SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Warbixin : Farxadii Xalay ee Jacob Zuma iyo Doorashadii Koonfur Afrika

Waxay ahayd uun Xalay markii Taageerayaasha Xisbiga Talada haye ee Dalkaani koonfur Afrika isugu Soo baxeen Aqalka ANC ee ku yaala Bartamaha Magaaladatini Johannesburg taasoo ay ugu dabaal dagayeen guusha usoo hoyatay Xisbigooda oo aqlibiyada cododkii la tiriyey heley 70% midaas oo ka dhigeysa 3 meelood 2 meel inuu heley doorashadii Baarlamaanka Dalkaani koonfur Afrika.

Doorashadaan ayaa ahayd midii ugu adkeyd ee ka dhacda dalkaani koonfur afrika xisbiyada dhaxdooda tan iyo markii ay xoriyadda ka qaateen xukuumadii midab dakoorka midaas oo muujineysa in xisbiga talada haye ee ANC uusan ku tashan karin codadka marka loo eego codadkii uu heley doorashooyinkii guud ee la qabtey sanadihii 1994 iyo 2004.

Dadka wadankaani u dhashay ayaa waxaa isku jiidjiidanaya axsaab fara badan oo gaaraya ilaa 156 xisbi oo u tartamaya kuraasta baarlamaan goboleedyada 9ka gobol ee dalka, halka 26 xisbi oo kaliya ay u tartamayaan kuraasta baarlamaanka qaranka ee ka kooban 400 kursi, waxaa ugu cadcad xisbiga talada haya ee ANC oo iminka heysta aqlabiyada 3 meelood 2meel kuraasta baarlamaanka, axsaabta mucaaradka ayaa ku hanjabayay in ay aqlabiyadaasi dhimi doonaan si ANC aysan u awoodin in ay dastuurka wax ka badasho, balse maysan dhicin oo ANC waxay heshey 3 meelood 2meel kuraasta aqalka Baarlamaanka, axsaabta Mucaraadkana mar la waraystay waxay sheegeen inay ku qanacsan yihiin sida ay u dhacdey Doorashada Guud Ee dalku.

Doorashada ayaa waxaa loo qaybiyey laba qaybood oo kale ah in 21 April Taladadii aynu kasoo gudugnay inay codkooda dhiibtaan dadka waayeelka ah, Saraakiisha Doorashada Qaranka (IEC), dadka curyaanka ah iyo haweenka uurka leh kuwaasoo tiradooda lagu sheegey 86 kun oo qof, sidoo kale waxaa 15 kii April codkooda dhiibtey oo ogolaanshu buuxda u heley markii ugu horeysey abid dadka dalka u dhashay ee dibbadda ku nool , tani waxay dhacday kadib markii ay maxkamad bishii hore xukuntey in ay codeyn karaan, sida la sheegayna waxaa 70% helay Xisbiga DA ee ay hogaamise Helen Zille

Madaxda iyo Meelaha ay codkooda ka dhiibteen

Nelson Mandela oo ahaa madaxwaynihii hore ee dalkaani koonfur afrika ayaa markii 4aad codkiisa ka dhiibtay Killarney Country Club, ee Xafada Houghton Estate ee magaaladatan Johannesburg.

Jacob Zuma oo ah Madaxwaynaha Xisbiga Talada haye ee ANC Misana ah Musharaxa ku guuleystey Jagada Madaxwaynanimo ee dalkaani Koonfur Afrika balse aan wali lagu dhawaaqin ayaa codkiisa ka dhiibtay Ntolweni Primary School ee Magaladii uu ku dhashey Nkandla ee Gobalka KwaZulu-Natal.

Thabo Mbeki oo ahaa madaxweynihii hore ee is casilay oo aad uga gaabsaday in uu doorashada ugu ololeeyo magaca ANC ayaa codkiisa ka dhiibtay xaafada Parktown Ee Magaalada Johannesburg.

Madaxweynaha Hada Talada dalka haye ee Kgalema Mothlante wuxuu codkiisa ka dhiibtay Bryntirion Estate ee xaafada Waterkloof ee magaalada Pretoria.

Madaxa Xisbiga Mucaaradaka ee DA Ms Hellen Zille ayaa iyaduna ka dhiibatay Codkeeda St Paul’s Church ee xaafada Rondebosch ee Magaalada Cape Town.

Madaxa Xisbiga UDM Mr Bantu Holimisa wuxuu codkiisa ka dhiibtay Xaafada Arcadia ee Magaalada Pretoria.

Patricia De Leal oo ah Madaxa Xisbiga ID waxay codkeeda ka dhiibatay Pinelands ee Xafada Town Hall ee Magaalada Cape Town.

Mosiuoa Lekota oo isna ah Madaxa Xisbiga ka go ay ANC ee loo yaqaano (COPE) ayaa codkiisa ka dhiibtay Xaafada Oranje Meisieskool ee Magaalada Bloemfontein ee Gobalka Free State.

Sida badan dadku waxay is waydiinayeen sidii wax looga qaban lahaa hadii ay wax yar oo qalalaase ah dhacaan midaasna dawlada ayaa isku taxalujisay aadna u adkeysey oo goob kasta oo codbixin waxaa loogu geeyey ilaalo lagu qiyaasey 2 kun oo askarta Police ka ah taasoo tirrada askarkarta ka dhigeysa 40 kun oo askari, oo ay dheeraad yihiin kuwa heeganka ah iyo sirdoonka oo tirro ka baddan .Iyadoo ay maalinta cod bixintuna u ahayd Dalka oo dhan fasax.

Soomaalida maalintani waxay u tahay, maalin aad oga micno duwan micnaha ay u leedahay dadka dalka u dhashay, Soomaalida tuulooyinka jooga iyaga labbo arrin midkood oo shar iyo kheyr ah ayay maalintani filanayaan, tan koowaad waa in maalintaasi suuqa dukaamada wanaagsanaado oo kalyanti baddan ay helaan maadaamaa dadka shaqada ka wada nasanayo oo guryaha lagu suganyahay marka codeynta laga yimaado, arrinta kale waa saamaynta ay ku yeelanayso haddii rabshado ka dhacaan doorashada. Laakiin Soomaali kale oo aad u tiro yar ayaa doorashadani xaq u yeelanaya in ay codeeyaan, dabcan waa ka tirro baddanyihiin kuwii codeeyey doorashadii 2004, waa haddiiba ay jirreen.

Dadka leh xaqqa codeynta waa kuwa qaatay jinsiyada dalka ee muwaadhiniinta noqdey, taasi micnaheedu waa in qofka dalkani ku noolaa muddo 10 sanno ah, haddiiba wax kasta u hagaagsanaayeen, marka uu qofka dalka yimaado oo uu helo sharci qaxootinimo, 5 sanno kadib waxaad xaq u yeelanaysaa in lagu siiyo degenaansho rasmi ah, waxaa lagu siinayaa teesare (ID), ay ku qorantahay in aadan dhalatuu ahayn ama muwaadhin aadan ahayn(non-citizen) , 5 sanno kale kadib ayaad xaq u yeelanaysaa in aad noqoto muwaadhin buuxa oo wax dooran karra, lana dooran karro.

Sanadkani Soomaalidii ugu badneyd ayaa qaadanaysa sharciga degenaanshaha 5ta sano lagu helo, halka labbadii sanno ee lasoo dhaafay ay dad badani heleen sharcigani, laakiin 5 sanno oo kale ayay tahay in ay sugaan inta ay helayaan teerasaga cagaaran (greeb barcoded ID) si ay u codeeyaan ama loogu codeeyo. Doorashadani lama yaqaano tirada Soomaalida codeyneysa, laakiin waxaa la hubaa in aysan jirrin midkood oo xil dowladeed isu soo sharaxaya, goorta ay taasi dhacdana waxaa la qayaasi karaa in ay tahay marka ay Soomaalida dalka joogto ay kala bar qaadato sharciga dalka.

ANC oo filleysa guul baaxad weyn ayaa sii qorsheysay halka ay ku qabanayaan isu imaatinka dabaaldega guusha doorashada uga soo hoyata, Fakila Mbalula oo ah madaxa agaasinka iyo isku dubaridka ololaha doorashada, wuxuu sheegayaa in fagaaraha NESREC ee Johannesburg la’isugu iman doono halkaasi oo la filayo in dadkii ugu badnaa ay kasoo qeyb galaan.

Hadaba maalinimadii Axada ahayd ee lasoo dhaafay ayaa lasoo gunaanaday ololihii doorashooyinka, iyadoo ANC ay kasoo qayb galeen dadkii ugu badnaa ee isu soo baxa olole siyaasadeed, isu soo baxa waxa uu ka dhacay magaalada Johannesburg oo lagu qabtay labbo garoon ciyaareed oo isa saaran,wwaxaa isu soo baxa soo xaadirey 180 kun oo qof, iyadoo 600 kun oo qof oo kale ay shaashadaha si toos ogala socdeen kuwaasoo isugu yimid garoomada ciyaaraha ee wadanka dhamaantiis.

Isu soo baxii Magaalada Johannesburg waxaa kas dhax muuqdey Nelson Mandela oo ay tahay dhif iyo naadir in uu kasoo muuqdo meelo fagaaro ah, wuxuu ansixiyey taageeradiisa uu u hayo ANC, taas oo la sheegey in xisbiga ay u noqotey mid siisey fursado waaweyn oo xagga guulaha doorashada ah.

Waa markii labbaad oo Mandela uu kasoo muuqdo isu imaatin ANC , horaantii sanadkani ayaa dayuurad Helicopter ah lagu geeyey isu imaatin ka dhacay gobolka bari ee Eastern Cape, wuxuu xirnaa funaanad uu ku sawiranyahay Jacob Zuma.

Waxaa soo diyaariyey Iskuna Soo dubaridey Bahda SomaliTalk Ee Koonfur Afrika

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: