Ma Dr Cumar Iimaan baa Maxkamadaha loo Caleemosaarayaa
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
“Nicma (Ar) Rajul” haddii arrintaasi run noqoto. Oo yaa diidi kara
nin wax aan kheyr ahayn lagu aqoon? Xitaa Soomaalida oo qabiil dilooday
wey yaqaanaan qiimaha ay leedahay aqoontu markey dhaheen:
- Aqoon la’aani waa iftiin la’aane
- Waa aqal iyo ileys la’aane
- Ogaada ogaada dugsiyada ogaada
- U aada u aada walaalayaal u aada
Waxaan filayaa inuu erayadaas lahaa Allaha u naxariistee C/hi Qarshe.
Aqoonta maaddigaa lafteedu waa caawisaa. Haddii sixiroolayaashii Fircoon
ay fahmeen waxa nabi Muuse (CS) la yimid inuusan sixir ahayn waxaan
filayaa in waxa Islaamku qabo aan cidna ka badin Dr Cumar Iimaan iyo
culumada kale ee Soomaaliyeed markii Soomaali laga hadlayo. Giriiggii
hore markey qofka aqoonta leh ciqaabayaan waxay qolka kula xiri jireen
qof jaahila! Soomaalida lafteedu waxay dhahaan arrintaas oo kale;
ma weel dabo daloolaan wax kuugu shubaa mise qof aan wax aqoon baan
baan wax kuugu daraa!
Haddii Soomaalidu sidaas ku maahmaahdo maxaa dad culumo sheeganayaa u
rabaan iney wax ku darsadaan nin Ashahaado-la-dirir ah? Ma u
maleyneysaan in qolyaha Tigreega u shaqeeyaa ka badshaan Dr Cumar cidda
heshiis lala galo?
Muxuu nabigu (SCW) Abuu Bakar (RC) ugu doortay inuu tujiyo dadka
markuu xanuunsanaa? Ilaah baa og xaqiiqda laakiin nabi Muxamed (SCW)
kaddib Abuu Bakar baa muslimiinta ugu kheyr badnaa. Mar nabigu (SCW)
xaddiis akhrinayey baa Abuu Bakar (RC) fahmay in nabigu (SCW)
dhimashadiisa ka hadlayo waxaana saxaabadu la yaabeen Abuu Bakar oo iska
ooyaya. Abuu Bakar (RC) da’diisa, muuqaalkiisa guud oon xoog iyo awood
lagu sheegin iyo naxariistiisa iyo khushuuciisa darteed oo uu mararka
qaarkood uu booyi jiray kama reebin inuu imaam diineed iyo mid dowladeed
noqdo. Soow dhimashadii nabiga (SCW) Cumar binu Khidaab (RC) oo la ogaa
ma jahowareerin? Abuu Bakar markaas ma isku dhexyaacay?
Dagaalkii ridada ka warrama? Soow Cumar lama yaabbaneyn sida Abuu
Bakar ugu dhiirraday inuu la dagaalo kuwii riddoobay? Sidii maalintaas
muslimiintu ugu baahnaayeen inuu hogaanka qabto qof cilmi leh ayaa
maanta loogu baahanyahay. Marka haku kadsoomina kuwa ku hadaaqa in wixii
shalay lagu liibaanay aysan maanta socon karin! Waxaa kaaga daran sida
Abuu Bakar (RC) dadka u kala yaqaanay. Soow caddaaladii Cumar Binu
Khidaab (RC) sameeyey wax kama gaareyso Abuu Bakar (RC) ileyn isagaa
Cumar noo doortaye?
Markii madaxnimo laga hadlayo waxaa maskaxda Soomaalida kusoo
fatahmaya qabiil. Fiicnaan lahaydaa haddii qabiillada Soomaaliyeed
dooran lahaayeen madax caqli badan. Markii Ansaar sideenna oo kale ay
qabiil isku leyneysay Islaamka ka hor ayaa waxaa ka dhammaday odayaashii
oo waxaa ku batay dhallinyaro. Nasiib waxay ku yeesheen qabiilka Aws
waxaa kaabbo qabiillo ka ahaa Sacad Binu Mucaad iyo Useyd Binu Xudeyr.
Waxaan fiican inaan dib u akhrinno sida labadaas hogaamiye ku Islaameen
waxaa kuu soo baxaysa haddii qofku uusan aqoon badan lahayn in caqliga
Ilaah baxsho lagu liibaano oo loo baxsado haddii si fiican loo
isticmaalo.
Waxaan filayaa qofkii Maxkamado sheeganaya oo aakhiro doon ah inuusan
diidi doonin Dr Cumar Iimaan. WALLAAHI ma jirto marka xaalada
muslimiintu mareyso halkaan oo kale wax ka fiican inaad maqasho wacdiga
nin Ilaahay yaqaan. Muslimiintii joogtay waagii nabi Muuse (CS) soow uma
caqli celin kuwii u hanqaltaagay wixii Qaaruun heystay. Yaa maanta
Qaaruun ah? Beesha Caalamka (Qarbiga). Yaa saxsanaa kuwii yiri war
Ilaahay iyo aakhiraa ka fiican waxa ninkaan heysto ee camal fiican
keensada iyo kuwii adduunyo-doonka ahaa? Qofkii maanta sida akhyaartaas
caqliga lahaa u hadla waxaa la leeyahay siyaasad ma yaqaan? Sida aan
inteenna badan aan uga soo bixi weynay shuruudihii jihaadka iyo
dalxoreynta marka laga reebo koox yar ayaa reer Banuu Israa’iil waqtigii
nabi Daa’uud noolaa intoodii badneyd inta caasiyeen Ilaahay iyo
hogaamiyahoodii oo biyo ka dhargeen baa waxaa jihaadkii galay oo Jaaluut
qaabilay koox yar. Xitaa kooxdii yarayd markii qaar cawdeen oo cataabeen
ayaa kuwii Ilaah si fiican u yaqaanay dhaheen: badanaa koox yar oo ka
adkaatay koox badan, idinka Ilaahay dartiis kaddib inta Ilaahay talo
saarteen oo baryeen bey samreen. Qofkii maanta sida waxgaradkaas u hadla
waxaa la leeyahay waa qof aan aqoon wadciga lagu jiro? Waxaad mooddaa in
hadda ay muslimiinta culumo u noqdeen kuwa ka raadgadanaya dhibka
adduun. Ilaahay baa leh adduunyadu waa imtixaan. Ilaahay baa leh waa la
is imtixaamayaa ilaa lakala baxo. Ibnu Qayim weydiiya sida uu weriyo
iney dhibka xabsiga iyo kan adduun hilmaami jireen markey Ibnu Taymiyah
hor fariistaan oo uu wacdiyo. Waxaa la rabaa hogaamiye marka Axamed
Walad Cabdalla oo kale u booteeyo oo uu yiraahdo war ka baqa Bush iyo
maamulkiisa dhaha sidii saxaabadu (RC) dhaheen oo ah Ilaah baa nagu
filan ee lama rabo qof baqa oo diintiisa ka tanaasula.
Haddey arrintaasi run noqoto waxaan hogaamiyahaas kula talin lahaa
inta Soomaaliya tago inuu wax u bilaabo sidii nabi Muxamed (SCW) wax u
bilaabay. Waa inuu sameeyo masaajid iyo meelo la isagu yimaado. Waa inuu
qabiilooyinka iyo dadka walaaleeyo. Waxaa imaaneysa in dadku wax
wadacuno oo la iscaawiyo si abaaraha iyo cudurada looga samato baxo.
Hadalka fiican iyo caddaalada baa dadka deeqi kara. Inuu odayaasha soo
dhoweeyo. Inuu Ilaahay uga baqo xukunkaas oo isagu caddaalad iyo kheyr
la yimaado. Qofku hadduu kheyr qabo wuxuu sheego waxay ku dhacaysaa
qalbiga dadka halka kuwa adduunka raba ay hadalkoodu inta dheg naga soo
galo uu tan kale ka baxayo.
WALLAAHI qofkii Beydka Ilaahay (masaajidda) xaqeeda siiya inuusan
gargaar ka rabin Guriga Cad. Amiirkii Mu’miniinta Cumar (RC) uma heysan
cuddo iyo cadad uu kaga hortago Ruum iyo Furus ee wuxuu saxaabada iyo
muslimiinta ku dhihi jiray waxaa la idiin ka gargaarayaa samada
(Allaah). Micno ma leh haddii hogaamiyayaashii hore ee Maxkamaduhu ka
dhammaan waayeen in ay Beesha Caalamka noo gargaareyso.
Tobaneeyo sano ka hor baan waxaan masaajidda ku arki jiray kuwa ka
soo horjeeday in Tigreega Luuq lagula dagaalo iyagoo leh waagii Makka
baa la joogaa oo lama rabo in far la fidiyo. Qaarkood markii Xamar ay
Tigreegu soo gashay baa Ilaahay naga aamusiyey ileyn dadku waa
dhagaxtuurayaan haddii Xamar oo la heysto ay dadka ku dhahaan yaan far
la qaadin. Waxaan ku dhihi jiray taariikhdu Hijrigu waxay maraysaa 1400
sano ka badan marka 14 qarni ka badan wax dib loo cesho. Cidna ma
diidana in xikmad loo baahan yahay laakiin qof dhulkiisii la heysto oo
jihaadku farad cayn ku yahay xaggee sheekadaasi ka soo gashaa? Shaki
iigama jiro in inteenna aan Tigreega la dagaaleyn aan dambaabeyno marka
annagoo dambi ku jirna inaan dad halgamaya aan eedeyno waa doqonnimo.
Maxay tahay nimanka madaxda mujaahidiin sheeganaya oo ay huteellada
gaaladu ku waardiyeyneyso oo xitaa aan laguu ogaleyn inaad gasho?
Wafuuddii nabiga (SCW) Madiina ku soo booqan jiray si sahala kuma kala
garan jirin nabiga (SCW) iyo saxaabada ilaa ay dhahaan: kiinnee ina
C/Mudalib ah ilaa ay saxaabadu farta ku fiiqaan ama nabigu (SCW) dhaho
aniga. Inkastoo Soomaalidu si khalad ah u isticmaasho waxay dhahaan:
kabahaaga iyo tolkaa bartankaa looga jiraa. Waxaa arrintaasi sidii la
rabay uga dhabeeyey nabi Muxamed (SCW) oo saxaabadiisa dhexda uga
jiray.
Maxaa kalsoonida naga lunshay? Hogaamiyayaasha muqaawamadu waa iney
si fiican u hadlaan. Mar ay nabiga (SCW) iyo saxaabadu (SCW) dagaal ka
soo noqdeen baa duhurkii waxaa la kala hargalay geedaha. Waxaa nabiga
(SCW) loo firaaqeeyey geed. Nabigu (SCW) wuxuu seeftii surtay geedka
waana seexday. Dabadeed waxaa soo kor istaagay nin oo inta seeftii
nabiga (SCW) galka kala baxay oo is dultaagay nabiga (SCW) ku yiri yaa
iga kaa celinaya? Nabiga (SCW) ma oran saxaabadeyda oo markaas tiro
badnaa laakiin wuxuu yiri Allaah. Kaddibna ninkii waxaa ka dhacay
seeftii oo inta nabigu (SCW) seeftii qaatay buu yiri: yaa aniga iga kaa
dhicinaya? Ninkii wuxuu yiri cidna! Marka haddaan dadku nasuustii hore
iyo xaddiiskan aysan ku kalsooneyn oo aan Ilaahay la talosaaran oon la
isku haleyn haddee ma garanayo waxa looga hadlo halgan. Marka Tigreega
iyo tuugada waddanka soo galisay, Ilaah baa nooga soo celin kara
dhulkeenna laakiin waa inaan kalsooni ku qabno Ilaah.
Waxaan filayaa in Dr Cumar aqoontiisa iyo kheyrka lagu yaqaan darteed
uu Ilaah u barakeyn doono Maxkamadaha. Iska daa Maxkamadahee waxaa dhici
karta in kooxaha kale uu xitaa isu keeno. Marka waan soo dhoweyneynaa
qofkii Beytka Ilaahay dadka ku booriya ee aan sanka naga gelin Aqalka
Cad iyo Beesha Caalamka. Waxaa dadka Soomaaliyeed u baahanyahay in inta
masaajidda iyo geedaha hoostooda la tago in qabiillooyinka la walaaleeyo
sidoo kalana la qeybsado waxa la heysto. Suureyso haddii reerkii Xamar
ama Kismaayo ama Hargeysa jooga oon awoodin iney qoys dhan caawiyaan ay
hal cunug ama labo ay cuntada wax ka siiyaan halka carruurta kale oo
reerkaas uu wax siiyo reer kale oon caawin karin qoys dhan? Haddii
naxariistaas timaaddo waxaa noo naxariisanaya Ilaah waxayna keeneysaa in
la is jeclaado. Suurtogal ma ahan in carruur wax wada cuntay ay naceyb
iyo qabyaalad isu qaadaan xitaa haddii ay kala qabiil yihiin laakiin
dhibtu waxay tahay markii carruurna heysato waxay cunto kuwana gaajo u
dhimanayaan. Marka qaabkaasaa Islaamku wax u daweeyaa ee diyaar ma nahay
mise Axmed Walad Cabdalla iyo Beesha Caalamkaan sugnaa?
F.G. Yaan la is dhihin dadka Soomaaliyeed abaal ma leh. Shaki ma leh
in dadka qurbaha jooga gargaar ka helay waddamo badan oo qarbi ah.
Waxaana taa kuu caddeynaya sida dadka Soomaaliyeed intooda badan u
rabaan iney yimaadaan qarbiga. Laakiin waxaan ka hadlayaa xukuumadaha
jira oo intooda badan dibindaabyo ku wada muslimiinta oon u ogoleyn iney
diintooda isku dhaqaan.
C/Waaxid C/hi
Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ninka
Yar iga Cesha (Itoobiya) aan kan Weyn la Xaalee
(Maraykan) Akhri...
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2008