SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
24 April 2009.



Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo lagaga itaalroonaaday goobaha dagaalka.

Shirkii lagaga hadlayay midab takoorka iyo cunsuriyada oo lagu soo gabagabeeyey Geneva.

Waraysi aan la kala yeelanayay Gudoomiyaha OYL Mujaahid Sheekh Ibrahim iyo u qaabilsanaha xidhiidhka caalamka Cabdullaahi Mohamed oo aan ka waraysanay Shirka iyo qaabka ay uga qayb galeen(Waraysiyo).


======================


Ciidamada gumaysiga Itoobiya oo lagaga itaalroonaaday goobaha dagaalka.


Wararka naga soo gaadhaya jiida hore iyo goobaha dagaalka ee ciidanka xoreynta Ogadenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ayaa tibaaxaya in dhammaan dagaaladii dhex maray CWXO iyo gumaysiga Itoobiya lagaga awood roonaaday ciidamada naflacaariga ah ee gumaysiga Itoobiya,wariyaheena jiida hore oo dagaaladaas la socday qaar badan oo kamid ahna la socday ayaa noosoo tabiyey dagaaladii ugu dambeeyey waxayna u dhaceen sidatan:

14 ilaa 15/04/09 Dagaal ka dhacay Masalle oo ka tirsan degmada Ceelkari ee gobolka Afdheer waxaa ciidamada gumaysiga itoobiya lagaga dilay 8 askari halka 6 kalana lagaga dhaawacay



14/04/09 Fiiqfiiqyada oo ka tirsan Degmada Dhagaxbuur ee gobolka Jarar dagaal ka dhacay waxaa ciidamada nacabka ah lagaga dilay 3 wayaane waxaana lagaga dhaawacay 2 kale.


01/04/09 Deegaanka Isdaba-dag ee gobolka Jarar waxay ciidamada xoreynta Ogadenya ku dileen 4 kamid ah askarta wayaanaha waxayna ku dhaawaceen 3 kale kadib dagaal halgaas ku dhex maray iyada iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya.


16/04/09 Lehelow oo ka tirsan gobolka Doollo dagaal ku dhex maray ciidanka qalabka sida ee xoreynta Ogadenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya waxaa lagaga dilay ciidanka nacabka ah 5 askari waxaana lagaga dhaawacay 4 kale .

19/04/09 Deegaanka Kurtun oo katirsan gobolka Jarar weerar gaadma ah oo ay ciidamada geesiyiinta ahi ku qaadeen kolonyo baabuur ah oo ciidamada gumaysigu ay lahaayeen ayay kaga gubeen 1 Uraal oo uu saarraa Qoriga Shilka ah,waxaana halkaas ku basbeelay baabuurkii iyo askartii saarayd oo dhan,waxaa sidoo kale fara caaradood ku baxsaday baabuurtii kale ee ay wada socdeen Uraalkaas la gubay.


Sidoo kale waxay ciidamada xoreynta Ogadenya ku gubeen 1 Uraal iyo ciidankii saarraa oo dhan Tuulaada Baraajisaale 07/04/09 .

Waraysi aan la kala yeelanayay Gudoomiyaha OYL Mujaahid Sheekh Ibrahim iyo u qaabilsanaha xidhiidhka caalamka Cabdullaahi Mohamed oo aan ka waraysanay Shirka iyo qaabka ay uga qayb galeen.


Shirkii qaramada madoobay ay ku qabatay Geneva ee lagaga hadlayay midab takoorka iyo cunsuriyada ayaa manta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey magaalada Geneve ee wadanka Switzerland,shirkaas ayaa laga soo saaray goaamo iyo baaqaq lagaga digayay midab takoorada iyo cunsuriyada,shirkaas ayaa sidoo kale sidii xoriyad loo gaadhsiin lahaa ummadaha la gumaysto sida Ogadenya.Wafti uu hogaaminayo gudoomiyaha ururka dhalinyarda ogadenia kana mid yihiin xoghayaha ururka iyo madaxa arimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah ayaa waxay si rasmi ah uga qayb galayaan shirka qaran ee jamciyada quruumaha kadhaxaysa uga furmay magaalada Geneva Swezerland waftidan ayaa shirka kaga qayb galaysa martiqaad rasmi ah oo loo fidiyay ururka dhalinyarada ogadenia ee loo yaqaano Ogaden Youth League OYL halkaas oo lafilayo in waftigu ka jeediyaan ama ugudbiyaan Qaramada Midoobay iyo dawladaha ka soo qayb galayaba cabashao ku aadan dhibaatada ka jirta Ogaadeenya.

Shirkan oo ay ka soo qayb galen in kabadan 80 Madaxwayne Aduunk ah ayaa ah midkii ugu awooda badnaa ee ay Ururka Dhalinyarada Ogaadeenya ka qayb galaan taniyo intii la aas aasay waxaana la filayaa in marka shirku dhamaado saxaafada loo soo bandhigo waxyaabihii u qabsomay Ururka Dhalinyrada Ogaadeenya ee OYL waxaa sidoo kale si xoog leh loogu diyaar garoobayaa shirwaynihii 2aad ee Ururka Dhalinyarada ogadenia OYL oo sida lafilayo bisha May dabayaaqadeeda kaqabsoomidoona magaalo madaxda wadanka finland oo marti galisay shirwayanaha Ururka halkaas uu uu ku suganyahay Gudoomiye ku xigeenka Dhalinyarada Ogaadeenya isl markaana lafilayo in ay kasoo qaybgalaan wufuud ka badan100 oo ka kala iman doonta dacalada aduunka si kastaba ha ahaatee lasoco waxyabaha kasoo baxa shirkaas.





24 April 2009

Halgan Guuleed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo internetka www.Radioxoriyo.com  ,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga
 

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: