SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


May 27, 2007: Geedi iyo Seyoum Mesfin oo calanka Itoobiya ka taagaya Xamar.... GUJI...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN
Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Maxaa Haweenkeenna Talyaaniga Looga Gacanhaatinayaa; Maxaase Huwantu Tafta u Haysataa 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Maxaa haweenkeenna Talyaaniga looga gacanhaatinayaa? Waxaan filayaa in ay jawaabtu iska caddahay. Dumar Soomaaliyeed oo ay niman iyo siyaasiyiin u yihiin dagaalooge iyo ashahaado-la-dirir sidoo kalana loogu sheekeeyey IGAD baa ammaankiinna sugeysa, Zenaawina waa samato-bixiyihiinna in ay cid kasta soo dalban karto iney arkaan ama la shiraan. Talyaanigu waxay arkaan hooyooyin Soomaaliya oo carruur faro badan gacmaha heysta oo dhooban xerooyinka qaxootiga ee waddamada dariska ah, qaar badan oo badda iyaga iyo ciyaalkoodu ku dhammaadeen iyo qaar iyagu badbaaday laakiin warasadoodii badda ku harqatay. Waxay kaloo arkaan kuwa iska dhiiba Yurub oo carruur wata oo intooda badan aysan la socon nimankii qabay. Teeda kale, waxaa intaas dheer waxayba ogyihiin wixii Kenya lagu soo dhoob-dhoobay iyo in Soomaaliya ay heysato Itoobiya ooy soo dirsadeen maamulka Maraykanka. Marka haddii waddanka la iska maamulanayo maxaa Talyaaniga u diidaya iney dhinacooda ka galaan? 

Huwantu ma diintii bey fahmeen? Ma waxaa dhibeysa haweenka aan raggu wehelin ee dibadda u safraya?! Hadday taasu jirto, shalay dumarka xijaabka qaba indha-shareerka kama fiiqdeen. Markaan dantoodu ku jirin; dumarka uma ogola iney safraan! Dorraad imisa hooyo iyo carruur baa Xamar ka qaxay markii Xabashidu duqeyneysay? Maa iyaga laga damqado oo la dhaho waryaan dumar rag aysan la socon bannaanka loo dirin? Teeda kale soow dhowaan maahayn wixii dumar xildhibaanno ah ay Koonfur Afrika aadeen? Imisa dumar xildhibaanno ama wasiirro ama ururrada rayidka ah sheegta baa dibadaha meeraya iyagoon rag wehelin? Nimanka hadda qeylinaya xaggee jireen? 

Maaddaama aan muslim nahay, anigu waxaan arrintaas ka qabaa wixii Islaamku ka qabo. Marka sida diintu u sheegto, qof kasta oo xaqa diidda aakhiro iyo adduun waa la ciqaabaa. Ka warrama haddii Talyaaniga oo wax ka bixinayey qarashkii Mbagathi aysan hadda huwanta dowlad u ogoleyn? Iyagoo soo taagan bey dumar warqad iskaga soo qorteen. Sidoo kale ma jirto cid dowladda ogeysiisay shirkaas iyo wuxuu ku saabsanyahayba! Qolyaha dowladda sheegta waxaa hadal iyo go’aan laga rabaa markii laga hadlayo wax waddanka burburinaya sida marka Itoobiya waddanka soo galeyso. In NATO (Maraykan) loo ogolaado in waddanka la soo gesho. Markii la rabo in badaha iyo berriga Soomaaliya la sumeeyo (fasax shirkado baaraya batrool iyo macdanta!). Iyo marka argagixiso (“diinta Islaamka”) lala dagaalayo. Laakiin wixii intaas ka soo haray waxay u taal “deeq-bixiyayaasha”. 

Inaan dumarka Soomaaliya rag heysan la iskuma hayo laakiin aniga lafteydu ma garanayo waxa khaaska ah ee Talyaanigu ka rabo dumarkaas laakiin waxaan shaki lahayn in meesha mashaqo ka soo socoto marba haddaan Soomaali wax la weydiin. Qolada huwanta ah ee Xabashidu hageyso iyaga hadal uma furna maxaa yeelay iyagu dumarkii bey Tigree ku laayeen marka qof dumarkii leynaya kama hadli karo safar dumar aan rag la socon waa haddii ay kala yaqaannaan sida dhibtu u kala weyntahay. Teeda kale dumarkan la sheegayo waa kuwa dheri dab saaran kara. Ogaada, marar badan, faqriga ayaa keena in dumar sharaf leh ay wax si ka noqdaan. Marka haddaad aragtid dumar ama niman ay waddamo shisheeye u yeerteen waa dadka ka dhex muuqda shacabka oo qadeyn kara. Nimanka intooda badan waa dagaaloogayaasha dhiig miiradka oo sidaas lacag iyo magac ku helay. 

Horay Talyaanigu wuxuu u arkay iyadoo dagaaloogayaal iyo niman kale looga yeerayo Addis Ababa. Sidoo kale waxay arkaan in odayaal-dhaqameedyo iyo kuwa siyaasiyiin sheegta oo safaaradda Maraykanka ee Kenya looga yeerayo. Marka Soomaalidu mar kasta wey dacaayadeyn jirtay Talyaaniga marka waa laga yaabaa iyaguna iney bilaabaan iney dumarka Soomaaliyeed u yeeriddooda bilaabaan. 

Sidaan horay u sheegay, haddii iyagoo dhowr ah loo ogolaaday iney Koonfur Afrika aadaan maxaa ku jaban iney Talyaani aadaan iyagoo boqol ah? Waa marka caqliga iyo dastuurkooda la fiirsho? Armaa reer Galbeedku is tuseen oraahdii laga sheegay riwaayaddii Xorriyo nin geyaa ha guursado ee lahayd: 

  • naa waa kanoo rag ma haynee
  • ha hayeen ubadkee
  • aannu weerarka aadno

Ma dhici kartaa in markan ragga lagu fiirsho dhallaanka iyo dhuuni-karinta? Mase dhici kartaa in reer Galbeedku waayeen niman Soomaaliyeed ooy la hadlaan? Oo is dhaheen bal markan dumarka ku daya? Oo Ashahaado-la-dirir iyo dumarka kee la qaataa iney arrimo Soomaaliyeed ka hadlaan? 

Marka Zenawi samato-bixiye noqdo, Ashahaado-la-dirirka iyo huwantuna ka hadlaan in dumar Xabashi heysato ay safri karaan i iyagoon rag la socon iyo in kale waxaa dhacaysa in waddamo shisheeye ay dumarkeenna ama carruurteenna ay casuumado u soo dirsadaan. Marka waxaan dumarka kula talin lahaa in middii mar xukun ama arrin Soomaaliyeed wax laga weydiiyo ay ku dayato haweenta Qur’aanka lagu xusay ee dadku Balqiisa ku sheego. Haweentaasi waa midda hal warqad oo nabi Suleymaan (CS) u diray tiri: waxaa la igu soo tuuray warqad wanaagsan! Haweenay mushkirad ahayd markaas baa markey BISINKA aragtay tiri waa warqad fiican. Marka idinkoo haysta BOQOL TOBAN IYO AFARTA waa ineydaan diintiinna iyo dhaqankiinna ka tegin. Waxaaba dhici karta in reer Galbeedku dhahaan: intaas oo shir baa nimanka Soomaaliyeed hagayeen, marka hadda waa in shirka soo socda ay dumarku soo xulaan sidoo kalana ay iyagu garhayeen ka noqdaan. Markaas waxaa dhacaysa in la magacaabo haweeney ka madax ah “shirweynaha” qaranka. 

C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com

Afeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 2, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com