SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Abgaal – Maxamuud Saleebaan (Inan-la-yaal Majeerteen) iyo Raalligen Sh. Cumar Faaruuq

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Waxaan dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ka raalligelinayaa waxyaalihii aan ka qoray sheekha weyn ee Cumar Faaruuq. Aad baan uga xumahay inaan soo dhexgeliyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee u soo tafaxeytay dibindaabyada qaranka Soomaaliyeed. Sheekh Cumar shuqul kuma laha qolyaha Musaalixda sheeganeysa ee sidii Guuldawayaashii ka bilaabay iney ammaanaan Shariif.

Toloow soo sagaaro ima barato! Horta dan qabiil wax uma qoro. Maqaalkuna kuma saabsana falaqeynta qabiilooyinka. Inkastoo ay dhici karto in sadbursi jiray laakiin labadii nin ee uu soo xulay Allaha u naxariistee Aadan-cadde waxay ahaayeen niman Soomaalinimo ku dheertahay. Dib ugu noqon meyno wixii dhacay waqtigaas.

Waxaa C/Risaaq Xaaji Xuseen afkiisa iiga sheegay 2004 isagoo jooga Minneapolis in markii Aadan-cadde u dooranayey ra’iisul wasaare uusan horay uga warqabin. Wuxuu igu yiri anoo gurigeyga jooga baa waxaa warqad ii keenay ninkii boostada u qaadi jiray madaxweynaha. Warqadda waxaa ku qoranayd: berri iigu imoow xafiiskeyga. C/Risaaq wuxuu ii sheegay inuu habeynkaas niyadda iska yiri: malaga yaabaa inuu kaa dhigayo ra’iisul wasaare? Sidii bey noqotay.

Waad aragtaan faraqa u dhaxeeya dadkii waagaas joogay iyo kuwa hadda. Meeqa maalmood ka hor beynnu maqalnay dadka loo dooranayo ra’iisul wasaare? Xaggeese hadda laga heli karaa C/Risaaq oo kale? Dadka C/Risaaq caaya waxaa ugu badan reer tolkiis! Sabab? Ma inuu Tigree iyo shisheeye la shaqeeyo? Ma inuu wax musuqmaasuqo?

Sidoo kale waan iskaga hadalqabsaday xildhibaan C/Rashiid Cirro maqaalkii hore ee waxaan ka waday waxa C/hi isku xerta yihiin oo dhan sida Xasan Abshir, Cumar C/Rashiidka hadda la leeyahay ra’iisul wasaaraa loo doortay iyo xildhibaan C/Rashiid laftiisa.

Iyadoo dacaayadihii hore jiraan. Iyadoo C/hi Yuusuf – Cali Maxamed Geeddi iyo sidoo kale C/hi Yuusuf – Nuur-cadde la soo maray maxaa hadda loo soo ceshay Abgaal – Maxamuud Saleebaan? Sidaan horay u sheegay ma laha miyaa Daarood kale? Harti kale? Ama Majeerteen kale? Waxa Shariifku saas  u yeelayo maqaalkii hore baan ku odorasay marka kuma noqonayo.

Dadka dal-xoreeyayaasha ahi waxay sugayaan inta ra’iisul wasaare la dooranayo. Waa markaas marka qof kasta oo jago rabay bannaanka ku soo dhaco. Haddii Ilaah idmo waxaad arki doontaan Daarood leh: annagu waan ka baxnay dowladda Shariif maxaa yeelay Majeerteen baa ra’iisul wasaare la siiyey sidoo kale waad arki doontaan Harti badan oo  leh: Maxamuud Saleebaan la siiyey.

Anigu shirkii Mbagathi ka hor baan diiday in C/hi Yuusuf wax noqdo. Sababtu ma ahayn inaan isku qabiil nahay ee waxay ahayd inuusan dadka Soomaaliyeed guud ahaan iyo kuwa uu ka dhashay dhib u keenin? Waxaan reer Puntland u sheegay xitaa haddii adduunyo laga hadlayo waxaa u fiican qof qabiil kale ah maxaa yeelay markay ugu yaraadaan waxay helayaan qeybtooda laakiin C/hi dhiigooddii iyo kii dadka Soomaaliyeed buu daadshay sidoo kale dhaqaalihii Puntland dhulkuu la galay. Marka reer Puntland wax aan dhib ahayn kama dheefin C/hi. Waagaas ma saxsanaa mise waa khaldanaa?

Doorashada Cumar C/Rashiid waxay u muuqataa in ay shisheeye ka timid. Marka koowaad waa nin UN-ka u shaqeyn jiray oo ay Beesha Caalamku isticmaali karto. Tan labaad waa isagoo C/hi Yuufu la-taliye u ahaa marka waxay la mid tahay C/hi Yuusuf oo ra’iisul wasaare noqday markaas ka dibna dadka Puntland iyo Soomaali ka isku diro oo halkaas uu ka sii socdo dagaalka sokeeye.

Saan horay u sheegay C/Raxmaan Faroole godkiisa biyo uga galeen. Ma filayo meel C/hi Yuusuf iyo Cumar C/Rashiid horboodayaan inuu wax ka qaban karo. Marka si uu Puntland u badbaadsho waa inuu la soo baxaa caqli iyo karti.

Daarood kaliya maahee haddaad arki doontaan iyagoo Hawiyana qeylinayo. Maxaa Habar Gidir, Xawaadle, Duduble iyo Mururusade ku yeelayaa inuu ra’iisul wasaare noqdo nin UN iyo C/hi Yuusuf marti u ah?

Sirmaqabe saab baa biyo u cesha. Qorshihii 4.5-ku mar buu “faa’iido” leeyahay! Waa marka ay kusoo jeestaan wixii keenay! Marka waa mahad Ilaahay marka la arko Shariifka ooy ku soo jeesteen qabiilooyinka Soomaaliyeed kaddib markuu magacaabay ra’iisul wasaare. Sidoo kale boggagga qaarkood baa dacaayadihii mar horaba bilaabay iyagoo leh: in Shariifku xidid la yahay Majeerteen lana filayey inuu iyaga siiyo jagada ra’iisul wasaaraha.

Waxaan xasuustaa burkii canjeelada laga sameyn jiray waxaa lagu sameeyey waddan kale. Saliiddaan laxooxda ku darsan jiray waxaa ku qornayd “mafuta” waa Af-sawaaxili. Bakeeriga aan shaaha ku cabbi jirayna waxaa ku qornayd “made in China”. Laakiin waxaanan waligay ku riyoon inaan arkayo dowlad Soomaaliyeed oo ay ku qoran tahay “made in Djibouti/Kenya!” Faraqa u dhaxeeyey canjeeladaas iyo saliiddaas iyo dowladda Shariif waa: bakeerigaas ciddo Soomaaliyeed baa soo gatay oo haystay wuxuuna yaalay geyiga Soomaaliyeed laakiin dowladda Shariif waxay hadda joogtaa waddan kale waxaana iska leh “Beesha Caalamka.” Jibuuti waa waddan Soomaaliyeed laakiin hadda shisheeyuu gacan ugu jiraa. Shisheeyaha kama wado shacabka Jibuuti ee waxaa joogaa 1700 oo ah askarta Maraykanka.

Arrimahaas jira dartood waxa Shariifka loo soo dhoodhoobay waxay u egtahay in muddo ka yar kuwii hore ay ku burburidoonto haddii Ilaah idmo. Marka sidii horay loogu dhawaaqay waa in Muqaawamadu ku baaqdaa gogol cusub oo la dhigo gudaha Soomaaliya ayna ka soo qeybgalaan Soomaali oo dhan. Waxaan Insha Allaah rajeynayaa in “dowladda” Shariifku soo dhaafi weydo Jibuuti.

F.G Weli si rasmi ah looma magacaabin ra’iisul wasaaraha. Marka haddii qof kale la magacaabo waa maqaal kale.

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lehqoraaga ku saxiixan

cwaxidShariif + C/Rashiid Cirro (C/hi Yuusuf) iyo Sheekada Cumar Faaruuq Akhr....

 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2009


maraakiib shisheeyeMaraakiibta Shisheeye ee Kusugan Xeebaha Soomaaliya iyo
"La Dagaalanka Burcad-Badeedda"

iyo Ciidanka Maraykanka oo Badda Cas ka Qabtay 16 Soomaali ah oo Looga Shakiyey Burcad badeed.. Warbixin iyo Faallo. Q.1aad

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS