Qabrigii Sheekh Nuur Xusseen ee tuulada Baladul Kariim oo la sheegey in la
burburshey.
Qabriga mid ka mid ah culumada suufiyada ee ugu caansanaa qarnigii naga tagay
Sheekh Sh. Xusseen ayaa la sheegey in la burburiyey sida uu saxaafada ugu
xogwaramay Sheekh Cabdiqaadir Sh. Abuukar Soomoow oo u hadlay xarakada Ahlu Suna
ee dariiqada suufiyada, haddaba maxaad ka taqaanaa Sheekh Nuur Sh. Xusseen, dib
ayaan u eegeynaa.
Sheekh Cabdiqaadir Soomoow oo u waramay saxaafada gudaha dalka ayaa xarakooyinka
Shabaabka iyo Jabhatul Islaamiya ku eedeeyey in ay burburinta ka dambeeyeen sida
ay faafisey idaacada Shabelle, hase yeeshee xariiro lala samayay degmada Jillib
ee ku dhow halka la sheegey in uu falka ka dhacay ayaanan wali loo kala
xaqiijinin jiritaanka arrinta, saraakiil aan la hadalnay-na waa ay ka
gaabsadeen, balse waxay qireen jiritaanka xamlo lagu cirib tirayo quraafaadka
iyo qabuuraha la barakaysanayo.
Hadabe maxaad ka taqaanaa Sheekh Nuur Sh. Xusseen, iyo tuulada Baladul Kaariim?
SomaliTalk ayaa dib u jaleeceysa waxa kugu seegan.
Sheekh Nuur Sh. Xusseen wuxuu ka mid ahaa culumadii ugu waaweynaa qarnigii tagay
ee dariiqada suufiyada, xaruntiisa waxay ahayd tuulada Baladul Kariim oo 12 km u
jirta degmada Jillib dhanka waqooyi, waxay tuulada dhanka kale ka jirtaa wabiga
Jubba, waxay ku taalaa mid ka mid ah dhulbeereedyada ugu hodanka san Soomaaliya.
Sheekh Nuur waxa uu lahaa xir aad u tirro baddan oo lagu qiyaasi jirrey
kumanaan, sanadkiiba mar ayaa shacabka ku nool koonfurta oo dhan ay u siyaaro
tagi jirreen , iyadoo marka xiliga siyaarada la gaaro aad moodi jirtey in
magaalooyinka qaar dadkii oo dhan ay ka wada haajireen, ninkii arka ee markaasi
ugu horeysa wuxuu niyada iska oran lahaa “malaha meeshani waa kacbadii ”.
Dadka tagaya qofkasta waxaa waajib ahayd in uu geeyo hanti inteey dooniba hala
ekaatee, waxyaalaha ugu cajiibka baddan waxay ahaayeen in ay iska caadi ahayd in
aad aragtid nin dadka siyaarada u yimid ka mid ah oo ceesaan xarig ku wadda,
gabadhii uu dhalay oo 19 jir ahna ceesaanta xariga qoorta kula xirey oo
labadoodaba siyaaro ahaan u geynaya, gabadha Sheekha ayaa ku daraya mid ka mid
ah xirta oo aysan waligiis filim ka daawan.
Waxaa meesha ku yaala masaajid aan sidaasi u weyneyn oo uu sheekha degenyahay,
Sheekha inta baddan lama arko, wuxuu ku jirraa meel xeebdaab ah, duleel yar oo
darbiga laga duleeliyey ayuu Sheekha gacanta kasoo dhiibtaa isagoo ay ugu
marantahay marro cad oo dhowr dhalo oo catar ah lagu dul jabshay oo aadan malayn
karin kamkamka ka baxaya, markaasaa dadkii oo safaf ku jirra uu midkoodba
salaamayaa gacanta oo uu dhowr jeer shuminayaa oo uu ku barooranayaa isagoo
barakaysanaya.
Waxyaalaha kale waxaa ka mid ah dadka siyaarta aadaya Sheekha waxa ay ka tufan
jirreen taxliil, taasoo marka uu qofka kula noqdo reerkii uu ka yimid dadka oo
dhan inta soo xoomaan la wada barakaysan jirrey oo saf loo gali jirrey (Sidii
biyihii zamzamka), taxliishu wax kasta ayay daawo u ahayd sida la aaminsanaa,
ninka siyaarta aada dadka kale waa uu ka sharaf badnaan jirrey, qofka xirta ka
tirsan waaba la barakaysan jirrey, qofka caadiga ah ee digriga aad u yaqaana
dadka waa ka takoornaan jirrey, isaga ayaana loo yeeran jirrey si uu taxliil
reerka ugu tuffo, qofka siyaarta ka baaqda waxa uu qofka aadaya kula dardaarmi
jirrey “walaaloow marka aad meesha tagto niyada igu qabbo iina soo ducee in uu
illaahay I geeyo mar uun”
Marka siyaarta la’isugu taggo maalmo dhan iyo habeeno ayaa digriga si weyn loo
oogi jirrey, dadka inta loo waayo meel ay ku hoydaan ayay banaanka is dhex
seexan jirreen rag iyo dumarba.
Wixii ka dambeeyey dhimashadii Sheekha oo muddo 20 sanno ka hor ah, tuulada
Baladul Kariim dadkii wa ay ku yaraadeen, mana loo tagi jirrin wax siyaaro ah,
laakiin wali waxaa jirra dad ka tirsan qoowmiyada Jareer weynta iyo Soomaali
kale oo illaa maanta soo siyaarta qabriga Sheekha iyo goobtii uu ku noolaan
jirrey, dad ka mid ah qaraabada Sheekh magac iyo sharaf ayay wali ku
dhexleeyihiin bulshada Baladul Kariim waana la siyaartaa wali.
Haddii ay dhab noqoto in la burburshey qabriga Sheekha, ma ahan wax layaab leh,
waxayna ka mid tahay talaabooyin la mid ah oo dhawaan maamulka islaamiga ah ay
ka qaadeen magaalooyinka Kismaayo iyo Baardheere.
Waxaan kusoo gunaanadayaa sheeko qosol baddan oo dhacday dagaaladii sokeeye, mid
ka mid ah maleeshiyooyinkii qabsan jirrey gobolka ee isku baacsan jirrey, ayaa
tagay tuuladani Baladul Kariim, mid mooryaanta ka mid ah oo aad u dhib badnaa
ayaa galay xeebdaabkii Sheekh Nuur uu fariisan jirrey, markaas ayuu marro cad ku
duuftey gacanta catarna mariyey, inta uu qorigiisa qaatay ayuu soo xoomiyey dad
meesha ka dhawaa oo asxaabtiisa ay ka mid ahaayeen, markaasuu ku yiri “War
gacanteeyda shumiya oo ka barakaysta, jareerkii halkan fadhin jirreyba waad u
yeeli jirteene” isaga oo gacanta kazoo dhiibaya godkii yaraa ee darbiga ka
duleeshanaa.
Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (saxansoxo) Email: saxansoxo1@hotmail.com
SomaliTalk.com
Faafin: Somalitalk.com | Dec 27, 2008