SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Asmara Iyo Ragga Ku Shirayo Waa Laba Qaawan Isma Qaado, Kitaabka Ilaahey La'aantiis.

Abdallah Moallim Mahamud(Cabudllahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com


Shirarka waa nagu fara bateen, Shir walbana waa kaskiis iyo kooxa is bar yaqaan ,ama dan gaara isugu habar wacday ,mid walbana dowlad danteeda ka dhax aragtay ayaa dabada ka riixayso .iyadana weli lama haayo cid ku maqan hadafka dadkeena iyo dalkeena ,afka-sheega iyo qurxinta hadalka wacan ,qola(Xisbi) walba iyo tabarteed. 'kulli xisbin farixuuna bimaa ladayhim"…annagana waa dadweynaha Soomaaliyeede, dagaaladi sukeeya waxaa noo raacay gumaysi madow iyo kani waa Murtad iyo kani waa Argagagixiso ,dhamaan waa luqad cusub oo ay la soo baxeen kooxaha maanta isku haaya gacan ku qabashada hagaanka ugu sareeyo ee dalkeena,  walow aynan meesha ka maqnayn dagaal ku haynta diinta Islaamka ,dhinaca kalana shaqsiyaadka qaarkood, kama marno ku qaraabashada kitaabka Illahey.   

    Shirarka mid wuxuu ka socdaa magaalada muqdisho waxaana loogu magac daray "shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed" waxaana laga hagaa washignton, Addis-Ababa iyo Nayrobi. qabashada mid kaa ka soo horjeedana waxay qaban-qaabadiisa ka socotaa Asmara ,waxaaa la filayaa in uu shirkaas qabsooma maalmaha hore ee bisha September ee sanadkaan 2007,waxaana asxaabta ku howlan qabashada shirkaas laga soo weriyay in ay doonayaan mideynta waxay ugu yeereen afar xoog oo ka kala socda Maxkamadaha Islaamiga ah, Barlamaanka Xorta ah, Bulshadda Rayadka ah iyo Soomaalida Qurbaha, si ay keddibna ugu  tilaabsadaan fulinta howlihi dalkeena looga saari lahaa Ciidanka Xabashida ee dalkeena ku sugan,waa sida ay mar walba u dhigaan wararkooda. shir  kalana waxaa lagu qaban doona magaalada Londonn 27-28 August 2007, kaana waxaa lagu sheegay in uu yahay dhamaystirkii shirki lagu qabtay magaalada Leister ee dalka Ingriiska ,  6-8 April 2007 ,waxaana shirkaas laga rabaa in lagu dhiso dhaqdhaqaaq la doonayo in loogu waqlalo Dhaqdhaqaaqa Soomalida Qurbaha,Shirkaan danbe qorshiihiisa aanan la shaacin sida ka muuqato magaciisa iyo waqtiga lagu soo aadiyay qabashadiisa, howshiisa ma dhaafsiisna far ku fiiqida, yaa shirka Asmara  kaga qeyb-galaya magaca Soomalida ku nool dalka debadiisa .

     in dalkeena laga xoreeyo cadawga nagu soo duulay layskuma khilaafsano ,in dalkeena loo dhiso dowlad aan heshiis ku-nahay lays-kuma khilaafsano ,in la heshiisiiyo qab'aailka Soomaaliyeed ee wax kala tabanaayo lays-kuma khilaafsano ,in la asaaso dhaqdhaqaaq mathalo dadka Soomaliyeed ee ku nool debadaha lays-kuma khilaafsano ,laakin Su'aasha waxay ka taagan tahay haddii dhinac walbo iyo dowladaha dabada kaga jiro, iyaga dhigtaan googol u gaar ah ,gogoshaasna ugu yeeraan gogol Soomaaliyeed, maxaa ka soo baxayo oo aanan ahayn murugo ku dabadheeraato umaddeena iyo jabhadayn aanan dhamaan iyo ku hadaaqa hebel waa xag-jir, hebel waa gaal ,hebel waddani maahan,hebel waa dabadhilif ,hebel waa murtad  ,hebel waa reer hebel iyo hebel waa reerkeena ,iwm.

   Weli waxaan ku taagan nahay wadda mugdi ah, DFKM ku sheega waa fashilmeen, garabkooda lixaati Xabashaa ,waayo sideedaba xisaabkooda kuma jirin in ay qabsadaan Quluubta dadka Soomaaliyeed,waxayna taa ka heleen in ay Soomaaliya ku raraan Xabashi ,iyagana ay xabashi rarato . kuwa Asmaro joogana waxay ku tilaabsadeen waddadi Mbagathi oo aadan sina uga dhumeyn ,wixi ka soo baxana ka shaqayn maayaan waddanka Soomaaliyeed ,waana wax iyaga u gaar ah shirkooda iyo waxay ugu magac dareenba.

  Soomali uma baahno talo ka soo maaxdo dalal iyaga ku howlan in ay wax walba ka hormariyaan dantooda gaar-ahaaneed,Somaali uma baahno shaqsiyaad ku howlan inkiraada shaqsiyaad kale oo aanan iyaga ku fikir ahayn,Soomali uma baahno cid aanan diyaar u ahayn in dalkeena isku xukumo shareecada Islaamka ,Soomaali uma baahno qoqob hor leh iyo dilal siyaasadeed oo aanan dhamaad lahayn.

     Shirka Asmara oo isaga yoolkayga ahaa iyo in aan farta ku fiiqo qaabka ay u socoto qabanqaabadiisa. waa su'aal ku aadan ragga iyaga horboodayo shirkaas ,waxaa Soomaali oo dhan idin weydiinaysaa ,shirka ma ku martiqaadeen culumo Soomaaliyeed oo aanan ku fikir ahayn culumadi hor-kacaysay hogaanki maxaakimta,shirka ma ku marti-qqadeen barlamaaniyiinta Baydhabo ee ka fikir duwanaa kuwa idinlna joogo Asmara , iyagana Mbgathi kala yimid ,Soomalina  oo dhanna ay ka wada dharagsantahay qaabka kulligoodba looga soo xulay,shirka ma ku martiqaadeen, bulshada Rayidka ah kuwooda aanan xiriirka idinla-lahayn,shirka ma ku martiqaadeen rag qurba jooga oo ku kala fikir duwan, qaabka ugu wacan ee loo maareyn karo dhibaatada ummadda Soomaaliyeed ku habsatay.

 Sua'aaladahan oo dhan waxaa ka jawaabayo si ficil ah qabashada Shirkiina iyo wararka sheegayaba in uu shirkiina yahay mid gaar ah oo lagu mideynayo afar xoog oo iyaga kala ah Maxkamadaha Islaamiga ah, Barlamaanka Xorta ah, Bulshadda Rayadka ah iyo Soomaalida Qurbaha.

 Shirkiina ma'ahan mid loo dhan yahay ,waxabana kama duwana kuwi hore Soomali loogu bahdilay, geddigoodna ku dhamaaday waxaa shirka lagu doortay qoladi ay raaliga ka ahaayeen dalka dhigay gogosha shirka ka socdo.

     Nama anfacaan shirar hadafkooda gaaban yahay waqtigaan xaadirkaa ,namana anfacaan howla aanan natiijo wacan ka danbayn ,sidaa darteed ninki doonayo in ay Soomaali ka xorowda isticmaarka madow ,ha u istaago dhinaciisa sidi waddankeena looga saari lahaa Amxaaro , isaga oo aanan isku howlin soo dhisid urur ay ku midaysanyihiin dad wacan iyo dad lagu tuhmayo in ayagaba sabab u ahaayeen in uu dalkeena faraha la galo murugada uu ku jiro.

     Hadafka qoraalkan wuxuu yahay in aan farta ku fiiqno in aanan guul laga gaarayn howl ay wada wadaan nin xun oo la yaqaan iyo nin weli lagu tiranaayo fiicnaan ,inta shaqsiyadiisa laga yaqaanana aynan sidaa u mug-weyneyn,guul ku dhamaan mayso howl ay wada wadaan dowlad danteeda doonayso iyo nin ay ka dhab tahay fulinti wixi dan u ah dadkiisa, waayo ma wada shaqayn karaan labada danoodba

      Su'aal kale oo na hortaal ,mathalan, waxaa guul keenay qolada Asmara ku shirayso,dalkana ka saaray Xabashi iyo dabadhilifyadooda ,iyago oo aanan go'aan ku gaarin in ay isku xukumaan kitaabka Ilaahey ,ma kula tahay Soomaliyow  in ay xukunkooda ka socod siin  karaan dhulkeena, iyada oo uunan dhib kaga imaan Xabashi oo nala leh xuduud aad u dheer ,taageerana ka helayso dowladda aduunka u weyn ,taana ay u dheertahay fashiklaada ay ku sameeyeen danahooda.jawaabta waa maya ,waayo Ameerikaan iyo xabashida waxaa ka guulaysan karo oo kaliya dad ku midoobay u istaagida in dalkeena lagu xukumo kitaabka Ilaahey oo kaliya. dhinaca kalasa ma kula tahay in ragga lagu mideynayo Shirka Asmaro ay qorshahooda ku jirto in ay isku raacaan in dalkeena lagu xukumo shareecada Islaamka,jawaabta iyadana waa maya ,hadaba ha isku mashquulin guul ka soo baxdo shirkaas ,iyagana yeynan isku mashquulin howl aanan dhaafsiisnayn, "laba qaawan isma qaado"

    Raxmada Ilaahey lagama quusto,waxaana guulaysanayo ciddi Ilaahey tala saarato ,ee Ilaahey towfiiqda ha waafajiyo ummaddeena,aamiin.

 Soomaliyeey marki aad si degnaana u saadaaliso xaalada ay maanta ku sugan tahay magaalada  Muqdisho,waxaa kuu soo baxayo in Magaalada Muqdisho uu goor dhow ka dhici doono kacdoon ka madax banaan, kooxo gaar ah iyo reer hebelba .kacdoonkaasna uu isaga noqon doono kii ku guulaysto hogaaminta ummadda Soomaaliyeed oo mid ah ,raalina kuwada ah natiijada ka soo baxdo kacdoonkaas dalkeena ka saaro xabashi iyo cid walbo oo dowr ku lahayd murugaynta ummadda Soomaaliyeed. 20/08/2007

 Shirka Asmara Waa Shirki Mbagathi ,Waana Maandeeq Oo Bacaad Lagu Lisay

Abdallah Moallim Mahamud(Cabudllahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Somaaliyeey, Xaqa Oo Lagu Dheganaado Waa Guusheena... Akhri..

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 20, 2007 

Dhulka Soomaalida ee Shidaalka laga baarayo miyaa ka riqiisan dhulka Afrikada kale, mase Madaxda Soomaaliyeed ayaan adduunka la socon

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com