SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Maslax M. Siyaad iyo Indho Sarcaadkii Jabuuti

              Shirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyay dalka Jabuuti ee madaxweynaha loogu doortay Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa madaxtinimada Soommaliya isku soo sharaxay in ka badan toban mudane oo aysan intooda badan u suurta gelin in ay wareegyadii hore ku helaan cod ku hunguri gelin kara in ay guulaystaan marka laga reebo Gen. Maslax  Maxamed Siyaad Barre.  Maslax oo aan fagaarayaasha siyaasada lagu arag ilaa iyo 1990kii oo ahayd markii xukunka laga faramaroojiyay aabihii, Maxamed Siyaad Barre, xiligaas oo uu Maslax ahaa Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Inkasta oo uusan Maslax ku fariisan kursigii waxaa uu guul weyn u soo hooyay qoyska reer Siyaad Barre iyo dhamaanba dadka wali ka samri la’ Kacaankii Oktoobar ee uu Jaalle Siyaad hoggaaminayay.  Hadaba inta aanan u gubin sababaha Maslax gaarsiiyay in uu gaaro guushaas siyaasadeed bal marka hore  aan inyar ka taabano taariikhdii Gen. Maslax Maxamed Siyaad.

Maslax waa kuma?

           Dad badan oo aqoon dheer u lahaa Maslax qaarkoodna ay aheeyeen saraakiil ciidan oo ay wada shaqayn jireen ayaa ku sifeeyay in uu yahay nin dabeecad wanaagsan. Waxaa uu saaxiibo ku lahaa inta badan qabaa’ilada Soomaalida. Waxaa kale oo lagu tilmaamay in uu ahaa taliye aan isla weynayn oo xiriir fiican la leh askarta ka darajada hoosaysay. Maslax markii uu isku sharaxay madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu shirgudoonkii Jabuuti u soo gudbiyay taariikhdiisi waxbarasho iyo shaqo (halkan ka akhriso qoraalkii uu shirka u gubiyay)

               Marka laga soo tago arimaha aan kor ku soo sheegnay, Maslax waxaa lagu tilmaamay nin ay ka dhaadhacsanayd in uu xukunka Soomaaliya aabihii xaq u leeyahay oo aysan jirin cid kale oo soo hunguriyayn karta.  Awoodii uu aabihii siiyay waxa uu u isticmaalay in uu ku khaarajiyo qof kasta oo lagu tuhmo mucaaradnimo. Gen. Maslax M. Siyaad waxaa uu ku eedaysanyahay xasuuq shacab aan waxba  galabsan oo uu si toos ah amar ugu bixiyay sida kii Xeebta Jaziira ee 17 July, 1989kii oo  46 qof oo magaca qabiilkooda dartii guryahoodi loogala baxay lagu gumaaday xeebta Jaziira ee duleedka Muqdisho sida ay cadeeyeen Cumar Muuse oo ah shakhsiga kaliya ee ka badbaaday dadkii halkaa lagu laayay iyo G/lle Sare Ibraahim Cali Bare (Canjeex) oo ku eedaysan in uu ahaa sarkaalkii amarka ka bixinayay goobta toogashada. (Halkan ka akhriso warbixintii Cumar Muuse)

Sidoo kale (Halkan ka daawo Canjeex oo ka warbinaya qaabkii Maslax M. Siyaad xasuuqa u abaabulay iyo raggii fuliyay oo uu isagu iska reebayo)

Cumar Muuse: Shakhsiga kaliya G/lle Sare Canjeex taliyihii guutada labaad    ee ka badbaaday xasuuqii Jaziira    Qabta 77aad, Muqdisho

Yaa Maslax u codeeyay?

              Dad ku sugnaa goobtii ay doorashadu ka dhacaysay ayaa ayaa 126 da cod ee Muslax ku helay wareeggii ugu danbeeyay ee doorashada ku tilmaamay in ay siiyeen xildhibaano sadex ujeedo kala watay:

  1. Xildhibaano arinta ka eegayay dhanka qabiilka oo kaliya markastana u codaynayay musharixiinta midka ay hayb ahaan isugu dhowyihiin.
  2. Xildhibaano doonayay in uu Maslax guulaysto si uu shirku u fashilmo iyaga maskaxda ku hayay in aysan dowladiisu heli doonin taageerada inta badan shacabka Soomaaliyeed  taas oo ay ku kaliftay markii ay danahooda khaaska ah ka dhex arki waayeen madaxtinimada Sh. Shariif.
  3. Iyo xildhibaano aan tiro badnayn oo shirka ku jaah wareeray dabadeedna go’aansaday in ay Maslax isaga codeeyaan maadaama uu aabihii ugu danbeeyay madaxweyne  Jamhuuriyada Soomaaliya xukunkiisa wada gaarsiiyay.

             Wareeggii ugu danbeeyay ee codbixinta  oo ay Maslax u harsanayd in uu Sh. Shariif iska hor wareejiyo si loogu dhaariyo Madaxweynaha Soomaaliya ayay arintu indho sarcaad ula muuqatay dadkii aqoonta u lahaa taariikhda Maslax waxayse naftooda ku samriyeen aqoontii kale ee ay u lahaayeen xildhibaanada qaarkood. Dhanka kalena waxaa soo baxay  kacdoon kale Maslax jago loogu raadinayo maadaama uu u muuqday hoggaamiyaha garabka xildhibaanada ee doorashada lagu jabiyay.  Ra’isulwasaaraha isaga ayaa xaq u leh, waa in la siiyaa wasiirka gaashaandhigga, haddii meesha cadaalad laga rabo waa in la qanciyaa taageerayaashii Maslax iyo hadalo kale oo la mid ah oo aan meeshii laga soo qaadin ayuu ku soo afjarmay tartankii madaxtinimada ee Reer Siyaad Barre oo ay xukun isku dhajintoodi hore horseeday burburka Soomaaliya.

    Gunaanad

           Tacadiga loo gaystay xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed, xasuuqa  iyo barakicinta shacabka, ku takri falka iyo burburinta hantida qaranka, eexda iyo qabiilaysiga ay ku keceen madaxdii dowladii Maxamed Siyaad iyo jabhadihii ka danbeeyay ee ay qaarkood magacyo dowladeed wateen waa mid aysan shacabka Soomaaliyeed illaawi doonin. Maslax iyo kuwa kale ee ficiladaa ku eeadysana waxaa soo mari doonta maalin lagula xisaabtami doono waxii ay gaysteen.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
 

::Jawaab Maqaal Ahaa Maslax M. Siyaad  | Shaafi Maxamed


NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS