Saameynta ay leedahay aqoonyahanada afrika ka qaxay
C/risaq
maxamed xussen-
Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com
Hordhac
Baaritaan sanadle ah oo ay samaysay hayàda ganacsiga iyo horumarka ee qaramada
midoobey ayaa waxaa ay si aad ah uga hadashay saameynta ay leedahay aqoonyahanka
tirada badan ee ka qaxay afrika. Hayàdu waxaa ay ku eedaysay wadamada qaniga ah
iney afrika ka xaalufiyeen aqoonyahanadii kala duwanaa ee ay qaaradu u
baahnayd.Xaalufintaas aqoonyahanka waxaa afka ingiriiska lagu yiraahdaa “brain
drain.” Aqoonyahankaas oo ka qayb qaadan lahaa horumarka qaarada afrika. Hadaba
maqaalkaan waxaa aan ku qaadaa dhigi doonaa arimaha dhaliyey qaxaas
aqoonyahanada reer afrika iyo saameynta ay taasi ku yeelan karto horumarka
qaarada.
Baaxada dhibaatada
Labaatankii sano ee ugu dameeyey waxaa aduunku aad uga hadlaayey laba dhibaato
oo afrika saameyn weyn ku yeeshay. Labadaas dhibaato waxaa weeyaan: Cudurada
faafa iyo dagaalada. Balse hadda waxaa ku soo biirtay dhibaato kale oo saddexaad
taas oo ah dadkii aqoonyahanka ahaa oo Afrika si isdaba joog ah uga qaxaaya.
Aqoonyahankaas waxaa ka mid ah dhaqaatiir, kalkaaliyayaal caafimaad, injineero,
dhaqaale yahano, macalimiin iyo qaybaha kala duwan ee aqoonyahanada. Sida ururka
ganacsiga iyo horumarka ee qaramada midoobey uu sheegay waxaa qaxay in ka badan
kala bar aqoonyahnkii u dhashay wadamada Soomaaliya iyo gaambiya. Taas waxaa ay
ku cadahay warbixin uu ururku ka qoray baaritaan uu ku sameeyey konton wadan oo
sabool ah. Tusaale ahaan wadanka Zambia waxaa uu ilaa iyo intii uu xornimada
qaatay wax soo baray dhaqaatiir gaareysa ilaa 600 oo dhaqtar.Maantana waxaa
wadanka Zambia gudihiisa jooga ilaa in aan ka badnayn 100 dhaqtar. Waxaa iyana
dhibtaas mid leègi haysataa wadanka maali. Wadankan waxaa aad saameyn ugu
yeeshay dhaqaatiirta usoo qaxda wadamada yurub iyo waqooyiga ameerika.
Dhaqtarada reer maali ee jooga magaalada Manchester ee wadanka ingiriiska ayaa
ka badan kuwa jooga gudaha wadanka Maali. Wadanka Kenya waxaa isagana bil walba
ka taga ilaa labaatan dhaqtar iyo kalkaaliyayaal caafimaad.
Dhibaatadaan ah xaalufinta aqoonyahanka kuma koobna oo keliya wadamada qaarada
afrika balse waxaa ay kaloo ka jirtaa qaarada aasiya. Tusaale ahaan sanadkii
2003-da waxaa wadanka Filibiin ka qaxay kalkaaliyaal caafimaad oo gaaraaya ilaa
25000. Kuwaas oo dadweynaha reer Filibiin ay baahi badan u qabeen. Markii la
eego dhinaca xisaabaadka ilaa malyan barkiis oo dollar ayey ku kacdaa in hal
dhaqtar si buuxda wax loo baro. Aqoonyahankan ka qaxaya afrika waa kuwo aan
shilin ugu kacaynin wadamada horay u maray ee ay tagaan. Waxaa maalgelinta
sameeyey wadankii uu aqoonyahanku ka yimid.
Maxaa dhaliyey in aqoonyahanku ka qaxo Afrika
Dhibaatooyinkaan soo socda ayaa ka mid ah waxyaalaha ku qasbay aqoonyahanka reer
afrika iney wadamadooda ka qaxaan.
o Mushahar xubo iyo xaalada nalosha oo adag: Mushaharka ay qaataan tusaale ahaan
dhaqaatiirka ayaa aad u yar kolka ay ka shaqeynayaan wadamada afrika ee ay u
dhasheen. Taasoo dhalisa in ay mararka qaarkood adag tahay iney musharkaas ku
noolaadaan.
o Shaqada oo aan wax horumar ah lahayn iyo weliba taageero xumo ka timaada xagga
maamulka wadanka: Waxaa dhacda in aaney jirin wax horumar ahba in aanu sameyn
aqoonyahankii maxaa yeelay dowladaba qorshaha uguma jirto iney maalgelin ku
sameyso aqoonyahankii.
o Deganaansho laàan ka jirta wadamadii ay aqoonyahanadu u dhasheen: Taasi waxaa
ay dhalisaa in aqoonyahan badani doorto inuu reerkiisa la qaxo si aan waxyeelo
usoo gaarin.
o Cadaalad xumo, eexasho qabiil ku dhisan ayaa kaloo ka mid ah waxyaalaha ku
khasba iney aqoonyahano badani isaga tagaan wadamadii ay u dhasheen.
Saameynta dhabta ah
Maadaama aqoonyahanku yahay lafdhabarta wadan, waxaa lagama maarmaan ah in aaney
ka tegin wadamadii ay u dhasheen ee wax soo baray. Dadka leh aqoonta kala duwan
ee afka qalaad lagu yiraa: The human capital ama hantidii aadanaha ahayd, waa
kuwo saameyn weyn ku leh horumarka wadan. Macalin wax ka dhiga machadka
caafimaadka ee la yiraa Karolinska ee magaalada stockholm ayaa isagoo arinkaan
ka hadlaaya yiri: “Ka tegitaanka aqoonyahanada ee qaarada afrika waxaa ay khatar
ku tahay jiritaanka wadamada halkaas ku yaal. Maxaa yeelay waxaa istaagaaya
horumarkii wadanka. Kol haddii taasi istaagtona ma jirayo wax isbedel ahi”.
Barahaasi waxaa uu wadamada qaniga ah ku booriyey iney joojiyaan u yeerashada
dadka aqoonyahanka ah ee reer afrika. Waxaa kaloo niyad jab badan keeneysa
iyadoon aan rajo badan laga qabin iney aqoonyahanadaasi kusoo noqdaan wadamadii
ay u dhasheen. Afrika dib ayey u socotaa ama waa taagan tahay aqoonyahankeediina
waxaa uu ka qaybqaadanayaa horumarinta wadamada qaniga ah. Akhristow yaa eeda
arintaas iska leh? Ma aqoonyahanka? Ma reer galbeedka? Mise dowladaha afrika?
Mahadsanidin
C/risaq Maxamed xuseen.Eskilstuna,Sweden.
habdirisak@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
March 30, 2008
Wasiirka
Macdanta iyo Biyaha Somaliland oo Lagu Eedeeyey Laaluush in uu ka Qaatay
Shirkadaha Batroolka..