SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Qorshaha Xukuumadda Cusub ee Ra段isul Wasaaraha DFKMG Nuur Cadde oo Baarlamaanka loo qaybiyey [Talaada, Jan 8, 2008]

(Aragtiyo kala duwan oo aan ka soo uruurinay qaar ka mid ah Xildhibaanada) iyo  is rasaaseyn sababtey dhimasho iyo dhaawac ka dhacdey Deegaanka Raamo Cadeey...

Kulan ujeedadiisu ahayd soo gudbinta Qorshe Hawleedka Xukuumadda cusub ee Ra段isul Wasaaraha DFKMG Nuur Cadde, islamarkaana ay soo xaadireen Inka badan 200 Xildhibaan oo uu shirguddoominaayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe, iyadoo ay ku wehliyaan labadiisa ku xigeen ayaa ka dhacay hoolka shirarka Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo.

Kulankaan oo uu ka soo qaybgaley Ra段isul Wasaaraha Xukuumadda FKMG Col. Nuur Cadde ayaa waxaa uu u muuqdey mid ka duwan kulanadii hore ee maalmahaan ay ku yeelanayeen xildhibaannada Baarlamaanka, jawiga guud wuxuu ahaa mid ka duwan dhaqdhaqaaqiisa intii uusan bilaaban shirka, waxaana jirey kala qaybsanaan weyn oo ku dhex jirta xildhibaannada Baarlamaanka, waxaana socdey laba qoraal oo midba midka kale uu ka soo horjeedo oo ay Xildhibaanadu kala sixiixayaan.

Markii uu bilowdey shirka waxaa laga dareemayey miisaan hadalo iyo is taxaalufeysi oo ay labada kooxood midba midka kale ay ugu muujinayso awoodda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe ayaa markii uu sheegey Ajendaha kulanka, waxaa codbaahiyaha la wareegey Ra段isul Wasaaraha DFKG Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxaa uu soo gudbiyey Qoraalka Qorshaha Xukuumadda cusub oo ka kooban 8 bog, nuxurka qoraalkan ayaa wuxuu ahaa 6 Qodob, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen:-
1- Arrimaha Dibu-heshiisiinta.
2- Amniga iyo Nabadgelyada.
3- Xoojinta Hay誕daha Dhaqaalaha ee dalka.
4- Diyaarinta Dastuur cusub oo ay yeelanayso Soomaaliya.
5- Dhisida gudi doorashooyin iyo dhaqangelinta Xeer sameynaya Nidaamka Federaalka iyo xoojinta iskaashiga caalamiga Dowladaha Gobolka, kuwa Qaaradeed iyo kuwa kale ee caalamka.



Markii uu dhamaadey akhrinta Qoraalkii Ra段isul Wasaaraha DFKMG ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe xubnaha Baarlamanka u sheegey in ay soo akhristaan dibna laysugu soo noqdo Arbacada oo ay Taariikhdu tahay 9/1/2008, shirka uu xiran yahay.



Qaar ka mid ah Xildhibanada Baarlamaanka ayaan wax ka weydiiyey aragtida ay ka qabaan Qorshaha Xukuumada ay soo gudbisay, xubnahaas aan su'aalaah weydiiney oo kala ahaa Xildhibaan Xiis, Xildhibaan Nuuraani ooh ore u ahaan jirey Wasiir, Xildhibaan Ibraahim Yarow iyo Xildhibaan Max置ud Sayid.
Xildhibaanadan oo ka hadlaaya aragtidooda ayaa waxaa ugu horeyn fikirkiisa cabiraaya Xildhibaan Xiis.

Nuxurka hadalka Nuur Cadde iyo aragtida Xildhibaanada ay ka qabaan Qorsho Hawleedka Xukuumada Cusub

Dhinaca kale sida aan ku helayno warar aan la xaqiijin, markii aan warkan qoreyney, oo ka soo baxaaya Deegaanka Raamo Cadeey ee Tuurada Idaale oo ka tirsan Degmada Baydhabo ugu yaraan 3 Ruux ayaa ku dhimatey tiro ka badana waa ay ku dhaawacmeen, kadib markii ay is rasaaseyn ku dhexmartey Ciidamo ka yimid Degmada Diinsoor 8/1/2008 oo ka tirsan DFKMG iyo Kooxaha ka soo horjeeda Joogintaanka Ciidamada Ethobia iyo Fikirka DFKMG oo maalmahaan lagu sheegayey halkaas.

Lama oga ilaa iyo hada khasaaraha ka dhashey dagaalkaas, balse waxaa la sheegayaa in Ciidamadii joogey Degmada Diinsoor ay gebi ahaanba isaga soo carareen, islamarkaana ay banaan tahay Goobihii ay ku sugnaayeen, wixii warar kale oo ku soo kordha dib ayaan idiinkugu soo gudbindoonaa hadii allaha awooda leh uu ogolaado.

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 9, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com