Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Weli lama hubo. Ma dhabbaa in sheekh Shariif ra’iisul wasaare u
dooranayo xertii C/hi Yuusuf – C/Rashiid Cirro? Hadday run noqoto waxay
keeni doontaa in Ilaahay bannaanka soo dhigayo dhagarta Shariifku la
rabo shacabka Soomaaliyeed iyo Muqaawamadooda. Waxaad mooddaa in gaaladu
dhegta ugu sheegtay si uu ula dagaalo wadaadada waa inuu ku xirmaa C/hi
Yuusuf oo ku caanbaxay la-dagaalanka qofkii diin leh. Sidoo kale
maryo-calasta wixii aan Tigreega horay u sii raacina laga dhigo wax lagu
sii diro shacabka Soomaaliyeed.
Faroole oo Punltand heysta iyo C/hi iyo Cadde oo soo maray Soomaaliya
iyo Puntland marna macquul maaha in qof Maxamuud Saleebaan ah loo doorto
ra’iisul wasaare. Daarood kale ma leh? Harti kale ma leh? Waxaa dhici
karta in Shariif rabo inuu isku diro Puntland iyo Soomaalida kale
laakiin arrintaasi ma aha mid dan ugu jirto Shariifka. Iska daa
Daaroodka ama Hartiye; ma filayo in Habar Gidir yeeleyso in C/hi iyo
maryo calastiisu laayaan shacabka iyo wiilashooda? Nuur-cadde iyo Axmed
C/Salaam maxay fali?
Teeda kale Faroole laftigiisa wuxuu noqondoonaa gacanyare haddii ina
Cirro noqdo ra’iisul wasaare. Awalba C/hi Yuusuf oo ulo booc ah ugu
tukubayey ayaa helaya ardeygiisii oo ra’iisul wasaare noqday. Marka
Faroole sidii Cadde Muuse ayuu noqondoomaa calan uu C/hi surtay. Hartiga
dadkoodii Kismaayo ku helay nabad aan horay loo arag ma waxay
Muqaawamada ugu abaalgudin in maryocalastooda loo adeegsado in shacabka
lagu xasuuqo? Ceebtii horay ay u sameeyeen wiilasheennu baan la’nahay si
aan isaga dhaqno marka qoladii ama dadkii ka qeybqaata dagaal lala
galayo shacabka Soomaaliyeed waa qof aan caqli lahayn.
Arrinta sheekh Cumar Faaruuq. Sida Soomaalidu ka warqabto anigu
caadifad qabiil wax uma qoro. Waxaan idin muhiimsiinayaa in aydaan waxba
ka soo qaadin hadalka Sheekh Cumar Faaruuq ee ah in la raaco Shariifka.
Qofkii diinta wax ka fahmay wuxuu ogaanayaa waxaa jira culumada qaarkood
inaan loo qaban waxyaalaha qaarkood. Sheekh Cumar Faaruuq markey noqoto
arrimaha qabaa’ilka Soomaaliyeed looma qabto oo intaas oo jeer buu u
kala eexday. Waxaan idiin siin dhowr waxyaalood oo loo wada joogay.
- Waxaan dhegeheyga ku dhageystay cajalad uu laga duubay isagoo
leh ha la soo dhoweeyo mar dagaalooge Xuseen Caydiid Baydhabo
heystay oo Xuseen Caydiid lahaa dowlad buu dhisayaa! Wuxuu hadalka
Xuseen sheekhu ku xoojiyey oo u soo qaatay xaddiiskii ahaa in
Shaydaan Abuu Hureyra u sheegay inuu akhristo Aayad-Kursiga markuu
seexanayo! Sheekhu wuxuu arrintaas ka dhigay tazkiyo isagoo saas u
yiri. Markaas Soomaalidu boggag badan oo internetka ma lahayn
laakiin cajalad baan ka duubay arrintaas aan ku radinayo. Ma aqaan
sida sheekha ay ka noqotay! Haddalkaas runta ahaa ee shaydaanku
sheegay uma ahayn tazkiyo Shaydaanka ee wuxuu u ahaa caay! Nabigu
(SCW) markuu yiri wuu kuu runsheegay wuxuu dabo dhigay “wa huwa
kaduub”. Nabigu (SCW) ma oran “kaadib” ee wuxuu isticmaalay eray ka
sii mubaalaqo badan. Sidoo kale nabigu (SCW) ma oran “sadaqa” ee
wuxuu yiri: “sadaqaka”. Waxaa kaloo sheekha ka hoosbaxday Abuu
Hureyra (RC) ma qaadan hadalkii shaydaanka ilaa Suubahiinii uu
qiray. Marka warkii Xuseen Caydiid ee ahaa inuu Soomaaliya dowlad
iyo horumar gaarsiinayo yaa ku raacay oo tazkiyeeyey? Ma culumada
Soomaaliyeed? Mise isaga sheekh Cumara? Marka sheekha sidaas wax ugu
farsameynayey Xuseen Caydiid oo wixii la ogaa ku hayey Raxanweyn
muxuu C/hi Yuusuf ku galay? Markaas waxay ila ahayd in Xuseen
dagaalooge yahay. Ka warran hadduu ogaan lahaa sheekh Cumar Faaruuq
wixii Xuseen Caydiid ka wareegay markii Tigreegu Xamar qabsaday?
Haddadaan la joogo waxaan anigu qabaa in Shariifku ka darranyahay
Xuseen Caydiid.
-
Dec
2004: Sheekh Cumar Faaruuq: "(dowlad uu
madaxweyne kayahey C/laahi Yuusuf Axmed) waan u aragnaa tii
xalka & nabada gaadhi laheyd..."
"C/lahi Yusuf Recordkii hore wuu
xidhmey, Record cusub baa u bilowdey, isaguba wuxuu afkiisa
kasheegey markii doorashadu dhamaatey kadib, hala icafiyo
buu yidhi..."
WARAYSIGII CUMAR FAARUUQ |
| 2004:
BAAQYADA NABADA EE CULIMADA SOOMAALIYA::: |
Horay ayaa sheekh Cumar Faaruuq ula kulmi jiray Maxamed Faarax
Caydiid iyo Cali Mahdi. Weligay ma maqal isagoo C/hi Yuusuf ama
madax kale oo Puntland ah la kulmay.
- Waa la ogaa in sheekh Cumar dhex fadhiyey gogoshii Carta. Qof
kasta waa ogaa dastuurka Carta yaal inuu ahaa kii Maxamed Siyaad iyo
ka hor iyo weliba kii Mbagathi. Waa tii sheekha laga dhigay xildhaan
haddaadan khaldaneyn. Marna ma mucaaradin tii Cabdi Qaasim.
- Waxaa la yaab leh sheekh Cumar Faaruq ma tagin tii lagu dhisay
Mbagathi iyo meel C/hi Yuusuf ka agdhow yahay. Weli meynaan maqal
isagoo dadka ku boorinaya in la taageero dowladdii C/hi! Waan
ognahay dastuurka Mbagathi yaalay waa kii Carta yaalay. Sidoo kale
isku 4.5 baa wax lagu qeybsaday. Su’aashu waxay tahay maxaa sheekhu
u tagi waayey Mbagathi? Mar dambe oo Tigreegu soo galay Soomaaliya
khaasatan Muqdisho waxaa sheekh Cumar Faaruuqo ogolaaday in lagu
jihaado dowladda C/hi Yuusuf.
-
Tan Shariifku waa ka darantahay tii C/hi. Horta dastuurka iyo
sida wax loo qeybsaday waa tii C/hi. Weli waddanka ciidamo gaalo ah
oo shisheeyaa jooga marka ma garanayo waxa Cumar Faaruuq u leeyahay
hala taageero sheekh Shariif. C/hi Yuusuf wuxuu qiri jiray in mar
walba wadaadadu dhaamaan Ashahaado-la-dirirka laakiin uusan
wadaadada jecleyn. Marka ma garanayo waxa Shariifka oo raba inuu
gaalo, maryocalas, Ashahaado-la-dirir iyo garab sheegtay Maxkamado
raba inuu isticmaalo oo uu diinta Ilaahay iyo dadkeeda kula dagaalo
waxa sheekh Cumar Faaruuq u leeyahay hala raaco.
- Dacwaddii ay dad cawaan ahi dacweeyeen markii sheekhu joogay
Sweden waxay ku sheegi jireen in dhaqaalaha Soomaaliweynta deggen
Sweden laga aruuriyo uu u diri jiray Xamar oo kaliya. Marka waxay
filayeen sida hay’adaha samafalka oo kale in waddankoo dhan loo kala
diro maaddaama dad badan ay ku jireen xeryo qaxooti kaddib markey
Xamar ka qaxeen.
Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa inaan la dabogalin arrinta
sheekh Cumar Faaruuq ee ku aaddan sida uu ula kala safto qabaa’ilka
Soomaalfiyeed. Aan ka baranno oo ku tixgelino cilmigiisa. Waa sidaas
waxa muslimiintu aysan u raacin khaladka culumada.
Waxaa gaalada ka neceb Islaamka nimanka muslimiinta xukuma khaasatan
kuwa Carabta. Waad maqleyseen in Qardaawi iyo Salmaan Cawda ka hadlayeen
arrimaha Soomaaliya. Horay beynnu u ogeyn in xukaamta Carabta mar kasta
ooy dan leeyihiin waxay fatwo ka raadsan jireen culumada waaweyn ee la
yaqaan. Waatii boqor Fahad uu fatwo ka dalbaday Ibnu Baas Allaha u
naxariistee. Ibnu Baas waa tuu banneeyey in Maraykanku soo gali karo
Sacuudiga. Arrintaas waa ku khaldanaa sheekhu. Marka hadda soow arrinta
Salmaan Cawda iyo Qardaawi uma eka taas? Akhri Salafiyadu waxay ka
dahaan sheekh Qardaawi. Kitaabkiisii Al-Xalaal Wal-Xaraam waxay u
baxsheen “Al-Xalaal Wal-Xalaal”. Waxay ka wadaan wax kasta waa u xalaal
Qardaawi!
Waa nasiib darro sheekh Shariif oo waxaas oo dhagar ah kusoo wada
ummadda Soomaaliyeed in niman culumo sheeganaya dhahaan hala adeeco
Shariif ama waa “Amiirul Muuminiin”. Ma filayo in reer Puntland
yeelayaan arrinta ra’iisul wasaaraha ee Shariifku soo wado. Marka waxaa
dhici karta in Ilaahay nasri furo oo shacabka Puntland iska meyraan
ceebtii hore ee aan ka galnay diinteenna iyo dalkeenna. Marka gaalada
iyo Tigreegu waxay ixtiraamaan qofkii naftiisa ixtiraama. Marka waa
doqonnimo C/hi Yuusuf oo wixii hore falay inuu arrinteenna mar kale faro
la soo galo. Marka hadday arrintaasi run noqoto waxaan u arkaa
isbaheysigaas mid ay ku dheehantahay cadaawad iyo isku dir lala rabo
shacabka Soomaaliyeed mana yeelayno in waxaas oo kale lagu fekero.
C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com