SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflad Jaaliyadda Soomaaliyeed Ku Taagrtay Dawladda Soomaaliya oo Ka Dhacday Kuwait.

Waxaa dhawaan ka dhacday wadanka Kuwait xaflad aad u balaadhan oo lagu taageeraayey dawladda midnimo Qaran ee uu hogaaminaayo Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya.

Xafladaan oo lagu soo bandhigay bandhig faneed ay ka wada qayb qaateen qaybaha bulshada ee jaaliyadda Kuwait ee soomaaliyeed bandhig faneedkaan oo isugu jiray Heeso, Buraanbur,Gabayo, Geeraar oo dhamaantood wada ahaa wadani.

Furitaankii Xafladaan oo ugu horayn Lataliyaha Koowaad Mudane C/qani Maxamed Wacays ayaa ka warbixiyey ujeedada xafladaan iyo baahida shacabka soomaaliyeed u qabaan dawlad soomaaliyeed.

Mudane C/qani oo hadalka sii wata ayaa u mahad celiyey dhamaan inta ka soo qayb gashay xafladaan gaar ahaa guddigii xafladda soo qaban qaabiyey oo kaashanaayey safaaradooda soomaaliyeed ee Kuwait sidoo kale xubno jaaliyadda ka mid ah oo gacan ka geeystay xafladdaan oo uu mahad gaar ah u jeediyey.


Ugu dambayna Mudane C/qani wuxuu makrafoonka ku soo dhaweeyeyDanjiraha Soomaaliya u Fadhiya Kuwait Danjire C/qaadir Amiin Sheekh,


Danjire A.Amiin ayaa ugu horayn aad ugu mahad celiyey dhamaan jaaliyadda Kuwait ee soomaalida sida mar kasta isu bar bar taagaan dawladda soomaaliya loo dhiso gaar ahaan wuxuu danjiruhu farta ku fiiqay in dawladdan inoo dhalatay la taageero.




Danjiruhu wuxuu jaaliyadda soomaaliyeed ee Kuwait ka codsaday inaysan ka daalin dedaalkooda ay markasta ku muujiyaan dareenkooda isla markaana wuxuu ugu baaqay danjiruhu jaaliyaddu inay furto sanduuq taakulo ah oo lagu taageeraayo dadka dhibaataysan ee soomaaliya ku sugan taasoo sacab aad u balaadhan ay ku qaabileen dadweynihii xafladaas fadhiyey.



Intaas kadib waxaa halkaas ka biloowday bandhig faneedkii iyo khudbadihii qaybaha jaaliyadu ay ku taarayeen dawladda soomaaliya iyo hoga tusaalayntii geba gebadii xafladdana waxaa lagu sharfay inuu halkaas eray ka yidhaahdo Xildhibaan dawladda soomaaliya ka tirsan oo ka soo qayb galay xafladaan Xildhibaan Dr,Cumar Sheekh Cali Idiris oo khudbad aad u qiimo badan ka soo jeediyey halkaas kana warbixiyey halka ay hada marayso hawlaha dawlada iyo baarlamaanka soomaaliya.


Kala Xidhiidh Axmed Raadsato


Qodax32@hotmail.com jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: