SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Dhaarintii Golaha Wasiirrada Cusub ee Xukuumadda Col. Nuur Cadde

  • Waxaa isku soo dubbaridey:
    Maxamed Macallin Cismaan(All-man) SomaliTalk Baydhabo.
    fatxumaalik@hotmail.com |
    Sabti, Jan 5, 2008

Baydhabo: Waxa Sabtidii [Jan 5, 2008] Magaalada Baydhabo lagu dhaariyey 12 ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumadda uu col. Nuur Cadde ku dhawaaqay. Goobtii lagu dhaariyey waxaa mar labaad magacyada wasiirada iyo wasiir xigeennada akhriyey Col. Nuur Cadde.

Dhaartii iyo Magacyada Golaha Wasiirada Col. Nuur Cadde:


Jan 5, 2008: Dhamaan Golaha Wasiiradda Cusub iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra'iisul Wasaaraha, labada Godoomiye ku xigeen iyo Ra'iisul Wasaare ku xigeenada..

 

Sawiradii dhaarta hoos ka eeg....


Cadde, R/wasaare

Tarrax, Boostada

C/risaq, Horumarinta

Muuse, Amniga

Khadiijo, haweenka

Saalaim, Garsoorka

Mustafa, Beeraha

Xaamud, Maaliyadda

iidow, Hawlagha Guud

A.C/salan, Warfaafinta

Muumin, W/X,Maaliyada

C/kariim, W/x,A.D

Magacyada Golaha Wasiirrada  Xukuumadda Col. Nuur Cadde

BAYDHABO: Golaha Xukuumadda ee Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, Col. Nuur Cadde uu Jimce Jan 4, 2008 ku dhawaaqay waxay ka kooban yihiin 23 xubnood (18-wasiir & 5 w/xigeen], magacyaddooduna waa:

Magacyada Wasiirrada la magacaabay:

  1. Muxyiddiin Maxamed Xaaji Ibraahim... Wasiirka Gaashaandhigga
  2. Xuseen Ceelaabe Faahiye.... Wasiirka Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska
  3. Ceydiid Cabdullaahi Ilko-Xanaf.... Ra'iisul Wasaare ku-xigeen, Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha
  4. Maxamed Cali Xaamud.... Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta
  5. Saalim Caliyow Ibrow... Ra'iisul-Wasaare xigeen, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta
  6. Maxamed Ibraahim Xaabsade... Wasiirka Gaadiidka, Duulimaadyada iyo Dekedaha
  7. Cali Axmed Jaamac Jangali... Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah
  8. Cabdirisaaq Ashkir Cabdi.... Wasiirka Horumarinta Gobollada, Arrimaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta
  9. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje).... Wasiirka Macdanta & Tamarta
  10. Cabdi Maxamed Tarrax.... Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta
  11. Muuse Nuur Amiin... Wasiirka Amniga Qaranka iyo Arrimaha Gudaha
  12. Axmed CabdiSalaan Aaden... Ra'iisul Wasaare Xigeen, Wasiirka Warfaafinta, Arrimaha Dhallinyarada iyo Isboortiga
  13. Mustafa Sheekh Cali "Dhuxuloow"... Wasiirka Beeraha, Biyaha, iyo Horumarinta Dhulka [waa Dhulka, ee ma aha Degaanka ama environment-tiga]
  14. Nuur Iidoow Beyle... Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyanta iyo Dib u dhiska
  15. Khadiijo Maxamed Diiriye... Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska...

Wasaarado Kumeel Gaar ah:

  1. Wasaaradda caafimaadka - Waxaa sii hayn doona Ceydiid Cabdullaahi Ilko-Xanaf oo ah Ra'iisul Wasaare ku-xigeen, Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha
  2. Shaqada iyo Arrimaha Bulshada - Waxaa sii hayn doona Saalim Caliyow Ibrow oo ah Ra'iisul-Wasaare xigeen, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta.
  3. Xannaada Xoolaha, kalluumaysiga iyo Bey'adda (Deegaanka) - Waxaa sii hayn doona Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.

Col. Nuur Cadde waxa uu sheegay in boqolkiiba 50% uu xubnaha golaha wasiirada ka keenay baarlaamaanka bannaankiisa. Waxana uu aad u dhiman golihii hore ee ka koobnaa 73-da xubnood, uuna kusoo koobay 23 xubnood (18-wasiir & 5 w/xigeen]...

Wasiir Ku Xigeennada:

  1. Carab Cali Diiriye...W/x/Wasaaradda Horumarinta Gobolada, Arrimaha Ferderalka
  2. Cabdikariim Axmed Cali... W/x/Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaasdhiga caalamiga ah
  3. Cali Muumin Ismaaciil.. W/x/Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshaynta
  4. Fahma Axmed Nuur... W/x/Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Arrimaha Gudaha
  5. Cabdikaafi Macallin Xasan... W/x/Wasaaradda Hawlaha-Guud, Guriyeynta iyo dib u dhiska

Col. Nuur Cadde oo Akhrinaya magacyada Wasiirada iyo wasiir xigeenada uu magacaabay:

Golihii hore ee Xukuumadda Col. Nuur waxay ka koobnaayeen 73 xubnood, linkig ahoose ka akhri magacyadoodii:


Guuddomiaha baarlamaanak DFKMG iyo ra'iisul wasaaraha oo wada tashanaya


bidix Horumarinta, Arimaha Federaalka iyo Dibuheshiisiinta Cabdirisaaq Ashkir, Midig Boostada iyo Isgaarsiinta Tarrax


bidix Mustaf, Dhexda Muuse Nuur, Midig Cabdikariim Axmed Cali


bidix Muuse Nuur Midig Saalim Caliyow


Qaar wasiirada oo la dhaarinayo


5-ta wasiir ku xigeen oo la dhaarinayo


waa Wasiiradda Dibada laga keeney bidix Gaashaandhiga, dhexda Macdanta iyo Tamarta, midig Horumarinta Gobolada, Arimaha Federaalka iyo Dibuheshiisiinta


Bidix Fahmo, midig Khadiijo


Fadhiga Guud

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 5, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com