SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaab ku so cota hadalkii Xasan Ciise Barre e ahaa "SHIIKHII NAFTI HURAHA WAX BARAY"

 Ismacil xasan jiilal
jabuti,Djibouti

Alla ayaa mahad u sugnaatay nabad galyo iyo naxariis nabi muxamad (SCW) alla ha Usiyaadiyo, intaa ka dib.

Waxaad mooda wakhtiyadan aan joogno, in loo baahanyahay, in qofka shakhsigu uu haysto argtiyo badan si uu'u samaysan karo tiisa gaarka ah. ta kale, somalidu wan ognahay o akhriska wa lagaga fiicanyahay, oo wararka waxay ka heelaan labadan aan naqaanee BBC iyo VOA oo aragtida ay gudbiyaan garanayno, oo xasusin uma bahno waxay yihin garabka warbahinta ee yurub iyo maraykan. 

Marka C/waxid wuxu isku dayaya inu siiyo Soomaali walba aragti ka duwan ta had iyo jeer u maqlo. C/waxid wuxuu na barayaa dhaqankii diidmada, dhaqan ka duwan kan besha caalamka, markaa ha la is garab taago qoraalada noocaan ah. Maah maah shiina'a ya tirahda marka u sheekhu dayaxa farta ku fiiqayo kan caqliga gaaban fartiisuu eegaa. Qoraagu meel bu wax ka tilmaamaya ee yeynaan fartiisa eegin.
 
Taasi kama wado waxaad qortay oo dhan waa qalad laakin wa tu meel walba ka dhegaysano o maha jidiid.Intaaba hadalkayga kuso koobi laha. Way ku mahadsan yihin teamka somalitalk sida fiican u qaybgalayo wacyi galinta shacabka.
Allaha nagaransiiyo runta.

Ismacil xasan jiilal
jabuuti,Djibouti
ismail_hassan_djilal@univ.edu.dj 


SHIIKHII NAFTI HURAHA WAX BARAY


Xasan Ciise Barre 
Makka Al-Mukarama, KSA 
xcbarre@hotmaiil.com   

Jawaab ku so cota hadalkii C/waxid ee ahaa "Naftii-hurihii ka Waxtar Badnaa Sheekhiisa" 

Alla ayaa mahad u sugnaatay nabad galyo iyo naxariis nabi muxamad(SCW) alla ha 
Usiyaadiyo, intaa ka dib, Soomaalidu waxay tiraahdaa qof meelo u cadahay meelu ka madaw,
marka cilmu nafsiga laga hadlayo waxaa la yiraahdaa qofku haduu hal meel ah tarkiiz kiisa isugu geeyo waxaa maskaxdu
baadi goobtaa wax alliyaale iyo wixii mawqifkiisaa taageeri karo, qofkuna wuxuu isku qanciyaa sida uu wax u arko in ay saxtahay.

Hadaba waxaa qoraaga C/diwaaxid hadalkiisa ku bilaabay
Nafti hurihii shiikhiisa ka wax tarka badnaa, wuxuu ka boodsan yahay
Walaalku wiilka in shiikhu wax baray isaga iyo wixii khayr ah ee uu 
Sameeyaana ay galayaan miisaanka shiikha.

Waxaa la yiri hadalka waxaa ugu khayr badan kiisa yare e wax tusiya
Hadalku haduu bato dal dalool ma waayo kiisa hore iyo kiisa danbana
Waa is buriyaan.

Hadii wiilku nabi muxamed(scw) uu ka horeeyey inaga waxaa
Ina saaran xaqii nabi muxamed la yimid in aan qaadano
Waxaa diinteenu reebtay daniga xun Aayado qur'aan ah oo cad cad ayaana
Ku soo dagay dadka aad leedahay afartan sano ayay culuum diineed baranayeen
Waxayna door bideen in ay la shaqeeyaan CIA iyo tigree maxaa daliil ah oo aad
U haysaa oo aan ka ahayn dani iyo dareenka adiga kugu jira?

Munaafaqiinta waxaa alla ku caayey in ay fidiyaan ishaacaadka hadiisa ay arinka
U celin lahaayeen rasuulka iyo dadka ulul amriga ah way ogaan lahaayeen
meesha arintu salka ku hayso,culumadu waa dadkii dhaxalka nabiga qaatay
 diintana iyagaa hormood u ah, hadiiba aad u arkaysid in ay gaabis yihiin 
wax lala yaabo ma'aha Maxaa yeelay dad baa Cali binu abii daalib iyo 
asxaabtii rasuulka ka baxay oo u arkayey in ay diintii ka leexdeen oo ay gaabis yihiin.

Wiilka aad soo qaadatay ee aad daliilka uga dhigatey fikirkaaga si aad ugu 
  xoojisid waa runtaa oo wax badan oo wanaag ah ayuu sameeyey
waxaase is waydiin leh soomaaliya ma meel gaalo dagan tahaybaa
adaa ka jawaabay oo waxa tiri soomaaliya 100% waa muslim
haday sidaa tahay soomaaliya soo maaha daarul islaam soo markaa
axkaamteedu ka duwanaanmayso daarul kufri?soo ma ogid qofka 
muslimka ah in uu ka qiimo badan yahay kacbada soo ma ogid in aan 
dhiigiisu banaanayn maxaa nafti huranimada iyo qaraxa keenay waaba daarul islaame?!!!

Hadiisa ay munaafaqiin yihiin oo CIA iyo tigree soo dirsaday walaw aadan daliil hayn
ma waxay ka sharbadan yihiin C/laahi bin ubayi bin salool iyo munaafaqiintiisii
Nabiguna ogaa in ay munaafaqiin yihiin gaalnimana qarsanayaan sidaa oo ay tahay
Aanu nabigu layn.

Qoraalkaaga badankiisu waa adilooyin aad fikirkaaga ku taageeraysid,
adoo hal (zaawiyo) ama hal dhinac wax ka eegaya, in laga wada jawaabana ma mudna
hadii laba sheikh arin isku raddiyaan ma ahan in aanay arin kale isku waafaqayn,
hadii nin sheikh ahi arin ku sinbiririxdo ma'aha in uu shareecadii banaanka ka yahay
oo aan wax danbe lagu darsanayn

Waxaan ku soo koobi lahaa, diinta islaamku waa diin dhamaystiran waana diin iyo 
dawlad wada socdo, mana aha in hal dhinac kaliya laga eego ama hal dhinac
kaliya tarkiiz ka la saaro, jihaadkuna ma aha hadafka asaasigaa ee loo socdo
ee jihaadku waa wasiilo ka mid ah wasiilooyinka diinta lagu fidiyo,
diinta fidinteedana hadba wasiilada markaa ku haboon ayaa la marayaa, 
sidii rasuulku(SCW) sameeyey, qaar waraaqo loo qoro, qaar lala xidido,
Qaar xoolo la siiyo, qaar lala heshiiyo iyo qaar seef loo qaato, 
waxaana jaangooyadeeda iska leh culumada oo ah ulul amriga iyo
 dadka dhaxalkii nabiga haya oo dadka u qaybinaya.

Xamaasada caadifada iyo dag daga waa arinka runtii wax kasta oo la saxaba
khariba daacigu haduu xikmada ka tago in uu wax taro iska daaye wuxuu
Noqonayaa garwaynta guriga islaamka bur burinaysa, lugtu haday jeeniga
 dhaaftana waa jabtaa, yaan culumada laga dheerayn
ee iyaga ha lagu daydo hana laga danbeeyo.

Allaah waxaan ka baryayaa in uu xaqa ina tuso

Wabilaahi tawfiiq

Xasan Ciise Barre 
Makka Al-Mukarama, KSA 
xcbarre@hotmaiil.com   

C/waaxid Khaliif|Naftii-hurihii ka Waxtar Badnaa Sheekhiisa.. Akhri

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS