SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xujada Muqdisho Furaheeda Asmara Ma-yaalaa

  Xaalka xun ee Xamar ka jiro, xiqdiga Milis-Sanaawi, xerga-dhigida Asaasi-Afooriqi, xikmad-yarada reer-Muqdisho , xad-gudubka Al-Shabaab, Xisaab-xumida Col Cadullahi Yusuf, Xumbo cuskiga Col Xasan Daahir Aweys iyo xil-xumida hogaamiyayaasha Soomaaliyeed intaba waa hal-xiraale . 

  Shirki Muqdisho waxaa lagu soo gabgabeeyay Dib-u-heshiisiin dambe laysugu imaan maayo,waa talo xumo la kordhabay, waa hagardaamo hor-leh, waa guul loogu magac-daray "waa socon weynay ee aan orodno".

 Awalba, hadafka shirkaa ma fogayn,waana mid ay dabada ka riixayeen dowlada dana gaar ah ka leh dalkeena iyo iyada oo shirkaa uu ka maqnaa Somaali waxay ku dhiban tahay oo ah kuraas qeybsi, sideedana Kuraas qaybsi laguma soo darin ajandaha shirki Muqdisho, waayo kuraasta laysku haysto waxaa ku fadhiyo si ku-meel-gaar ah qaban-qaabiyayaashi shirka oo iyaga ah rag ay General Gabre iyo safiirka dowlada Maraykanka u fadhiyo magaalada Nayroobi gadaal ka fadhiyaan, xorna aanan u ahayn ficilkooda iyo qowlkoodaba .

   War iyo dhamaantiis, Heesihii xerada gaadiidka waa la-soo gaba-gabeeyay ,hadal-haynta Somaalida waxay maanta doorabiinka ku haysaa abaabulka ka socdo caasumada Ariteree ee Asmara iyo u tafaxaydashada shir kale oo ay isugu yimaadaan Soomali diidan ,si xoog lehna uga soo horjeedo DFKM iyo maanxiiskeeda mugdiga geliyay jirataanki ummadda Soomaaliyeed.

   Hogaamiyayaasha Asmara isugu yimid howlaha hor yaal ma fara yare, waa in ay horta wax walba ka hor dhistaan dallad mideyso ,dalladaas ha ahaato jabhad, ha ahaato xisbi ,ha ahaato maxaakimti oo la shaandheeyo, lana balaariyo ,yeelatana hogaamiya la yaqaan.

    Hadafka lagu dhawaaqay ee shirka Asmara waa mid ay ummadda Soomaliyeed intooda badan isku waafaqsan-yihiin, hadafkaasna waa in dalkeena laga xoreeyo gumaysiga madow, dulmigana laga dul qaado ummaddeena Ilaahey idinkiis ,laakin ummadda  Soomaaliyeed wax garadkeeda iyo tala-raaceedaba waxay haddana ka midaysan yihiin, shaki weyn oo ay ka qabaan kooxahan Asmara isugu tegay sidi ay uga gudbi lahaayeen caqabada ugu weyn ee hortaal oo iyada ah cudurki soomalida dhulka soo dhigay ee ahaa kuraas qeybsi, ilaalinta maslaxad gurrcaan oo shakhsi ah iyo aniga aan noqdo hogaamiyihiina iyo waa aniga oo reerkayga reerkaaga ka fiican  ,taasoo asaxaabta Asmara ay maanta u dheer-tahay Muqdisho oo aanan diyaar u ahayn soo dhoweynta hogaamiya aanan sal adag ku lahayn magaalda Muqdisho oo iyada hore loo waayay ruux furo  xujadeeda.

   Shirka Asmaro waxaa hubaal ah in ay ka soo qaybgalayaan wejiyaal aad loogu yaqaan Soomalida dhaxdeeda, dowrar kala duwanna ka soo ciyaaray siyaasada Soomalida tan iyo 1960 iyo muddadi burburka hareereyay waddankeena, ilaa haddeer oo aanan gacanta lagu hayn xal mideyn karo ummaddeena, soona celin karo kala danbaynti iyo sharciga oo lagu dhaqmo,laakin markaan hoos u dhigno, Asxaabta Asmaro waxaa hor yaal Su'aal ay adagtahay ka jawaabideeda waqtigan xaadirkaa waxayna tahay, waayo shakhsiga ay  iyaga  ku mideysnaan karaan, gacantana ku haayo furihi Muqdisho  iyo quluubta reer Muqdisho oo aanan la kala soocin, si sahlana u hanan karo guud ahaan quluubta ummadda Soomaaliyeed. su'aashan jawaabteeda waxaan u daynaynaa gunaanadka shirkooda, waxaansa qeybta dambe ee hadalkeena ku soo qaadanaynaa ka faalaynta qaabkee ayey kooxdan Asmaro meel isugu keeni karaan, siyaasad ay soo wada dhoweyn karaan Caalamka iyo ummadda Sooomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan dadyowga reer Muqdisho.

           Gunta qoraalkaan marka aan u daadegno ,wararka hor dhaca ah ee laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo, waxay tilmaamayaan in uu magaalada Asmaro ka socdo qabanqaabo xoog leh oo loogu jiro diyaar-garaynta ajandaha shirka iyo gunaandkiisa iyo sidi looga dhigi lahaa mid ay aqbali karaan dowladaha aad ugu howlan faragelinta arrimaha gaarka ah ee ummadda Soomaaliyeed ,isla markaana abuuri kara xabashada oo si dhaqsi leh uga hilfa qaatado waddankeena. iyada oo dhinaca kale la leeyahay reer Asmara iyo madaxa dalka Aritree waxay aad ugu dhowaadeen isku afgarashada shakhsigi ay u magacaabi lahaayeen hogaamiyaha fulinta go'aanada ay rabaan in ay kaga dhawaaqaan shirkooda.

    Isku waafaqsanaanta ruuxa noqon doono hogaamiyaha bahda Asmara,  waxay dad badan iska weydiinayaan Reer Asmaro degdeg ka hor, ma iska weydiiyeen maxay Odayaasha Hawiya iyo kooxda Al-Shabaab u qaadaceen shirkooda iyada oo la hubo Odayaasha Hawiya iyo kooxda Al-Shabaab in ay iyaga yihiin kuwa dagaalka xoogan ku haayo kooxda ay reer Asmara rabaan in ay ka eryaan ku fadhiga kuraasta Soomaaliyeed oo ay gadaal ka taagan yihiin dabaabado ay leeyahiin rejiimka ka taliyo dalka Xabashida(Tigree) .

   Halkan waxaa ka soo baxayo xisaab cad oo aanan qarsanayn, reer Asmarana ku leh, maxaakimta qeybta  Asmaro idin la joogto ,taageero balaaran kuma laho magaalada Muqdisho haddii aan hoos fog u fiirino qaadacaada kaga timid kooxda Al-Shabaab iyo Odayaashi Hawiya oo aanan Soomalida loo tilmaamayn iyaga xoogooda yuu mathalaa iyo diidmada iyo canbaaraynta kaga imaaneyso DFKM iyo tageerayaasheeda oo aanan iyagana Soomalida loo tilamaamayn xoogooda yey mathalaan iyo ilaa intee ayey aad u rajeynayaan fashil uu ku dhamaado shirka Asmara sidi uu shirkoodaba ugu dhamaaday Soomaliyeey toosa oo aanan toosnaan ka danbayn .

   Asmara lagama rabo Col Xasan Daahir,Ceerow madaxa kooxda Al-Shabaab iyo Xasan Turki iyada oo la doonayo in taa lagu kasbado dalalka reer gabeedka oo Ameerikaan ku jiro, dhinaca kalana la rabo in Itoobiya afkeeda looga ilaalsho Asmaro waxaa ku shirayo madaxda kooxihi argagagixisada ,haddaba waa su'aal kalee haddii la kala dhantaalo maxaakimti, lagana tago kuwooda xoog iyo taageero adag ku lahaay Muqdisho, sow falkan maahan in reer Asmaro ay qorshahooda ku darsadeen dagaal ay kala horyimaadaan Xabashi iyo koox ka mid ah kooxaha dagaalka kala soo horjeedo xabashida naf'ahaanteeda magaalada Muqdisho.

   Asxaabta Asmaro xaqiiqada kaliya ee shirkooda ku guulaysan karo waa iyaga oo meel isugu keena danaha kuwa rabo in uu shirkooda guulaysto iyo kuwa rabo in uu shirkooda fashilmo oo iyaga geddigood ah Soomali u ooman dalkooda oo dego, dibna u soo ceshto karaamadiisa iyo dolwad kala hagta umuurahooda., taana ma'ahan mid ku imaan karto isku soo bood iyo kooxa isugu yimaado gogol u gaar ah iyaga oo looga arrinsado arrin ka dhaxeyso ummadda Soomaliyeed oo dhan..

   Iyadana, xaqiiqada aad u qaraar waa in aynan kooxdan Asmaro shirkooda kaga biya dhalin doonin iyaga oo ah koox is-bar taqaan oo u taagan kaliya ka adkaashada kooxda kale ee iyaga isi siiyay awoodi Soomaaliyeed oo iyaga  gadaal kaga jiro dabaabadaha xabashida.  

   Xujada Muqdisho gaar ahaan iyo tan Soomaaliyeed guud ahaan waxaa furi karo oo kaliya ruuxi, shakhsigi iyo kooxdi ka soo shaqayso dhigida googol loo dhan yahay oo dhaxdeeda la soo dhigo dood fudadayso meel isugu keenida danaha ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo qaab abuuri karo wada shaqayn dhax-marto dowladaha danaha ka leh dalkeena iyo ummaddeena, iyada oo aanan lagu xadgubin xuquuqda danaha ummadda Soomaaliyeed.03/09/2007

    Abdallah Moallim Mahamud

(Cabdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

Asmara Iyo Ragga Ku Shirayo Waa Laba Qaawan Isma Qaado, Kitaabka Ilaahey La'aantiis. Akhri

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2007 

QOraalkii: . Hakanoqoto hadalka ay sooqortay (Zahra Abdi Hirsi) | Tirmidi

Qoraalkii: . Ma ilaawi karnaa wixii shalay dhacay? | Zahra

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com