Maxaynu Bakhtiga Ugu Afureynaa (Shirka Jibuuti)
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Haddaanan khalad u fahmin oraahda Soomaaliga ah ee
bakhti-ku-afur waxaad mooddaa in Soomaalidu ay xoogga saareen
qeybta bakhtiga ood mooddo iney leeyihiin maxaad wanaagii
xumaanta uga dambeysiisay. Laakiin anigu waxaan arkaa mid taas
ka sii qoto dheer oo ah maba ay ahayn in labadaas arrimood
kulmaan. Xikmadda iyo ruqsooyinka aan maqalnaba waxay daweeyaan
degdeggaas iyo ka fiirsasho-la’aanta uu Ilaahay ku ibtileeyey
dadka khaasatan Soomaalida. Arrin sida diin, dal iyo dad u weyn
baa dadka Soomaaliyeed aysan uga duwaneyn sidii ciyaar ama
filin. Waxaa mararka qaarkood kusoo baxaysa in dadkeenna
Soomaaliyeed yihiin baraar aan shaqadoodu ka badneyn iney helaan
ido ay nuugaan iyo ciyaar. Marka aqalka dudumo ku hortaal
waxaad arkeysaa baraarka oo marna dudunta fiinta uga baxa marna
guriga kusoo yaacaya. Hadda shirarka Soomaalidu waa sidaas.
Itoobiya, Cadan, Masar, Sacuudiga, Kenya iyo meelo aynaan aqoon.
Ogoow baraarka ciyaarta ku jira waa in la helo cid ka ilaalisa
dawacada.
Bakhti-ku-afure waa qof caaq ah, cadowgeennuna ugu
jecelyahay, sidoo kalana waa qofka caamada ugu lumin og! Ma qof
Ilaahay u soomay baan caayayaa? Haa, oo waa arrintaas darteed
waxaa Islaamku u yahay dhexdhexaad. Dhexdhexaadnimadu maaha sida
dad badan u fahmay oo ah in meel dhexe la isugu yimaado ee waa
wax u dhaxeeya gaabis iyo xad-ka-bax. Qof u badinaya inuusan
afur helayn lagama rabo inuu soomo ee waa inuu mar kale soo
gudaa. Cunidda bakhtigu waa khatar. Marka bakhtiga la ogolyahay
waa naf-ku-celis.
Maaddaama dadkeenna Soomaaliyeed aan inteenna badan nahay dad
aan xilkas ahayn ileyn waddankeenna iyo dadkeennu sidaas ma
noqdeene waxaan hadda cinwaankaas u soo qaatay waa iyadoo
masraxii soo istaageen dad diin sheeganaya (soomanayaal) iyo
kuwa bakhti noo haya (USA/UN). Dagaaloogayaashu intooda badan ma
soomaan marka cinwaankaas wax yar baa ka khusaya. Soow
qaadka/jaad niman dariiqooyin ah kuma sheegin “quud awliyo” ilaa
aan maanta aragno meeshuu Soomaali dhigay. Waxaad maqleysaa kuwa
leh nabigu (SCW) wuxuu heshiis la galay kuwii sanamyada
caabudayey! Ilaahay nabi Muxamed idin ma tuso! Nabiga (SCW) iyo
saxaabadu iyagaa faa’iidadii igu badneyd gaaray. Waxaa baaqday
dhiig badan oo xitaa kuwa gaala ahaa markaas intaan Maka la
furan dib bey ka soo muslimeen. Ka warran haddii Khaalid Binu
Waliid, Camr Binu Caas, Suheyl binu Camr iyo kuwa kale oo dhinac
Qureysh ka socday ku dhiman lahaayeen? Ka warran haddii saxaabo
badan ay ku dhiman lahayd? Halka Tigreega iyo kuwii soo diray ay
culumada, carruurta, waayeel iyo dumarka ku bireynayeen
masaajidda horteeda ama dhexdeeda xagee laga soo gelin karaa
heshiiskaas? Ku dhaqanka diinta nabigu (SCW) waxba kama bedelin.
Keliya waxay dhaheen wixii kaa soo carara kuuma soo celineyno.
Oo yaa u baahan soo celinta kuwa riddoobay? Xaggee Xudeybiya
laga soo gelin karaa dad diintaada kaa ilaalinay oo ku xukumaya?
Soow dad culumo sheeganaya ma bilaabin sheeko cusub oo ah
nabad-ku-soo-dabbaalid Soomaaliyeed. Sidii jaadku dacaayad u
helay hadda waxaa arrintan u sacbinaya dad badan oo leh nabad
baa la gaaray laakiin waxaan rabaa bal in dadku isweydiiyo
arrimahan:
- Maxaa UN-ka (USA) hadda wada? Soomaaliya waxay ka baxeen
waqti ka mid ah markeey ugu liidatay waxayna Tigreega ku soo
fasaxeen markii Xamar ugu nabadda badneyn tan iyo dagaalkii
sokeeye.
- Sidii horay loo sheegay maxaa UN-ka usoo galiwaayeen
maalmo kaddib markii Tigreega Maxkamadaha ka saaray waddanka
badankiisa?
- Maxaa looga hadlayaa ka-saaridda Tigreega oo keliya
ileyn kuwii soo gashay iyo dagaaloogayaashu waa nooga daran
yihiin Tigreeye?
Sida muuqata Maraykan/UN iyo xulufadiisa labo arrimood baa u
daran. Midda koowaad inaan la maqal ka hadlidda Shareecada. Tan
labaadna in danahooda Soomaaliya iyo Geeska Afrika aan la
farogelin ooy ku jiraan maraakiibtooda maraysa badweynta Hindiya
iyo Badda Cas. Waxyaabaha hadda soo dedejinaya shirka Jibuuti
waxaa ka mid ah arrinta badaha. Si Shareeco-diidku usii
taabbogalo waxaa abaalmarin la siinayaa labo qolo. Tigreega oo
si bad qabta la rabo in Soomaaliya looga saaro sidoo kalana la
keeno qolo kale oo sii cabburisa wixii diin ka hadlaya (ciidamo
nabad ilaalin ah). Tan kale waa bakhti-afuur la rabo in la soo
nooleeyo dowladda dagaaloogayaasha oo iyagu ah
Ashahaado-la-dirir. Sheekada bakhti-ku-afurayaasha gadaal baan
uga hadleynaa.
Shir-uga-baxa Itoobiya waa khiyaamadii ugu darneynd ee laga
maqlo bakhti-ku-afurayaasha. Qolada faa’iidada ugu weyn ka
heleysa shirkaas waa Tigreega hadduu u dhaco sida la sheegayo
saa waxaa la rabaa in waddanka si nabad ah looga saaro iyagoo
carruur, waayeel, dumar, culumoba laayey. Iyagoo kufsaday intaas
oo dumar ah. Iyo iyagoo burburiyey waddankoo oo dhan. Waxaa ka
sii darran waxay dul istaageen meelihii astaanta u ahaa qaranka
Soomaaliyeed ooy ku jiraan xarumihii xoogga dalka Soomaaliyeed.
Marka shaki ma leh in Zenawi uu shirka Jibuuti ku leeyahay
gacanta ugu weyn. Soow Janan Gabre meelaha ma joogin? Waa
bakhti-ku-afure raba inuu shacab ku sameysto khiyaanadaas.
Waxaan aaminsanahay in khiyaano ka dhacay Itoobiya markii
Nuur-cadde iyo Axmed C/Salaan tageen Itoobiya. Waa markii madaxa
laanta Afsoomaaliga BBC-du soo wareystay Zenawi. Waxaan
aaminsanahay iney Zenawi ku dhaheen annagaa u badan maxkamadaha
oo wax ka qabaneyna marka nala shaqee oo noo ogoloow inaan
shirarkaas qabsanno. Maaddaama Zenawi howlo badan ka qabsaday
Soomaaliya dabadeedna uu la kulmay dhib uusan xisaabta ku darsan
waxaa la soo gudboonaatay inuu aqbalo arrintaas. Zenawi sidoo
kale wuxuu hadal noocaas ah ku dhahaa Somaliland iyo Puntland.
Marka waxaad mooddaa in halkaas lagu gorfeeyey in Maraykankuna
dilo xubnaha “xagjirka” ah ee Maxkamadaha hadhoowna talada loo
dhiibo kuwo kale oo Nuur-cadde iyo Axmed la shaqeynaya. Bilo
kaddib waxaa la dilay Ceyroow kaddib markii Xasan-Turki ka
badbaaday shirqool. Waxaa kaloo maalmo hore la sheegay in qarax
aan la aqoon lala beegsaday meel u dhaxeysa Buu’aale iyo
Saakoow. Marka haddii Zenawi heshiis lala gelayo waxay ku
fiicneyd iney la galaan iyagoon dadkoodii goyn sidoo kalana
waddankooda burburin. Inkastoona inta badan dhegeysan laanta
Afsoomaaliga ee BBC-da haddana waxaan filayaa iney yareeyeen
colaaddii ay u qabi jireen Itoobiya.
Bakhti-ku-afure waxaa qofka ka dhigi kara labo arrimood
middood. Tan koowaad waa inuu yahay qof jaahil ah oo sidaas
cibaado mooday. Ama qof munaafaq ah oo dadka tusaya inuu yahay
nin karti u leh soonka oo xitaa aan kala jecleyn inuu helo waxuu
ku afuro iyo in kale xitaa hadday bakhti tahay. Sidii qaadkii oo
kale ayaa dadkan culumada sheeganaya waxay leeyihiin
taageerayaal. Marka kuwa raacsan waxay la tahay in nimanka
culumada u eg aysan usoo goyn karin cad liita xitaa haddii
maskaxda ka dambeysa shirka tahay Maraykan iyo Itoobiya.
Maxaa shacabka badankiisu u rabaan bakhti-cunid? Inkastoo
dhibta aan kulligeen leennahay si dadban ama si toos ah haddana
dadka badankiisa waxaa loo dhib geliyay in bal mar cadaabka laga
baxo sidii qof gaajo nafta uga dhaceyso oo raba inuu bakhti
nafta ku cesho. Sida dadka laga badan yahay oo kale oo intaas oo
sano hadba qolo ku tumaneysay. Qofku marka dhibka noocaas ah uu
ku jiro wuxuu iska cunayaa bakhti bal si nafta uu u badbaasho.
Qof kaasoo kale kama filaysid inuu ka fekero wax sii fog.
Laakiin inteenna kale waa innaga waxa abuuray xaaladda aan
bakhtiga u cuneyno waana isla innaga waxa bakhtiga cunaya! Marka
dadka qaarkiis, sida qofka bakhtiga nafta ku cesha aan dambi
loogu raacaneyn ayaan lagu eedeyn karin soo-dhoweynta shirarka
noocaas ah laakiin kuwa wax maleegaya, hadduu dagaalooge yahay
waa bakhti-cune hadduu wadaad sheeganayana waa bakhti-ku-afure.
Waxaas oo dhagar ah oo jira waxaan bakhti-ku-afure uusan
xisaabta ku darsan tan Ilaahay. Markii Diseember dhamaadkeedii
2006-dii Tigreega lagu fasaxay Soomaaliya, waxay Maraykan iyo
Tigree la ahayd inaan dib loo maqli doonin cid diin ka hadleysa
laakiin seey rabeen arrimuhu uma dhacayaan. Ka warran haddii
nimanka shirkaas tagay ay belaayo ka daran tii hore waddanka u
horseedaan? Ma waxay nagu eedeyndoonaan inaysan helin talooyin
ku aadan khiyaamooyinkaas? Nin caqli badnaa baa laga sheegay
inuu yiri qofkii waqtigan jago iyo xukun raba (waa kun sano ka
hor) waa inuu ahaadaa qof aan caqli lahayn. Fiiri meeriskii oo
Carabi ah:
ﻓﺈﻥ ﺃﺣﺑﺑﺗﻢ ﻓﻴﻪﺍﺭﺗﻔﺎﻋﴼ
ﻓﻜﻮﻧﻮ ﻋﺒﺎﺩﺍﷲ ﺑﻼ ﻋﻗﻮﻝ
Hadday UN-ku Soomaali u daneynayaan intaas oo sano kuma
fiirsadeen dhibka heysta. Sidoo kalana ma kala daadsheen
kacdoonkii shacabka Soomaaliyeed. Bal mey sugaan maxkamadaha oo
hadday ka darnaadaan dagaaloogayaasha markaas kaddib waxay
rabaan sameeyaan? Yaa badbaadshay dagaaloogayaashii markii Xamar
laga saaray? Yaa bakhti afuufay dowladda fadhiidka ah? Yaa hadda
raba iney badbaadiyaan Zenawi? Arrintu ma aha shakhsi. Haddaad
diin sheegatid dagaal u diyaargaroow. Haddaad diinta iska
tuurtid saaxiib baad la noqoneysaa qofkaad rabtid waa haddii
laguu baahanyahay. Waxaan u sheegayaa bakhti-ku-afure in haddii
la rabo lagu meel gaari karo hadhoowna marka laga dhameysto la
iska tuuri doono. Iskana jira iney idin ku dhacdo sidii uu
sameeyey ninka Maraykanka madoow ah ee feerarka agaasimijiray,
Don King. Habeyn feer xiise leh dhacayey ayuu wuxuu gaarigiisii
limousine-ka ahaa ku keenay Joe Frazier oo markaas heystay
suunka feerka ciyaarna la lahaa George Foreman. Waxaa guushii
raacday George Foreman. Don King wuxuu ka tagay Frazier oo isagu
meesha keenay wuxuuna horay u sii qaaday kii badiyey, Foreman.
Marka haddii maalmo uu cadowga ummadda madaxa idiin salaaxo
waxaa laga yaabaa in waqti yar kaddib la idin tuuro oo kuwo kale
la keensado.
Cidda idin keentay waa la yaqaan sidoo kalana ciddaad wax la
qeybsaneysaan waa dagaalooyagaashi la ogaa. Shacabka
Soomaaliyeed waa idiin jeedaa. Maraykan iyo UN dantey leeyihiin
waa la yaqaan. Marka horaba bakhti-ku-afur waxaan u arkaa
falsafad khaldan laakiin dad badan baa u yaqaan in qof horay
wanaag looga bartay ama looga filayey uu la soo shirtago waxaan
loo joogin. Haddii khiyaamo qaran meesha soo gashana kuma jirto.
Naguma cusba in la arko shacab badan oo Mbagathi u sacabinayey.
Shirkii Caddan waa la ogaa. Haddana la yaab ma leh in la arko
iyadoo meelaha laga leeyahay shir baa la gaaray. Marka shacabka
waxaan ku leeyahay haddaad diinta ka raadgataan waxaan shaki
lahayn in Maraykan faraha idin ka qaadayo marka diyaar ma u
nahay? Teeda kale haddaan Ilaah diidno shaki ma leh in Maraykan
iyo Tigree madaxa naga garaacayaan. Bal aan sugno heshiiskaas oo
ah heshiiskii Deyniilihii labaad (koowaadku wuxuu dhacay
2006-dii. Waa kii Ashahaado-la-dirirka). Aan dib u xasuusanno
Hiiraan. Ashahaado-la-dirir markii hore isu qabay inuu Tigree
wadeey la yahay ayaa Tigreegu ku lahaayeen ka bax Baladweyne!
Sabab? Bakhti-ku-afurayaal aan loo arag Ashahaado-la-dirir baa
meesha soo galay. Marka intee sano la koolkoolin doonaa
bakhti-ki-afurayaasha?
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Laguye Ergadii baa
ka Didday Safiirka
Itoobiya Maxaa sidii
lo’ libaax aragtay “ergada” Soomaalidu uga dideen Akhri..