- 20 Maalmood Kadib Xildhibaanada Baarlamaanka oo Kulan Yeelanaya.
Hooyo sheegtey inaan Gabadheeda la gudeyn (Fircooni)....
- KULANKA DHALINYARADA SOOMAALIYEED EE LONDON (Somali Youth Meeting)
- Soomaalida Australia: Qurabjoogta Soomalida oo markii ugu horeeysay kulan loo
dhan yahy isugu yimid
20 Maalmood Kadib Xildhibaanada Baarlamaanka oo Kulan Yeelanaya iyo Hooyo sheegtey inaan Gabadheeda la gudeyn.
Xildhibaanada Baarlamaanka FKMG
ayaa la filayaa inay isugu yimaad 31/01/2008 kulankoodii caadiga ahaa, kadib
markii mudo 20 maalmood aysan yeelan wax kulan oo ay isugu yimaadaan, iyadoo
lagu micneeyey, isu imaasho la’aantan xubnaha Baarlamaanka arimo ay ka mid
ahaayeen arimo dhaqaale, isku shaandheyn Gudiyada Baarlamaanka, kadib markii ay
soo baxeen xubno badan oo hore uga mid ahaa Xukuumadii Geedi oo xilkoodii
Wasiirnimada waayey, wadahadal u socdey Hay’ada UNDP oo inta badan bixineysay
dhaqaalaha Baarlamaanka oo mudo ilaa iyo 7 bilood wax mushaar ah siinin
Baarlamaanka iyo arimo kale oo aan si rasmi ah loo shaacin, sida ay ii sheegeen
xubno kala duwan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka.
Ujeedada kulankaan Xildhibaanada ayaa lagu sheegey in Xafiisyada 14-ka Gudi
hoosaadyada Baarlamaanka qaabkii loo furi lahaa iyo sanad guuradii ka soo
wareegtey markii xilka Gudoomiyenimada Sh. Aadan Max’ed Nuur (Sh. Aadan Madoobe)
xilka uu la wareegey in lagu xusidoono waxyaabihii uu qabtey intii uu xilka
hayey.
Dhinaca kale waxaa Xabsiga weyn ee Magaalada Baydhabo maalintii sedaxaad lagu
soo wareejiyey Gudoomiyihii Maxkamada Sare ee DFKMG Dr. Yuusuf Cali Haaruun iyo
Garsoore Sare Max’ed Nuur Sheegoow oo la filaayo in todobaadyada soosocda
Maxkamad la horkeenidoono, sida aan ka soo xigtey ku xigeenka Xeer guud ee
Qaranka Avv. Cali Yare.
Waxaa magaalada Baydhabo ka socda shirar kala duwan oo looga hadlaayo
doorashada Gudoomiyaha Gobolka Baay oo laga cabsi qabo in ay ka dhex dhaliso
gacan ka hadal weyn dadka deegaanka iyo Maamul Goboleedkii Koofur Galbeed qaab
dhismeedkiisa oo wada tashigiisa in mudo ah ay wadeen Golaha Aqoonyahanada
DIGILMIRIFLE.
Sidoo kale waxaa Magaalada
Baydhabo lagu soo gebagebeeyey 30 Umulisooyin iyo kuwo Umuliso dhaqameedyo oo ka
kala socdey Goobaha Caafimaadka, Xaafadaha Magaalada Baydhabo iyo Xerooyinka
Qoxootiga oo lagu baranaayey ka hortaga HIV- AIDS-ka, sida uu ku faafo iyo
dhibaatooyinka uu u geysto qofka uu ku dhaco, Xadgudubka loo geysto Haweenka
dhinaca jinsiga iyo sida wax looga qabto dhibaatooyinka soo wajaha iyo Baaqa
Axdi Qarameedka Caalamiga ee Xuquuqul Insaanka oo socdey laba maalmood ayna
maalgelisay Hay’adda OXFAM NOVIB, islamarkaana ay soo qabanqaabisay Xarunta
Dhalinyarada KANAVA ee Gobolada Baay iyo Bakool ayaa lagu soo gebagebeeyey
Hoteel Calaacal ee Magaalada Baydhabo 30/01/2008. Gunaanadkii xiritaanka siminaarka oo ay ka soo qaybgaleen Mas’uul sare oo ka
socdey Hay’adda UNDP qaybteeda ka hortaga cudurka HIV-AIDS-ka Ibraahim Xuseen
Baako ayaa waxaa ka Hadley Gudoomiyaha Dhalinyarada KANAVA Maxamed Xasan
Jaakole, waxaa uuna kula dardaarmey xunihii ka faa’iideysaney siminaarka “in ay
fuliyaan wixii ay ka barteen siminaarka islamarkaana ay ku dhaqmaan, wixii ay ka
barteen intii ay isla joogeen, ugana faa’iideeyaan Bulshada ay ka yimaadeen,
waxa ay ka fahmeen” Gunaanadkii Mr Jaakole, waxaa uu u mahad celiyey Hay’adaha UNICEF iyo OXFAM
NOVIB oo gacan ka geystey qabsoomida siminaarkan.
Marwo Muumino Mukhtaar Cabdi oo ka mid ah xubnihii Umulisooyinka ka socdey
Goobaha Caafimaadka oo aan wax ka weydiiyey waqtigii ay bilowdey, mudadii
burburka intii ay ku dhex jirtey hawlahaan Umulisonimada iyo Gudniinka gabdhaha
dhibaatooyinka ay la soo kulantey, habkii hore ee Gudniinka iyo habka cusub waxa
ay ku kala duwan yihiin ayaa waxay tiri
“ Umulisonimada mudo 25 Sano ayaan ku soo dhex jirey, intii burburka uu jireyna
waxaan la soo kulmey waxyaabo badan oo isugu jira dhibaato iyo kuwo iska caadi
ah, dhibaatooyinka aan la soo kulmey waxaa ka mid ah, qof dhibaateysan oo wax uu
isbitaal ku tago aan haysan, iyadoo ay u sii dheer tahay nabadgelyo xumida jirta
awgeedna aysan ii saamaxayn sidii dhakhtar lagu gaarsiin lahaa inaan la kulmo”
ayey tiri Muumino Mukhtaar Cabdi oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa ku dartey
“Ma helno daawooyin nagu filan, taasina waxaa ugu wacan dhibaatooyinka
dagaalada dalka ka jira iyo nidaam la’aanta in mudo ah lagu soo jirey, mana jiro
wax nagu taakuleynayey hawlaheena, marka laga reebo Haweenka Xaafadaha oo garab
yar nasiiya mooyee, siminaarkan waxaan ka baraney waxyaabo badan oo muhiim ah oo
dhinca HIV-AIDS ku saaban, gudniinka fircooniga dhibaatooyinkiisa iyo qodobada
Baaqa Caalamiga ee Xuquuqul Insaanka”.
Mar ay ka hadleysay habkii hore ee gudniinka Fircooniga iyo habka cusub ee
Suniga waxa ay ku kala duwan yihiin ayaa waxay tiri “ hore waxaan u sameyn jirey
gudniinka Fircooniga, laakiin mudo 10 Sano laga joogo ayaan ka harey, wixii
xiligaas ka dambeeyey waxaan gudey ugu yaraan 300 oo Gabdho ah, waxaana u
gudaayery Suni, labada hab wax isku dhow ma ahan, midka aan hada adeegsado ayaa
dhib yar, sababtoo ah habkii hore Saacado badan ayaa la haysan jirey Gabadha,
laakiin mid kani aad buu uga hawl yar yahay, Gabdhuhuna way u dhib yar yihiin,
aniguna waxay ii tahay nasiino, waxaan hayaa Gabar aan Hooyadeed ka Umuliyey,
islamarkaana aan Suno u gudey, iyadiina hadana aan ka Umuliyey oo wax dhibaato
ay la kulanteyna aysan jirin”.
Sidoo kale Marwo Jamaalo Buule Xuseen oo ka mid ahayd Umulisooyinkii siminaarka
ka faa’iideysaneyey ayaa waxaan wax ka weydiiyey hadal ay ka sheegtey fadhigii
kulankii siminaarka, waxa ku qasbay ayaa waxay tiri
“ waxa igu khasbey inaan gudiwaayo Gabdhaheyga, Gudniinka
Fircooniga aniga ayaa soo arkey dhibkiisa, waxaana muteystey inaan maro laba
jeer qaliin ah, Aabahoodna waa igu raacey go’aankaas, waayo waxay ka helayaan
faa’iido badan, marka ay gaaraan xiliga caadada, Arooskooduna waxay ka helayaan
farxadii ay u galeen, dhalmaduna kuma dhibtoonayaan, sidaas baan u sameeyey
inaan la gudin gabdhahayga” Marwo Maryan Muriidi oo iyaduna ka mid ahayd Umulisooyinka Xaafadaha iyo
Isbitaalka ayaa waxay tiri “15 Sano ayaan ku soo dhex jirey Umulisonimada iyo
Gudniinka Gabdhaha, hore waxaan sameyn jirey 3 qodob ayaa toil jirey Gabdhaha,
laakiin hada habka Suniga oo ka fudud ayaan adeegsadaa, waxaana isoo marey in la
iigu yeero inaan gudo gabar, islamarkaana aan adeegsado habkii hore ee
Fircooniga, aniguna waan ka diidey, markii aan is fahmiweyney waa iskaga soo
tegey” Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Baydhabo. fatxumaalik@hotmail.com
KULANKA DHALINYARADA SOOMAALIYEED EE LONDON (Somali Youth Meeting)
London 30.01.2008 : Kulanka ay ku yeesheen
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee dagan wadanka Ingiriiska oo looga hadlayey
doorka dhalinyarada Soomaaliyeed uga qayb qadan karaan halganka Dib u
xoreynta Soomaaliya ayaa ka dhacay 26 January 2008 xaafada Finisbury Park
oo ku taal Waqooyiga magaalada London.
Hal ku dhiga dhalinyarada ayaa ahaa qof kasta oo energy iyo awood u haya
sidii
ay dhalinyarada ay uga qayb qaadan lahaayeen Dib u Xoreynta wadankooda
hooyo ee Soomaaliya looga xoreyn lahaa Ethopia iyo qabqablayaasha loona soo
celin lahaa
sharaftii iyo karaamadii umada soomaaliyeed.
Kulankaan oo ku saabsanaa sidii ay dhalinyarada Soomaaliyeed loo midayn
lahaa loogana qayb qaadan lahaa Dib u xoreynta wadankeena hooyo ee
Soomaaliya.
Wada hadal iyo tashi dheer ka bacdi waxaa lagu heshiiyay in la dhiso urur
dhalinyarada Soomaaliyeed ee dagan United Kingdom ku midaysan tahay. iyadoo
la isla qaatey in lagu wada shaqeeyo si Volunteer ah, lana isku raadiyo
dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee dagan wadanka Ingiriiska kadibna loo
gudbo wadamada kale.
Ugu dambayntii waxaa halkaas lagu dhisay
gudi ka kooban 7 dhalinyaro ah oo soo diyaariya kulankaan kiisa xiga iyo
sidii shuruucdii ama habkii dhalinyarada ku wada shaqayn lahayd.
Shirkaan waxaa ka soo qayb galay dhalinyaro
ka kala timid magaalooyinka London, Southhampton, Bermingham, shirka waxa uu
ku dhamaaday guul iyo is afgarad .
Soomaalida Australia: Qurabjoogta Soomalida oo markii ugu horeeysay kulan loo
dhan yahy isugu yimid Melbourne, Jaanaayo, 29, 2008: Inkastoo Soomaalida ku dhaqan dalka Australia ay
tiradoodu sii kordhayso sanadba sanadka ka danbeeya, haddana codkooda lama
maqalo. Jaaliyadda oo intooda badan soo gashay dalka Australia horaantii
sanadakii 2000 (labada kulan), ayaa waxaa ay noqdeen awood balaaran oo laga
dareemay dhamaan qaybaha kala ee dalka Australia.
Sida Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamo badan oo reer galbeedka ah,
ayaa quraba-joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Australia ay kala qayb-qaybsan
tahay, wadatashigooduna uu yahay mid aad u yar. Soomaalida qurbaha joogta ee labada milyan lagu qiyaasay waxeey saameyn weyn ku
yeelan karaan nabad ku soo dabaalidda dalkooda hooyo, iyagoo isticmaalaya
awooddooda xagga dhaqaalaha iyo midda bulshada, sidaas waxaa yiri Jabriil
Cabdulle, oo agaasime ka ah hay'adda Cilmi Baarista iyo Wada-tashuga (CRD) Isagoo Maalintii Axadda Ahayd la hadlayay hoggaamiyayaasha, waxgaradka,
saaxibadda dadka Soomaaliyeed ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Victoria ee
dalka Australia ayuu Jabriil sheegay in Soomaalida qurbuhu ay door muhim ah ka
qaataan geedi socodka Nabadda iyo isku soo soo dhawaanshaha dadka Soomaaliyed,
laakiin loo baahan yahay dadaal midaysan si saamayn aayo leh loo yeesho.
"Waa markii ugu hooreysay oo ay Somalida ku dhaqan dalkaan ay meel isugu
yimaadaan iyaga oo ka mideysan fakar qura" sidaas waxaa yiri A/llahi Haji oo ka
mida dadka ka soo qayb-galay kulankaas. Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxaa uu
ku daray, "sharafta dadkeena iyo dalkeena waxaa ay ku jirtaa in aan anagu
midoowno, si aan anagana isku caawino, dadka Soomaaliyeedna guduha dalka ku
jirtaana aan u caawino" Shirkaan oo ah mid si weyn jaaliyadu u soo dhaweeysay, waxaa uu yadi-diilo
galiyay iyo shacuur aan looga baran dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Australia
dhaaman dadka ka soo qayb-galay. Shirkaan oo ahaa mid "town hall" meeting ah
loogana hadlay sidii jaaliyadu u lahaan lahayd cod-mideysan, loogana gudbi-lahaa
is qab-qabsiga ku salaysan qabiilka. 'Ka qayb-galka nolosha dalka Australia' Dhibaatooyin aad u calculus ayaa haya jaaliyada ku dhaqan dalka Australia,
kuwaas oo isugu jira saboolnimo, caruurta oo aan ku fiicneeyn dugsiyadda ama
meelaha aqoonta lagu barto,, carrur badan oo xabsiyadda dalka loo taxaabay,
aqoon la'aan baahsan oo la xiirta nolosha Jaaliyadda waxaa ay da'daal ugu jirtaa sidii ay wax uga badali lahayn
sawirkaaas, kaasna waxaa uu ku imaan karaa wadatashi, is-walaaleysi ku saleeysan
Soomaalinimo. "Inkastoo jaaliyaddu dhib badan soo martay hadana waxaa muuqata korniinsho iyo
dulqaad, Sidaas waxaa yiri, Yusuf Shiekh Omar, oo loo yaqaan Yususf Alkoweyn,
Yusuf waxaa uu hadalkiisa ku daray "Jaamacaddaha waxaa hadda soo galaya arday
Soomaali oo u bisil aqoonta, waxaa muuqato doorka haweenka oo isna gaaray in ay
isku soo dhaweeyaan dadka Soomaaliyeed, isku soo dhawaansho guud ayaa jirta.
Yusuf waxaa uu intaas raaciyay '"dadka Soomaaliyeed ma aha dad xun, laakiin
waxaa dad dhib ka weyn ku habsatay, kana bixi doono" 'Doorka Siyaasadda' Doorka Siyaassada oo ee Soomaalida ayaa ah mid aad u liita marka loo fiiriyo,
wadamada kale oo ay Soomaalida ku nooshahay. Ciise Farah Dhoolawaa, oo ka mid dadk ugu fir-fircoon Soomaalida ku nool
magaalda Melbourne, isla markaana soo saaro barnaamijyo ka baxa idaacada Codka
Australia, ayaa yiri isaga oo ka hadlaya maqnaashaha dadka Soomaaliyeed ee
dhanka siyaasada, a " Si aan wax ugu tarno dadlkeena Soomaaliya iyo dalkeena
labaad ee na soo dhaweeyay, waxaa lama huraan ah in aan qayb-ka- qaadano
hoowlada ama dhaq-dhaqaqyadda ka socda dalkan" 'Barakaca Aqoonyahanka' Inta badan dadkii aqoonta lahaa weey isaga huleeleen dalka—walina waa isaga sii
socdaan xasaradaha aan dhamaanayn—ayuu yiri Jabriil. Sidaas darteed, isbeddel
weyn ayaa ku dhacay buslahda wixii ka dambeeyey dagaalladii 1991. "Sidaas awgeed ayaan u aaminsanahay inuu xiriir toos ah ka dhaxeeyo xasaradaha
jira iyo barakaca aqoonyahanka," ayuu yiri Jibriil. "Dadkii wax ka qaban lahaa
dhibaatada, ama waa barakaceen ama waa la dilay—waa wax laga noxo." Iyadoo uu sidaas xaalku yahay ayeey haddana Soomaalida qurbuhu dhiseen
jaamacado, isbitaallo iyo shirkado isgaarsiin oo waaweyn, ayuu yiri Jabriil. 'Wada shaqayn la'aan' Dhibaatooyinka waa weyn ee haya dadka Soomaaliiyeed ayaa waxaa ka mid wada
shaqayn la'aanta ka dhex jirta jaaliyadaha dibadda dhexdooda iyo iyga iyo
hay'adaha caalamiga ah, dhanka horumarka. "waxaa lama huraan ah in aan is kaalmeysano isla markaana aanu isku soo
dhawaano, far kaligeed fool ma dhaqdo; Sidaas waxaa yiri, Ali Haji oo ka mid
ahaa dadkii ka soo qayb galay kulankaas. 'Dib u Heshiisiin' Waxaa muuqata in daruufaha Soomaaliyada ku dhaqan dalka Australia ay sii
cakariyeen, cuqdooyin iyo dareen xumo ku kala dhex jirta shacabka Soomaaliyeed
awgii. Waxaa magaalada Melbourne kaliya ka jira in ka badan 54 urur oo
dhamaantood ku salaysan qabiil. Kala qayb-sanaantaana waxaa ay keentay in
doowlada Australia ay ka gaabsato in ay la shaqeeyso Soomaalida, gaar ahaan
arimaha ku saabsan dalka Soomaaliya, ha noto caawin siyaasadeed, mid dhaqaalaba. "waxaa lama huraan ahna in aan is cafino, wax wada-qabsano, dadkuna ay isku soo
dhawaadaan, hadii taa ayan dhicina, waxaan shaki ku jirin in anaan horuman la
sameeyn karin" Sidaas waxaa yiri, A/rahman Haji "Faroole" oo ka mid ah odoyaasha
Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Melbourne. Dhawaan waxaa dalka Australia la doortay Raisal l Wasaare cusub, kaaso xiriir la
leh qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa ku jira Wasiiro
laga soo doorto deegaanada Soomaalida ku nooshahay. Si fursadaas looga
faa'iideeyo Soomaalida ku dhaqan dalka Australia iyo kuwa ku nool Soomaaliyaba,
waxaa lama huraan ah in la helo Soomaali isku duuban, taasna waxaa ay ku
imaankartaa iyadda oo la helo hogaan iyo arigto cusub. Shirkaan oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta Cilmi Baarista iyo Wada-tashiga ee
CRD, wxaa uu ka mid barnaamijyo taxane ah oo ay xaruntu ku baraarujinayso dadka
qurba jooga ah. Shirar noocaani oo kale waxaa lagu qabtay , Europe, America,
Canada, Africa iyo Middle East. Shirkaaan waxaa uu ahaa mid ka yimid codsi
jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan. Qabashada shirkaan waxaa qarash lacageed
ka gaystay Ganacasto Ganacsi ku leh dalka Australia. Waxaan shakli ku jirin in Jaaliyayadda Soomaaliyeed ee Australia ay ka soo
gudabtay xaalado hore haddana ay u muuqato mid ka faa'iidaysanayso fursadaha waa
weyn ee horyaalo Jaaliyadda. Waxaana laga codsaday Xarunta CRD in ay kaalmo ka
gaysato sidii loo sii taaba galin lahaa wada xaajoodkaas, wxaa loo balan in
Jaaliyadu bilaawdo taalabo la isugu soo dhaweynayo Jaaliyadda.
Waxaa isku soo dubaridey
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
wuxuu dhashey isaga oo mid ka mid ah Daamankiisa isku dhegen yihiin
Wuxuu ubaahan yahay qaliin deg deg iyo gar gaar Baniaadanimo Inta aad nooshahay waxaa maalin kasta aad aragtaa wax aad la yaabto mar aan
dhawaan booqdey xero qaxooti oo ku taal Deegaanka Xaawo Cabdi ayaa ku soo arkey
canug Sagaal bilood jira oo ku dhashey mid ka mid ah Daamankiisa isku dhegen
yihiin, waxayna iska dhegan yihiin laga soo bilaabo Gowska dambe ilaa Foolka hore
ee gudaha wuxuuna wiilka uu quutaa Caano iyo biyo waxaana Masaasada laga geliyaa
meel yar oo afka ka banaan oo xigta daanka kale ee aan isku dhageneyn Reerka oo
iska danyar Qoxootina ku aha deegaanka Xaawo Cabdi ayaa dhowr jeer isku dayey in
ay wiilkooda wax u qabtaan balse tabari u diidey iyadoo laba dhaqtar oo
dooneysey in ay si mutadawacnimo ku badbaadiyaan wiilkaas ay suurageliweysey ,
waxayna dhaqaatiiru sheegeen in aan waxba looga qaban karin dalka,
waxay kaloo
sheegeen dhaqaatiirtaas in aysan heysan qalabkii fududeyn lahaa qaliin wiilkaas
yar oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cabdulaahi Hooyadiisna la yiraahdo Sahro
Cilmi Shiikhdoon waxayna labada waalid ka codsanayaan dhamaan shacabka
soomaaliyeed Hayadaha samafalka in ay wax kala qabtaan wiilkooda dhibaateysan qofkii doonaya in uu wax u qabto ha kala soo xiriiraan Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com Tel 2521-5532494
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2008
|