SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORMADA AXADDA
Daabaco Boggan | Print

Ardayda waxkabarta dugsiga H/Dhexe, iyo Sare ee Al-Bilaad ee Muqdisho..


Taangiyada Itoobiya oo Taagan Garoonka Muqdisho, Dec 06
William Zartman of Johns Hopkins University's School of Advanced International Studies says Somali dislike of Ethiopians runs deep. "One of my favorite Somali sayings is if you see a snake and an Ethiopian, kill the Ethiopian first because the snake might not be poisonous," says Zartman.  VOA
"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2007.. Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Qisooyinkii ugu Yaabka Badnaa ee aan akhriyo ....

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan

SomaliTalk,Nairobi,Kenya ,

Botaan1@hotmail.com


Waxaan idiin balan qaadayaa Akhirtayaasha Qiimaha iyo qaayaha badan ee ku taxan Websiteka SomaliTalk.com inan idiin soo bandhigo hadii EEBE idmo qormooyin aad u xiiso badan .

Hordhac kooban

Qormadaan waxaan ka soo qaatay kana soo turjumay Kitaab la yiraado '' inhaa malikah '' dhamaadkii boqoradii waxaana qoray ninka wadaadka ah ee loo yaqaano Dr Mohamed Cabdirixman '' Alcariifi''  waxaana igu dhaliyay in aan turjumo ka dib markii kitaabkaan aan arkay in xikamado iyo qisooyin aad u fiicani ay ku yaalaan waxaana go'aan saday aan akhirsyaasha SomaliTalk.com u soo bandhigo. 

Qormada Koowad ee kitaabku ku bilawday . 

Waxay ahayd gabar u dhalatay dalka Ruushka oo ka soo jeeday  qoys  reer diimeed ah oo ilaashan balse waxay ahayd qof aan muslim ahayn oo waxay haysatay diinta Christan Orthodox  waxayna ahayd qof diintaasi si aad ah ugu dhagan oo xag jir wayn ah. 

Maalin ka mid ah maalmaha ayaa nin gacansto ah oo dalkaasi Ruushka u dhashay ayaa  waxaa uu gabadhaan iyo gabdho kale u soo bandhigay qorshe ah in ay dalalka khaliijaka carabta ay u raacaan halkaasi oo ay ka soo gadayaan qalabka korontada kaas oo faaido badna ku leh dalkaasi ruushka  hadii la geeyo, gabdhihii waxay qabaleen qorshaasi gacansiga ah ee aan lawada helin qof nasiib leh mooyee balse maxaa ka danbeeyo . 

Markii ay yimaadeen wadankii Khaliijka ahaa ee ay u socdeen ayaa meel ay dageen dhamantood hotel ah, ninkii ayaa gabadhihii isugu yeeray  isagoo shaaca ka qaaday hadafkiisii gaarka iyo sirta ahaa ee uu watay, waxaana uu u sheegay gabdhihii in inuu doonayo in oo ficil xun ama sino wada sameeyaan  isagoo u soo bandhigay lacag iyo maal iyo waliba xiriir aad u xeel dheer iyadoo dhamaan gabdhihii ay arintaasi soo dhaweeyeen oo ay aqbaleen balse gabadhii u dhalatay Orthodox-ka ayaa waxaa ay ka biyo diidtay arintaasi oo ay ku tiri anigu ma yeelo ficilkaasi xun samayntiisa . 

Ninkii ayaa waxa oo sameeyay in gabadhii oo xiriirka u jaro isagoo subax u yeeray una sheegay in uusna siin doonin wax lacag dhar cuno ah inta ay sidaasi ay ka yeelayso isagoo dajiyay gabadhii meel ka mid ah gurigii ay daganaaayeen sidoo kale waxaaa uu ka qaatay oo uu kala tagay passpordii ay lahayd isagoo ku xaraystay boorsadiisa balse gabadho ma oga meel la dhigay passporkdii ay lahayd ee ay ku socsoctay . 

Iyadoo garan la' si ay saymayo passorkdiina wayday ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxay go’aan  ku gaartay in ay banaanka u baxdo oo ay xaaladeeda cidii wax ka qaban karta la socodsiiyo oo ay isaga fogaato ninkaan iyo naagahaan xun xun. 

Gurigii markii ay ka soo baxday ayaa waxay  meel jid  ah iska  marayso oo yaaban oo leh ‘’ xagee aadaa maxaa samayaa yaa ku caawin doona ‘’ ayaa waxay indhaha ku qabtay wiil dhalin yaro ah oo ay la sodaan dhawr haween ah waxay bilawday in ay dhankiisa u dhaqaaaqto waxayna kula hadshay afka Rushka balse wiilkii waxaa yuri iga raali noqo afkaas ma aqaano waxay tiri ma ku hadahsaa English . haaa buu yiri wiilkii dhalin yarada ahaaa ee carabka ahaa . gabadhii mar way faraxdaa marna way oydaa wiilkii iyo gabadhihii la docay way yaabeen waxayna waydiinyeen gabadha waxa ay doonayso. 

Gabadhii ayaa guda gashay in ay dhibka hayto si tartiib tartiib ah u sharaxdo oo iyadoo u sheegtay dhibka ku haysto dalkaan waxayna ka codsatay in ay laba maalin ama sadex maalin meel ay dagto siiyaan si ay xaaladeeda ula socodiiyo qoyskeedii ay ka timid ee laga soo siray . 

Waxay bilawday in ay Telephone wado dalka ruushka ah balse hawada ayaa xumayd oo dhawr bari ayay ku cel celisay oo ma ahaysan helin telefoonkii ay rabtay . 

Khaalid iyo qoyskii ayaa dareemay in gabadhan ay tahay qof aan islam ahayn oo christen ah waxayna bilaabeen in ay soo bandhigan islaamka iyo wanaagiisa balse way diiday oo waxay tiri inta aan idin la joogo iga daaya wax kasta oo ku saaabsan diinta islaamka diintaas diimaha ayaan ugu necbahay, khalid iyo cidiisi ma aysna muujin wax xaasidnimo ah iyo waliba wax kale oo xigdi ah wayna iska daayen.

Khaalid aya aaday maalintii danbe Markazka dacwada isagooo uga soo qaatay kutub badan oo ah kuwa ku quran afka ruushka oo ka hadlyo diinta islaamka iyo wangaadeeda isagoo isna guda galay inuu gabadha u sharxo diinta islaamka iyo waliba sharfteeda. 

Balse Akhirtow la soco qaybta labaad maalinta Axda soo socota ma islaami doontaa gabadhu iyo waliba xagee ku danbayn doota....

 

Akhri Qaybta 2aad....

Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoralkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH