Shirka Islaamka ee xagaaga oo lagu soo afjaray Stockholm
Hordhac
Shirka islaamka ee xagaaga ayaa kolkii
ay tariikhdu ahayd 3-dii luuliyo 2008 ka bilaamay magaalada
stockholm ee wadanka sweden.
Haddaba si aan goobjoog uga noqdo ugana
faaiideysto shirkaas ayaan waxaan horay usii tegey magaalada stockholm.
Waxaan dhowr goor tegey masjidka weyn ee soomaalida ee ku yaal xaafada
ay soomaalidu u badan tahay ee Rinkeby. Masjidka waxaa ka socdey
dhaqdhaqaaq aad u badan oo la isugu diyaarinaayey shirka iyo weliba soo
dhoweynta dadka kasoo qayb gelaaya. Derbiga masjidka waxaa ku dheganaa
warbixin ka hadleysa guud ahaan shirka iyo weliba mashaa` iikhda ka
qayb qaadan doonta,iwm. Gudiga iyo dhamaan soo qaban qaabiyayaasha
shirkana waxaa ka muuqatay diyaar garow fiican.
Soo dhoweynta iyo dejinta martida
Martida kala duwan ee shirka kasoo qayb
gashay waxaa lagu qiyaasay ilaa saddex kun oo ruux oo intooda badani ay
ka yimaadeen wadamada iskandanevienka.Waxaa kale oo iyana jirey dad ka
yimid wadamada kale ee qaaradan yurub sida talyaaniga, ingiriiska,
irland iyo wadamo kale oo badan.Martidu waxaa ay ka koobnayd dhamaan
qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ka kooban tahay sida haween,
rag, caruur, waayel, dhalinyaro iwm. Dadka martida ah waxaa la kala
dejiyey meelo dhowr ah oo horay loogu sii diyaariyey. Dhamaan meelihii
loo diyaariyeyna waxaa ay noqdeen kuwo aad iyo aad loo soo buuxiyey.
Martida waxaa dhamaan wajiyadooda ka muuqday farxad iyo xiiso ay u
qabeen shirka islaamka ee soomaalida.Waxaa dadka martida ah kala
hagaayey oo dejinaayey dhalinyaro ka kooban wiilal iyo hablo oo ay
diyaariyeen gudiga qaban qaabada shirka.
Shirkii ayaa furmay
Subaxnimadii khamiista ee ku beegnayd
3.da bisha luuliyo ayaa shirka islaamka 16 aad ee xagaaga laga furay
hoolka weyn ee loo diyaariyey in muxaadarooyinku ka dhacaan. Shirkan oo
ciwaan looga dhigay " Turunturooyin iyo turxaanbixin" ayaa
kolkaas si habsami ah uga bilaamay hoolka isboortiga ee dugsiga hoose
/dhexe ee Rinkeby.Shirka waxaa loogu talo galay inuu socda muddo afar
maalmood ah 3 july- 6 july. Walow aan goor hore shirka sii
tegey oo aan is lahaa dadka ugu horeeya ayaad ku jirtaa ayaan helay
kaarka lagu galo shirka oo tiriskiisu yahay 120. Kolkii aan qaatay
kaarka ku gelitaanka ayaan galay hoolka weyn si aan boos fiican usii
qabsado. Hoolka waxaa lasii dhigay kuraas aad iyo aad u tiro badan oo
saf saf loo qaabeeyey.
Waxaa iyana la diyaariyey qaybtii
dumarka. Hoolku waxaa uu lahaa qayb kore oo jaranjaro loo raaco oo iyana
la fariisan karo. Halkaasna waxaa buuxiyey dad dhalinyaro u badan.
Dhamaan iridaha hoolka shirka, gudaha iyo inta u dhexeysa safafka
kuraasta waxaa taagnaa dad howlwadeeno ah oo loogu talo galay iney dadka
kala hagaan iyo weliba masuuliyada deganaanshaha hoolka shirku ka
socdey. Howl wadeenadaasi waxaa ay ku qalabeysnaayeen raadiyaha yar-yar
ee gacanta si ay si toos ah ugu wada xiriiraan. Howl-wadeenadaasi waxaa
kale oo ay joogeen meelaha gawaarida la dhigto, meelaha jidka laga gooyo
iwm. Waxay marar badan inshaydu qabatay iyagoo istaajinaaya baabuurta si
ay dadku ugu gudbaan halka uu ku yaal hoolka shirka. Qiyaastii 11-kii
subaxnimo yaa shirku si toos ah u furmay.
waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay
gudiga qabanqaabada oo sheegay in shirku furan yahay kuna soo dhoweeyey
martida iyo mashaaìikhda magaalada stockholm ee sweden.
Intaas ka dibna waxaa bilaamay
muxaadarooyinkii sida darandooriga ah u dhacaayey oo ay ka qayb
qaadanaayeen culimadii shirka kasoo qayb gashay.
Sanadkaan waxaa shirka lagu daray
muxaadarooyin ku baxa afaf kale sida afka carabiga, swiidhishka iyo
weliba afka ingiriiska. Waxaa kaloo jirey muxaadarooyin gaar ah oo loogu
talo galay dhalinta yar-yar ee wadamadan ku dhashay kuna barbaaray.
Culimada shirka ka qayb galay ee soo jeediyey muxaadarooyinka kala duwan
waxaa ay kala ahaayeen:
-Dr Cali Maxamed Saalax.
- Sheekh Maxamed Idiris.
- Sheekh Yuusuf Axmed.
- Sheekh C/raxmaan Abyad.
- Sheekh Maxamed Rishaad.
- Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil.
- Suldaan Xasan Maxamed Ibraahim
Culimaas kala duwani waxaa ay soo
jeediyeen muxaadarooyin aad iyo aad u qiimo badnaa, kuwaas oo
taabanaayey meelo kala duwan.
Dood diineed (Nadwo) qiimo badan
Maalintii ugu dameysey shirka islaamka
ee magaalada Stockholm ayaa waxaa la qabtay dood diineed, ama Nadwo
ay culimo dhowr ahi ka qayb qateen. Dood diineedaasi waxaa ay la
xiriirtey ciwaanka shirka oo ahaa " Turunturooyin iyo turxaan
bixin". Nadwadu waxaa ay ahayd mid looga doodaayey sidii xal loogu
heli lahaa dhibaatada daba dheeraatay ee soomaaliya ku habsatey. Nadwada
waxaa uu ciwaankeedu ahaa " Soomaali xagee u socotaa" Culimada
sida toos ka ah uga qayb qaadatayna waxaa ay kala ahaayeen:
- Dr Ali maxamed salax
- Sheekh maxamed Idriis
- Sheekh cabdiraxman Abyad
- Sheekh maxamed cabdinur - casoowe
Dood diineedaas waxaa su"aaleheeda iyo
hadal qaybintaba gacanta ku hayey Dr Ali maxamed salah. Dr Ali waxaa uu
hordhac iyo arar ka bixiyey arimaha ku saabsan isbedelka bulsho iyo
waxyaalaha keeni kara in ay bulsho isubedesho dhinaca fiican ama kan
xun. Waxaa uu Dr ali ku dheeraaday ayaadaha quraanka ee arinkaas ka
hadlaaya. Qodobo kala duwan ayaa la siiyey culimada si looga jawaabo
su"aasha Nadwada.
Sheekh maxamed Idriis waxaa la siiyey
inuu ka hadlo waxna ka yiraahdo haddii u jiro isbedel dhinaca fiican ah
oo bulshada soomaaliyeed ku socda,
Sheekh C/rahman abyad waxaa la siiyey
inuu ka hadlo caqabaadka gudaha ee hortaagan in soomali dhinaca fiican
isu bedesho
Sheekh casoowena waxaaa la siiyey inuu
ka hadlo caqbadaha bulshada soomaaliyeed kaga imaanaya xagga dibada.
Doodii culimadana waxaa ay u dhacday
sidatan:
Sheekh maxamed Idriis waxaa uu
isaga oo ka hadlaaya qaybta uu nadwada ku lahaa yiri:
"Sababihii uu soomaalida ugu imaan lahaa
isbdel xagga wanaaga ah iima muuqdaan. Sunooyinka ilaahay nagu siin karo
isbedel xagga wanaaga ah ilaa hadda ma eynu hayno haddii aynu soomaali
nahay. Sunooyinka maqan waxaa ka mid ah in dhib haddii uu dhaco laga
toobad keeno. Ilaa haddana ma hayno qabiil ama koox ku dhaqaaqday iney
ka toobad keentay waxii dhacay. Dad shakhsiyaad ah oo toobad keenay waa
jiraan balse lama hayo mid guud. Sunada wax lagu bedelaa waa in si jamac
ah ay ummadu u toobad keentaa,isla markaasna ay yaqiinsataa in denbi la
galay. Tilmaanta kale ee maqan waxaa weeyaan midnimo in la helaa. Maanta
ma aynu hayno wax midnimo ah. Aqoonyahanka, waxgaradka iyo xitaa
culimadii ayaa iskhilaafsan. Waxaa kaloo meesha ka maqan in labadii
iskhilaafsani ay khilaafkooda maareeyaan oo isku dayaan in xal loo helo.
Maanta labadii iskhilaafsani waa kala cararayaan. Qolo walba ama koox
walbaa waxaa ay leedahay aniga ayaa sax ah ee waa in la iraacaa haddii
kale wax hagaagi ma jiraan. Haddeynu soomaali nahay ma aynu rabno inaan
is maqalo, is dhegeysano, Taasina waa mid kasoo horjeeda sunnada
rasuulka (csws)”
Intaas ka dib waxaa haddalkii qaatay
sheekh c/raxman Abyad oo qaybtiisii dooda ku bilaabay sidatan:
“Caqabadaha gudaha ee hortaagan in
bulshadu isu bedesho dhinaca wanaaga waxaa sal u saddex arimood oo kala
ah:
- Ummada nafteeda
- Dadka wax bedelaya iyo
- Waxii wax lagu bedeli lahaa
Haddii aan ku bilaabo qodobka kowaad,
waxaa ummada inteeda badan haysta jahli taasoo keentay xitaa inaan dadka
qaarkiis fahamsaneynba in dhib haysto.
Qabyaalada ayaa iyaduna qayb weyn ka ah
in ummadu ay si hufan arki weydo dhibta haysata.
Dadka iyagu doonaaya iney wax bedelaan
ayaa iyaguna noqon kara caqabad hortaagan in wax isbedelaan. Taas
sabateedu waxaa weeye qofkii oo aan inbadan fahamsaneyn nidaamka
isbedelka. Sida la wada ogsoon yahay aduunka halmar wax isbedelaa ma
jiraan balse isbedelku waxaa uu soo maraa heerar kala duwan. Waxaa
muhiim ah in iyadoo la adeegsanaayo dacwo, cilmi iyo hikmad la abuuro
dadkii iyagu wax bedeli lahaa ama isbedelka dhalin lahaa. Waxaa suurta
gal ah in qofkii wax bedeli lahaa ay waxaasoo dhami iskaga qaldan
yihiin, ama waaba mid sunadii daba marsan.
Aaladaha wax lagu bedelayaa waa iney
noqdaan kuwo waafaqsan kitaabka ilaahay iyo sunnada. Qaab qabiil ayaan
wax ku bedelayaa sida 4,5 iwm ma aha xal waafaqsan sunnada iyo kitaabka
rabi. Ilaa arimahaas aan kor kusoo sheegnay wax laga qabto waa adag
tahay in isbedel dhinaca fiican ah uu dhacaa ayaa sheikh c/raxman abyad
ku soo gabagabeeyey qaybtiisii dooda.
Waxaa isna intaas ka dib doodii lagu soo
dhoweeyey sheekh maxamed Casoowe, oo qaybtiisa nadwadu ay ahayd:
Caqabadaha dibada ka imaanaaya ee hortaagan in isbedel xagga wanaaga ahi
dhaco.
“ Dowladuhu kolka ay wadan
faragelinayaan arimihiisa gudaha waxaa ay badanaaba u dhacdaa laba
siyaabood:
- Dowlad iska kaa qabsata sabab laàan
- Ama dowlad ku qabsata iyadoo sabab
cuskaneysa.
Soomaaliya labadaas nooc ee qabsashaduba
waa soo mareen. Dowlada iska soo duusha iyo mid sabab kusoo duushaba.
Haddii aynu dib u eegno taariikhda soomaaliya waxaad arkeysaa xitaa
dowladii hore ee soomaaliya in lagu sameynaayey faragelin ka imaaneysey
dhinaca ruushka iyo dhinaca kale ee reer galbeedka. Darbooyin baa inooga
yimid dhinaca bariga iyo kan galbeedkaba.
Wakhtigii aan ku sugnayn bur-burka
ruuxiisa waxaa jirtey fara gelin joogto ah. Faragelintaasi waxaa ay
ahayd mid ummada lagu daciifinaayo laguna kala qaybinaayo. Dariiqaduna
waxaa ay ahayd in wadanka la kala furfuro, loo qaybiyo mandaqado, gobol
yar yar, jabhado iwm. Faragelintaasi waxaa ay ahayd mid mar walba sii
dheereyneysey dhibaatada dalka haysatey.
Gacmahaas shisheeye waxaa ay fureen ama
sahleen dadku iney dalkooda ka qaxaan oo dalkii oo dhan la baneeyo.
Dadkii soomaaliyeed ayaa qaxay oo kala firdhay. Waxa jira ummadao inaga
oo kale ah oo dhibteena oo kale ay ku dhacday balse laga hor istaagey
iney qaxaan oo dalkii baneeyaan. Ummadahaas waxaa lagu kaalmeynaayey
meelo u dhow dalkooda si ay hadhow si sahal ah ugu laabtaan. Xitaa waxaa
dhacda in iskoolo iyo waxbarasho loo furo inta dalkoodu ka hagaagayo.
Marxaladii qabsashada dalkana waxaa ay
ahayd faragelin toos ah. Waxaa kaloo jira fara gelin kale oo xagga
fikirka ah taas oo la doonaayo in dadka laga bedelo fikirka si aaney u
dareemin faragelintaas kala duwan. Waxaa kaloo iyana jirta in markasta
kuwa fara gelinta wadaa ay la yimaadaan qaab cusub
( new process). Waagii hore hogaamiye
dagaal ( warlord ) iwm ayaa jirey haddana wajiyo cusub oo kale ayey
hadba keenaan ay doonayaan iney dadka ka dhaadhiciyaan, iyagoo oranaaya
waa waji cusub (new face). Waa qof aan dhibta soomaaliya ka qayb gelin
iwm.sidaas ayaa sheekh casoowe qaybtiisii nadwada kusoo afjaray.
Intaas ka dib waxaa loo gudbey qaybtii
labaad ee nadwada oo ahayd:
Maxaa xal ah?
Sheekh maxamed Idriis: Haddii
cudurka la ogaado daawada ayaa saflan in la helo.Balse taas waxaa ku
lamaan in qofku doonaayo inuu daawadii qaato. Haddii tusaale ahaan aanu
qofku daawadii qaadan oo iska tuuro kolkaas lama helaayo caafimaad.
70-80% xalka mushkiladeena waa mid inaga inagu xiran. Caqabadaha gudaha
ee la sheegay inaga ayaa xalkoodu inagu xiran yahay.
Dadku waa iney gartaan caddowga dibadu
shaqadiisa ayuu haystaa, taasoo ah inuu kasoo horjeedo ineynu noqono
ummad jirta oo karaama leh. Balse ogow haddii inagu aynu toosno oo
ismaqalo, oo dhibaatada wax ka qabano caddow boos uu ka soo galaa ma
banaana. Si aynu u xalino arimaheena gudahana waa inaan wada hadalaa oo
lays maqlaa. Wax kasta oo la sameeyo marna laga fursan maayo in dadku
wada hadlaan oo xal gaaraan. War bal horta maxaa la xakumi dal iyo dadba
ma noolee, dal iyo dadba waa baaba ày. Bal waa in ay horta ummada la
badbaadiyaa. Waa in ilaahay loo noqdaa dhamaan isla markaasna aan diyaar
u nahay iney wax isbedelaan.
Sheekh c/raxmaan Abyad:
Walaalayaal hadal waxba tari maayo balse waa in ficil iyo doonitaan uu
jiraa. Waxaa muhiim ah in laga madax banaanaado dadka shicibka lugooyey
ee hortaagnaa muddo aad u dheer. Dadka wax bedelayaa waa iney kol walba
isxisaabaan oo dib isugu noqdaan. Waa in aan wax layskaga boodin ee meel
dheer wax laga arkaa. Kolkii khilaaf dhaco waa in laysla eegaa oo laga
wada tashadaa sidii loo maareyn lahaa.
Sheekh maxamed casoowe: Waa in
manhajka diintu noqdaa kan aasaaska u ah wax kasta oo la qabanaayo.
Qofku waa inuu noqdaa mid u shaqeeynaaya sharci iyo nidaam diini ah. Waa
in qof kastaa shaqadii uu lahaa sugaa inta aanu qof kale wax ka sheegin.
Waa in qofku doorkii laga filaayey kasoo baxaa.
Dhib mar walbaa waa jirayaa waxaase
lagama maarmaan ah inaan samir la nimaadno. Inaan wanaag higsanaana waa
muhiim. Sidaas ayuu shiikhu hadalkiisa ku soo xiray.
Intaas ka dib waxaa doodii diineed soo
afjaray Dr Ali maxamed saalax.
Arin muhiim ah oo la isku raacay
Gudiga qabanqaabada shirka ayaa waxaa ay
shirka kasoo bandhigeen arin muhiim ah oo dadkii halkaas joogey ay u
wada riyaaqeen. Arinkaasi waxaa uu ku saabsan yahay dhisme masaajid oo
ay soomaalidu doonayaan iney ka bilaabaan magaalada Stockholm ee
caasimada wadanka Sweden. Gudigu waxaa uu ka hadlay baahida loo qabo
masjid weyn oo ay soomaalidu yeelato in la dhiso. Taas waxaa saldhig
looga dhigay laba arimood oo muhiim ah.
Masjidka hadda la haysto. Waa meel la
kireystey oo aan la hayn qaab masjid. Waa meel run ahaantii aan ku
filayn dadka soomaaliyeed ee muslimiinta ah. Waa meel aan dabooli karin
baahida ay dadku qabaan. Haddii ay ahaan lahayd dhinaca cibaadada,
dacwada iyo waxbarashadaba. Waxaa iyana intaas dheer iyadoo masjidkaas
maanta ay soomaalida Stockholm ka bixiyaan ijaar aad iyo aad u tiro
badan. Sanadkii waxaa ala bixiyaa lacag dhan hal miljan iyo bar oo
karoon. Lacagtaasi waa mid ay dadka soomaaliyeed isu xilqaamaan oo
iska ururiyaan. Haddaba maadaama aanu lacag sidaas u badan ku bixino
meel aan baahideena dabooli karin waxaa la isla gaarey iney aad iyo aad
uga faaìido badan tahay in aynu dhisno masjid weyn oo dabooli kara
baahida aan qabno.
Lacagtii faraha badneyd ee aan sanad
walba bixin jirneyna aan u isticmaalo qayb ka mid ah maalgelinta
masjidka insha allah la dhisi doono.
Arinta kale ee muhiimka ahi waxaa
weeyaan iyadoo dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada stockholm ay
marba marka ka dameeya soo kordhayaan. Dadku waxaa ay kasoo guuraan
meelaha tuulooyinka ah iyagoo reerkooda iyo ilmahooda la doonaaya diin
iyo tacliin islaami ah. Taasi waxaa ay iyana keentay inuu dhasho fikirka
ah in la aasaaso masjid weyn ee soomaalidu leedahay.( ilaahay baa leh
balse soomaalidu maamusho)
Arinkaan kolkii loo bandhigay dadkii
Mutamarka kasoo qayb galay aad iyo aad ayey ugu riyaaqeen. Isla
goobtiina waxaa laga bilaabay in la ururiyo tabarucaadkii aasaaska u
noqon lahaa masjidka lagu talo jiro, insha allah.
Waxaa halkaas ka istaagey culimadii
joogtey shirka oo dadka ku booriyey iney dhismaha masjidka ilaahay ka
qayb qaataan. Waana arin wanaagsan aduun iyo aakhiroba. Shirkado
soomaaiyeed iyo shakhsiyaadba waxaa ay balanqaadeen iney bixinayaan
lacago fara badan. Inta badan dadkii shirka joogey oo kakala yimid
skandanevienka iyo yurub waxaa ay balanqaadeen iney howshaas ka
qaybqaataan. Howshuna waa socotaa ee ha looga qayb galo ilaahay hortiis.
Waxii faahfaahin ah kala xiriira
maamulka Masjidka soomaalida stockholm.
46737290352 ama 46737877136
Wa bilaahi towfiiq
Mahadsanidin
Waxaa
diyaariyey: C/risaq Maxames Xuseen,
Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com
Saameynta ay leedahay aqoonyahanada afrika ka qaxay: Maxaase dhaliyey in aqoonyahanku
Akhri.