SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Waa Nin Caynkee ah Jacob Zuma?

Madaxwaynaha aanan wali la dhaarinin ee Dalkaani Koonfur Afrika Magaciisa oo sadaxan waxaa la dhahaa Jacob Gedleyihlekisa Zuma, waxaana uu ku dhashay magaalada Inkandla ee gobola KwaZulu-Natal Sanadu markii ay ahayd 12 April 1942 dii.

Zuma waxaa u ahaa yaranimadisi mid agoon ah, Aabihiis Gedleyihlekisa oo ahaa askari boolis ah waxa uu dhintay dabayaaqadii dagaalkii 2aad ee dunida World War II, Kadibna waxaa koriimadiisa la wareegtay Hooyadiis oo ku nooleed magaalada Durban ee isla gobolka KwaZulu-Natal, Zuma waxa uu caruurnimadiisii u dhexeeyay magaalada Durban iyo Zululand oo iminka ka tirsan Gobolka KwaZulu-Natal.

Zuma waxa uu caruurnimadiisii dhigtay ilaa fasalka 5aad ee dugsiga hoose kadibna waxbarasho danbe muusan ku laaban, waxa uuna ku biiray Xisbiga ANC (Africa National Congress) sanadu markii ay ahayd 1959 kii, kadib markii Xisbiga ANC la xanibay sanadkii 1961 kii.

Taariikhdu markii ay ahayd 1962 kii waxa uu xubin fir-fircoon ka noqday Garabkii Hubaysnaa ANC-da ee lagu naynaasi jiray Umkhonto We Sizwe micnaheeduna yahay (Waxan ku jirnaa dagaal), Isla sanadkii xigay 1963 kii waxa uu ku biiray xisbigii hanti wadaaga ahaa ee SACP (South African Communist Party), wax yar kadibna waxaa loo taxaabay xabsiga isaga iyo 45 kale oo dagaalyanno ahaa waxaana laga qabtay aga-gaarka magaalada Zeerust oo ka tirsan gobolka haatay loo yaqaan Woqooyi Galbeed (North West), waxaana lugu soo eedeeyay inuu isku dayayay afgabni isagoo lugu xukumay ilaa iyo 10sano oo xarig ah, waxaana lugu xiray Xabsiga Robben island, oo uu kula xirnaa Nelson Mandela iyo xubno badan oo ka tirsan xisbiga ANC.

Soo daysmadii Zuma kadib waxa uu gobolka KwaZulu-Natal ka bilaabay dib usoo noolaynta xisbiga ANC iyo isku duba ridkeeda sanadihii u dhexeeyay 1973 kii ilaa iyo 1975 kii.

Zuma waxa uu kadib u baxsaday wadamada dariska ah ee Swaziland, Mozambique ilaa iyo Lusaka, Zambia oo noqotay xaruntiisa tan iyo dhamaadkii 1990 kii kadib markii xisbiga ANC xanibaadii laga qaaday. Kadibna waxaa Jacob Zuma loo doortay Madaxa ANC ee gobolka KwaZulu-Natal, Zuma waxaa sanadkii xigay loo doortay ku xigeenka xoghayaha guud ee ANC, isla horaantii 1994 kii waxaa loo doortay Musharaxa doorashada Gobolka KwaZulu-Natal .

Sanadii 1997 kii waxaa Zuma loo doortay ku xigeenka madaxwaynaha ANC , isagoo sanadii 1999 kii loo doortay madaxwayna ku xigeenka wadanka Koofur Afrika.

Sidoo kale Jacob Zuma waxa uu yahay nin aad ugu xeel dheer kuna dhagan hidaha iyo dhaqanka afrikaanka gaar ahaan dhaqanka Zulu-ga ee uu kasoo jeedo isagoo inta badan soo bandhiga hidaha iyo dhaqanka khaasatan Qoob ka ciyaarka ee ay caanka ku yihiin bulshada Koofur Afrikaanku.

Zuma waxaa uudhalay 18 caruur ah, waxa uuna guursaday ilaa 4 xaas halka 3kalana ay u doonan yihiin, balse waxaa arinta sida aadka ah loo filayay xiisaha gaarka ahna leh ay tahay yaa noqon doona (First lady) Marwada 1aad?, waxay dadka inta badan u badinayaan in Haweenayda Nompumelelo Ntuli oo iminka 33 jir ah ay noqoto marwada Koobaad ee wadanka waloow aysan ahayn xaaska ugu danbeeya ee Zuma oo horaantii sanadkan uu la aqal galay Thobeka Mabhija oo horay ugu haysay 2 caruur ah.

Zuma ayaa waxaa u noqonayaa madaxwaynaha ugu caruurta badan misana ugu haweenka badan taasoo ka dhigeysa qoyskiisa marka la isku daro 26 qof , halka dad badan ay iswaydiinayaan qarashka madaxwayna ku bixi karo inuu noqon karo mid ka badan madaxwaynayaashii soo marey dalka.

Sidoo kale waxaa jirey doodo la qabtey inta uusan jagada madaxwaynanimda ku guuleysan sidi loo mareyn lahaa qarashka madaxwaynaha ku bixi karo madaama uu yahay madaxwayne familkiisu uu aad u badan yahay marka loo eego madaxwaynayaashii soo marey dalka taasoo wali muran ka taagan yahay walina aan wax loo qoondeynin.

Zuma waxa uu tartan dheer usoo maray inuu noqdo hogaamiyaha ANC iyo madaxwaynaha Mustaqbalka wadanka Koofur Afrika, waxa uuna cod aqlabiyad leh uga guulaystay oo gaaraya ilaa iyo 2329 cod December sandadii 2007 halka mr Mbeki madaxwaynihii xiligaas uu helay 1505 cod.

Waxyar kadib ku guulaysashadii hogaanka ANC Zuma waxaa hareeyay mustaqbalkiisa eedaymo iyo musuqmaasuq ay kusoo eedeeyeen Hay’adda danbi baariska ee SCORPION oo hoostimaada Hay’adda xer-ilaalinta NPA (National Prosecuting Authority) oo uu sameeyay Mr. Mbeki.

Is jiid-jiid iyo daal fara badan kadib 6 dii bishan April ayaa Hay’adda Xer-ilaalintu kala laabatay eedaymihii loo haystay Zuma, taas oo dhiiri galin wax wayn kabadashay hanaankii doorashada iyo rajadaa Zuma iyo ANC.

Si kastaba ha ahatee Ololihii doorashada ee Zuma uu horkacayay ayaa waxa xiisa usii yeelayay Qoobka ciyaarkiisa iyo Heestii ahayd ISII QORIGAYGA (Umshini wami mshini wami) oo xisbiga ANC garabkii hubaysnaa ee Umkhonto we Sizwe uu xubinta ka ahaa Zuma halku dhig u ahayd.

Jocab Zuma ayaa xilka Madaxaynanimo Lagu wareejin doonaa 9 ka Bisha May ee Fooda inagu Soo haysa isagoo isla maalintaasna loo dhaarin doono Xafiiska Iyadoo 22 da Bisha Mayna uu Fariisan Doono Qasriga Madaxtooyada Dalkaani Koonfur Afrika ee Magaalada Pretoria.

Zuma iyo xisbigiisa ANC ayaa waxaa la filayay inay ku guulaysan doonaan 3meel 2 kuraasta aqalka Baarlamanka walow hadana aysan wax saas ah lumin oo ay heleen codadka dadkii codeeyay oo ahaa 17,680,729 oo ay heleen 11,650,748 cod taas oo ka dhigaysa ANC inay heshay 65.90% Zumana ka dhigaysa Madax waynaha Wadanka Koofur Afrika

Waxaa Soo Diyaariyey Bahda SomaliTalk.com Ee Koonfur Afrika

 

Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: