SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shirka Dowladaha ku xeeran Badda Cas iyo Khaliijul Cadan oo uu ka hadlay Madaxweynaha Jabuuti iyo Wasiirka Bay’adda Dowlada Soomaaliya Md, Burci Maxamed Xamza oo yiri “Walaahi waanu ka qayb galney shirka, laakiin kaalintii wali wey maqan tahay, inaan shir ka qaybgalno keliya ma ahan, waxaan loo…”

  • Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

Madaxweynaha Dowlada Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geele “dedaalada joogtada ah iyo iskaashiga dowladahaan ee la xiriirada dhowritaanka Bay’adda, waxay isla gaarikaraan jawi siyaasadeed…”

Madaxweynaha Dowlada Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka qaybgaley furitaanka kulan ay isugu yimaadeen urur ay ku mideysan yihiin dowladaha ku xeeran Badda Cas iyo Khaliijul Cadan oo Wasiiradda Bay’adda kulankoodii 12-aad ku yeeshey Caasimada dalka Jabuuti, islamarkaana laga soo saarey go’aano ku aadan Bay’adda wadamadan oo ay ka mid yihiin, Soomaaliya, Jabuuti, Yemen, Sucuudiga, Jordan, Masar iyo Suudan.


fadhiga Wasiiradda

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele “Hawsha daryeelka deegaanku waa mid balaaran, waxayna u baahan tahay in si deg deg ah wax looga qabto, waxaana jira xuduudo aan la dhaafi Karin, iyadoo aan wax loo dhimeyn nidaamka guud ee u degsan deegaanka caalamka, arinta daryeelka deegaanku waa hadaf lagamamaarmaan u ah mustaqbalka Aadanaha, inkastoo la ogyahay xaaladaha deg deg ah oo ay ka mid tahay, kuleylka la soo dersa ee kusoo kordhaya, bur burka la soo gudboonaada noocyada kala duwan ee noolaha dunida iyo caafimaadka deegaanka, dedaalada joogtada ah iyo iskaashiga dowladahaan ee la xiriirada dhowritaanka Bay’adda, waxay isla gaarikaraan jawi siyaasadeed iyo mid xeer ahaaneed, waana inaan bedelnaa hab nololeedka deegaanka si aan uga hortagno wixii halis gelinkara deegaanka” ayuu ku yiri khudbadiisa Madaxweynaha isagoo ku khudbeynaya luqada Faransiiska.


Wasiiradda Bay'adda Badda Cas iyo Khaliijul Carab

Gunaanadkii shirka oo ahaa shir Al-baabada u xiran oo ay ku yeesheen Hoteel Kempinski ee caasimada dalka Jabuuti, islamarkaana shirku uu ka furmey ayaa waxay ka soo saarey qoraal waxyaabihii ay isla garteen.


Wasiirka Deegaanka Jabuuti Cilmi Obsiiye Wacays oo la gudoonsiinayo Abaal marin

Wasiirka Deegaanka Dowlada Jabuuti Md, Cilmi Obsiiye Waceys iyo Xog-hayaha guud ee Ururkan Md, Saalim ayaa saxaafada la Hadley, islamarkaana goobtaas lagu gudoonsiiyey Wasiirka Deegaanka Dowlada Jabuuti Abaal marin.

Wasiirka Bay’adda Dowlada Soomaaliya Md, Burci Maxamed Xamza “Walaahi waanu ka qayb galney shirka, laakiin kaalintii wali wey maqan tahay, inaan shir ka qaybgalno keliya ma ahan, waxaan loo…” Wareysi


Burci iyo Amiir Turki

Wasiirka Bay’adda Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya Md, Burci Maxamed Xamza oo xubin nimadii Soomaaliya u matalayey oo aan wareysi gaar ah kula yeeshey Hoteel Kempinski ee caasimada dalka jabuti waxna ka weydiiyey waxyaabihii looga Hadley kulankii Wasiiradda Bay’adda wadamad ku xeeran Badda Cas iyo Khaliijil Cadan iyo waxyaabihii ka soo baxay, dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Bay’adda Soomaaliya haysta ee uu kala Hadley iyo tilaabada ugu horeysa ee uu qaadayo xilkan cusub ee loo magacaabey ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri:

“fursad bay inoo ahayd inaan ka qabgalno shirkan, Wasiiraduna wey soo dhaweeyeen kasoo qaybgalka Soomaaliya, Barnaamijkaana wuxuu soo socdey mudo badan, laakiin Soomaaliya kama qaybgeli jirin, waana kulankii ugu horeeyey oo Soomaaliya ay ka qayb gasho, intii uusan shirka bilaabana waxaan si gooni gooni ula kulmey Wasiiradda Bay’adda ee ka soo qayb galey sida Wasiiradda Sucuudi Carabiya, Suudaan, Yemman iyo Dowlada Jabuuti oo aan walaallaha nahay oo shirka martigelisey, waxaana kala Hadley baahida aan u qabno in qiimeyn lagu sameeyo Soomaaliya dagaaladii sokeeye kadib, islamarkaana ay gacan nagu siiyaan sidii soomaaliya ay lugaheeda isugu taagi lahayd, waxayna naga balan qaadeen iney gacan balaaran nasiin doonaan iyo wixii kale ee xog waran ah, islamarkaana arinta Burcad Badeedda Soomaaliya loogu gudbin lahaa Wasiiradda Bay’adda Jaamacada Carabta si Soomaaliya loo caawiyo, waxna loga qabto arinta Burcad Badeeda, lana derso sababaha keeney iney abuurmaan, ayey ii balan qaadeen Wasiiradda Bay’adda dalallka Sucuudi Carabiya iyo dalka Suudaan, sababtoo ah Soomaaliya dowr aad u muhiim ah ayey ka ciyaari kartaa hadii lugaheeda isku taagto, waxayna leedahay Xeeb aad u dheer” ayuu yiri Md, Burci

Wasiirka Bay’adda Dowlada Midnimada Qaran ee Soomaaliya Md, Burci mar uu ka jawaabayey su’aal ahayd waxyaabihii ay isla gaareen Wasiiradda Bay’adda ee todobada dal ayaa wuxuu yiri “inta ugu muhiimsan waxay ahayd in dadaalka la sii kordhiyo, loona ilaalin lahaa Badda Cas iyo Khaliijul Cadan, Aqoonta dadkuna kor loogu qaado, lana siiyo tababaro dowladaha xubnaha ka ah Ururkan, loogana hor tagi lahaa dhibaato ka dhacda Bay’adda dalalkan ku bahoobey Badda Cas iyo Khaliijul Cadan”.

Mar aan weydiiyey Wasiirku ma is tiri kaalintii ay ku lahayd Soomaaliya Ururkan wey buuxisey ayaa wuxuu ku jawaabey “Walaahi waanu ka qayb galney shirka, laakiin kaalintii wali wey maqan tahay, inaan shir ka qaybgalno keliya ma ahan, waxaan loo baahan yahay inaan dabagal ku sameyno, kana qayb galno hawlaha ay qabato Hay’addan, kana faa’iideysano daraasadaha ay sameeyeen, dhisnana qaybihii Wasaaradda, helnaana aqoonyahanadii dalka Soomaaliya wax u bartey”.

“Tilaabada ugu horeysa ee aan qaadayo waxay noqoneysaa arinta Bay’adda inaan ku xirno nabadgelyada, hadii aan nabad la helin, ma jiro wax la qaban karo, Bay’adda iyo Nabada aad bey xiriir u wada leeyihiin, midaas inaan awooda saaro ayey tahay shaqadeydu” ayuu yiri mar uu ka jawaabey su’aal ahayd tilaabada ugu horeysa ee uu qaado xilkan cusub ee loo maagacaabey.

Go'aankii Wasiirada ENGLISH | Fararnsiis

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 7, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS