassalaammu calaa Rasuulilaahi
Ma’akhrisay maqaalkii Tamrat Nega ee soo baxay Sebtember 10, 2008 da
Gogoldhig
Waxaa jirtay su’aalo badan oo la’iswaydiinayey muddoyinkan danbe
jawaabana aan loo helin, kuwaasoo ahaa; 1. maxaa Itoobiyaanka Soomaaliya
ka dagaallamo ciidankooda kukoobay difaac un qudha oo u diiday inay
weerar galaan ooy wax baacsadaan? 2. Sidoo kale maxaa udiiday inay dalka
maadaama ay qabsadeen ay isku ballaadhiyaan ooy saldhigyo kassammaystaan
gobollada dalka oo dhan maadaamma ay xoog ku haystaan cidina ayna ka
hortaagnayn? 3. iyadoo laqiyaasay inay Itoobiyaanku u baahanayaan ugu
yaraan ciidan dhan afar Gaas (hal gaas qiyaastii waa 10 000 oo askari)
si’ay gacanta ugu qabtaan inta muhiimka ah Koonfurta Soomaaliya, maxay u
awoodi waayeen inay ciidan intaa dhan keenaan Soomaaliya ama kuhayaan
wakhti dheer?
Runtii marka laga reebo dadka lashaqeeyo ama u shaqeeyo tigreega inta
kale dadka way ku adkayd inay fahmaan hadafka Tigreega iyo waxa ay
Millatari ahaan damacsan yihiin. Qofkii marka akhriyo maqaalkan uu qoray
ninkan layidhaahdo Tamrat Nega waxaa shaki la’aan u caaddaanayso waxay
Tigreegu ugu dhaqmayaan sida ay hadda u dhaqmayaan. Waxaa qoraalkiisa
laga dhuuxi karaa damaca waalan ee ay Tigreega ay ka leeyihiin guud
ahaan Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaanna dhulka Soomaaliya, sida ay
iyaga isu arkaan iyo sida ay dadyowga kale ee kula nool Geeska Afrika u
arkaan. Waxaa laga fahmi karaa inuu heeshiishkii la buunbuuniyey ee
Jabuuti kudhaxmaray niman katirsanaa Kacdoonkii Islaamiga ahaa ee
kadhshay soomaaliya oo dhinac ah iyo Tigreega iyo Saraakiil kasocoto
Maraykan iyo Ummadaha Midoobay oo dhinac ah uu hal bacaad lugu lisay
ahaa ama yahay, oo qudha ay Tigreegu u aqbaleen hab farsamo ahaan ah bal
inay yara nafisaan ama ay dagaalka uga socda Koonfurta soomaaliya xal
kumeel gaadha ama rasmi ah oo ayaga u adeega ay u helaan. Waxaa sidoo
kale cad inay ayagoo la kaashanayo Adeerradood Maraykan iyo Ummadaha
Midoobay ay qorshe qoto dheer u dajisteen dalkii Soomaaliya la odhan
jirey iyo waliba dalalka dariska la’ah intooda badan. Waxaa iyana cad in
haduu Tigreegu dagaal galo ay kaalmo toos ah kahelayaan Jabuuti, Sudan
iyo Maraykankaba.
Waxaa dhici karto inuu qoraagu qoraalka kasoo xog uruuriyey
siyaasiyiin Tigree ah oo xog ogaal ah, waxaa iyana dhici karta inuusanba
soo warin ee uu asaga laftiisa allifay. Waxaase lahubaa inuu qoraalkiisa
xaqiiqda Tigreega iyo damacooda bannaanka soo dhigay, maxaa yeelay wuxuu
kajawaabayaa su’aalaha aan kor kuxusay ee ay dad badan oo u kuurgala
arrimaha hadda Soomaaliya kataagan ay is waydiinayeen jawaabana u
la’aayeen.
Tigreega ciidankooda wayn un isdifaacaan oo si kasta oo loo weeraro
kama daba tagaan cidii soo weerartay, arrintaas waxaa ugu wacan waxay
ogyihiin awoodda ciidan ee soomaaliya kajoogto tabarteeda intay
la’egtahay. Midda kale qorshahooda kuma jiro inay Soomaaliya iskood uga
baxaan in lugu khasbo mooyee, sidaa awgeed waxay rabaan inay intay
kahelayaan ciidan kufilan xaaladda say tahay kuhayaan ayagoo aad ugu
tiirsanaanayo madaafiicda culculus ee ay haystaan si aan loogusoo muhan.
Ayagoon Eriteriya meel kuhubsan ciidan xoog leh umasoo diri karaan
Soomaaliya wakhti kooban mooye, sidoo kale barwaaqada Soomaaliya ugasoo
udgaysana si dhibyar ugama dhaqaajin karaan.
Waxaan hoos kusoo koobay macluumaadka uu soo ururiyey Mr. Tamrat ee
akhri.
Tarjumiddii Qoraalka
Itoobiya waxay kudhowdahay inay gasho hawlgal dagaal oo ay
kubadalayso nidaamka maanta kajiro Asmara, kadib markay 14 sano kujirtay
xaalad bad la’aan ah oo go’doon u eg, iyadoo markaa doonayso inay
qabsato dakadda Casab ee Eriteriya hadduu dagaal markale kadhax qarxo
labada dal. Saraakiil sarsare oo katirsan Wassaaradda Gaashaandhigga ee
Itoobiya ayaa si aan isqarin lahayn uga hadlay inay qorshaynayaan inay
nidaamka Eriteriya jilbaha dhulka udhigaan hadduu labada dal dagaal
kadhax qarxo mar kale. Janaraal darajo sare kahayo Wassaaradda
Gaashaandhigga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in
hadduu dagaal labada dal ka dhax qarxo inay sidan yeelayaan;
“ciidankannaga waxay qaadi doonaan dagaal ba’an oon hore loo arag oo cir
iyo dhulba ah oy kuqaadi doonaan dhulka cadowga”.
Waxay akhbaartan lasoo wariyey sheegaysaa inay Itoobiyaanku
qorshaynayaan inay hawada ka burburiyan 100 meelood oo aad muhiim ugu ah
Eriteriya maalinta koowaad ee uu dagaal ka dhax qarxo labada dal.
Meelaha hawada laga duqayn doona waxaa kamida garoomada dayuuradaha,
saldhigyada isgaadhsiinta, dakadaha, kaydadka shidaalka, Buundooyinka,
Jidadka tareennada, talisyada ciidamada, saldhigyada millatariga, baraha
difaaca cirka iwm.
Saraakiil sarsare oo katirsan Wassaaradda Gaashaandhigga ayaa waxay
sheegeen inay kalsooni buuxda ku qabaan inay Eriteriya oo dhan ay
istaagi doonto maalmo gudahood oo ay waxba ukala socon waayi. Waxaa
kalooy sheegeen inay Itoobiya adeegsan doonto awooddeeda sare ee
ciidanka cirka taasooy kucuryaamin doonaan ciidanka cirka iyo difaaca
cirka ee Eriteriya. Waxaa laga jari ciidanka xadka joogo ee Eriteriya
meelihii ay wax usoo mari lahaayeen, sidoo kale waxaa laga mamnuuci
saraakiisha sarsare ee Eriteria inay wax xidhiidh ah lasammeeyaan
ciidamadooda. Intaa kadib waxaan toos u weerari doonnaa dakadda Casab
annagoo adeegsanayno saddex Qayb oo ciidana oo wato gawaarida gaashaaman
( qayb, luqada ciidanka waa ciidan gaadhayo afar ama saddex gaas oo uu
gaaskiiba yahay qiyaastii 10 000 oo askari, taas macnaheeda waa in casab
larabo in lugu weerari ciidan udhaxeeyo 90 000 ama 120 000 oo askari).
Intaa waxaa sii dheer bay dhaheen in ay ogolaasho kaheli doonaan laba
dal oo daris ah (Jabuuti iyo Suudaan) inay ciidamada Itoobiya sii maraan
dhulkooda oo markaa Eriteriya lagasoo weeraro bari iyo waqooyi galbeed
(dhinaca Suudaan iyo Jabuutiba) iyadoo hadafku yahay in cadawga lamarin
habaabiyo si uu ugu mashquulo difaaca dhinac aan muhiim ahayn.
Sidoo kale bay sheegeen inay Itoobiya kaheli doonto kaalmo xagga
mukhaabaraadka ah iyo basaasidda xagga hawada dawlad aan saaxiib nahay
oo iyada lafteeda danaynayso in nidaamka Asmara labadalo (waa Maraykanka
waana sidii uu sammeeyey dagaalkii hore ee labada dal dhax maray). Mar
hadday Itoobiya ku guulaysatay xagga diblumaasiyadda waxay hadda
cabbaysatay qoryaheeda iyadoo sugayso inuu cadawgu far dhaqaajiyo si ay
Itoobiya u hesho maraanmarsiiyo ay kufushato istaraatiijiyadaa aan soo
xusanay. Saraakiil sarsare oo Itoobiyaan ah ayaa aamisnan inaanan
dagaalka lugula jiro wadaadada Soomaaliya natiijo laga gaadhayn illaa in
arrinta Eriteriya meel lasaaro mooyee.
Qofka warbixintan ii siiyey wuxuu sheegay in 80% ciidanka Itoobiya ku
mashquulsan yahay Eriteriya xilligan lajoogo. Itoobiya waxay rabtaa ayuu
yidhi inay ka sammaysato saldhig rasmi ah dekadda Casab kadib markay
xukunka kaqaaddo Isias Afawerki. Mar alla marka lasoo afjaro dagaalka
Eriteria waxaa loo diri Soomaaliya 50 000 oo askari, sidoo kale waxay ka
sammaysan Soomaaliya saldhigyo joogto ah shan goobood oo istaraatiiji ah
oo kala ah Berbera, Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo Baladwayne, si
markaas loo hirgaliyo qorshe qoto dheer oo ah xasilinta Soomaaliya si
markaas loo mideeyo Geeska Afrika oo uu unoqdo meel isdhaxgasho xag
siyaasad iyo xag dhaqaaleba ( u fiirso odhaahdaa, waa in Soomaaliyoo
dhan lugu daro Itoobiya oo si qurxan loo dhigay). Qorshahan oo dhan
waxaa loo sammaynayaa in laga saaro Itoobiya Go’doonka ay kujirto hadda.
Marka uu dagaalku ka dhax qarxo Itoobiya iyo Eriteriya waxaa u qorsha
ah Itoobiya inay mucaaradka Eriteriya ee joogo Addisababa ay ku
dhawaaqaan dawlad dibad joog ah, maxaa yeelay rajada Itoobiya ayaa ah
inay hesho dawlad iyada saaxiib la’ah oo kataliso Asmara, dawladdaas u
dabacsan fulinta danaheeda u gaarka ah.
Itoobiya iyo Erteriya waxay ku dirireen dagaal ba’anna uu ku
dhaxmaray intii u dhaxaysay bishii May sanadkii 1998 dii illaa bishii
Juun sanadkii 2000 meesha lagu magacaabo Badme. Dagaalkaas isaga ah
waxaa ku dhintay isugayn labada dhinac 100 000 oo askari, waxaana loogu
magac “dagaalkii dhufayska ee Afrika” maxaa yeelay wuxuu shabbahaa
dagaalkii Koobaad ee Adduunka. Dagaalkan isaga ah een lugu kala adkaan
wuxuu keenay inay labada dal u weeciyaan boqollaal milyan oo doollar
xagga ciidamada, meesha larabay in dalalkaas siyaabo kala duwan loogu
horumariyo, saasooy tahay labada dalba waxaa kusoo fool leh abaaro
ba’an.
Maadaama ay u muuqato inayna suurtoobayn in dagaalka labada dal lugu
dhammeeyo nabad, Itoobiyana ay ku adagtahay inay ciidankeeda qaar badan
oo kamida ah kararto xadka Eriteriya si’ay ugula dirirto wadaadada
Soomaaliya kusii xoogaysanayo ayaad moodda inay saraakiisha ciidamada
Itoobiya kafekerayaan dajinayaan qorshayaal kala duwan oo ay uga gudbi
karaan dhibkaas hortaagan.