Bismillaahi wassalaatu wassalaammu calaa rasuulilaah
Hordhac
Waxaa jirey maqaal aan qoray dhammaadkii bishii Juun ee sanadkii
inaga tagay oon oga hadlayey shirkan Jabuuti ee hadda lugu caano shubay
Sheekh Shariif. Sababta aan u qoray ayaa ahayd anoo aad ulayaabay raggii
madaxda ka ahaa dhaqdhaqaaqii islaamiga ahaa ee kabillowday Koonfurta
Soomaaliya oo meeshii laga sugayey sabar, xikmad iyo hggaamin toosan
dhax dabbaashay adduun kale oon loo joogin, billaabayna inay minjo
xaabiyaan wiilashii yaryaraa ee ay dagaal galiyeen, wiilashii yaryaraa
ee ay hubka udhiibeen, wiilashii yaryaraa ee ay kuyidhaadeen Jihaada oo
fii sabiilillaahi ujihaada. Meeshuu Cabdullaahi Yuusuf markii la caleemo
saaray dalbaday si uu Soomaaliya uxukumo 20 000 oo askari oo wixii
mucaarada asaga cagta marisa, qolodan ayagana waxay dalbadeen intaas oo
kale sabab? Inay kaceliyaan wiilashii ay ayaga hubeeyeen ooy
hawlgaliyeen illeen waxay faraha lagaleen iyo waxa sugayo ayey ogyihiine.
Waxaan kawarsugayey Shariifka iyo waxa uu maaggan yahay iyo cidda
dabada kawaddo waxa ay kammaaggantahay inaan yara fahmo. Marka hadda
ayaan haddana jeclaystay inaan ka idhaahdo waxay iigu muuqato
madaxwaynahan gacankurimiska ah iyo dawladdiisa soo guuxayso ee
gacankurimiska ah ee lugu saleeyey mabda’an qalloocan ee lagu lug go’ay
ee 4,5 ta.
Sheekh Shariif oo madaxtinimo sheeganayo
Dadyawga kala duwan ee aduunka dacalladiisa kunool
waxay u halgamaan inay xaaladda ay markaa kujiraan horey uga socdaan oo
ay gaadhaan natiijada ay gacanta ku hayaan mid kawanaagsan, ama siday
uga bixi lahaayeen dhibka haysta markaa oy u nafisi lahaayeen. Ummadda
Soomaaliyeedse waxaad mooddaa iyaga in loo qoray inay dib uga gurtaan
hadba halkay joogeen ayagoo qasadkooduse ahaa sida dadyawga kale inay
horey usocdaan.
Waxaa maanta Dalka Jabuuti boodhaka loogasoo jafay
nidaamkii daalimka ahaa ee ay Xabashidu soo askuntay ee dalkiisa iyo
diintiisaba danbiga kagalay. Waxa kaliya ee laga badalay ayaa ah in
odaygii aasaaska u ahaa bil kahor qadqadaad loo tuuray iyadoo loo
adeegsaday haweeneey Rastafari ah, kadibna koox cimmaamadleey ah lagasoo
buuxiyey Barlammaan kusheeggii Xabashidu waardiyeyn jirtay, bal inuu
yara barakoobo ama daahiro. Intaana luguma ekaanee waxaa madax looga
dhigay ninkii aasaaska u haa sidoo kalena hoggaaminayey halganka hadda
soomaaliya kasoco Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Haddaan xoogaa yar hoos u
eegno Sheekha, waxaa inoo soo bixi laba ruux oo aad ukala duwan oon
isuba ekeyn; Mid waa kii hore een Sheekha kubarannay intii aan hore
aqoon ugu lahayn, waa ammiirkii Jammaacooyinkii midoobay ee labaxay
Maxkamada Islaamka ee Midoobay, waa Mujaahidkii waynaa ee Jihaadka
kudhawaaqay in lala galo Cadowga Xabashida ee ina daliilaystay iyo niman
markaa loo yaqaannay Ashahaado ladirir haddase aad mooddo in magacii
laga badalay ayagana cimmaamadona loo xidhay oo loogu waqlalay ”Ahlu
Sunna Wal Jammaaca” ama Muslimiinta Qunyar socodka ahaa.
Waxaan xusuusannaa Sheekha iyo labadiisa kuxigeen
inay ahaayeen raggii ka dhaadhiciyey Shacabwaynaha Soomaaliyeed in
jammaacadooda lataageero maadaama ay u halgamayaan Soomaaliya oo mid ah,
madaxna bannaan sidoo kale islaami ah oo kudhaqanata sharciga islaamka.
Waxaan filayaa inay dadka intooda badan xusuustaan in Soomaaliya ay hore
uga jiri jiren xarakooyin Islaami ah, kuwaasoo rabay inay soomaaliya
maamulkeeda gacanta kudhigaan oy hantiyaan balse kuguulaysan waayey.
Arrintaa aan soo xusay waxay isbadashay markay soo baxeen Maxkamadihii
oo ay hoggaamiyayaal u ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Sheekh
Cabdirixmaan Faraax Janaqoow iyo Sheekh Cabdiqaadir Cali Cumar. Haba ugu
wacnaato xilliga oo aad munaasab ugu ahaa aasaasidda urur islaami oo
soomaaliya samatabixiya iyo cadwogii nacaybka loo qabay oo dalkii
dullaan kusoo ahaa loona wada jeeday, balse waxaa iyana meesha kujirta
oo mudnaanteeda leh inay wadaadan aan kor koxusay iyo kuwo kale oo badan
ay shacbiyeeyeen xarakada islaamiga kana dhigeen urur shacbiyeed, taasoo
sii laba kaclaysay markay Islaamiyiintu gacanta kudhigeen meelo badan oo
Koonfurta Soomaaliya kamida, dadkana ay markaa dhadhamiyeen farqiga
udhaxeeyo nidaam islaami ah iyo nidaamyadii hore ee fawdada ahaa ayna
hoggaaminayeen dagaaloogyaal siyaasiyiin sheegtay.
Dawlad gacankurimis ah iyo madaxwayne aan mabda’ wadan
Wixii kolkii horeba hortaagnaa inay dawlad hirgasho oy kahirgasho
Soomaaliya ma’ahayn la’aan madaxwayne oo had iyo goor midbaa sheegan
jirey inuu madaxwayne yahay ee waxay ahayd waxaa maqnaa aasaaskii dawlad
lugu taagi lahaa. Walina waxaa maqan aasaaskii dawladeed oon suurtogal
kadhigayn hawshaa lagusoo abuuray Jabbuuti in ay midho dhasho. Sheekh
Shariif awliyana ma’aha mujisona mawato mashaqada Soomaaliya kataaganna
kaligii kama saari karo hadduusan haysan saldhigii iyo aasaaskii
lagamamaarmaanka u ahaa in uu nidaam kahirgalo dhulka Soomaaliyeed.
Hadday suurtogal tahay ama ahayd inuu Sheekhu Soomaaliya samatabixiyo
waxay ugu dhawayd markuu ammiirka u ahaa Jammacadii Maxkamadaha
Islaamiga Midoobay, maxaa yeelay markaa asaga iyo ururkiisaba way madax
bannaanaayeen haddase waxay kujiraan miciyo cadow oy meella uga
dhaqaaqi karin. Sheekha waxaa wadato Itoobiya oo wiilkeedii Cabdullaahi
Yuusuf shalaaqooti uga tuurtay jacayal iyo rajo ay wadaadkan kaqabto
inuu u keeno guushii ay gaadhi wayday, sidoo kalena Marykanka wuxuu u
sammeeyey dadaal dheer oon hore loo arag taageero ay taageersan yihiin
darteed si asaga loo doorto oo uu madaxwayne mar un loogu yeedho. Taas
ayaana daliil kuugu filan Shariifka ujeedadiisa iyo cidda dabada
kariixayso. Labada mabd’a ee ugu muhiimsan ee uu cuskanhayona waa; 1-
inuu taageero buuxdo kahaysto cadowgii dalkeenna kusoo duulay ee
burburiyey; Ummadaha Midoobay, Itoobiya iyo Maraykanka. 2- qodobka ay
Soomaalidu aadka u caashaqsan yihiin baryahan ee 4.5 kaasoo muujinayo
tabar yarida iyo jilayca siyaasadeed ee soomaaliya kataagan. Hadday
dhacdo in kalsooni la’aan la’isu qabo darteed inta dhowr boqol oo qof
oon la’aqoon waxay rabaan iyo meeshay usocdaan inta la’isu keeno oo
hoteello qaali ah ladajiyo 4.5 jagooyin loogu qaybiyo si hadhow loogu
doodo in si cadaalad ah kuraasta loogu qaybiyey oo qiil laga dhigto,
waxaa halkaa kasoo baxayso inaynanba jirin ummadda lamagacdhabayo sidoo
kalena ayna astaahilin inay sheegato jiritaan ummadeed. Waxaa halkaa
kamaqan aasaaska siyaasadeed ee ay ummad kunoqoto ummad jirta oo aduunku
ictiraafo kuna ixtiraammo. Wax laqaadan karo ma’aha in inta kolba dal
kale boqollaal qof la’isugu geeyo kuraas caydhiin ah loo qaybiyo kadib
mushahar laaluush u eg oon la’aqoon meelu kayimid hoteellada lugu siiyo
looguna yeedho siyaasiyiin matala Jammahuuriyadda Soomaaliya.
Gabogabadii
Waxaa wali muuqato inaan laba qaangaadhin, kolkii layidhaa horey ha
loo socdona 100 tallaabo gadaal loo qaadi, kadibna iyadoon laga fekerin
waxa arrintaa sababay haddana khaladaad kale oo hor leh lugusii dhaco oo
lugaha lalasii galo. Wiilka qoriga haysta ee hawdka kujiro ee
kabadbaaday suntii fasfoorka Xabashida iyo sawaariikhdii Maraykanka ee
haddalladuu kuhadlayey laba sano kahor aan waxba kabadalin kaas ayuu
mustaqbalka soomaaliya kujiraa, kaas ayaana silica Soomaaliya kasaari
kara, kaas ayaa miciyaha iyo ciddiyaha Xabashida kadifaaci kara
Soomaaliya iyo Soomaalida. Ninka wadaadka sheegtay ee kolba meel hor leh
kaboodhkicinayo oo kolba waji hor leh lasoo baxayo, Ninka kolna dhihi
waxaan ahay wadaad diinta kutiirsan oo u go’ahay iyada kolna diyaar u ah
inuu qaab jaahili ah oo qabali ah wax kudhiso, ninka wiilashuu shalay
dagaal galiyey colaadinayo oo rabo inuu dhabarjabiyo sidii asagoon
waligii wax lawadaagin oo dhiigooda qandaraaska kusoo qaatay waxaan
kuleennahay raalli ahoow saaxiib waa la arkay waxaad uguuxaysay iyo
waxaad ujihaadaysay labadaba.
Axmed-shiil Muxumed
Borlänge, Sweden
ahmedshil@yahoo.com
AKHRI QORMADA XIGTA...
Damaca
waalan ee Tigreega iyo dareenka Muslimiinta Geeska
Afrika.. Akhri....