Waa mid ka mid
ah dadka ugu cad cad madaxda dalalka islaamka ee
casrigaan, waana mid ka mid ah dadka ugu magaca
dheer ummadda muslimiinta dhexdooda ,waa
hormariyaha dhanka dhaqaale Wax
barasho,Technology ee dalka Malasiya, da'diisu
iminka waa 82 sano jir. Waa ra'iisul wasaaarihii
Malaysiya intii u dhexeysey 1981 ilaa 2003.
Dadka ayaa
waxay ku tiriyaan inuu yahay ninka da'yartii
dalkiisa intii wax baranaysay u kala diray
dalalka Maraykanka, Ingriiska iyo dalal kale ee
caalamka si ay uga soo shidaal qaadaan dhanka
wax barshada isla markana ay dalka ku soo
celiyaan waxii ay soo barteen sidaa ayay ku
gaareen hormarka ay maanta ku taamayaan reer
Malaysia.
Dadka
muslimiinta qaar badan oo ka mid ah ayaa waxay
ku fakaraan in ay helaan madax wayne ama raisul
wasaare isaga la mid ah maadaama uu dalkiisa ka
gaaray guulo waa wayn,waa ninka aan saaxiib
quwadeed (Military) la lehayn dowladaha reer
galbeedka ee inta badan iminka caalamka islaamka
madaxda ka talisa ay xiriirka la lee yihiin,wax
uu yiraahdaa '' hadii aan ka dalbano taageero
ciidan ama mid dhaqaale iyaga ayaad hoos imaan
oo waxa ay ku amraan ayaad samayn ma doonayo
sidaa waxaan rabaa shacabka dalkayga waxa ay
raali igaga yihiin''
Wax uu aamin
san yahay in dhibka dunida Islaamka iminka ka
taagan ay masuul ka yihiin Bush iyo Blair iyo
inta raacsan waxaana uu ku baaqay marar badan in
maxkamad caalami ah la soo hor taago ragaasi waa
sida uu sheegay.
Qormada
Asbuucaan waxaan ku soo qaadanaynaa waa kuma
Tun Dr Maathir Bin Mohamed Raiisul wasaarihii
hore e dalka Malaysia.
Tun
Dr Maathir Bin Mohamed waxaa uu dhashay 20
December 1925 waxaana uu ku dhashay Alor Setar
oo ah magaalo madaxda gobolka Kedah oo dhacda
dhinaca waqooyiga dalka Malaysia,waxaa uu
dhameeyay waxbarashada Dugsiga sare sanadkii
1947 waxana uu sidoo kale wax ka soo bartay
machadka Edward VII College ee dhanka daawada oo
ku yaala Singapore,markii uu soo dhameeyay wax
barashadiisa,ayaa waxaa uu ku soo biiray dowlada
shaqaalaheeda dhanka caafimadaadka,waxaana uu
shaqadaasi joojiyay sanadkii 1957.
Dr. Mahathir
sanadkii 1944 ayaa waxaa uu xubin ka noqday
Ururka Midowa malasiya ee wadaniga ah, (United
Malays National Organisation) (UMNO) sanadkii
1964 ayaa waxaa uu ka mid noqday baarlaamka
dowlada Malashiya,
Markii la arkay
in Dr. Mahathir uu yahay nin aad u danayo wax
barashada ayaa sanadkii 1968 laga dhigay
gudoomiyaha sare ee gudiga wax
barashada,sanadkii 1972 ayaa waxaa uu xubin ka
noqday jaamacda Maxkamada iyo waliba jaamacada
Malaya,sanadkii 1974 ayaa waxaa uu noqday
gudoomiyaha jaamacada gudigeeda.
Sanadkii 1976
ayaa waxaa loo magacaabay inuu noqdo Ra'isul
wasaare ku xigaynka dalka isla markaa ah
wasiirka wax barashada.
16 July
sanadkii 1981 ,ayaa waxaa uu noqday Dr. Mahathir
Bin Muxammed Raisuul wasaarihii afaraad ee dalka
Malaysia,
Sanadihii
1997/1998 ayaa waxaa uu sameeyay Dr Mahathir
Badhiga caalamiga ah ee gargaarka dalka Malasiya
kaas oo tusaale fiican u noqday horukaca
dhaqaale ee dalka Malaysia.
Oct 31, 2003,
ayaa waxaa talada dalka Malaysia ka dagay
Raiisul wasaarahii dalkaasi Dr Mahathir isagoo
noqday ninkii 4 aad oo dalkaasi jagadaa ka soo
qabta laakiisne gaarsiiyay hor mar ay dadkiisu
ku naaloonayaan ilaa iyo maantadaan oo ay Daxay
gacmeedka gaareen,waxaana uu dalkiisa ka dhigay
dalka 17-aad ee dhaqaalaha caalamka ugu wayn .
Sidee buu ku
gaaray dalka Malaysia hormarka dhaqaale ee uu
maanta ku tiigsanayo ?
Su'aashaasi iyo
kuwa kaleba waxaa waraysi dheere ay la yeelatay
Tv-ga A.jazeera sanadii 2006-da kaga jawaabayo .
Su'aal:- Sida
aad og tahay dunida carabta waxaa haysta
mushkilad,idinka waxaad lee dihiin khibrad iyo
tijaabo ku saabsan dhanka dhaqaalaha iyo
siyaasada sidee baa ay ku soorta gal noqotay
arintaasi ?
Mahathir: ''
waxaan u malayn in dhibka na haysta waxaa uu ka
dhashay markii aan raaci waynay diinteena oo aan
qayb qayb u dagaalay,oo ay dadku diinta qofba
sida ay la tahay u fasirtay ,sida qaar waa Suni
qaar waa Shiicada,calaawiyiinta,sidaa owgeed
ayaan waxaan waynay is cafintii iyadoo islaamku
na farayo isa saamix ,ayaan dagaalay oo aan
waynay nabadii hadii nabad la waayana waxaa la
waayayaa hormarka arinta koowaad waa in aan
helnaa degenaansho oo aanan is dagaalin,
dhulkeena Malaysia waxaa ka jirta kala duwanaan
dhanka diimaha,dhiiga thaqaafada,iyo afka ,sidaa
iyada oo ay tahay ayaan waxaan arinta koowaad ka
dhignay in la helo daganaasho ku dhisan isa
saamixitaan,isla markaana aan wada qayb sano
khayraadkeena iyo maamulkeena sidaa ayaa uu ku
kobcay dhaqaalaha dalkeena ''
Su'aal:-Laakiin
waxaa adag jawi ka madax banaan laaluush iyo is
daba marin dhanka maamulka iyo dhanka dhaqaaleba
waa maxay arinta aad uga takhalusteen arintaasi
?
Mahathir:-''
Waxaa muhiim ah la helo maamul fiican si
looga hortago is daba marinta laalusha mida ugu
muhiim san waa in la hor marariyaa
maamulka,malasyia waxaan xadayn ku sameenay adag
dhamaan howlaha tusaale ahaan hadii aad doonayso
in aad iibsato dhul arimaha kugu waa jibka ah
waa in la helo ogalaanshu iyadoo wakhti xadidan
loo qoondeeyay dhamaan howsha hadii la ogaado in
howshu si deg deg ah ku socoto ama si dhaqso ah
lagu sameeyo waxaa la dareemayaa in ay meesha ku
jirto laaluush iyo is daba marin waa ay adagtay
in qaanuun oo kaliya looga taqaloso laaluusha
iyo is daba marinta laakiin wadankeena Malaysia
waxaan ka samaynay haayada la dagaalanka musuqa
( ANTI CORRUPTION ANGACY )''
Su'aal:-Qiyaastii dadka reer Malaysia ee tirade
yar ee shiinaha ka soo jeeda sanadki 1970 waxay
ahaayeen 95% dadka ugu dhaqaalaha badan dalkaasi
halka ay dadka Malaya ay ahaayeen kuwa aad u
hooseeyo maanta xaaladaasi xagee maraysaa?
Kuala Lumpur, caasimaada Malaysia
Mahathir:-''xaalada dhaqaale ee dalka aad bay u
fiican tahay iminka Shiinuhu waxay garawsadeen
in la is caawiyo xiligii hore 1% ayaa waxaa
dhaqaatiir ahaa dadka ree Malaya inta kale ee
dhimana waxay ahyaana waxay ahayen Shiinaha iyo
Hindinta,99%,laakiin iminka dadka reer Malaya
ee ugu badan way soo siyaaday ilaa 40% dhanka
dhakaatiirimada waxaan siinaa furada ugu badna
dadka reer Malaya maxaa yeelay waxaan u sheegnay
dadka kale ee tirade yar in hadii ay kaligood
wax haystaan dhib imaanayo laakin hadii dhamaan
wax la wada haysto oo la siman yahay in laga bad
baadayo ku dirirka dhaqaale ''
Su'aal:-Intee
le ay le eg tahay Miisaaniyada aad ku
bixisaan dhanka wax barashada?
Mahathir:-''Aad
bay muhiim u tahay Aad bay muhiim u tahay
dowladaan waxay ku bixisaa 25% wax barashada
miisaaniyadeeda ''
Su'aal:-Qiimahaasi waa kan ugu sarayo dunida oo
idil soo sidaa maahan ?
Mahathir:-haa
waa qiyaas aad u sarayso waagii hore maanan
lahayn jaamacad balse waxaan u dirnay
dhalinyaradeena wax baranayso dunida oo idil
meeshii jaamacad leh .
Su'aal:-Sidee
isugu xirtaan siyaasada diinta iyo dowlada
maadama dalku yahay dal diimo badan ka jiraan?
Mahathir:-kaniisadu waagii hore yurub waxay
ahayd mid ay dowladu soo galiso maamulka
laakiin marar ayaa ay iska hor imaan jireen oo
dhib ka dhalin jirtay dhanka maamulka sidaa
darteed ayay u kala saareen siyaasada iyo
diinta,sidaa awogeed ayaa qaar ka mid ah
muslimiintu waxay kala saareen siyaasada iyo
diinta,arintaasi maahan mid macquul ah maxaa
yeelay islaamku waa mid balaaran waa dastuurka
nolosha mana suurtagalayso in la kala saaro
diinta iyo wax kale arinta ugu muhiimsan waa tan
ku saabsan sidii aan uga faa'iidaysan lahayn
diinta islaamka,laakiin maahan in la leex
leexiyo tafsiirka diinta islaamka, Musatafe
Atatoork waxaa uu malayn jiray in turkey ay
tahay dowlad calaami ah oo aan diin shaqo ku
lahayn sidaa darteed uu hor mar ka gaaro siyaada
sida yurub oo kale waxaana uu u malayn jiray
Ataroork in ay tahay diintu caqabada kaliya ee
hor marka dalkiisa hor taagan'' waraysigu mid
aad u dheer buu ahaa waxaan ka soo qaaadanay oo
kaliya intaas.
Sidee hadii aan
Soomaali nahay ku gaari karnaa Hor marka uu
tiigsaday dalka Malaysia ?
buug la
yiraahdo( Nasharah Sharqul awast) Middle East
Review 1981) oo sanad kasta dalalka carabta
falanqayn ku samayn jiray waagaasi ayaa sanadii
1981 daabacadiisii waxaa uu ku sheegay In
soomaaliya ay gaari doonto 2012 horumar aad u
baaxad wayn sida ay ku socotay marka loo eego
xiligaasi, balse iminka way mooqataa in aysan
rajada buugaa uu moojiyay aysan hayn mid wax ka
soo naasu cad yihiin maadaama dalka soomaaliya
ay cad cad u kala jareen hogaamiyaal kooxeedyo
tantiisa gaar ah ka door biday tan umada
soomaaliyeed soo idil.
Xiligii
dahabiga ahaa ee Soomaaliya soo maray waxay
ahayd sanadii 1974 markii 25000 oo macalin ay ku
dhaqaaqeen dhamaan gobolada dalka soomaaliya si
dalka loola dagaalamo wax quris akhris la'aanta
Soomaaliya waxaana loogu magac daray (Ololihii
Horumarinta reer Miyaga) [ Rural Development.
Campaign.] waxaana ka faaiidaystay dad aad u
badan iyadoo ay socotay mudu sideed bilood
waxaana arintaasi soorta galiyay eebe ha u
naxariistee madax waynihii Soomaaliya Marxuum
Maxamed Siyaad Barre dowladii Soomaaliya ayaa
waxya ku bixisay miisaaniyad dhan 5225 Malyan oo
shilin Soomaali ah
(Middle East
Review 1981) ayaa waxaa uu sheegay in sanadii
1969 markii ay ardayda Soomaaliyeed dhameeyeen
waa sida uu qoraye ( 546,51 ) waxaana ay kur u
sii keceen 1970 iyoo gaaray (285,003) Balse
buuga isagoo qoraalkiisa sii wada ayaa waxaa uu
sheegay sanadii la daabacayay ee 1981 in ay
dhamaayeen ardayda soomaaliyeed 400,000 Sanadkii
1970 waxaa dugsi sare dalka oo idil ku yaalay
sida aan ka soo xiganay buuga 10 dugsi sare oo
ay Muqdisho 3 ku taalay halka Hargaysana 2 ku
taalay 5ta kalana gobolada dalka ay ku kala
yaaleen. balse 1979 ayaa waxaa si deg deg ah kor
ugu kacay dugsiyada sare ee soomaaliya waxayna
gaareen 37 dugsi sare. waxaa meesha aan joogu na
geeyay waa dagaalada iyo dirirtii aan galay
waxaana oo dhamaan xaartay aqoontii iyo
aqoonyahanadii,Tusaale Malaysia iyada ayaa
dadkeeda in ay wax ka soo bartaan dibada ugu
diir jirtay laakiin Soomaaliya kii wax yaqaanay
ayaa intii uu yaqaanay wadamada reer galbeedka
uga bariis raadsaday aqoonyahanada soomaaliyeed
iyaga oo kaashanayo EEBE iyo diinta islaamka ku
dhaqan keeda ayay ka saari karaan dhibka
soomaaliya haysta badalkii jaahiliin aan
waligood qalin iyo buug qaadan ay qaribi
lahaayeen dalkeena.
Diinta islaamka
ayaa waxay na faraysaa in wax la barto iyadoo
EEBE wayne quraanka uu ku daray soo rad la
yiraado (IQRA) Akhir oo macaneheedu yahay
baro,barshada aqoonta diini iyo maadiba umada
muslimiinta waa mid ku waajib ah maxaa yeelay
qofku inta oo jaahil yahay isaga ayaa cadow isku
ah marka laga tago dadka kale dhibka uu ku hayo.
Hormarku maahan
mid si sahlan lagu gaari karo,tusaale ahaan
dalkeena Soomaaliya waxaa aad ugu muhiim san in
marka la doonayo in hormar lagu tiigsado waa in
marka hore bulshadeena laga soo wada dhisaa
dhanka aqoonta waxaan wada og nahay in dadka
Soomaaliyeed qiyaastii inta badan ay yihiin
dad wax dhagaysta oo kaliya waxa loo yaqaano
(Bowsi ama cilmi dhigeed) anakoo halkaasi ka
shidaal qaadaanayo waa in dadka marka hore lagu
dhiiri galiyaa wax barashad iyo ahmiyada ay lee
dahay '' waxaan u soo taagnaa dad soomaali ah oo
Nairobi joogay oo tagay Dalka Maraykanka markii
ay halkaasi tageen ayaa ay dadkii kale fahmi
waayeen ee Maraykanka ahaa markaas ayay iyagoo
talo siinayo dad kale oo ehelkooda ah waxay ku
yiraadeen war luuqada iska soo dhisa ''
Soomaalidu inta badan dalalka shisheeye waxay u
aadaan sidii loo tabcan lahaa lacag oo kaliya
balse maahan in taas oo kaliya in laga fakaro
lacagta aad shaqayn 5 sano ama 10 sano hal
maalin ayaa la dhici karaa laakiin aqoonta aad
baranyso 1 sano ama 4 sano maahan mid laga dhici
karo sidaa darteed waa in dadku isku howlaan
dibada jooga in ay noqdaan sidii dadkii Reer
Malasiya ee dibada inta ay wax ka soo barteen
dalkoodii ku anfacay,
Dhamaad Dhamaad Dhamaad
Waa
Kuma Ninka Soomaalida 90% ay ugu Necebtahay
Afika maxayse ku Neceb yihiin.
Qoraa soomaaliyeed ayaa waxaa uu yiri Melez
Zenawi waa Ninka ay soomaalida 90% ay ugu Neceb
tahay Africa,Mid kale ayaa waxaa uu yiri Melez
Zenawi soomaalidu waxay ay u necebtahay
siyaasadiisa Qalafsan ee uu kula dhaqmo
soomaalida iyo Muslimiinta,Qoraa kela ayaa
qoraal ciwaan waxaa uu uga dhigay Zenawi oo
kaliya afrika oo dhan maxaa ay soomaalidu u
necebtahay?
17kii
March 2005 iyo 17ka March 2007 Baarlamaanka
Soomaaliya maxaa u dhexeeyo.
Waxaan doonayaa in aan maanta 17ka March
2007 iyo 17kii March 2005 is bar bardhigno
sida ay tahay xaalada baarlamaanka DFKMG ah
ee soomaaliya labo sano ka dib markii
gacmaha ay isku la tageen xubnaha
baarlamaanka DFKMG ah ee soomaaliya, Hotelka
(Grand Regency, Nairobi) dhexdiisa.