SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Axmed Walad Cabdalla: Warqad ku socota Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku nool

  • Shir Dhaqaale loogu uruurinaayo Soomaaliya oo April 22-23, 2009 lagu qabanayo Burussels

Qoraal ka kooban sagaal qodob oo uu jaalaidda Soomaaliyeed ee qurbaha u soo diray wakiilka QM ee Soomaaliya, ayaa waxaa ku xusan in: Si dhaqaale loo helo, nabadgeliyadana loo hormariyo, Qarammadda Midoobay oo ay wehliyaan Midowga Europe ayaa waxay qabanayaan shir ka qeybgalkiisu sareeyo oo dhaqaale loogu uruurinaayo Soommaliya, waxaana shirka lagu qabanayaa Burussels inta u dhexeysa 22-23 Abriil 2009, Shirkaani  waxaa shir gudoomin doona Xoghayaha Guud ee Qarammadda Midoobay....

Qoraalkaas oo dhan waxa uu u qoraa sidan:


United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)

Xafiiska Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya

Warqad ku socota Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ku nool (no.13)

Nairobi, 3 Abriil 2009

Al- salaamu caleykum

  1. Bishii la soo dhaafay waxaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ka jiray dhacdooyin intuba ahaa kuwa waxtar leh. Sid ay caadadu aheyd waxaan jeclahay in dhowr daqiiqo oo waqtigeyga ka mid ah aan idinkaga warbixiyo halka aan u maleynaayo in arrinta Soomaliyeed ay hadda mareyso.
  1. Waxaan hadda ka soo laabtay shirkii kulan-madaxeedka Wadamadda ku jira urrurka  Jaamacadda Carabta ay ku lahaayeen magaalada Doxa, Qadar, halkaas ajendaha looga hadlaayey ay  arrinta Soomaaliya meel weyn kaga jirtay. Waxaan ka qeybgaley kulamo muhiim ah ee dhexmaraayey madaxda carbeed iyo Xoghayaha Guud ee Qarammadda Midoobay. Arrinta marka si guud loo eego, madaxda carbeed waxay taageer-sanaayeen xukuumadda cusub ee Soomaaliya, waxayna muujiyeen rabitaanka ay u hayaan in xukuumadu hirgasho. Kulankii uu la yeeshay Xoghayaha Guud ee Qarammadda Midoobay, Madaxweyne Sheikh Shariif Sheikh Axmed  wuxuu carabka ku adkeeyey in xukuumaddiisu u maamuli doonto wixii dhaqaale ah ee la siiyo ummadda Soomaaliyeed  si mas’uuliyadi ku jirto oo cad. Madaxweynaha wuu ku saxsanaa in uu siddaan u  caddeeyo arrintan, maxaa yeelay waddamo badan oo carbeed ayaa shaki ka muujiyey qaabka ay maddaxda Soomaaliyeed u maamuleen dhaqaalihii horey loo siiyey, isla waddamada aan hadda ka hadleeyno ayaa go’aansaday in ay Soomaaliya kaalmo dhaqaale siinayaan oo kaliya markii ay nabad-buuxda ku soo noqoto. Dhaqaalaha laga hadlayey wuxuu ahaa  saddex (3) milyan oo doolar in la helo bilwalba muddo 12 billood ah. Xukuumaddu waxay halkaas ka muujisay mahadcelinteeda, waxayna go’aansatay in ay codsigeeda ay dib u dhigto ila iyo waqtiga ku habboon.
  1. Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa soo jeediyeen tallooyin waxtar lehna ka geystay shir muhiim oo looga hadlayey shaqo u abuurista dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo ka dhacay Jabuuti 21-22 Maajo 2009. Kulanku  wuxuu diirada saaray sidii fursad tababaro xirfadi-ku-dheehan tahay iyo shaqaba loogu abuuri lahaa  dhalinyarada loo diiday fursad ay ku noolaadaan, kuwaas oo ku  nool rajo la’aan, duruuftuna ay ku kaliftay in ay degganaasho la’aan iyo denbi ay faraha la galaan. Kulanku wuxuu door ka geystay in uu abuuro xiiriirka ka dhexeeya xukuumadda, ganacsatada iyo dhalinyaradaba. Guddi la socda arrintaan ayaa la sameeyey, kaas oo soo diyaarin doona istaraatajiyada wax barasho iyo shaqaba loogu abuuri lahaa dhallinyarada, soona diyaarin doona mahsaariic la xiriira arrimahaani  iyo habkii dhaqaale loo heli lahaa. Waxaan rumeysanahay   in fursadaan shaqo abuurista ahi ay ka mid tahay arrimaha ugu muhiimsan ee aan u baahanahay in si deg-deg ah wax uga qabanno si aan u xaqiijinno helitaanka  mustaqbal nabadi ku dhehan tahay ee Soomaaliyeed.
  1. Bishii tagtey, waxaan booqday Washington aniga oo ahaa shakhsiga sida weyn uga hadlay shir ku saabsanaa caqabadaha ka hor immaan kara in Soomaaliya dib wax looga qabto, shirkana waxaa martigeliyey xarunta istiraatijiyada iyo daraasaadka caalamiga ah oo la kaashanayey Machadka Mareykanka u qaabilsan arrimaha nabada  ee ku yaala Washington. Arrintaani, waxaa kale oo ay fursad ii siisay in aan wadahal la yeesho dad fara badan oo kala gedisan sida Senator Russ Feingold oo ah  madaxa gudi hoosaadka Senate-ka  u qaabilsan arrimaha Afrika, sii hayaha Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda qaabilsan Afrika, Phil Carter, Ken Mekhaus ka tirsan kuliyada Davidson, Cabdi Samatar oo ka tirsan Jaamacadda Minnesota iyo Jabriil Cabdulle oo ka tirsan xarunta Cilmi-baarista iyo wada-hadalada iyo xubno ka tirsan Jaalliyada Soomaaliyeed ee dibadda ku nool.  Ka qeybgalayaashu waxay aad u soo dhaweeyeen geedi socodkii Jabuuti, waxayna si buuxda uga wadahadleen arrimaha mustaqbalka Soomaaliya.
  1. Muddadii aan wadahadalka kula lahaa Washington Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka iyo gudiga amaanka Mareykanka, waxaa si cad u soo shaac-baxay in maamulka Mareykanka uu aad uga walaacsanyahay soo ifbixidda afkaaraha xagjirka ah ee ka jira dhallinyarada Soomaaliyeed ee Mareyknaka ah.  Sida aad og-soon tihiin, mid ka mid ah ismiidamiyaashii Hargeysa waxaa ka mid ahaa nin dhallinyaro Mareykan ah, asalkiisuna uu Soomali ahaa, kuna noola Minnesota. Wiilkaani wuxuu noqday ninkii ugu horeyey oo Mareykan ah ee is-qarxiyey. Dhallinyarada kale ee Soomaaliyeed ee Mareykanka ah, ayaa loo maleynayaa in ay Soomaliya u joogaan inay ka ag dirirayaan ama taageero u fadinayaan kooxaha xagjirayaasha ah. Mareykanka iyo Wadamada kale ee reer Galbeedka ahi, waxay aad uga walaac sanyihiin arrintaan soo korartay, bacdama shakhsiyaadkaani hawla argagixisanimo ka sameeyn karaan wadanka.   Congareska Mareykanka, Wasaaaradda arrimaha nabadgeliyada wadanka iyo Guddiga arrimaha dowliga u qaabilsan ayaa kulmay bishii hore, kana hadlay dhallinyaradaan Soomaaliyeed ee Mareykanka jooga loona qoraayo hawla argagaxisinimo. Nabadgeliyo la’aanta ka sakow, dhalinyaradaan xagjirka ahi, waxay si aad u xun u dhaawacayaan  magaca iyo sharafta dhallinyarada Soomaaliyeed ee sharciga jecel kuna nool dalka dibaddiisa kuwaas oo si joogta ula kulmaaya shaki iyo tuhumo ku saabsan waxaysan ayagu denbi ku laheyn. Afrika dhexdeeda, arrintaan tuhumka ah dartii  ayaa wadanka Botswana wuxuu u soo eryey dad Soomaaliyeed ayaga oo looga shakiyey inay fulinayaan fal argagixisinimo ah. Bulshooyinku waxay u baahan yihiin in ay helaan habkii ay ku xaqiijin lahaayeen in dhallinyaradoodu aysan ku dhicin habkaan xagjirnimadda ku dhisan iyo cawaaqib xumada uu keeni karaba.
  1. 20kii Maarso waxaan la hadlay Golaha Amaanka Qarammadda Midoobay aniga oo carabka ku adkeeyey baahida loo qabo  in kaalmo deg-deg ah loo fidiyo maamulka cusub ee Soomaaliya, labada ama saddexda billood ee soo socoda. Arrintaan waxaa asna ka dhawaajiyey Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda, Maxamed Cabdullahi Oomaar, kaas oo xoogga saarey ujeedooyinka waqtiga dhow la gaari karo. Danjirayaal farabadan ayaa isku raacay in Xukuumaddu hadda ay u baahan tahay kaalmo. Arrintaan waxaan kala hadlay Xoghayaha Guud ee Qarammdda Midoobay, Danjirayaal, Wasiirada Arrimaha dibadda iyo Difaaca   ee Wadanka Burundi, Madaxa arrimaha nabadgeliyada ee Ururka Midowga Afrika iyo madax kale ee sar-sare ee Qarammadda Midoobay.
  1. Si dhaqaale loo helo, nabadgeliyadana loo hormariyo, Qarammadda Midoobay oo ay wehliyaan Midowga Europe ayaa waxay qabanayaan shir ka qeybgalkiisu sareeyo oo dhaqaale loogu uruurinaayo Soommaliya, waxaana shirka lagu qabanayaa Burussels inta u dhexeysa 22-23 Abriil 2009, Shirkaani  waxaa shir gudoomin doona Xoghayaha Guud ee Qarammadda Midoobay -waana markii ugu horesey ee Xoghayaha Guud ee Qarammadda Midoobay uu shir gudoomiyo shir Soomaaliya ku saabsan muddo sanooyin ah. Shirka waxaa ka soo qeybgeli doona: Louis Michel, wakiilka u qaabilsan Midowga Europe  horumarinta iyo arrimaha bani’aadanimo, Javier Solana,  wakiilka gaarka ah ee u qaabilsan Midowga Europe siyaasadda arrimmaha dibadda iyo nabdgeliyada, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta , Amre Mussa  iyo  Ururka Islaaamka Adduunka, Professer Ekmelledin Ihsanoglu, maddaxa ururka midnimada afrika, Jenping iyo maddax kale oo sar-sare oo ka socda Yurub, Afrika, Khaliika iyo Mareykankaba. Ujeedada shirkani muhiimka ahi waxay tahay in si deg-deg ah taageero loogu fidiyo arrimaha nabadgeliyada soomaaliya ayadoo dhaqaale loo raadinayo ciidamada wada jirka ee Soomaaliyeed iyo AMISOM.
  1. Waxaan ka naxay aadna uga xumahay sii socoshada degganaasho la’aanta ka jirya meelo badan ee Soomaaliya, siddaan horeyba u sii caddeeyey ciidamadii Ithoobiya dalka way ka baxeen. Arrintaan oo horey loogu andacoon jirey in ay tahay sababta ugu weyn oo dalka qaska ugu sii socanaya. Weeraradii loo geystay wasiirka arrimaha gudaha bishii hore sidoo kalena nin barlamanteeriyanka ahaa weerar loogu geystey isbuucan waxay si cad u muujinayaan in loogu danlahaa in nabada lagu qaso laakiin ma noqonayaan kuwa guuleysto. Waxa arrin dhiiro gelin leh ah in Madaxweynaha, Xukuumadda iyo Barlamaankuba ay caasimada Muqdisho gudaheeda ka shaqeynayaan tallaabooyin muhiim ahna ay horey u qaadeen. Si loo soo celiyo sharafta wadankiinna, maddaxda aan soo sheegnay waxay mudan yihiin taageero iyo in qoryaha la aamusiiyo.
  1. Waxaa shaki la’aan ah inay soomaaliya hadda ka jirto fursad nabad lagu sameynayo. Sida ay caadadu tahayba arrintan waxay taageero ka dooneysaa qof waliba- hadday Soomaali yihiin amaba bulshada caalamka. Taageerada qurbajoogta soomaaliyeed hadda ayaa si aad ah loogu baahan yahay. Waxaa jira caqabado aad u waaweyn, laakiin waxaan ku kalsoonnahay haddii la mideeyo awoodiinna iyo go’aamadiinna waxaad kari doontaan in aad ka guuleysataan caqabadahan waxaana dib u hanandoontaan wadankiinna. Ha noqonina dadkii lagu tilmaamey qur’aanka kariimka: kuwaas oo sida ay suuraddu tilmaameyso qalbigoodu, dhegahooda iyo indhahoodaba oo illaahay xiray ama ooday wax waanana aanan maqleynin sida ku cad suuratul-naxal aayadda 108. Isu tanaasul, isku biirin /isku hayn iyo is cafin ayaa asal u ah soo noqoshada nabadda iyo xurmada.

Walaalkiin

Ahmedou Ould-Abdallah 

Wixii war dheeraad ah fadlan la xiriir:
Donna G. Cusumano
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
Telephone: Office - 254 20 7621625
Mobile - 254 737 400133
Please visit: www.UN-Somalia.org

Ergeyga gaarka ah ee arimaha Soomaaliya Amb, Ahmed Would Abdallah "Waqtigan hadda la taagan yahay, gebi-ahaanba ma jirto wax cudurdaar ah…" Qoraal uu ka soo saarey New York Akhri Mar 14

Faafin: SomaliTalk.com | April 7, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS