SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ashahaado-la-dirir laga dambeysiiyey Burcad-badeednimo

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Qandaraaskii ay dagaaloogayaashu ka soo qaateen sirdoonka Maraykanka iyo Tigreega xaggee ku dambeeyey? Wixii culumo la dhoofshay, wixii carruur iyo cirrole la laayey, wixii xaamilo iyo umulo la xasuuqay, wixii barbaar dhegta dhiigga loo daray, wixii xarumo diimeed la ihaaneystay, wixii astaanka qaranka la dulleeyey, wixii dhaqaalo la baduugay iyo wixii qaran dumayba weli diintii Ilaahay waa sideedii, dadkiinna weli Ilaahay bey caabudayaan. Hadda Ashahaadadii Soomaaliya ka yeereysay haddeysan sii badan ma nusqaamin ee marka maxaa maamulka Maraykanku faa’iidey? Keliya waa lakala baxay. Qof kasta waa ogyahay waxa Ilaahay u balanqaaday shacabka muslimiinta ah ee guryaha lagu duminayo iyagoo si gardarro ah gaalo iyo gaalo-kalkaal u gumaadayaan. Sidoo kale isweydiin ma leh ajarka uu leeyahay qofka u taagaan inuu difaaco diintiisa, dalkiisa iyo dadkiisa.

Sidaan horay u iri Ashahaado-la-dirirkii wuxuu dhalay Ashahaado-ka-dirir! Waa kuwa sheegan jiray iney jihaadayaan oo sawirradooda la hayo iyagoo garabka u suran yahay qori AK47 ah. Su’aashu waxay ahayd ma qolyo “Hollywood” ah oo aynaan markaas u jeedin baa filim ka duubayey mise markaas waa saxsanaayeen oo gadaal bey iska beddeleen? Waxaan mar hore soo qoray inaan ku shabbahay Xasan At-Turaabiga Suudaan laakiin markaas dhowr qof baa ka biyodiiddanaa haddase nimankaas saaxiibbadood baa leh nimankaasi khadka waa ka baxeen. La yaab ma leh in dagaalooge uu waxaas oo kale falo laakiin waxaa la yaab leh in qof diin sheegan jiray uu halkaas gaaro.

Waxaan aaminsanahay markii maamulka Maraykanka iyo Tigreegu ku guuldarreysteen arrimaha Soomaaliya iyo Ashahaado-la-dirirka sidoo kalana dhaqaalihii adduunku hoos u dhacay ayey hadda waxay bilaabeen in Soomaaliya oo wixii dhib ah ay soo martay la ogaa ilaa kii ugu dambeeyey ee Tigreegu ku qabsaday iyadoo maamulka Maraykanku gacansiinayaan in hadda la rabo in la is tuso innaga iyo adduunka. Qof walba waa ogyahay qiimaha ay adduunka u leedahay marinnada maraakiibta. Qof walba waa ogyahay sidii horay loo sheegay inaan Maraykanku awood u waayin inuu dharbaaxo wiilashaas isbaarada badda u dhigtay laakiin waxaan rumeysanahay iney wax la wadaan sidii dad hore sheegeen. Soow inta qabqabteen ma soo deyn halka dad aan waxba geysan ay ku xireen xabsiga Guantanamo Bay? Waxay rabaan in markii wax laga qaadiwaayey muslimiinta Soomaaliyeed in la yiraahdo adduunkoow waddankaas waa wada burcad waana dad reer baadiye ah ee waa in wax laga qabto. Waxaan filayaa in maamulka Maraykanku arrintaas ka leeyahay arrimahan:

  1. Qof kasta waa ogyahay muhiimadda marinka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Maaddaama ay Maraykanka ku furuntahay aagag badan sidoo kalana dhaqaalihiisii dhulka galay ayaa waxaa u sahlanaanneysa inuu ku helo ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo loo diro Soomaaliya. Marinkaas waa halbowlaha ay isticmaalaan waddamada dhaqaalahoodu xowliga ku socdo sida Shiinaha, Hindiya, Aasiyada kale, Newzealand iyo Australia. Waxaan aaminsanahay xitaa in aan Shiinuhu muran galindoonin in Soomaaliya loo diro ciidamo iyagoo u baqaya jidgooyada ay dhigteen burcad-badeeddu. Siyaasad keliya maahee wuxuu Maraykanku ku qalqaalinayaa in wadamadaasi lacagta  “nabad-ilaaliyaasha” baxshaan.
  1. In uu ku qalqaaliyo waddamada Yurub qaarkood iney meelo ka mid ah Soomaaliya ka sameystaan saldhig badeed tusaale ahaan Berbera iyo Boosaaso oo kale. Mar haddii dhulkaaga uu shisheeye soo galo waxaad noqoneysaa dad aan dalkoodu gacanta ugu jirin sida Jibuuti iyo waddamo badan oo Khaliijka ah. Soow lama oran hogaamiyuhu waa gaashaan oo kale? Yaa waddamadaas gaashaan u ah? Maraykan! Marka caqli ahaan waxaa xukuma Maraykan haba wateen magacyo kalee!
  1. Waad aragteen in burcad-badeeddu dacaayad u sameyneyso Maraykanka iyagoo leh waxaa nala soo xiriiray dad (waxay ka wadaan muqaawamada) marka haddaan lacag la siin iyagey la xiranayaan. Waad arki doontaan Maraykankoo adduunka u tusa arrinta markabkaas in la rabo in hubkaas loo afduubo kooxaha ka dagaalaya Soomaaliya. Wakaas mar horaba Zenawi hadlay. Marka waxaan la yaabbanahay waxa dadka culumada sheeganaya ee Puntland jooga ay arrintaas u fahmi la’yihiin. Waxaa dhici karta in la gado siyaasad ah: kooxaha maraakiibta afduubta waxay u shaqeeyaan Muqaawamada. Waan ogahay haddii BBC-da laanteeda Afsoomaaliga iyo tan VOA-du sheegaan in dad badan oo Soomaaliyeed iska rumeysan doonaan.

Waa seddexda arrimood ee ugu waaweyn ee aan wadnaha farta uga hayo. Waxaa soo xasuustaa gabaygii nin reer miyiga ahaa oo geeliisa u baqay markuu dareemay in wiil yar oo uu seeddi u ahaa noqday xoolo-mubaddar. Ninkuu wuxuu yiri:

  • haddii seeddigaa gaban yahoo geela kula raaco
  • oo aadan guulguuli karin geeluse halaabo
  • illeen waad galgalataa sidii gaajo nimey heysto

Maxaad dareemeysaan markaad aragtaan waddankeennii oo Ashahaado-la-dirir, gaalo iyo kuwa culumo sheeganaya oo damman ay saas u galeen? Haddii ninkii tuldaha geela ah lahaa saas dareemayo maxaan dareemeynaa innagoo diinteennii, dalkeenni iyo dadkeennii loo soo socdo?

Waxaan marar badan ka hadli jiray Puntland. Waxaan shacabka Puntland iyo culumadooda u sheegi jiray iney siday wax u wadaan ay khaldantahay. Iney lumiyeen fursado badan ilaa ay gaareen in inta C/hi Yuusuf wiilashoodii la aaday Xamar uu soo nooleeyo dagaalka qabiilka. Qof kasta wuu arkaa meeshay arrinta gaarsiiyeen. Qof kasta waa ogyahay qaybta walaalkood C/hi ka qaatay soo-gelinta Tigreega ee Soomaaliya. Culumada Puntland waxay istuseen iney dhowrtaan nabaddaas yar iyagoo ka cararaya adayga uu leeyahay halganku. Maantadan aan maqaalka qorayo yaa nabad fiican Kismaayo iyo Boosaaso? Marka shirqoolka gaaladu ka leedahay burcad-badeedka iyo waxaan isla sugayaa culumada Puntland. Sidoo kale C/hi Yuusuf wuxuu ku khaldi jiray shacabka inuu Laascaano ka hayo Somaliland. Wuxuu sheegi jiray inuu Kismaayo u soo dhicin doono. Inuu wax u soo cesho iska daaye wiilashoodii baa maalin kasta iyagoo Tigreega dhinaca ku hayaa la toogtaa iyagoo sidii doofaarkii u bakhtinaya. Waxaa intaas dheer wuxuu u sameeyey cadow. Ma xaqbaa iyadoo C/hi iyo saaxabadiis Tigree soo gasheen Soomaaliya in wiilasheennuna Soomaaliya soo geshaan ciidamo gaalo ah oo saldhigyo ka sameysta badaheenna iyo magaalooyinkeenna? Haddayse dhacdo khiyaamo intee le’eg baan ka galeynaa diinteenna, dalkeenna iyo dadkeenna? Ama arrintaasi keento in inta adduunku u baqo dhaqaalahooda ay ciidamo ugaarsanaya culumada u soo diraan Soomaaliya?

Somaliland lafteedu waxba kama sokeyso Punltand. Maamulka Somaliland waan ognahay arrintiisa sidoo kale culumadooda sida kuwa Punltand bey fiirsadeen nabad aan cago ku taagneyn. Indhahooda oo shan ah ayaa Tigreegu isticmaali jiray Berbera. Dad masaakiin ah oo Soomali ah baa laga qafaali jiray Hargeysa oo Tigree loo gacangelin jiray. Culumadooda ugu waaweyn baa ku faani jiray iney kala direen kooxdii Itixaad. 

Waxaan culumada u sheegayaa Ilaahay Isagaa sheegay inuu diintiisa xafidayo marka waxaa isweydiin leh haddaad kala dirteen wiilashii idinka difaaci lahaa cadowga yaa inoo difaacaya waddankeenna? Waxaa dhici karta in la arko Berbera iyo Boosaaso oo wiilasha Faransiiska u dhashay ee shaqada qaran gudanaya usoo tumasho tagaan markey fasaxa galaan. Marka marka cadowga loo gacan banneeyo inuu la xaalo boqollaalka wiil ee dar Ilaahay u dagaalaya dabadeedna waddanka ay saldhigyo ka sameystaan gaalo cad iyo Tigree aan ogaanno meeshaad ka gashaan dhibkaas.

Siday ila tahay burcad-badeedka waxaa gadaal ka riixaya gacan shisheeye oo shirqoolkaas wata marka goormaa culumada iyo shacabka Somaliland iyo Puntland baraarugayaan? Haddeynu rabo inaan aragno dhulkeennii oo la heysto innagoo madaxweyne leh sida waddamada qaarkood haddee Jibuuti nagama foga. Waxaa taas ka daran waxaa soo dhardhigtay niman culumo sheeganaya oo raba in Soomaaliya loo qabsado sida Jibuuti.

Ma Dr Cumar Iimaan baa Maxkamadaha loo Caleemosaarayaa Akhri

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 30, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS