SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Jacob Zuma Iyo Xisbigiisa ANC oo Guul Ka Gaaray Doorashooyinkii Guud Ee Koonfur Afrika.

Waxaa Laga joogaa uun markii qowmiyada madowga ah ee dalkaani ugu badan xukunku Gacantooda Soo galay 15 sanno, ka dib Doorashada Maanta lagu dhawaaqey Natiijadeeduna ay tahay doorashadii 4aad oo dalka oo dhan si guud loogu qabto tan iyo intii uu dhamaaday nidaamkii Midabtakoorka ahaa ee uu maamuli jirey dadka Tirada yar ee Cadaanka ah kuna amar taagleyn jireen qowmiyada madowga ahee horkaceyso Xisbiga Talada dalka Haye ee ANC Doorashooyinkii Horeyna ay Guusha ku raacday Tana uu markii 4 aad oo talantaali ah ugu guuleysanayo.

Maanta abaarihii saacada koonfur afrika markay ahayd 5 Galabnimo ayaa hal mar sawaxan iyo qaylo isla gurxamay wadanka oo dhan ka dib markii ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka Guud (IEC) Natiijadii kama danbeysta ahayd ay ka soo saareen magaalada Pretoria Midaasoo ay Guusha ku raacday Xisbiga Talada haya ee Dalkaani Koonfur Afrika.

Madaxa Guddiga Doorashada Qaran ( IEC ) Brigalia Bam iyo Madax Howlwadeenada Dooarashada Qaran Mr Pansy Tlakula ayaa si wada jir ah Galabta Caasimada dalkaani ugu dhawaaqey natiijadii cod bixinta guud iyo Gobolada sanada 2009 ee Doorashadii ka dhacday Dalkaani Koonfur Afrika.

Natiijado waxay ahayd mid ay aad ugu farxaan xisbiga tadala haya ee dalkaani koonfur afrika waxaana goob joog ka ahaa markii lagu dhawaaqayay natiijada cod bixinta Madaxwaynaha Hada talada haye ee Kgalema Motlanthe , Madax ANC ahna Nin ka qaban doono Jagada madaxtinimo ee dalkaani koonfur afrika Jacob Zuma IYo madax kale oo aad u tiro badan kana tirsan xisbiga ANC.

Tirinta cododka ayaa siineysa in ANC ay dhamaanba aqlabiyad ku heshey Doorashadii guud iyo mida gobolada marka laga reebo hal gobol oo ah Gobolka loo dalxiis Tago ayna kaga heshey Xisbiga DA oo isagu Cariirsanaya Kaalinta Labaad Gobolkaas oo ah Western Cape oo cod aqlabiyad leh ku qaadatey Xisbiga Mucaaradka ah ee Democratid Allaince.

ANC ayaa heshey cod aqlabiyad ah laakin waxay codod yar ku seegtey inay hesho 3 meelood marka loo dhigo 2 meel inay ka hesho doorashada guud ee dalka Taasoo ah tirada Xisbiga Talada haye U ogolaanaysa in ay dastuurka dalka wax ka badali karaan.

Guud ahaan codadkii doorashooyinka guud ee la tiriyey ANC waxay ka Heshey 65.90% cod, halka xisbiga ugu soo dhow oo ah DA (Democratic Alliance) uu heley 16.6% , kaalinta sedexaad waxaa yimid xisbiga ANC ka jabay ee loo yaqaano COPE (Congress of the people) wuxuuna heley 7.4%, laakiin Musiibada ugu wayneed waxay ku dhacdey axzaabta kale iyadoo qaarkoodba aysan hal kursi xitaa ka helin baarlamaanka 400 ee kursi ah,laakiin taasi micnaheedu ma ahan in aysan sharciga badali karin.

Sida dad badan oo dalkaani u dhashey ay u maleynayen doorashado maysan u dhicin midaas oo in badan oo axsaabta ka mid ah oo markii hore la islahaa Meel fiican ayay ka gaari doonaan Doorashada ay noqotey dadaalkoodii Hal bacaad lagu lisey waxaana ka mid ahaa Axsaabtaas sida IFP (Inkatha Freedom Party) ee uu hogaamiye boqorka qoowmiyada Zulu ga Mr.Mangasutu Buthelezi wuxuuna ka heley 4.55% Dhamaan Dooarashadii dalka ka dhacdey, Sidaa si la mid ah waxaa jira xisbiga kale ee ID (Independent Democrats) ee ay hogaamiso haweeneyda lagu magacaabo Ms Patricia De Leal wuxuuna Ka heley 0.92%, halka UDM (United democratic Movement) ee uu hogaamiyo Bantu Holimisa uu heley wax intaasi aad oga yar.

Sida in badan oo u dhoon daloosha siyaasada dalkaani koonfur afrika ku qiimeeyeen guusha u soo hoyatey Xisbiga talada haye inay soo wajihi doonto dhibaatooyin badan darooshada ka dib ayna walwalka ugu wayna ay ka qabto xisbiyada badan ee dalka ka jira midaaas oo u ogolaan doonin inay si aqlabiyad ah mar danbe ay ku hesho doorasho midaan la mid ah.

Mar ay la hadleysey Madaxa Xisbiga Democratic Allaince Ms Helen Zele ayaa warfidiyeenda u sheegtey inaysan hadafkooda koowaad saarin doorashada hada natiijadeeda lagu dhawaaqey waxayna tiri " annago ka xisbi ahaan ma ahayn inaan ku guuleysano guud ahaan doorashada sanadkani ee waxaa uu hadafkanagu haye Doorashada danbe ee Sanada 2015 midaas oo aan rajeyneyno inaan heli doono codad ka badan kan aan maanta helney".

ANC ayaa sidoo kale wacdaro ka dhigtey Doorashadii kuraasta Baarlamaanka kuwaas
Guddiga doorashada qaran ay ku dhawaaqeen kuraasta xisbi kasta uu ka heley baarlamaanka kaasoo ah marka la isku geeyo Kuraasta oo dhan 400 Kuraas
waxayna ukala heleen axsaabta sidatan ANC waxay heshey 264 Kuraasta Baarlamanka Dalkaani Koonfur Afrika, Xisbiga DA ayaa so galay Kaalinta Labaad heleyna 67 Kuraasta baarlamaanka halka uu ka heley xisbiga cusub ee ka go ay Xisbiga ANC ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano COPE 30 inta kalena waxaa qaybsadey asxaabta kale.

Waxaana Doorashadan goob joogayaal ka ah Madaxwaynaha Naijeria Obosanjo iyo Madaxa Koormeerka Midowga Afrika Mr Salim Ahmed Salim kaasoo sheegey inay u dhacdey doorashada si cadaalad ah mudana in ay dalalka kale afikan ka ah tusaale u noqoto isago hadalkiisa sii watana waxaa uu yiri " waxaan aad ugu farxay markii aan arkey dadka dalkaani koonfur afrika oo u soo dareerey doorashada safaf dhaa dheerna ugu jire waqti badana u taagnaa si ay codkooda u dhiibtaan waxaana dhihi karaa inay dalalka kale ee afrikan ka ah ku daydaan koonfur afrika "
Doorashadaani walow aysan ahayn sidii kuwii ka hore oo kale taasoo u sahashey xisbiga talada haye inay ku helaan cod aqlabiyad ah 70 % sanadii 1994 iyo sanadii 2004 basle waxaa la is dhahi karaa ANC waxaa soo food saareysa waxoogaa cadaadis ah oo kaga imaanaya Nidaamka Xisbiyada Badan ee Dalka.

Dalkaani Koonfur Afrika ayaa horey u diidey in doorashada loosoo diro kormeerayaal, hase yeeshee waxay ogolaatay inay ka soo qayb galaan wax loogu yeerey indho indheyaal kuwaasoo inta badan ay ka socdeen midowga afrika iyo urur goboleedka wadamada koonfurta Afrika dhaca ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano SADC ayaa dhamaantood ku tilmaamey doorashada mid cadaalad ku dhacay, waxaa kale oo aan wararka ku maqleynaa inaysan jirin cid ka socota midowga yurub, qaramada midoobey iyo Maraykankana aysan ka soo qaybgalin Gudiga loogu magacdaray Indha Indheeyaasha Doorashada Dalkaani Koonfur Afrika Midaas oo aan ilaa hada wax Tafaasiil ah laga bixin ilaa hada.

Jagada Madaxwaynanimada ee Madaxa Xisbiga Talada haye ee ANC Jocab Zuma ayaa xilka Madaxaynanimo Lagu wareejin doonaa 9 ka Bisha May ee Fooda inagu Soo haysa isagoo isla maalintaasna loo dhaarin doono Xafiiska Iyadoo 22 da Bisha Mayna uu Fariisan Doono Qasriga Madaxtooyada Dalkaani Koonfur Afrika ee Pretoria.

ilaa hada waxaa hanbalyo usoo direy Guusha uu gaarey Xisbiga iyo Madaxwaynaha Cusub ee Dalkaani Koofur Afrika Wadamada Engriiska Iyo kenya Kuwaasoo ku buuriyey Inuu Madaxweyna iyo xisbigiisuba ay ka qaban doonaan dhibaatada dhaqaale iyo dilalka ku sii badanaya dalka.

Si kastaba ha ahatee dareenka dadka qaxootiga ku ah dalkaani koonfur afrika oo markii hore ka cabsi qabay inay dhici doonto wax qalaalaase ah ayaa aad u soo dhaweey guusha uu gaarey xisbiga talada haye, in badan oo iyaga ka mid ahna la is dhihi karo way u codeeyeen, qaxootigaas waxaa ka mid ah Bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaani kuwaas oo inta badan ka muujiyey guusha uu gaarey xisbiga talada haye yadadiilo aad u balaaran madaama u balan qaadey Madaxa Xisbiga ANC ahna Madaxwaynaha aan la dhaarin wali ee dalka inuu wax ka qaban doono arimo badan oo ay ugu horeyso arinta amaanka midaas oo si guuni ah taabaneysa Bulshada Soomaaliyeed oo dadka dalkaani ay u geysteen dhibaatooyin isugu jira dil dhac iyo waliba kufsi inta badana ay kala siman yihiin shacuubta kale ee qaxootiga ku ah dalkaanki koonfur afrika.
 

Waa Nin Caynkee ah Jacob Zuma?


Waxaa Soo Diyaariyey Bahda SomaliTalk.com Ee Koonfur Afrika
 

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: