SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print

Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008

Sawiradii Bannanbaxii London ka daawo halkan...

Mudaharaadkan ayaan noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Horn Africa amase Geeska Africa, Ujeedada mudaharaadka ayaa ahayd in loo gudbiyo cabasho ka dhan xasuuqa ay geesanayaan ciidanka Ithopia ay ka wadaan Soomaaliya dadka isugu yimi ayaa inta badan ka yimi Europe iyo Uk dadka Soomaaliyeed ee isugu yimid ayaa shucuurtoodo kacsanayd, iyadoo halkaas ay ka hadleen dad magaca ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed ee Uk ku nool ay kamid ahaayeen Mr Abdisalaam Guuuled Sakariye Yare iyo rag badan.

Sidoo kale Mudaharaadkaas waxaa kaloo ka hadlay madaxda Eritrea Oromo iyo Ogaden sidoo kale waxaa Mudaharaad kaas lagu soo bandhigay sawiro tilmaamaya xasuuqa ay wadaan ciidanka Ithopia dadka Mudaharaadkaas yimid ayaa u badnaa dhalinyaro waayeel iyo caruur iyadoo Mudaharaad kan uu noqon doono kii ugu balaarnaa ey Soomaali qabato.

Sidoo kale Mudaharaadkan ayaa watay fiiro gaar ahaaneed dhinaca Media iyadoo ay yimaadeen TV BBC, Aljazeera iyo Chanello badan, waxaa halkaas aan soo xaadirin Tv Soomaaliga ee Universal iyadoo aan la aqoon sababta ay u diideen waxaase nasiib daro ah Tv Universal oo arinta Soomaaliya aan dhex dhaxaad ka noqon.

Mudaharaadkan ayaa lagu balamay in la sii wado iyadoo loo diyaar garoobi dooni mid socod ah oo dadweyne badan ka soo qeyb gali doonaan. Mudaharaadkan ayaa dhabada u xaaraya iney Soomaali isu timaado Hal cod yeelato iyadoo Amaan khaas ah ay leeyihiin dhalinyarada Soomaliyeed ee Uk ku nool oo arintan ku guuleystay Mudahaarkan ayaa ku soo gaba gaboobay Guul iyo Farxad.

Waxaa soo tebiyey:
Maxamed Axmed sakariye85@hotmail.com iyo
Abdullahi Ali Hirad Email: hiirad7@gmail.com


Warbixin dheeraad ah ee mudaharaadka:

Mudaharaad wayn ayaa lagu qabtey magaalada London, Banaanbaxaan ayaa noqday kii ugu weynaa ay isugu yimaadaan Jaaliyada Horn Africa ama Geeska Africa ku dhaqan oo lagu qabtey 16.01.2008 London ka soo horjeedka xafiiska raisal wasaaraha Ingiriiska mr Brown ee Downig street 10.

Waxaana soo qaban qaabiyey dalad ay ku mideysan yihiin jaaliyadaha dhan oo loo yaqaan Horn of United for Peace and Stability, waxaa usa soo baxa ka soo qayb galay Soomaalida, Eritreyada, Ogaden, Oramada, Gambelada, Zidamada.

Ujeedada mudaharaadka ayaa ahayd in loo gudbiyo cabasho ka dhan xasuuqa ay geesanayaan ciidanka Ithopia ay ka wadaan Soomaaliya iyo geeska Afrika, dadka isugu yimid ayaa inta badan ka yimid Europe iyo UK.“Horn of Africa United for Peace and Stability”Peaceful demonstration of the people of Africa for Peace and Stability.Reason: To highlight the suffering of the entire Horn of Africa people as the result of the intransigence and belligerence of the Ethopian minority regime and the help it gets from the US and UK government.

Jaaliyadaha isugu yimid ayaa shucuurtoodo kacsanayd, iyagoo ku muujinaayey dibad baxooda heeso wadani ah, waxaa meesha dhaanto iyo heeso qiiro leh ka jeediyey jaaliyada Ogaden iyo Soomaalida iyadoo uu halkaas hees uu qaaday fanaanka weyn Jaango oo uu u qaaday Meles Zenawi.“Alla Melas doqonsanaa oo damiir xumaa, Ninku dad qalsanaa oo duli sanaa, Alla Melas doqonsanaa oo dad cuni okaa.”Mudaharaadkaas waxaa kaloo ka hadlay Eritrea, Oromo, Zidama, Gambala, Ogaden iyo Soomaaliya sidoo kale waxaa Mudaharaad kaas lagu soo bandhigay sawiro tilmaamaya xasuuqa ay ka wadaan Soomaaliya iyo Ogaden ( Somali Galbeed) ciidanka Ithopia.

Dadka Mudaharaadkaas yimid ayaa u badnaa dhalinyaro waayeel iyo caruur iyadoo Mudaharaad kan uu noqon doono kii ugu balaarnaa ay jaaliyadahan midoobay qabataan.
Media

Sidoo kale Mudaharaadkan ayaa watay fiiro gaar ahaaneed dhinaca Media-ha, iyadoo ay yimaadeen TV BBC,BBC Somali oo uu Ridwaan toos u gudbinayey, Aljazeera iyo Chanello badan, waxaa halkaas aan soo xaadirin TV-Universal iyo Isbaheysiga dib u xoreynta wakiiladooda jooga London, taas oo ay ka xumaadeen dhalinyaradii Soomaaliyeed ee soo agaasintay dibad baxaan caalamiga ah.

Gabagabadii mudaharaadkan ayaa lagu balamay in la sii wado iyadoo loo diyaar garoobi dooni mid socod ah oo dadweyne badan ka soo qeyb gali doonaan insha allah. mudaharaadkan ayaa dhabada u xaaraya in Soomaalida isu timaado Hal codna yeelato iskaashina kala sameyso bulshada ku nool geeska Afrika iyo caalamka guud ahaan ee diidan dhibaatada baaxada weyn ay sameynayaan ciidamada Ethopia iyagoo gacan ka helaya Dowlada Mareykanka.

Waxaa amaan khaas ah dhalinyarada Soomaliyeed ee Ingiriiska ku nool oo arintaan qabsoomideeda isku xil qaamay soona jiitey jaaliyado badan oo ku nool Bariga Afrika oo diidan xasuuqa iyo barakicinta Woyanada Ethopia ka wado Soomaaliya iyo guud ahaan gobalka.

Ugu dambayntiina mudaharadayaasha ayaa ku soo gaba gabeeyay guul, farxad iyo iskugu hambalyeyn in si wadajir ah looga hortago dhiig yacabka Zenawi.

somalidaxorta
mrsomalia@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 16, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com