SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ahmedou Ould-Abdallah “Jawaabta Waa In ay Ahaato Mid cad, Hadal-Ahaanna Si Sugan Loo Canbaareyo, Ficil- Ahaanna Talaabo Cad Laga Qaada Masiibadaani” War-saxaafadeed

Qoraal aynu ka helney Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Qarammadda Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah oo uu kaga hadlayo falalkii is xig xigey ee maalmahan Burcad badeeda Soomaalida ay ku qafaasheen 6-da Markab ee isugu jirey kuwo ganacsi iyo kuwo Hay’ado gargaar, dalab ciidamo la keeno dhulka ka baxsan xeebaha Soomaaliya, shir la qabandoono 23 Abril, canbaareyn iyo sidii jawaab cad looga bixin lahaa ayaa soo gaarey Somalitalk 09/04/2009-ka (012/2009)

Ahmedou Ould-Abdallah wuxuu qoraalkiisa ku yiri “Falalkaani burcad badeednimada ah waxay wax u dhimayaan xurriyada bad-mareyn-nimada, siyaasadda, deganaanshaha dhaqaale ee gobalka, qeybinta kaalmada bani’aadinimo iyo arrimmaha deegaankuba, Korarka falalka burcad-badeednimo ku dhisan wuxuu ceeb ku yahay sharuucda caalamiga ah, waxaa kale oo arrintaani bulshadda caalamka ka dalbaneysaa inay u fidiso kaalmo ku- haboon iyo taageero oo wax ku ool ah xukuumadda cusub ee Soomaaliyeed, si ay wax uga qabato halka ay burcad-badeednimada ka soo unkamayso. Waa in ay si dhab ah isku xirnaadaadan sugitaanka nabadgelyada, siyaasada iyo horumarintaba”

“Waa in ciidamo la soo dhigaa dhulka xeebaha Soomaaliya ka baxsan, taas oo ah joogitaanka maraakiibta caalamiga ah, oo ka imaanaaya qaaradaha kala gedisan, taas oo waaqafsan qawaaniinta caalamiga ah, waana in la soo kordhiyaa lana xoojiyaa maraakiibtan. Gobalka, ciidamo keenista waa laga soo dhoweeyey, waxaanna loo arkay in ay tahay arrin la isku barbar taagaayo dadka iyo wadamada gobalka ka jira” ayuu ku yiri Qoraalkiisa Ahmed Ould-Abdalla, isahoo hadalka sii wataa ayaa intaa ku darey
“Mar labaad, falal burcad badeednimo ay ku dheehan tahay ayaa ka imaanaya dhinaca Soomaaliya Usbuucaan oo keliya, lix (6) markab ayaa la afduubay- maalintiiba waa markab- waana dhacdo cusub oo ay sameeyeen burcadd-badeeda Soomaaliya.. Falalkaani, oo mararka qaarkood laga fuliyo meel 9 boqol oo kilomettir ka baxsan xeebaha Soomaliya waa daandaansi cusub oo loo geeysanaayo bulshadda caalamka. Jawaabta waa in ay ahaato mid cad, hadal-ahaanna si sugan loo canbaareyo, ficil- ahaanna talaabo cad laga qaada masiibadaani. Falalkan dambiilenimada ah waa in aan la ogolaanin in uu isku sii socdo waddadii ku dhisneyd waxa afka qalaad loo yaqaano ‘IMPUNITY’ (dembigal oo iska soco adiga oo xor ah oo aysan jirin cid kula xisaabtamaysa).

Ahmed Ould-Abdalla wuxuu keloo qoraalkiisa ku cadeeyey “Waa in xukuumada cusub ee Soomaaliya la kaalmeeyaa si ay wax uga qabato asalka burcad-badeednimada, gacana laga siiyo sidii ay u sii deyn lahaayeen lahaystayaasha ay nasiib-daridda haysato, haddii ay Soomaali ama Ajanbi yihiimba, kuwaasoo muddo dheer loo diiday xurriyadoodi iyo eheladoodiiba inay la hadlaan”.

Ahmed Ould-Abdalla “Qaramadda Midoway, Midowga Afrika oo ay weheliyaan ururka Jaamacada Carabta, ururka Islaamka Aduunka, Midowga Yurub ayaa qabanayaa shir 23 Aprill; si loo taageero Soomaaliya waxna looga qabto arrimaheeda nabadgelyada. Shaki iigama jiro in shirka ay ka soo bixi doonto guul natiijo ku fadhida” ayuu kusoo gebagebeeyey Ould-AbdallaWar-saxaafadeedkiisa

Laakiin Qoraalada war-saxaafadeedyada kala duwan ee uu soo saaro Wakiilka Qaramada Midoobey marka la eego, inta badan waxay u muuqdaan kuwa ka tarjumaya sansaanta siyaasadaha cusub ee dowladaha waaweyn ee dunid ay ka damacsan yihiin Soomaaliya iyo mugdi ahaanshaha siyaasada Soomaaliya, iyadoo uusan soo hadal qaadin bililiqada lagu hayo Badda, Dhulka iyo dhibaatooyinka kala duwan ee loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliya ee ay ku hayaan dowladaha kala duwan ee caalamka oo ay ugu horeeyaan dowladaha Gobolka iyo kuwa ku xeeran, wuxuuna hadaladiisa ku koobaa Barnaamijkiisa Dibu-heshiisiineed oo ay gadaal ka wiiqayaan kuwa uu markasta gargaarka Soomaalida uga dalbayo ee wata damaca waalan oo aan ogoleyn in lasoo af-jaro waxa uu ka hadlayo.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Axmed Walad Cabdalla: Warqad ku socota Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku nool iyo  Shir Dhaqaale loogu uruurinaayo Soomaaliya oo lagu qabanayo Burussels Akhri Apr 7

Faafin: SomaliTalk.com | April 10, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS