SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Laguye Ergadii baa ka Didday Safiirka Itoobiya 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com



Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Maxaa sidii lo’ libaax aragtay “ergada” Soomaalidu uga dideen safiirka Itoobiya? Haddii ergadu ahaan lahaayeen kuwo aan shisheeye horay u arag oo ay la yaab ku noqotay ineyba jiraan dad kale oon Soomaali ahayn waa la fahmi karaa. Laakiin sida muuqata ergada waxaa u badan dad dibadaha ka yimid oo muddooyinkii dambe ajaanib dhex degenaa iyo qaar Baydhabo joogay oo markey bakhaarkii galleyda ka codeynjireen ay Tigreegu waardiye ka ahaayeen! Marka goormaa Tigreegu noqday wax laga dido? 

Qof kasta oo Soomaaliya iyo weliba caalamkoo dhan waa ogyahay in Soomaaliya Zenawi xukumo. Waatii sidoo kale teleefishinnada Galbeedku sheegeen in ninka ugu awoodda weyn Xamar uu yahay jananka Gabre. Haddii qowsaaradii Tigreega (wafdiga dowladda ku-meelgaarka ah) ay meesha joogaan oo ay ergadu la fariisatay oo ay isa salaameen maxaa ku jaban in ninkii xukumay iyaga (safiirka Itoobiya) uu meesha yimaado? Ma qabiil ahaan baa Nuur-cadde iyo C/hi Sheekh Ismaaciil lagu soo dhoweysteen ileyn waxaan shaki lahayn in safiirka Itoobiya ka mudan yahay in la qaabilo ileyn waa nin qarankiisa u shaqeynayee? 

Haddii waftiga Bush (UN-ka) uu meesha hormuud ka ahaa sidoo kalana ay dad Yemen iyo Uganda metela ay meesha joogeen maxaa Itoobiya laga rabaa? Ileyn labada nin ee xukuma labadaas waddan waa nooga liitaan Zenaawiye? Haddiise ay run noqoto in labada Shariif ay Yemen ku qaabileen wafti ka socda Itoobiya maxaa lagu fasirayaa didmadaas ergadu ka dideen safiirka Itoobiya oon ka ahayn filim la rabo in shacabka Soomaaliyeed lagu khaldo si ergada loogu qaato iney yihiin niman ka dhiidhiyey iney la fariistaan madaxda ka socota Itoobiya? 

Jibuuti miyeysan ahayn meesha ay degenyihiin ciidamadii Zenawi ku caawiyey inuu waddanka qabsado? Isla ciidamadaas dad ka socda (UN) baa idin baraya casharro! Kaaga darane haddii meesha caddaalad iyo nabad lagu baranayo waxay ku fiicneyd in safiirka Itoobiya meesha joogo ileyn isagaa waddankeenna heysta. Daallinku isagaa u baahan wax caddaalad u sheega. Laakiin nasiibdarro waxaad doorateen inaad qowsaarro Soomaali ah aad soo dhoweysataan. Haddii shisheeye lala hadlayo ama lala heshiinayo, cidda koowaad ee lala xaajoonayo waa Itoobiya ileyn iyagaa wax naga dhaxeeyaan laakiin maaha in aan Museveni iyo Cali Cabdalla Saalax iyo weliba kaboqaadyo Soomaaliyeed oo shisheeye ka liita aad hoosta soo gashataan. 

Muqaawamadu waxay dhaheen Itoobiya dagaal baa naga dhaxeeya. Waan hubaa ineysan shir Itoobiya uga carareen iyadoo meesha ay joogaan kuwo ka sii liita Itoobiya sida kuwa aan xusay iyo weliba qowsaarada Soomaaliyeed. Shacabku sharaf buu u hayaa muqaawamada. Marka waxaad wasakheyseen guulihii muqaawamadu gaartay kaddib markii Zenawi iyo dabodhilifyadu ku fashilmeen in dantoodii Soomaaliya ka fusho. Waxaad rabtaan inaad guulahaas ku dawarsataan ood magac ka sameysaan laakiin Ilaah baa qaddaray in muqaawamadu tiraahdo: dadka jooga Jibuuti nama metelaan. Marka shacabka Soomaaliyeed waxaa cashar iyo duruus ugu filan diinta Ilaah soo dejiyey ee idinku culuuntiina soo qaata mar kastana ku jira carar aad C/hi iyo safiirka Itoobiya aad uga carartaan hoteellada iyo hoolalka shirarka. 

Filimkiinnii waa kashifmay. Waxaad is lahaydeen shacabka u tusa inaad tihiin dad waddaniyiin ah oo Tigree neceb laakiin waad naceebeyseen. Haddaad Tigree uga soo cararteen Soomaaliya ma ahayn inaad safiirkoodana uga carartaan Jibuuti. Qosol wuxuu joogaa markay caddaato in nimanka idin horbooda kula shireen ergo ka socota Itoobiya Yemen. Maxaad marka shacabka ku dhihi doontaan? Marka dhowrkiinaas nin oo u adkeysan waayey inaad muqaawamada la joogtaan Soomaaliya ayaa raba inaad naga dhaadhicisaan in shirkoodu sabab u noqon doono in Itoobiya ka baxdo waddanka! Waxaad mooddaa niman ku nool meere kale oon dhulka ahayn. Anigu waxaan idin leeyahay bal markaad afkiinna aad Itoobiya uga saartaan Soomaaliya ha iloobina inaad caawisaan walaalaheenna Ciraaq iyo Afganistaan! Waxaan maqaalka ku xirayaa kaftankan: 

Nin sheekh ah baa u soo galay macallin Qur’aan u yeerinaya arday sidan: 

وَإِذْ قَالَ لُقْمَانُ لِابْنِهِ وَهُوَ يَعِظُهُ يَا بُنَيَّ لَا تَقْصُصْ رُؤْيَاكَ عَلَى إِخْوَتِكَ فَيَكِيدُوا لَكَ كَيْدًا  وَأَكِيدُ كَيْدًا 

Sheekhii baa macallinkii ku yiri inkaar kugu dhacday ee ardeyga waxaad isu dhexgelisay aayadihii! Macallin-dugsigii wuxuu yiri: haa oo isba aabbihiis baa lacagta bilaha isu key dhexgesha. Marka anna yaanan lacag qaadan, sidoo kalana wiilkiisu Qur’aan baran! 

Marka qolyihiinna Jibuuti jooga waad na wareeriseen. Mar waxaan maqleyneynaa Yemen baad Tigree kula shirteen haddana waxaad leedihiin waxaad ka diddeen safiirka Itoobiya. Marka hadday jago idin wareerisay ma fiican inaad shacabka wareerisaan. 

F.G. Anigu markii horaba waan diiday shirka Casmara. Kama wadin dadka meesha tagay oo dhan baa khaldan ee waxaan arkayey waxa is huwan. Marka hadda kala haadintii baa soo baxday. Yaa arkay anoo muqaawamo wax ka sheegaya?

Ka: Sharaf; ku: Sharwadanimo (Labo Shariif iyo Yemen) Akhri

Qore: Cabdulwaaxid Khaliif 
 cabdulwaxid@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | June 7, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS